|
Dhaqdhaqaaqa odeyaasha Ogaadeenya
Diyaariye: Abdeeq, Cabdi Cumar
15.07.05
Muddo lix bilood iyo ka badanba ku siman waxay odayaasha
dhaqameed ee beel ka mid ah beelaha soomaalida Ogadenia
dalkooda gudihiisa ka wadeen dadaal mintid ah,kaasoo ay ku
beegsan hayeen inay dhibaatada wajiyada badan leh ee
dadkooda haysata sida dilka, dhaca hantida, duudsiga
xuquuqda, xadhiga,kufsiga, cudurada, diihaalka, jahliga,
horumar la-aanta, shaqo la-aanta wax ka qabtaan oo xal u
raadiyaan. Odayaashaas oo ka kooban suldaano, ugaasyo,
garaadyo, cuqaal iyo waxgarad xushmo iyo qadarin ku dhex leh
bukshada iyaga ayaa iskood isu xiqaamay, ka dib markii ay u
adkaysan kari waayeen xaaladda dulmiga laga argagaxo ah ee
dadkooda haysata.Waxay goaansadeen inay si fool-ka fool ah
ula soo xaajoodaan ninka ugu xoog badan dalka Itoobiya(the
strong man of Ethiopia) ee ah kaligii taliye M.Zenawi. oo ay
fadhigiisa rasmiga ah ugu tagaan iyaga oo ah ergo ah oo
xambaarsan gocashooyinka iyo dalabaadka dadkooda dulman.Sida
laga wada war qabo, odayaashu way ku hongoobeen dadaalkoodii
oo Zenawi wuu diiday inuu xataa ka dhagaysto
fikirkooda.Arinkaas waxaa marag u ah baaqii kululaa ee ay
dhowaan odayaashu soo saareen ee sawirka cad ka bixiyay
xaaladda murugada iyo tiiraanyada leh ee dalka Ogadenia ka
taagan.
Doorasha ku sheegtii dhowaan ka dhacday dalka Itoobiya marka
laga reebo dalka Ogadenia ee aan ilaa manta,waa yaabe, si
rasmi ah wali natiijadeedi si kama dabays ah shaaca looga
qaadin iyo natiijadii ka dhalatay ee xasuuqa iyo
xoog-ku-muquuninta dadwaynaha saluugay habka doorashadaas
loo maamulay, waxay si xoog leh u daciifisay awoodii
nidaamka dulmiga ku dhisan ee ay ku amar ku taaleeyaan
aqaliyada isirka tigreega ka soo jeeda ee qoriga caaradiisa
dalkaas ku xukunta.Waxaa markii ugu horaysay taariikhda
dalkaas soo ifbaxay mucaarad adag oo si fiican u abaabulan,
kaasoo awoodda xukunka kula looltamay meelo badana kagaba
guulaystay EPRDF.Waxaa doorashadaas ku soo bixi waayay xubno
faro badan oo xilal muhiim ka hayay maamlkaas siloon.
Aduunka daneeya xuquuqda aadmiga iyo dimoqraadiyadu wuxuu ku
baraarugay waxshinimada,dadqalnimada iyo wajiga dhabta ah ee
nidaamka kaligii taliye Zenaawi, ka dib markii ay
ciidankiisa cabudhinta iyo dulaynta dadwaynaha loo carbiyay
hadh cad caasimadda dalkaas ku xasuuqeen dad rayid ah oo
faro badan, kuwaasoo hab banaanbax madani ah ku cabirayay
dareenka raali la-aanta ah ee ku wajahan habka dawga seeggan
ee doorashadaas loo maamulay ee aan waafaqsanayn xeerka
dalkaas u yaalla.Waxay sidaas oo kale dad rayid ah oo
kumaankum ay gaadhayso tiradoodu u taxaabeen xeeryo qarsoodi
oo cadaadis,jidh-dil,ciqaabid wajiy badan iyo dullayn aan la
sifayn karaynin ay ku hayaan dadkaas aan wax dambi ah
galabsanin.Ka dibna wuxuu nidaamka Zenaawi xayiraad isu
socod/bandoo guud kuu soo rogay caasimadda dalkaas, isaga oo
xayiray ganacsigii iyo nolol maalmeedkii muwaadiniita
caasimadda deggenaa.Waxay ciidankiisa sirtu dileen xubin
baarlamaanka hadda loo soo doortay, taasoo dhaqan ay caan ku
yihiin oo soo jireen ah.Waxay madaxdii mucaaradka ku xidheen
guryahooda.
