|
100 Sano oo
Halgan ah ka dib, Maxaa la Faa’iiday ?
Waa arrin
fiican oo macquul ah in la qiimeeyo hawlgal kasta si loo
saxo ama loo badalo haddii ay cilad ama dhaliil jirto.
Ummadda Somalida Ogaadenya waxay wadeen halgan hubaysan iyo
mid siyaasadeed oo ay ku raadinayaan aayo-ka-talintooda
muddo kor u dhaaftay 100 sano. Mudaddaas dheer, waxaa
halganka ku naf wayday kumaankun, waxaa curyaamay tiro aan
xad lahayn. Waxaa baro baxay oo qaxooti noqday milyan iyo
xoogaa. Hanti badan ayaa ku burburtay. Waxay dagaalka iyo
colaaddu ay abuurtay dib-u-dhac xagga waxbarashada,
caafimaadka iyo adeegyada bulshada.
Haddaba,
waxaa lagama maarmaan ah in lays weydiiyo halgankaas 100
sano iyo dheeraadka socday wixii guul ama khasaaro ah ee uu
keenay.
Waxaa
iyana jirta oo in su’aasha meesha la keeno khasbaysa, waxaad
mooddaa in dadka qaarkii ay su’aalo ka keeneen halganka,
gaar haan, midka hubaysan, waxayna ku doodaan :“Maa Itoobiya
nabad wax lagaga raadiyo maadaama dagaalkii wax lagu keeni
waayey!”.
Haddaba,
bal aan qiimaynno dhibaatada haysata shacbiga Ogaadenya ee
loo aaneynayo halganka hubaysan, ka dibna, waxaan wax ka
sheegi doonnaa wixii la faa’iiday ama la khasaaray.
Sababaha
Halganka lagu naqdinayo
Waxaa
ayaamahan shacbiga Somalida Ogaadenya qaarkood ay ka hadlaan
dhibaatada horumar la’aanta ee dalka ka jirta iyo waliba
maamul xumada iyo musumaasuqa ka jira maamulka kililka.
-
Ma haysanno dawlad daris
ah oo ina siisa saldhig aan Itoobiya kaga soo duullo
-
Ma jiro dawlad illaa hadda
na aqoonsan oo taageero dhaqaale ama hub ina siisa.
-
Ma jirto magaalo ay
jabhaddu illaa hadda qabsatay oo ay ka taliso.
-
Abaaro iyo horumar la’aan.
Intaas
ka dib, ayay ku daraan sababo kale oo noqon kara wax nacfi
ah oo shacbiga Ogaadenya uu haysato oo lagaga maarmi karo
halganka.
-
Itoobiya oo isbadal ka dhacay oo dastuurkeeda ku qortay
in qawmiyaddii rabta ay Itoobiya ka go’i karto.
-
Itoobiya oo oggol in qawmiyadda Somalidu ay is-maamusho,
waxaana jira baarlamaan heer kilil oo Somali wada ah iyo
mid heer qaran ah (Federal) oo ay dad Somali ah ku
jiraan. Waa markii ugu horraysay oo ay dad Somali ah
galaan baarlamaan Itoobiya ama xil wasaaradeed ka
qabtaan Itoobiya.
-
Itoobiya waxay oggoshahay inaan afkeenna (Somali) isku
maamullo, dugsiayadana lagu dhigto.
-
Ciidamada booliiska oo ah Somali
-
Itoobiya oo si furan u qaabisha shakhsiyaadka u dhashay
Somalida Ogaadenya ee ugu taga inay kala hadlaan arrinta
Ogaadenya, taas oo aan hore uga dhici jirin xukuumadihii
ka horreeyey.
-
Waxaa
jira dad iskood isu xilqaamay oo dibadaha ku nool oo
mashaariic horumarin ah isku dayaya inay ka fuliyaan
dalka gudihiisa sida qalabka waxbarashada, ganacsi
yar-yar oo si gaar ah loo leeyahay, hanti laga dhisto
magaalooyinka ama waxyaabo kalaba.
-
Waxaa
jira dad dibadda ka tagay oo booqday Ogaadenya oo
iyagoon cidna wax u raacanin ku soo laabtay goobihii ay
ka tageen. Arrintaas waxay muujinaysaa isbadal xagga
Itoobiya ah oo ay joojisay amaba yaraysay dadkii ay
xidh-xidhi jirtay.
