|
CAMBAARAYN FALXUMADI MAAMULKA PUNTLAND
Tar. 4/27/2008
Dhamaan
Odayada, Cuqaashta; Salaadiinta, Ugaasyada,
Aqoonyahanka, Siiyaasiinta, Culimada diinta,
iyo ururada bulshada gaar ahaan haweenka iyo
dhalinyarada ku nool Gobolada Galbeedka
Dhexe (Mid-west) ee Dalka Maraykanka ayaa
camabaarayn kulul waxay u soo jeedinayaan
Maamul Goboleedka Puntland. Cambaarayntan oo
ay sababteedu tahay dhacdadii foosha xumeyd
een laga fiirsan oo bishan Abril 22, 2008 ay
ku afduubeen ciidanka sirdoonka Puntland iyo
kuwa Tigreega oo uu horkacayey Wasiirka
Maaliyada Puntland Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaagaab)
iyagoo garba duubana ay gacanta u galiyeen
Gumaysatada Itoobiya ee ay Xukunto
Qowlaysatada Tigreega. Xubnaha Gumaysiga
Itoobiya gacanta loo galiyey kana tirsan
Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta
Ogaadeenya waxay kala ahaayeen;
1.
Cabdinuur Maxamed Sooyaan, iyo
2.
Maxamed Axmed Caafi (Dhiire).
Waxaa wax laga
xumaado ah in Maamul sheeganaya magac
Soomaali iyo mid Islaam inuu dad Soomaali ah
oo Islaam ah intay garba duub u xidheen
gacanta u galiyeen cadawgi ay Soomaali
dagaalka kula jirtay shan- boqol oo sano
welina ay kula jirto. Waxaa wax laga xumaado
ah inuu maamulkii Puntland uu ka door biday
walaalnimadii Islaanimadii, iyo dhaqanki
Soomaaliyeed raali galinta Xabashida Cadawga
ah.
Jaaliyadaha
Soomaalida Ogaadeenya ee degan gobolada kor
ku xusan waxay Shacbiga Reer Puntland ka
codsanayaan inay si ficil iyo afba ah u
muujiyaan dareenkooda ku wajahan falkan
cadawnimada ah ee uu ku kacay Maamulka oo
adeegsanaya magacooda iyo astaantooda gaarka
ah.
Falkan wuxuu
halis galinayaa xidhiidhkii wanaagsanaa ee
labada shacab. Falkan iyo ficilkan oo ah
Guumaysi u adeegid iyadoo uu Maamulka
Puntland adeegsanayo dhaqaalihii ay bixiyeen
shacbiga Puntland ayaa ah mid dhagar iyo
dakano u soo jiidaya Shacbiga Puntland.
Maamulka
Puntland wuxuu muujiyey inuu raali ka yahay
qaybna ka noqday xoogaga in la guumaysto, la
laayo, la xidh-xidho, la dhiibo, lana
dulaysto shacbiga Soomaalida Ogaadeenya.
Falkan wuxuu markhaati ka yahay in markuu
shacbiga Soomaalida Ogaadeenya uu khatar iyo
khalkhal galiyey guumaysatada Itoobiya inuu
Maamulka Puntland uu gurmad iyo is garab
taag u muujiyey Guumaysatada Itoobiya. Waxaa
xaqiiq ah falkan Maamulka Puntland uu ku
talaabsaday inuusan marnaba joojinayn
Halganka Xornimada doonka ah ee Shacbiga
Soomaalida Ogaadeenya ay ugu jiraan inay
duliga Xabshida ay iskaga qaadaan.
Iyadoo aan aad
u soo dhawaynayno hadaladi xilkasnimada ahaa
ee ka soo yeedhay wax garadka iyo odayaasha
Puntland, hadana waxaan rajaynaynaa in
hadalkaas ficil loo badalo. Isla mar
ahaantaas waxaan u soo jeedinaynaa; Shacbiga
Puntland, Cuqaashiisa, Isamadiisa, Culumada,
Waxgaradkiisa, Aqoonyahankiisa, iyo
Siyaasiintiisa inay yihiin kuwa uu xilku ka
saran yahay qabashada Maamulkooda iyo ka
hortigida falalka magacooda iyo fadligooda
dulmiga loogu gaysanayo dadka walaalahooda
ee Gumaysiga loo garba duubayo.
Iyagoo ku
hadlaya Magaca Jaaliyadaha Soomaalida
Ogaadeenya ee Gobolada Galbeedka Dhexe ee
Dalka Maraykanka waxaa Bayaankan
Cambaaraynta ah soo saaray dadkan
magacyadoodu hoos ku taxanyihiin:
1.
Caaqil Maxamuud Canshuur
2.
Caaqil Nuur Cali Abshir
3.
Caaqil Cabudllaahi Ciilmooge
4.
Caaqil Maxamed Cumar (Gaange)
5.
Caaqil Cabdi-fataax Caaqil Yare
6.
Caaqil Yuusuf Gamaadiid
7.
Caaqil Yuusuf Maxamed Aaden
8.
Caaqil Cabdinuur Siraad
9.
Caaqil Cadullaahi Kaad (Wiilyare)
10.
Caaqil Ismaaciil Aadan Cilmi
11.
