Chat

Forum

Commentary and analysis

Cabulaahi Falan dhan isu raac!
 

La mood noqonse weydey, waa yaab, dhakafaar ee odagani maxuu u kala garan weysanyahay inay kala duwan yihiin qaranka iyo qabiilku? war taladi ba'yow soo talo kuguma dhalato? War adoo Sideetan jira, dadka,dalka iyo dhaqnkaba ay in yar oo naga mid ahi kugu tuhmayeen inaad wax ka ogtahay, maxaa mustaqbal iyo maanlaawoow kuugu wacan inaad cid kale daaye aad 273dii martida kula ahaa aad ugu kala shirisaa beel, jufo iyo jilib?

Waan kuu hanqal taagney waadna na han jabisey oo intii yarayd ee kula joogtayna inaad isu keento daaye waad isku dirtay oo waa kuwaa aad ka dhigtay dhoocilo laysugu daray dheg bulukaati ah, Malaayiintii dalka jirtay oo kaa dhursugayayna candhuuftooday dib u liqeen markaad ku tiri anigu XABASHI baan ahay, weerar ayaanan Somalia ku qaadayaa anoo ciidamo Xabashiyeed abaanduulahooda ah. Oday CABDULAAHI fadllan dhan isu raac oo na tus inaad XABASHINIMDA aad shegatay tahay oo weerarka dadkayga iyo dalkayga dadaji, ama oday qabiili ah baad u muuqataaye deg deg isugu guro oday qabiileednimada, ama ilaa iyo hadda adigaa isu daran oo istooriyeeye iska daa dhibka aad isku haysid oo u cile abtirkaaga Somalinimo una dhaqan sidii oday Somaliya oo dhab ah, markaa ka dibna ah madaxweynihii dadka iyo dalka Somaliyeed.

Shan bilood ayeey ku dhowdahay markii ay 189 wax ma garato kuu doorteen Madaxweynaha Somalia ee go'e ka kac meesha ee XABASHI, QABIILI iyo SOMALI mid wada noqo ileyn isma qaban karaan oo midba in kama ahaan kartide, annana waxaa noo sahlanaan lahayd saan kuula dhaqnno inkastood ilaa iyo hada u muuqatid xabashi iyo oday qabiil oo isku dhafan, dhaqan iyo dhalsho Somalinomo adaa iska fogeyey ee war hoy odagoow isdabo qabo dalcad baad ka laalaadaaye hadii kalena waxaa diiwaanka taariikhda oon nixin kuu geli fool xumo gaamurtay iyo inaad tahay Ratigii markuu reeryadiisii laystay asagii is cunay.

Oday Cabdulaahi shirarka aad sida joogtada ah beelaha ula sameyneysid oo ah kuwo aad dadka walaalaha ah ku kala fogeyneysid nagala dhex bax oo orod la tag Addis, koley ALAM BAQAA ku sugeysee, waxaana ogaataa dawladuhu SAAXIIB joogta ah ma leh ee waxay leeyihiin DAN joogta ah. Waxaan ku soo gebagabeynayaa sheekadaan inaan tilmaamo inaad ogataan in xoogaaga yaree lacgta ah ee dunida dawladda idin mooday dalka Somaila idiinku dhiibtay ay khalad weyn tahay inaad danihiinna gaarka ah iyo qabiiltoona u istimaashaan, sida tan aad ku bixisay wasiiro ku sheegyo si ay uga qeyb galaan aasaska odayaal dhaqmeedyo qabiil oon haba yaraatee lug ku lahayn danta guud ama gaar oo Somalia iyo dib u heshiisiinta toona.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay isa soo tarayey wararka sheegayaa in meesha lagu magacaabo XAAFUUN ee ku taal Waqooye Bar ee Somalia uu oday Cabdullaahi Yusuf ka iibiyey shirkad shisheeye ah oo la yiraahdo HAFZA, waxaana la sheegay inuu Cabdulaahi wakiil u ahaa ninka lagu magacaabo AXMAD MAXAMED CIGAAL.

Dad ayaa waxay ku doodeen inay hawshaasi u taal PUNTLAND iyo dadkeeda, doodaasi wa mid ay qabaan oo keliya inta cagta iyo caloosha ka fakara ama ku fakara, waayo XAAFUUN Gobol ma leh, qoys, qof iyo qabiil ma leh, waxaa leh Somalia, cid iibin karta oon ummadda Somaliyeed ahaynna ma jirto, hadii ay cadaato in dhul " hal taako" Somaliyeed la siiyey shisheeye waa in cidii ka dambeysey ay mutaysataa toogasho.


Qays Xaji
birjex@yahoo.com


 

 

Copyright © 1998-2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.  
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.