Maxaa
sax ka ah sheegashadaas kore ?
Arrimahaas aan kor ku soo xusnay iyo kuwo kale ayay dad
badan qiil uga dhigtaan sababta aan loogu baahnayn halganka
uu shacbigu wado, waxayna ku doodaan in aan haysanno xuquuq
nagu filan, loona baahan yahay in wax lala qabsado Itoobiya.
Inkastoo
aanan ku raacsanayn arrimahaa kor ku qoran, aana hubo in
ruux walba soo bandhigi karo boqolaal daliil oo lagu beenin
karo, haddana bal aan ka soo qaadno inay run yihiin.
Inagoo ka
soo qaadayna in sheegashadaas kor ku xusan ay run tahay, bal
aan ka hadallo wixii la faa’iiday iyo wixii la khasaaray
100-kii sano ee halganka la waday. Waxaan ku hormaraynaa
wixii la faa’iiday :
Faa’iidadii halganku keenay illaa hadda
-
Arrinta ugu muhiimsan ee guusha ah waa shacbiga oo isu
aqqoonsaday “Ummad iyo Dal” ee aan ahayn xuduud
labo dal isku haystaan ama gobol yar oo Itoobiya ka
tirsan.
-
Wuxuu halganku badbaadiyey diintii, dhaqankii iyo
sinjiyaddii shacbiga ree Ogaadenya oo ay Itoobiya isku
dayday inay cidhibtir ku samayso, hase yeeshee,
mintidnimadii iyo iska caabintii shacbiga darteed ku
badbaaday. Waxaa jira umado badan oo afkoodii,
dhaqankoodii ama diintoodiiba la dooriyey ama
degaankoodii laga bara-bixiyey.
- Shacbiga Ogaadenya meel kasta oo ay adduunka ka joogaan
waxay leeyihiin Jaalliyado matala dalka iyo dadka.
- Jaalliyadaha Ogaadenya waxay adduunka dhexdiisa u
ololeeyaan danaha dalka Ogaadenya.
- Marka abaaraha ama masiibooyinka dabiiciga ay dhacaan,
jaalliyadaha Ogaadenya waxay u istaagaan wax u qabashada
dadka waxyeeladu soo gaadho iyo waliba wargalinta
hay’adaha samafalka.
- Jaalliyadaha dibaddu waxay ilaaliyaan danaha
waddaniyiinta ree Ogaadenya, sida haddii dadka ra’yidka
ah naftooda iyo maalkooda lagu waxyeeleeyo meelo kale
sida dadkii ganacsatada iyo qaxootiga ahaa ee lagu
xidh-xidhay Waqooyi-Galbeed Somaliya.
- Qaddiyadda Ogaadenya waxay gaadhay dalalka adduunka
intooda badan, iyadoo meelo badan ay ka jiraan xafiisyo
ama wakiillo rasmi ah.
- Waxaa la qabtaa shirar ay isugu yimaadaan Jaalliyadaha
Ogaadenya oo lagu soo bandhigayo wararka Ogaadenya,
lagagana arrinsado wixii cusub.
Sababa Halganka lagu naqdinayo
ayaaba halganka u qiil bixinaya !
-
Halgankii hubaysnaa ee shacbiga Ogaadenya wuxuu ka mid
ahaa xoogaggii wax ka riday xukuumadihii Xayle Selaase
iyo Mengisto (Ma guulbaa mise waa khasaaro !).
- In
dastuurka Itoobiya lagu qoro in ummad walba ay aayaheeda
ka tashan karto,
inkastoon lagu dhaqmin, haddana,
waxaa keenay halgankii shucuubta
Itoobiya oo uu ku jiro shacbiga Ogaadenya (Ma guulbaa
mise waa khasaaro !).
- In
xubno Somali ah ay ka mid noqdaan baarlamaanka guud ee
Itoobiya,
inkastoo ay waqtigan magac u yaal yihiin,
baarlamaan kilil uu jiro, waxaa keenay
halgankii hubaysnaa iyo kii siyaasadeed ee shacbiga
Ogaadenya (Ma guulbaa mise waa khasaaro !).
