|
DABAQOODHI
MA NAFTIISAA LOOGU DAW GALAY MISE DANA KA MAQAN BAA JIRA
Waxaan marar badan
kusigtay inaan wax ka qoro ninka waayadan danbe inagu soo
biiray ee ah dabaqoodhi balse aan is diidsiiyey in aan
wakhti ku bixiyo ka hadalkiisa
SHAQADA DABAQOODHIGA
Ninkani dabaqoodhi ahi waxa uu u shaqeeyaa ciidanka Itoobiya
mushahar ahaan waxa uu qaataa qabandida dawladaha dunidu
oogu deeqaan dadka reer Ogadenya ee ay abaaraha ba’ani
hayeen sanadahan ugu danbeeyay.
Shaqadiisu waa in uu ciidanka Itoobiya u ahaado gabdhwadeen
geeyana dhulalka baadiyaha ah ee ay ku suganyihiin ciidan ka
Jabhadu, waxaa kale oo inta la siiyo rasaas aan saa u
badnayn loo diraa 10 ilaa 15 ugu badnaan loona diraa in ay
soo raadsanaan lana soo dagaalamaan ciidanka jabhada ee ku
sugan duurka .kadibna jabhadii oo iska nasanhaysa ay xabad
ooda ooga qaadaan,
Sidoo kale waxa ay dabaqoodhigu marar aan badnayn laayaan
dad shacab ah oo ay oogu marmarsoodaan in uu la shaqyn hayay
ONLF, waxa kale oo ay magaalada gudaheeda soo gudbiyaan
magacyada dad shacab ah oo ay ku eedeeyaan in ay xidhiidh la
leeyihiin ONLF.
Shaqada oogu wayn ee ay dabaqoodhigu qabtaan waa in ay u
noqdaan ciidan ka Itoobiya wada mariye isla markaana la
raadiyaan halka ay jabhadhu ku sugan tahay, iyo in ay
xabashidu iyaga u dirto marka loo sheego in ay aagga ku
badan yihin ciidanka jabhadu markaasna ay ku fiiriyaan bal
sida wax u jiraan iyo xooga jabhada ee aagaga ku sugan,
markaas dabaqoodhigu ay xabadeeyaan jabhadda.
DHIBKA UU SOO HOOYO DABAQOODHIGU
Dhibka oogu wayn ee uu soo hooyo daba qoodhigu waa in uu
waayo naftiisa macaan kuna dhinto meel aan looga baahnayn,
ama in uu dhaawac halis ahi soo gaadho.
Xiliyadi aan is diidsin jiray in aan wax ka qoro dabaqoodhi
ayaa waxaa aan la kulmay waxyaabo iga dagi waayey oo ay
dadka qaarkii ku sheekaynhayaan, taasi oo ah in dadka reer
Ogadenya qurbuhuba ha ugu sii badnaadee loogu sheekeeyo ONLF
ayaa dad idink alaysay iyo hebel ayay ula kac udileen, iyo
nin behel maxay dileen, arinta dhabta ah ee aana jawaabta u
waayay ayaa waxa ay tahay muxuu yahay sharciga u
xalaalaynhaya in uu duurka inta uu kuusoo raadsado xabadna
usoo qaato ONLF ay ku badbaadin marka uu la dagaalamo, saw
in ay iska celiyaan maaha.
ONLF dad badan ayay dishay ilaa iyo hadana lama hayo nin
inta ay u yimaadeen isaga oo gurigiisa jooga ay dileen waynu
is wada naqaanaaye dhamaan nin walba oo la yidhaahdo ONLF
ayaa dishay waxa uu ku dhintay dagaal uu kusoo qaaday iyaga
oo duurka ku sugana uu soo weeraray,
Waan is wada ognahay ONLF way usoo raadsadaan Xabashida
hadba ninka ay markaas maagan yihiin magaalada, balse
xaqdhowr ay shacabka sharafta leh ee reer ogadeyna u hayaan
ayay isaga u daayaan iyaga oo rajaynhaya in uu is kaga
waantoobo u lana sugaan inta uu ka waantoobahayo, hadii uu
waantoobi waayo inta uu soo qaadan qoriga ee uu u soo dagaal
tegahayo isaga oo huwan shaadhka ciidan Itoobiya .