Sidaas darted waxay dawladaha dunida qaarkood ka xayireen
kaalmadii dhaqaale ee dtaliskaas u fidin jireen, halka ay
qaar kalana canaan kulul iyo naqdi adag u soo jeediyeen,
iyaga oo aad u dhaliilay dhaqanka foosha xun ee uu
nidaamkaas mucaaradka ula dhaqmay.Waxaa taliskaaas
diktaatorka ah ka baxsaday madax sare oo siyaasiyiin iyo
sarakiil sare oo duuliyeyaal u badan, kuwaaso qaxootinimo ka
doorbiday inay dadkooda duleeyaan.
Dhinaca kalena waxaay jabhadaha hubaysan ee nidaamkaas ka
soo horjeeda sii kordhiyeen hawlgaladoodii iyaga oo dardar
cusub galiyay dagaallo waxyeello culus loogu gaystay
ciidankiisa niyadu ka jabsan tahay ee dulmiga dadwaynaha
loogu talogu talogalay.Sababahaas oo isbiirsaday aqwgood
manta kaligii M.Zenaawi waa naf la caari. Xaalkiisuna waa
“nindaad qaaday xumbo cuskay”. Waxay dhamaan dadka
siyaasadaha dunida u kuur gala isku wada raacsan yihiin
inaay maalmihii taliskaasi daboyaaqo yihiin. Dawladaha
dalkaas waligood u hiilin jirayna waxay hadda ku qanceen
inuu nidaamkaasu lumiyay walaagii (legitimacy) dadkiisa,
sidaas darted waxay bilaabeen inay ka fakaraan sidii dalkaas
looga badbaadin lahaa musiibo la nooc tii ku habsatay dalka
Ruwanda iyo jamhuuriyadda Somalia(dagaal ahli ah oo kolayba
cawaaqib aad u xun ku yeelan guud ahaan dunida gaar ahaana
geeska afrika oo awla horaba ku cabaysnaa dhibaatooyin faro
badan).
Sida caadada u ah dhaqanka soo jireenka ah kaligii taliye oo
idil astaanta u ah,nidaamkani wali ma doonahayo inuu ku
cibro qaato dhacdooynka siyaasaded ee gurigiisa ka
aloosan.Wali Zenaawi kama quusanin inu si hor leh u sii
maleego dhar iyo khiyaamo cusub.Wakaas maantana ku
hadaaqahaya ee leh ”war Abaye Sahay odayaashii ogaadeen
ee aan dhayalsaday kaca oo ii doona”.Wa kaas Godeey ka
abaabulahaya shir khiyaamo oo uu ku beegsan hayo ujeedooyin
tabeed oo dhawr ah oo ay cimri dheeraysi ugu ugu mhiimsan
tahay.Suaasha hadaba meesha ku jirta ee mudan in la
iswaydiiyo waxay tahay: “ Maxay tahay ujeedada uu Zenaawi
ka leeyahay shirka Godey”?
Malahayga, Zenaawi ka dib markii ay u cadaatay inuu ku
guuldaraystay inuu helo aqlabiyadda golaha
baarlamaan-ku-sheegga dalkaas ee awood u siin lahay inuu soo
dhiso xukuumad sii wadata qorshiihii xasuuqa iyo dulaynta
qawmiyadaha ku kacsan, markii ay u cadaatay inay soo
foodsaartay halis dhab oo uu qiil-qiil ku jiro xukunkiisii
dulmiga ku dhisnaa, ayuu miciin biday inuu dhagar leh
ujeedooyinka isa sudhan ee halkan hoose ku taxan soo maleego,
isaga oo hal dhagax doonahaya inuu dhawr shimbirood isku mar
ku halgaado:
-
Wuxuu
doonahayaa inuu kasbado odayaasha beesha ogadeenka ah oo
maqashiyo hadal afka baarkiisa ah, isaga dhagaha makasta
beeshaas maqashiinhaya erayo beer-laxawsi ah oo ka
madhan nuxur iyo dulc dirkaba,
-
Wuxuu ku
hamiyihayaa inuu habkaas ku xaqiijiyo inuu helo awood uu
isagu gactiisa ku soo xulo xubnaha beesha soomaaliyeed
baarlamaanka federaalka ah sawir ahaan uga matali doonta,
si uu ku helo hiil uu isaga caabiyo mucaaradka caaradda
leh ee awoodda siyaasadeed kula looltamahaya.