-
Xadhigii iyo dilkii lagu hayey dadka ree Ogaadenya,
haddiiba uu yaraaday sida dadka qaarkii ku doodayaan,
waxaa keenay halganka hubaysan iyo ka siyaasadeed ee
shacbiga iyo waliba hay’adaha xuquuqul insaanka ee
Ogaadenya sida OHRC oo mar walba tooshka ku ifiya xad
gudubyada Itoobiya (Ma guulbaa mise waa khasaaro !).
-
Jiritaanka kililka, haddiiba loo arko faa’iido, waxaa
libiteeda leh oo keenay halganka.
Markaad si hoose ula sheekaysato kuwa Itoobiya u
shaqeeya, waxay qirayaan in inta yar ee ay wali sharaf
ku leeyihiin ay tahay “Wiilasha hawdka ku jira”, waa
sida ay ku tilmaamaan halganka
-
Odayaal ree Ogaadenya ah oo ergo ugu tagay dawladda
Itoobiya, kuna sugan Adis Ababa, isla markaana indhaha
iyo dhegahaba ay Itoobiya ka xidhatay, waxaa lala soo
xidhiidhay oo waliba ballan loo qabtay markii hawlgalkii
Mandad uu dhacay, waxaana laga hayaa oday ka mid ah
odayaasha inuu yidhi:
"markii
la xanuujiyo ayay ogaadaan inaan bini'aadam nahay,
nimanka seddexda bilood nala hadli la'aana hadda ayay
ballan noo qabteen".
Waa faa’iidadii Mandad oo
xitaa wax u tartay shakhsiyaadka Itoobiya u shaqeeya iyo
kuwo xukunkeeda hoos jooga.
-
Dalka Ogaadenya intiisa
badan, marka laga reebo magaalooyinka waawayn waxaa ka
taliya shacbiga Ogaadenya.
-
Dawlado badan oo addunka
ah ayaa garwaaqsaday xaqnimada halgankeenna, hase
yeeshee, nidaamka diblomaasiyadda darteed aan si toos ah
u sheegin.
-
Shakhsiyaadka isku dayaya
inay wax u qabtaan shacbiga, gaar ahaan xagga
horumarinta waxbarashada ama xagga samafalka iyo xitaa
kuwo leh itoobiya ayaan wax ka keeni karraa, wacyiga ay
ku garteen inay waxaas qabtaan waxaa keenay halganka.
Dhinac walba ka fiiriyoo, arrimaha ay ku doodayaan dadka
halganka su’aasha ka keenaya, waa guulo uu halganku keenay,
waxaana fiican in lays waydiiyo: Ma
inta aan hadda haysanno ee yar ayaan iska haysanaa,
haddiiba aan wax haysanno, mise waan
sii siyaadsannaa?
Haddiiba
aad u aragto inaan haysanno fursad aan Itoobiya wax inoogu
ogoshahay, waxaad ogaataa in lagu keenay halgan ee aynan
Itoobiya inoo garanin.
Dhinaca Kale,
Wax la khasaaaray ma jiraa ?
Haa,
waxaan og nahay in halgan aayo-ka-talin uu wato dhibaato naf
iyo maalba ah. Waxaa weheliya qax ama barakac. Waxaa si
joogta ah loo ciqaabaa, loo laayaa ama loo waxyeeleeyaa dad
aan waxba galabsan. Dadku waxay ku nool yihiin cabsi iyo
cabudhin joogta ah. Waxaa jira dib u dhac siyaasadeed,
dhaqaale iyo bulshaba oo ay sababayso gumaysiga iyo dagaalka
lagula jiro. Ogow, arrimahas waxay ka mid yihiin wadada
guusha loo maro, mana aha wax u gaar ah Somalida Ogaadenya
ee mid ummadaha xoroobay oo dhan ay soo wada mareen.
Gabo-gabo
Haddii
xukuumadda Itoobiya ay ku faanto, sanad walbana xusto
halgankii hubaysnaa ee ay xukunka ku qabsatay, maxaad
halganka shacbiga Ogaadenya aad su’aal uga keeni ?
Waa
su’aal loo baahan yahay in ruux walba kaligiis si deggan uu
uga baaraan dego.
Fadlan
wixii ra’yigaada ama dareenkaada ah ila wadaag.
Abdullahi Maxamed
Abdullahi_mahamed@yahoo.com
May 16, 2005
|