| |||||||||||||||
|
BAAQ KU SOCDA DHAMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED MEELKASTA OO AY JOOGTO. Marka ugu horeysa waxaan hanbalyo u diyayaa dhamaan dadkii waxgaradka ahaa ee isugu jiraay culimo udiin, aqoonyahan, indheergarad iyo siyaasiyiinba ee sida wanaagsan u taageeray go’aankii barlamaanka Soomaaliyeed ka soo baxay iyagoo uga hiiliyay wadankooda hooyo inta yar ee waxmagaradka ama calooshood ushaqeystayaasha ah una diiday in wadankooda loo bixiyo yaradkii gabdhaha Tigreega ah, ama la lakeeno ciidamada safarka hore gaar ahaan kuwa Itoobiya ee lawareegaya HIVda, marka aan is waydiino sababta ay u diidayaan waxaan shaki ku jirin in dadkaasi si wanaagsan u garanayaan in Itoobiya wax wanaag ah aanay usoo wadin ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba una qabto ciil iyo cadho soo jireen ah. Hadaba inaga oo garanayna in Itoobiya tahay dawlad aad u neceb Soomaalida oo aanay u kala soocnayn maxaynu uga indho saabanayaan walaaladeena Soomaaliyeed ee ku nool dhulka Ogadeeniya ee wayaanuhu sida waxashnimada leh ula dhaqmaan habeen iyo dharaarba, mise wiilka iyo gabadha ay Tigreegu jeelasha ku gumaadayaan baan inala dhalan oo waxay ku abtirsadaan ummaddo kale oo aan la aqoon, ma dhulkaas ayaan ahayn dhulkeenii hooyo, ma caruurta yar yar ee walidkood lagu hor dilayo ayaan la dhalan kuwa aan hoosta ku hayasano ee aan wada jecelnahay, ma gabdhaha wayaanuhu kufsiga ku gumaadeen ee caloosha kuwada sida garacda Tigreega ah baan dumaroow walaalaheen ahayn. Xumaanta ay Tigreegu u gastaan walaalaheen reer ogaadeeniya hadal kuma soo koobi karo waana mid dhamaan dunida oo dhan laga og yahay, hadaba waxay dadkaasi u baahan yihiin wax qabad qofkasta oo soomaaliya waajib ku ah meelkasta oo uu joogo taas oo laga rabo in qofkasta uu caloosha kuhayo in wadanku uu yahay wadankiisii hooyo dadkuna yihiin walaaladii kana xigo wayaanaha iska xijinaya ee ula baxay kililka shanaad iyo magacyo jinni oo uu ku baabi’inayo magacii dhulka loo yaqiin markii lagu wareejiyay boqortooyadii “Abasiiniya”. Hadaba waa maxay hiilku muxuuse noqonkaraa? Hiilka la inooga bahanyahay waa sidan 1- Inaan ka hadalno warbaahinta una sheegno dunida in dhulkaasi inaga maqanyahay dadkiisuna dulmanyihiin hiilna u baahanyihiin 2- Inaan qoro qoraalo aan ku canbaarayneyno xukuumada Itoobiya iyo siday ciidamadoodu ula dhaqmaan dadweynaha reer ogaadeeniya. 3- Inaan caawimo u fidino Jabhada la dagaalamaysa gumaysiga Itoobiya caawimadaas oo isugu jirta muruq iyo maalba. 4- Inaynaan ku dayan ragii la siiyay gabdhaha Tigreega ah ee codbaahinta u sheegay inaan dhul Soomaaliyeed ka maqnayn ileen gabdhihii ayaa lagala noqon haday soo hadal qaadaan dhulkaase. Ugu danbayn waa inuu ruuxkasta oo inaga mid ahi ogaado in cudurka jidhkaaga ku dhaca hadii aanu iska dawayn uu ku fidayo jidhkiisa ugu danbayna uu u dhimandoona, markaas gumaysiga Itoobiya waa cudurkaas dilaaga ah oo doonaysa inay Soomaalida dabar goyso ,sidaas darteed caano daadaba dabadoodaa la qabtaaye waa inaan ingu dabar jaraa intaanu ina dabar jarin.
| |||||||||||||||
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster. |