-
Wuxuu
doonahayaa inuu habkaas ku sii kala qaybiyo beelaha
soomalida Ogadenia oo shaki hor leh iyo tuhun ku dhex
beero si uu ku sii wiiqo midnimadooda awl horeba uu
dakharada waawayn ka jeexay.
-
Wuxuu isku
dayahayaa inuu habkaas kuu wiiqo iskaashiga iyo
waxwadaqabsiga ka dhexeeya jabhadaha ka soo horjeeda
xukunkiisa guracan oo tuhun iyo mugdi kala dhex dhigo
jabhadahaas, gaar ahaan jwxo iyo ONLF.
-
Wuxuu isku
dayahayaa inuu iska hor keeno beesha ay odayaashu isir
ahaan ka soo jeedaan iyo jwxo, isaga oo doonahaya inuu
dayaasha dhaqameed adeegsado inay aduunka maqashiyaan
baaq nidaamkaas dan u ah qadiyada odadeniana lafjab ku
ah sida ”Jabhadda JWXO ha joojiso xabadda”, ka
hor inta ayna la kulmin kaligii taliye Zenaawi.Wuxuuna
inuu JWXO ku sunto inay tahay mid qabiil Ogaadeen ah
dantiisa u taagaan.
-
Ugu
dambayntii, oo ah tan ugu muhiimsan malahayga, wuxu u
gol leeyahay inuu isla sawiro odayaasha dhaqameed ee
beesha ogaadeenka oo qalabka warbaahinta ee maqal iyo
muuqaalba ah dunida ka tuso kana maqashiiyo inuu
kalsooni buuxda ka haysto beesha ogaadeenka si loogu
arko mauul qaran (stataesman) dimoqraadi ah oo u dhago
waddan gocoshada dadkiisa wax ka tabanhaya maamulkiisa.
Hadaba kol
hadii ay ujeedada Meles uu shirka Godeey ka leeyahay ay
sidaas tahay, maxaa la gudboon odayaasha dhaqameed inay
yeelaan? Maxaase dadwaynaha soomalida Ogadenia la gudboon
inay yeelaan marxaladan adag ee kala guurka ah?
Aan mawqifka ku munaasibka ah,aragtidayda, odayaasha
dhaqameed ee beesha ogaaden ku hor maree, waxaa odayaasha
saran xil u culus oo taariikhda gali doona.Hadbana mawqifka
ay manta istaagaan ayaa ama ay ku mudan doonaan kalsoonida
dadkooda dulman ee mudada dheer ku soo jiray halgan xaq ah
oo aad u khdhaadh ee loo huray naf iyo hanti badan amse ay
ku gali doonaan liiska ay ku qoran yihiin laguna xusuusto
kuwii dabo-dhilifnimada iyo u adeegidda cadawga.Doorashada
odayaasha ayaa iska leh.Taariikhdu ma naxriisato dadkana ma
dulmido. Taariikhdu iyadaa isqori oo qariye caal waaye.
-
Odayaasha
oo ilaa hadda haysta kalsoonida dadkooda si waynna loogu
hayo xushmo iyo qadarin, waxaa dadkoodu ka sugahayaan
iny si geesinimo leh nidaamkaas ugu qeexaan saldhigga
dhibaatada haysata dadkooda ee ah fikirka gumaysiga ka
ambaqaadahaya ee abasiiniya ka soo hanoqaaday.
-
Waxaa laga
sugahayaa inay muujiyaan in dalka Ogadenia marna
khariidad dusheed lagu qaybsaday (1884 Berlin), marna
qori caaradiis iyo xoog lagu qabsaday(1885-1887), mar
kalana hibo loo siiyayay/lagu warrejiyay(1948,1954),
iyada oo aan marna dadkanaga afti madaxbanaan la
waydiinin waxa doonahayaan.Maantana baarlamaankii
dadkangu si xor ah u soo doortay waxay aqlabiyad buuxda
sanadkii 1994 isku raaceen in dadka soomaalida Ogadenia
laga qaado afti si waafaqsan dastuurka dalka qodobkiisa
39aad.
-
Ugu yaraan
waxaa odayaasha laga sugahayaa inay garwaaqsadaan in
dhibaatada dalkooda ka aloosan ayna ahayn dhibaato
bulshadeed (social conflict), laakiinse ay tahay
dhibaato siyaasadeed oo fac wayn(political conflict),
taaaso ay jiraan cid kaga haboon iyaga in si toos ah
loogala xaajoodo.
