|
Dhibka geeska africa
yaa sabab u ah
Jan 10, 2006
Dhibka Geeska Afrika waxaa aabo u ah gumeysiga Abasiiniya oo
jiritaankiisu ku xidhan yahay colaada iyo degaanaansho
la'aanta Geeska Afrika, deganaan iyo nabad galyo waarta oo
ka hirgasha gayiga Geeska Afrika waxay gacantiisa ka
saaraysaa xukunka xaaranta ah ee uu xaqdarada ku haysto,
isaga oo ku gabanaya siyaasad ku salaysan diin, taas oo uu
taageero kaga helo quwadaha aduunka ee maanta dunida ka
taliya, reer galbeedka ama reer bariga. Markii la'eego
dhinaca tirada waxaa lagu qiyaasaa in ay aad u yar yihiin,
sidaa daraadeed anay marnaba raali ka noqoneyn in ay
ogaalaadaan in dimuqraadiyad dhab ahi ay ka hirgasho Geeska
Afrika, si taasi aaney markaa marnaba u suurto galin waa in
ay ku dadaalaan in markasta ay xaalad deganaasho la'aan ahi
ay ka jirto gayiga Geeska Afrika.
Waxaa xaqiiqo ah xulufada galbeedka ama bariga mid ay
noqotaba la'aantood iyagoo ku gabanaya mabda diineed, laga
soo bilaabo kacaankii Axmed Guray oo ahaa shan qarni ka hor
in anay Tigrey iyo Axmaaro midna u suuro geli karin in ay
Itoobiya ka taliyaan, Ogaadeeniyana gumeystaan. Markii aad
taariikhda dib u raacdo waxaa ay xaalada degaansho la’aantu
ka jirtay Eritariya iyo Ogaadeeniaya, Eritariya waxay heshay
xornimadeedii, waxaa markaa soo hadhay oo ilaa hada taagan
waa Ogaadeeniya, halkii Eritariayana waxaa lagaliyey
Jamuuriyadii Soomaaliya.
Si ay Abasiiniya taageero shisheeyo ugu hesho ka hortaga
kaacaankii Axmed Guray oo dhinac xadaarad iyo ciidanba uga
heer sareeyey ayey u qaylo dirsatay dalalka Yurub. Waxay
Abasiiniya dagaalkii u beddeshay mid diineed oo laysaga soo
horjeedo masiixi iyo muslim, iyada oo caadifadda diiniga ah
adeegsanaysa ayaan la soconaa in dawladdii Bortoqiiska oo
markaa awoodda ugu weyn xagga badda Yurub ahayd u soo
gurmatay halkaasna lagu jabiyay kacaankii Axmed Guray
hogaaminayey.
Waxaan xusuusa nahay wareegtadii caanka ahayd ee uu Minilikh
u qoray gumeysta yaashii Yurub markii ay qaybsanayeen Afrika
isaga oo ugu cabanaya inay Abasiiniya tahay gasiirad ku
taala badweyn islam ah. Waxaa kale oo jirta markii uu
qabsaday Harar 1887 waraaqo uu u qoray dalalka Yurub, sida
Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska uguna bishaareeyey
qabsashadii Harar iyo inayna mar dambe noqonaynin meel wax
lagu yeeleeyo walaalihiisa ay isku diinta yihiin. Sidaa
awgeed qayb weyn ayey ka qaadatay jebintii kacaankii Sayid
Maxamed ee Daraawiishta, mar kastana waxay ka soo horjeeday
maslaxada Afrika, waxayna u soo horseedi jirtay soo
faragelinta shisheeyaha arrimaha daakhilaga ee qaaradda
Afrika.
Waxaa kale oo aan lawada soconaa in markii dagaalkii 1977
laga guuleystey guumeysiga Abasiiniya lagana xoreeyey
dhamaan gayiga Ogaadeeniya in ay quwadii Ruushku ee markaa u
talineysay reer bariga ay si aan gabasho lahayn ay ula soo
faro gashay, xoogna ugu sheegatey jabhadii WSLF iyo
ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed, sidaasna mar labaad
sidii caadada u hayd Abasiiniya ay dib ugu qabsatey dalka
Ogaadeeniya. Itoobiya in kasta oo ay qaaradda Afrika ku
taalo haddana xaqiiqo ahaan waxay ka soo horjeedi jirtay
welina ka soo horjeedaa maslaxada Afrika iyo Afrikaanimada
waxanay ka qayb qaadatey qabsigii qaarada Afrika ee shirkii
baarliin 1884. Tusaale ahaan waxaan lawada socotaan
dadaalkay sameysay si ay isu hor istaagto gobonimada
shacbiga Djibouti. Taasi waxay cadaynaysaa oo taariikhduna
markhaati ka tahay in marnabada Axmaaro iyo Tigrey aanay
suuro gal ahayn in dimuqraadiyad sax ah ay raali ka noqdaan,
in ay ka hirgashso gayiga ay ula baxeen Itoobiya iyo guud
ahaanba gayiga Geeska Afrika. Iyadoo wax Itoobiya
layidhaahdaa aanay jirin.
