| |||||||||||||||
|
DANTA IYO MASLAXADA UMADDA OGAADENIYA XAGEE KA RAADINAA? Waxaan qalinka u qaatay, iguna kalifay in aan soo qoro qoraalkan aan ku baadi goobayo bal in aan helo ama ogaado jawaabta saxda ah ee aan ku ogaan karo danta iyo maslaxada shacabka Ogadeniya dhanka ay iga jirto iyo cida ay gacantooda ku jirto ka dib markii Mudadaan danbe ay soo if baxeen fikrado iska hor imaanaya oo si xawli ah ku socda, dhamaantoodna sheegaya in danta iyo maslaxada shacabka Ogadeniya waxa ay sheegayaan ku jirto. Sidoo kale waxaa jira oo aad ugu soo badanaya Websites ka iyo meelaha kale ee afkaaraha lugu soo bandhigo guux, qaylodhaan iyo jahawareerin badan oo ku wajahan shacabka dulman ee reer Ogadeniya. waxaa xusid mudan in aan wax ka taabto waxyaalaha aasaaska u ah ama ay ka duulayaan hadaladaan iyo fikradahan faraha badan ee iskhilaafsan. waxaana aasaas u ah arimahan soosocda. 1. Kililka Shanaad wax loo yaqaan 2. Itoobiya-da Fadaraalka ah (Dowlada Dhexe) 3. Cuqaasha, waxgaradka iyo Odayaasha Ogaadeeiya 4. Ururka ONLF. Hadaba hadii aynu ogaanay gundhiga figradahan oo ah afartaan qole ee aan kor ku soo sheegaynay, waxaa iswaydiin mudan afartaan qolo yaa ka mid ah oo danta iyo maslaxada Ogadeniya ay gacantiisa ku jirtaa, ma Kililka shanaadbaa shacabka dan u ah? ma Dowlada Itoobiyaa shacabka dan u wada? ma guurtida iyo odayaasha ogaadeeniyaa masiirkii umada gacanta ku haya oo dantu ugu jirtaa? mase ONLF ayaa ah mida shacabka Ogadeniya dantiisa haysa?. Hadaba bal aan mid mid u dul istaago afartaan qolo. Kililka Shanaad Bal intanan sharaxaad ka bixin Kililka, aan soo bandhigo su'aasha ah "Yaa aasaasay ama sameeyey Kililka? ma shacabka Ogadenbaa ikhtiyaarkiisa ku doortay mise Addis ababa ayaa soo go'aamisay in la sameeyo Kililo? Maxaysa tahay ujeedada shucuubta Itoobiya ee ay ogaadeniya ka midka tahay loogu kala qaybiyey Kililo? Muxuuse yahay yoolka dhabta ah ama kama danbaysta ah ee loogu talagalay in uu gaadho Kililku? Ma in uu shacabka reer Ogadeniya barwaaqo, badhaadhe iyo horumar gaadhsiyaa? ma in uu dhulka Ogaden loo yaqaano Itoobiya u waardiyeeyaa? mase waa in lagu mashquliyo laguna maaweeliyo shacabka reer ogadeniya ee ay ka muuqato diifta iyo daranyada gumaysiga mudad dheer baa?. Kililka shanaad wuxuu si toos ah u shaqaynayey mudo toban sano ka badan waxaana soo maray in ka badan 7 madaxwayne, barlamaanka iyo wasiiradu tiro ma lahan oo maba soo koobi karno. hadii marka la isku qaygiyo mudada iyo madaxwaynayaasha sida aan filayo midkiiba waxa ku soo aadaysa sanad iyo lixbilood (1.5 sano), waxaaa halkaas kaaga cadaanaysa in ayna suurta gal ahayn in madaxwayne uu qorshihiisa siyaasadeed, dhaqaale iyo kiisa nabadgalyo uusan waxba kaga qaban karin sanad iyo wax la mid ah, halkaas waxaa kaaga soo baxaysa jawaabta su'aasha aan kor ku soo sheegay ah "haa mashquul, maaweelin iyo iska daba wareeg ayaa loo aasaasay Kililka". sidoo kale kililka shanaad muxuu ku soo kordhiyey shacabka aan ka ahayn in uu noqdey Tool loo isticmaalo oo lagu laayo, lagu xirxiro laguna dhaco shacbka Ogadeniya. dhan kale ma damaanad qaaday mise wuu sii fogeeyey oo wuxuu fursad