Si wanaagsan ayaan ugu dhaba geli jiray intii ay soo
cusboonaatay dbaqoodhiyeyntu, aana sheeeko gaaban kusiiyee
maalin maalmaha kamid ah ayaa waxa aan nin aan isgaran
haynay ka sheekaysanay nin aan qaraabo ahaayeen hantina iska
haystay ayaa waxa uu lahaa beer uu xogaa ka beeray khudaar
yaryar waxaana uga shaqyn jiray shaqaale dhawr ah, ciidanka
Itoobiya ayaa ninikii inta ay usoo gaantifeen waxa ay ugu
sheekeen beertaada waxaa ka cabba ONLF ee maxaad ciidan ka
kaaga shaqeeya beerta oogu samayn wayday hub ay iskaga
difaacaan ONLF waayaab! Wuu ka yeelay wuuna sameeyay kadib
waxa ay maalin danbe u yeedhen isagii una sheegeen in beerta
ilaa 5 kiilo mitir meel u jirta ay ka ilaaliyaan ONLF oo
aysan soo gelin aagaas wuu la booday oo agagaarkii loo
jeexay ayuu 20kii wiil ee u shaqynhaysay kusoo wareejiyey
ilaa oo la gaadhsiiyey in uu ka raadiyo ONLF gobolka kadib
markii uu hantidii uu haystay oodhan ku dhamaatay raadinta
ONLF Axmaaradu xabsi la maaganaayeen muddo uu ku jira ..……
Ninkas aan wada sheekaysanay ayaa waxa aan waydiiyey bal
sida dhabta ah ee ay ku bilaabatay ayaa ii sheegay in ninkan
xili ayXabashida isku dhacsanaayeen lana maaganaayeen ina y
xabsi dhigaan ay jabhadu inta beertiisa iyo magaalada
Dhagaxbuur u dhaxaysa gaadhi ku joojiyeen deedna gaadhigi
magaalada iyo xabashida ay gaadhay in ay jabhadu joogto
halkaas deedna Axmaaradu ay ku tidhi waxa jabhada la
moodahayo ee dadka joojiyey waa ciidankaaga, hubaysan waa
yaab bal u fiirso akhriste iga ayaa hubeeyey iyaga ayaana
hubkii oogu soo dhuuman haya.
Kadibna isaga oo eedda iska duwahaya waa sida uu hadalka u
dhigaye ayuu marki ay u yeedheen ku jawaabay aniga ma’ aha
ciidankayga aad hubayseen ee waa ONLF ee inta aad
gaadhigygan ku qaadaan ciidanka ka daba taga oo soo laaya.
Sidi baa la yeelay isla daqiiqadiiba gaadhigisii ayay ku
qaaadeen ciidan Axmaaro ah halkasana ay kaga dileen hal nin
oo jabhad ah, ila xugmi akhriste gardarda itaas leeg iyo
kuwo ka waawayn ayay gaystaan dadka odhan haya ONLF ayaa dad
naga laysay.