Ugaas Axmed Ugaas Cabdi
12.
Dr. Xuseen Mataan
13.
Caaqil Muuse Maxamed (Qurxiye)
14.
Caaqil Cabdalle Sheekh Mursal
15.
Caaqil Xiis Cumar Jahaad
16.
Caaqil Maxamed Sh. Khaliif Dhicis
17.
Caaqil Cabdi-kariin Maxamed Xaaji
18.
Caaqil Xassan Qaloombi Cismaan
19.
Sayid Xassan Nuur
20.
Muxumed Xaashi (Gacamey)
21.
Caaqil Cabdullaahi Cabdi Yare
22.
Garaad-Yuusuf Suldaan Cali Sonkor
23.
Caaqil Maxamed Qaas Xayle
24.
Sheekh Cabdi Yuusuf
25.
Sheekh Digaale Qaadh
26.
Yuusuf Sahal
27.
Caaqil Cabdi Hudle
28.
Cabdullaahi Bishaar Maxamed
29.
Maxamuud Nuur Axmed
30.
Bashiir Ugaas Mahad
31.
Xassan Cabdi Hudle
32.
Ismaaciil Cabdullaahi Barkhadle
33.
Xassan Maxamuud
34.
Cabdi-caziis Ugaas Xassan Ugaas Xirsi
35.
Maxamed Axmed Daahir
36.
Anwar Maxamed Cali
37.
Cabdi-Naasir Xirsi Axmed
38.
Cabdi-Qaadir Muxumed Shiil
39.
Cali Yarow
40.
Cabdullaahi Afgooye
41.
Caaqil Garaad Maax Maxamed
42.
Ibraahin Jabuuti
43.
Cabdi Aaden (Cabdi-dheere)
44.
Muxiyadiin Maxamed Cabdille
45.
Cumar Maxamed Aaden
46.
Faarax Cabdi Hudle
47.
Axmed-Naasir Jirde
48.
Ciro Cabdullaahi Hiirmooge
49.
Cabdullaahi Gurey
50.
Sheekh Maxamuud Maxamed
51.
Muxumed Dhicis
52.
Maxamed Aaden
53.
Saacid Jire Qalinle
54.
Geelle Faarax
55.
Cabdullaahi Sheekh
56.
Carab Maxamed Aaden
57.
Maxamed Ismaaciil (Sayid)
58.
Caaqil Maxamed Qani Dhubad
59.
Caaqil Ismaaciil Shuuriye
60.
Caaqil Macalin Xoosh
61.
Caaqil Cali Yuusuf Saacid
62.
Shukri Goobe
63.
Murshid Cabdi Baaruud
64.
Maxamed Barkhadle Dhayliqi
65.
Ibraahim Cabdi Busle
66.
Maxamed Suldaan Cabdi Sonkor
67.
Suufi Cabdi Maxamed
68.
Axmed Ismaaciil Food
69.
Haweeya Xris Mahad
70.
Cambaro Aw-Axmed Muuse
71.
Xaliimo Xaaji Cali
72.
Xaliimo Cabdullaahi Buube
73.
Faadumo Xassan Bidde
74.
Aamina Xaaji Cali
75.
Siraad Cabdullaahi Barkhadle
76.
Cabdi Faysal Maxamed Gaani
77.
Abshir Faarax Cabdi
78.
Dr. Siraad Ismaaciil
79.
Dr. Cabdi Faarax
80.
Asad Khaliif Cali Wayd
81.
Faarax Xassan Rooble
82.
Cabdi Xassan Axmed
83.
Maxamuud Caydiid
84.
Maxamed Faarax Carab
85.
Cabdi Cadood Geelle
86.
Axmed Rafle Cabdullaahi
87.
Cali Maxamed (Cali-Yare)
88.
Maxamed Rashiid Sh. Cabdullaahi
89.
Xusseen Qarboosh
90.
Siraad Cabdi Qani
91.
Cabdullaahi Cumar Shide
92.
Cali Xaashi Faarax
93.
Maxamed Cali
94.
Miyir Aadan
95.
Hodan A. Ducaale
96.
Khadra Dhaameel Cabdi-Qaadir
97.
Sheekh Maxamed Cabdi
98.
Cabdirashiid Maxamuud
99.
Cabdullaahi Axmed Sahal
100.
Rooda Nuur Axmed
101.
Amaal Maxamed Cali
102.
Hinda Maxamed
103.
Dhudi Qaloombi Cismaan
104.
Cambaro-duwan Aaden
105.
Faadumo Xassan Yuusuf
106.
Ceebla Mahdi Gaboose
107.
Ardo Aw-siyaad
108.
Sahara Aaden (Afmadow)
109.
Ayaan Axmed Jabe
110.
Muuna Cabdi Bakool
111.
Dr. Xaaji Yuusuf Xaaji
112.
Maxamed-Amiin Mursal Axmed
113.
Kamaal Axmed Dacas
114.
Cabdi-Rashiid Axmed (Geel-qaad)
115.
Xassan Weli Guuleed
116.
Muxumed Macalin Axmed
117.
Axmed Jaqjaqaani
118.
Cabdi-Raxmaan Sh. Aaden Yare
119.
Xassan Cabdullaahi Geedi
120.
Maxamed Macalin Ibraahim |