-
Odayaasha
ah oo ah ruug cadaagii mudada dheer u dhuun-daloolay
waayaha qadiyadooda, lehna khibrad iyo waayoaragnimo
balaadhan marna lagama sugahayo inay ilduufaan oo ay
ragaadka duliga ku sii dheereeyaan umadooda,
Odayaasha waa saran xil culus oo ah inay dadaalkooda ka
fogeeyaan kooxaha daboqoodhiga qurbo joogga ah ee wata
ajendeyaal dadaalkooda lilaahiga ah waxyeello wayn iyo
dhaawac halis u gaysan karaya.
-
Sidaas oo
kalena marna odayaasha loogama fadhiyo in si raqiis loo
adeegsado oo ay wiiqaan midnimada umadooda iyo khiyaamda
qadiyadooda midna.
-
Odayaasha
waxaa laga sugahayaa inay wax ku qaataan natiijadii ka
dhalatay shirkii Kali ee 1947, kii Qabridaharre ee 1995
iyo 1997.
-
Odayaashu
waa inay ku talo galaan inuu dadkoodu manta bislaaday oo
ku baraarugsan yahay danihiisa, leeyahayna halgan
hanoqaaday oo si mintid ugu taagan ka faydidda dadkooda
dulman heeryada gumaysiga iyo gaadhsiinta xaqa
aayokatashiga iyo madaxbanaanida iyo nlol maamuus iyo
sharaf leh oo cadaalad, horumar iyo dimoqraadiyad ku
salaysan,kaasoo ay adagtahay in la loodiyo iska daa in
la khiyaamee.
-
Hadii ay
odayaashu dulimiga dadkooda ka khafiifiyaan oo ay ku
guulaystaan inay helaan maamul maqaar saar ah oo la mid
ah midka u dhisan Oromada oo adeegga asaasiga ah
dadkooda u fuliya waa dadaal wayn.
-
Ugu
dambayntiina waxaa odayaasha looga baahan yahay inay
garwaaqsadaan inuuna nidaamka Zenaawi marna daacad ka
ahayn la shiridooda ee ku cimri dheeraysanhayo oo
qodoxda iskaga siibahayo, sidaas darted ayna noqonin
ninkii boqolka soomay ee bakhtig ku afuray oo ayna
magacooda bi-inin sharftooda iyo qadiyadoodana ayna u
loogin cadawga ma naxa ah ee hadda sirinsirqada ah.
Intaas hadii
ku dhaafo waxa odayaasha la gudboon bal aan fiirino waxa la
gudboon guud ahaan soomalida Ogadenia.Sida la wado arko ee
dadka oo dhan u muuqata manta nidaamkii kaligii taliye
Zenaawi waa gabbal sii dumahaya.Marka dadwaynaha soomaalida
Ogadenia waxaa la gudboon inay xoojiyaan midnimadooda,
itlaakooda maadiga iyo midkooda fikriga ahna isugu geeyaan
sii xoojinta halgankooda hanoqaaday ee ay JWXO horseedka u
tahay.Waxaa sidaas oo kale looga baahan yahay inay ka
digtoonaadaan shirqolada cadawga iyo rafashadiisa
naf-la-caariga ah.Waxaa laga sugahayaa inay si hordegid
ah(proactive) ah ula jaanqaadaan dhacdooyonka siyaasadeed ee
xawliga dheereeya isku doorinhaya ee guud ahaan geeska
afrika gaar ahaan dalkooda ka dhacahaya, kaalintoodana ayna
gabin.
Naftoodhureyaasha, taageerayaasha iyo dadwaynaha wadaniga ah
ee had jeer u taagan kaga dhabaynta hammiga umadooda dulman
ee xoriyadda,dimqraadiyaada iyo horumarka u ooman waxaa laga
sughayaa inay marxaladan kala guurka ah sii labanlaabaan
waxqabadkooda loo bogay, si tayo sare lehna u meelmariyaan
barnaamijyada iyo qorsheyaasha loo dejiyay halganka si loo
haleelo yoolasha la beegsanhayo ee la asteeyay.
Waxaan faaladan ku soo gabogabaynayaa inuu Zenawi ku
guuldaraysan doono shirqoolkiisan cusub ee ujeedada
dheeraysiga ah xambaarsan, sidii uu horeyba ugu fashilay
dhartiisii soo jireenka ahayd.Waxaa sugan inay tirsan yihiin
maalmihii Xukunkiisa dulmiga ku dhisan oo waa cusub oo
yididiilo leh mar dhow u baryi doono dadwaynaha Soomaalida
Ogadenia.Those who rule by a sword die by a sword.
|