Runtii waa guul darro aad u wayn in laga baryo war gurigaaga
iska joog ama magaaladaada hana soo raadsan ONLF ta duurka
kujirta bal in ay kusoo doontaan, ONLF ilaa iyo hada lama
hayo xattaa shaqsiyaadka looma ooyaanka ah ee u go’ay
Itoobiya gaadaafaynhayana hadh iyo habeen shacabka iyo ONLF
in ay inta oogu yimaadaan ku dilaan magaalada balse waxay la
sugaan inta uu xabada uu kuso riyadayaa dib oogu soo
noqonhayso.ONLF iyo ciidanka Itoobiya waa kala ma’adkaan
wayna dagaalami inta ay Itoobiya kala bixi ciidankeeda
dhulka Ogadenya ee saw khalad cad ma ah waxa ka maqan ee
oogu soo dagaal tegi jabhada,miisaalkiisuna ma aha jiirkii
bisada hilibka ku maagay,keli ah kama raacayso in uu
naftiisa iyo maalkiisa ku waayo dagaal gardarro ee waxa ka
raaci ubadkiisa raad taariikheed oo madaw. Hadaba akhriste
nimanka hadh iyo habeen inta ay isasa soo uruursdaan odhan
haya ONLF ayaan la dagaalamaynaa dagaalkana kusoo qaadahaya
jabhada duurka ku jirta saw in abaalkood la mariyo ma’aha
bal soo sheeg hadii aad daliil u hayso lagu badbaadin karo
oo aan ahayn in ay gurigooda iska fadhiistaan iina soo qor.
Ma’ aha ONLF wax ay wax kaqaadi 5 wiil oo isku tuulo ku
dhalatay isuna keentay isku jilibbaan nahay uuni ee ONLF waa
ciidan ka loo hindisay in ay u babacdhigan quwadda Itoobiya
xornimona gaadhsiyaan dadka iyo dalka Ogadenya, cidii ku
hawlanaata ka garab dagaalan ka Itoobiyana iyaga uunbaa ku
curyaami qayrkoodna ka yaraan,mark a ka daalaana iska daadin
qoryaha ee ma aha wax ay ONLF gaadhsiin karaan marnaba
waxyeelo.
XAL MAXAA U AH DADKAAS?
Xalka oogu wayn ee uu naftiisa kaga badbaadi karo halaaga
waa in uu gurigiisa iska jooga farahana ka qaado raadsashada
uu ONLF duurka u raadsan hayo. Dagaalka ay ONLF kujirtaa
waxa uu ka socdaa inta badan gobolada Ogadenya oo dhan waana
olole looga golleeyahay xoraynta ciida Ogadenya, lagagana
saaro dhamaan ciidanka Itoobiya isla markaana la gaadhsiiyo
dadka Ogadanya xornimo buuxda.Hadaba shaqsiyaadka ku hawlan
ka garab dagaalan ka Itoobiya waxaa la gudboon inta ay goori
goortahay ee aysan cadceedu ka kor beryin ay faraha ka
qaadaan raadinta waxyeelaynta shacab iyo raadshada ONLF
danahooda shaqsi ahaaneedna ay eryadaan. Shaqsiyaadkaas waxa
la gudboon in ay gartaan dantooda inta ay goori goortahay
haystaana jaaniska muhiimka, maadaama aysan jirin cid ku
raad raacaysan xiligan xaadirka shaqsina danbiyadiisii hore
isla markaana ku wax yeelayn haysa gefaf hore oo uu sameeyey
isla markaana uu faraha kala baxay samayntooda.
ONLF waxa ay dishaa oo keli ah ninka inta duurka oogu
yimaado la dagaalama xabaddana ku horrida, xataa dariiqa
haday ku qabtaan waxba kama su’aalaan acmashiisii iyo wixii
uu ku hawlanaa marka ay oogu badiyaan waa marka ay waano
usoo jeediyaan.
Dadka shacabka ah ee ku dhaqan meelaha ka baxsan wadankana
waxaa la gudboon in ay ka war hayaan dhaqdhaqaaqa
shaqsiyaadka ay qaraabada yihiin ay ka wadaan gudaha wadanka
iyo waxa ay ku hawlan yihiin, intii ay kusoo baraarugi
lahaayeendhimashada nin laga ledi waayay isla markaana ay
keeni la haydn fal aana laga fiirsanin.
wixii qoraalkan ku saabsan kala xiriir
Hereri Haji
hereri01@hotmail.com,
Copyright © 1998-2002 OGADEN
ONLINE All Rights
Reserved.This site is created by Ogaden Online.
Reproduction of any material
on this site is prohibited without express permission of the site owner
and the webmaster.
|