u noqdey askari dable ah in uu xuquuqda aasaasiga ah ee shacabka Ogaadeniya ku tunto, dadkana goor habeen ah guriyahooda lagala soo boxo xabsayadana laga buuxiyo inta ka soo hadha rarsaasta tikreega, isla markaana maxkamad la'aan lagu hayo xabsiyda in ka badan sanado. sidaas darteed waxaan odhan karnaa Kililku in uu dan umada u hayo iska daaye wuxuu mugdi iyo shaki galiyey mustaqbalka iyo jirtaanka Shacabka Ogaadeniya. Itoobiya. Ujeedada Itoobiya ay ka leedahay Ogadeniya waa mid iska cad oo aan cidna ka qarsoonayn. waxaana ka taliya oo xukunku gacantooda ku jiraa Qowmiyada laga tirada badan yahay ee tikray, kuwaas oo damacooda iyo hankoodu yahay in ay abid gacanta ku hayaan Itoobiya, dariiqa kaliya ee ay jeexdeen oo ay ku gumaysan karaan qowmiyadahas tirada badana waa dil, cabsi galin iyo caga juglayn joogta ah. sidoo kale xukumada itoobiya waxaa qaaciido u ah fikirkii xayle Salaase ee ahaa qaybi oo xukun. marka suura gal ma tahay in nin qorshihiisa iyo istaraatijiyada uu kaa leeyahya tahay in uu dusha kaa saarnaado oo ku gumaysto hadana in uu waxbarasho , tacliin heer sare ah, horumar, dhaqaale iyo ilbaxnimo kuu ogolaado. Itoobiya waxaa inooga filan maahmaahda Soomaalidu ku maahmaadaa ee ah "nin ku dilay hadh kuuma jiido". Odayaasha Ogaden. Odayaasha iyo waxgaradka umada Ogadeniya waxay baal dahab ah uga qoran yihiin buuga taariikhda shacabka Ogadeeniya. waxayna ku mutaysteen in ay taariikhda baal dahab ah ka galaan geesinimada, kani adayga, dulqaadka iyo halganka adag ee ay u soo galeen shacabka dulaman ee Ogaden. Xaqiiqduna waxay tahay hogaamiyayaasha dhabta ah ee ruuxiga ah ee shacabka Ogaden waa Odayaasha, go'aanka ay gaaraan ayaa umada masiirkeeda lagu go'aamin. sida go'aankii bilowgii shagaashamaadkii ay ku gaareen shirkii herar oo ahaa in afti laga qaado shacabka Ogaden, kiibaana ilaa maanta taagan oo lagu shaqaynayaa, waxanan filayaa in ay qaadan doonaan go'aamo ka sii qaalisan kana muhiimsan midkaas aan soo sheeganay. waxaan ka xuamahay in dadka wax soo galiya websiteska ay meel uga dhaacaan shacabka Ogaden iyo odayaashiisaba, kuwaas oo ku sifeeya odayaasha ogaden odayaal aan la rabin oo cidlo ordaya. taasna waxaan u arkaa in ay gaf ku tahay sharafkii iyo mansabkii cuqaashteena. si kastaba ha ahaatee odayaasha Ogaden waa taalada taariikhiga ah ee u taagan midnimada iyo gobonima doonka shacabka Ogaden. Waxaan suura gal ahayn odayaasha Ogaden oo la yaqaana sida ay talada u helaan go’aan fiicana u qaataan in ay garan waayaan khiyaamada iyo dibin daabyada isticmaarka Itoobiya, waxaa kaliya tusaale ugu filan odayaashii 3 bilood ka hor Addis ababa joogay ee inta balanta loo qabtay looga baxay ee aan hadana intaas lagaga hadhine markay soo laabteen khiyaamo kale lagu sameeyey oo odayaal aan ku wii lala balamay aan ahayn dib loo abaabulay isla markaana goobtii goob aan ahayn lagula kulmay, taasina waa dhacdo ka mid ah dhacdooyinka khiyaamada huwan ee isticmaarka Itoobiya. Mida kale odayasha iyo ONLF xidhiidhka ka dhexeeyaa intee le’eg yahay, miyeyna ahayn odayaashu kuwii aasaasay ONLF ee u jeexay Istaraatijiyada ay ku shaqaynayso. Marka yaa ku kala dhax jira waaba yaabe in ay mar kale odayashu talo iyo tusaaleba ula yimaadan ONLF ta, maxaase loo kala gurayaa dadka isku midka ah ee ah usha iyo diirkeeda. Hadal iyo dhamaan odayaasha iyo ururka wadaniga xoraynt ogaden waa sida tan: ONLF+Odayaasha-Kililka=shacabka xalaasha ah ONLF. Waxaa wax lala yaabo ah laguna qoslo dadka fikrada ama aragtida meesha dhow wax ku cabara ku waas oo inta badan gashada ama qaata Okiyaalaha ama mcroscopeka lagu arki karo ili ma qabatayga bacteeriyada qabiilka iskaba daa mida muuqate. waxay qoraaladooda u dhigaan in ONLF tahay urur qabill, mid danayste iyo mid nin jeclaysi, iyaga oo ku sifaynaya ONLF urur danayste ah oo ka godoonsan shacabkiisa, kaasoo ugu tala galay in aan shacabka Ogaden helin nabadgalyo. Waxaan wali kala saari la’ ahay kuwa sida daqiiqa ah qabyaaladu u saamaysay markastana duraya ama wax ka sheegaya ururka kaliya ee shacabka Ogaden matalaya, dagaalka adagna kula jira isticmaarka Itoobiya in ay yihiin mawaadiniin Ogaden u dhashay iyo in kale. Waxaan sidaas u leeyahay caalamka kama dhicin sheekona lagu mahayo in nin xuquuqdaada, mida dadkaaga mida dhulkaaga habeen iyo maalin u taagan naftiisana u huray, fikirkiisa iyo awoodiisa oo dhana isugu geeyey in aad adigana geed dheer iyo mid gaaban u fuusho sidii ugu yaaraan aad u garaafayn lahayd hadaad wax kale yeeli kari waydo. Runtii waa arin cajiib ah oo caqliga saliimka ah oo diidayo. Tan kale waa kuma ninka taariikhda ku hayaa abid in ay dhacday in dad ay iska xoroobaan iyaga oo aan awood iyo sanduli lagu xorayn mase dhacday Africa oo dhan ayaa la gumaysan jiraye inta odayaal loo diro gumaysiga khayaamda badan in uu u soo ansixiyo gobonimo, jawaabtu waa maya. Fikirkayga iyo aqoonta aan u leeyahay ONLF aniga oo kaashanaya waxaan dhihi karaa ONLF waa hoyiga lagu barbaarinayo maslaxada iyo danta mujtamaca Ogaden. Laakin ogow ma lihi ONLF waa malaa’ig ama waa rusul rabbi soo diray oo aan qaldamin, way qaldami karaan, xad gudub bay samayn karaan, wax aan shacabka dan u ahayn bay dan moodi karaan, maxaa yeelay waa banii’adam macsuumiina ma aha, maxaase meesha yaala in loo nasteexeeyo, la toosiyo lala taliyo. Hadiise inta waxaas oo dhan laga bodo la damco shacabka iyo dhaqdhaqaaqooda ONLF inta la baabi’iyo jiha kale oo Zero tagan wax laga biloobo taasi ma saxbaa saaxiibka caqliga badanoow. Jawaabtu waa maya. Mida kale waxaan maqlaa ONLF ayaa masuul ka ah nabad galiyo xumada, horumar la’aanta, dib u dhaca, caafimad xumada Ogaden ka jirta. Laakin bal aan is waydiino xiligii boqortooyooyinkii xabashida ee Mililikh I, Mlililkh II iyo Xalayle silaaseba ma ONLF baa ku khasabtay in ay Ogaden ka dhigaan goob dagaal, xeryo mulatari, iyo Buffer Zona. Halkaas waxaa kaaga muuqan karta in qorshaha Itoobiya uu yahay mid ka qota dheer ONLF, Kililka iyo Odayaashaba, waxaa kale oo kuu muuqan karta in nimanka tashuushka iyo eedaynta harqaniyaa ay eedaynta ONLF awr ka ku kacsanayaan si ay danahooda gaaban oo khaaska u ah u helaan meeshay rabaan ha ka heleene.
Abdirahman Hassan
| |||||||||||||||
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster. |