Dimuqraadiyadii laga filayey inay ka hirgalayso Itoobiya
waxaa god dheer ku riday xukunka talada haya ee uu hogaamiyo
Meleze Zenawi. In kastoo shacbigu uu baahi wayn u qabay
welina u qabo in la helo dawlad cadaalad ah iyo nidaam
hogaamineed oo cadaali ah. Laakiin dimuqraadiyad ay dadku
doortaan cidda danteeda wada ayaa noqotay mid aan dani ugu
jirin TPLF, sababtoo ah hadii shacabku si xor ah uu u doorto
hogaamiyayaasha uu rabo, waxaa imanaysa in tirada yar ay u
hogaansanto rabitaanka tirada badan. Qowmiyada Tigreega oo
ururkooda TPLF uu talada hayo ayaa ah mid laga tira badan
yahay shacab ahaan, haddii si xaqa laysu doorto ama
dimuqraadiyad wax lagu maamulana ka cabsi qaba in talada
wadanku ay ka wareegto ama gacmahooda ay ka baxdo. Si aysan
taa u dhicin ayey ciidamada nabadgalyada ee xukumada
Tigreegu madaxda ka yahay ay ku kacaan falal argagixiso, dil,
dhac, kufsi, iyo xadhig dhan ka ah shacbiga qowmiyadaha kale
iyo in ay degaansho la’aan ka abuuraan wadamada darsika la
ah, sida Soomaaliya, Djabuuti, Kenya iyo Eriteriya. Dadka
sida goonida ah ay ciidamada Itoobiya u ugaadh sadaan waxaa
ka mid ah dadka Soomaalida Ogaadeeniya, Oromada iyo
taageerayaasha xisbiyada mucaarid ku sheega ah ee Itoobiya.
Sidaan lasoconana waxaa caddeynaya in siyaasada dhabta ahi
ay tahay sidaas doorosho ku sheegtii bishii May ee sanadkan
2005 ka dhacdey Itoobiya, oo ilaa hadda aan wax xal ah loo
helin, dhibaatadii ka dhalateyna ay ku faaftey meelo badan
oo wadanka kamid ah. Dhibkan oo ahaa wax joogto ka ah
wadanka Ogaadeeniya, oo wax doorosha sax ahi aanay waligeed
ka dhicin.
Hadaan intaas uuga gudbo siyaasada ku salaysan dhibaatada ay
Itoobiya ku hayso dadyowga ku hoos nool ama deriska la ah ee
Geeska Afrika, oo aan eegno xaalada maanta Ogaadeeniya ka
jirta, waxaan filayaa in aanay cidna ka qarsooneyn
dhibaatada ka taagan gayiga Ogaadeeniya iyo sida
aadaminimada ka baxsan ee ay gumeysiga Tigreegu ula dhaqmaan
dadka aan waxba galabsan ee reer Ogaadeeniya. Hadii aan xad
gudubyada xuquuqal iinsaanka ka baxsan ee loo gaysto
Soomaalida Ogaadeenya aan qaar ka soo qaadano, waxaa caadi
ah oo joogto ka noqotay, shacabka oo la kulma falal
argagixiso oo joogto ah isuguna jira dil, kufsi, dhac,
xadhig dadka inta badan la waayo meel ay jaan iyo cidhib
dhigeen, iyo jidh-dil. Ciidamada falalkaa foosha xun gaysta
ee shacbiga lagu sii dhex-daayey ayaa ah kuwa aan kala saari
karin waxa sharciga ah iyo waxaan sharciga ahayn. Waxaa
dhulka Ogaadeeniya loo diraa askarta cudurka aydhiska ah
qaba si ay ugu faafiyaan shacabka Ogaadeeniya oo nadiif ka
ah cudurkan. Waxaanay si gaar aha askartani ay ugu dadaalaan
in ay maalin walba kufsadaan gabadh reer Ogaadeeniya iyaga
oo fulinaya qorhsihii loo soo dajiyey ee ku salaysnaa in
shacabka Soomaalida Ogaadeeniya laga dabar gooyo gayiga
Ogaadeeniya.
Dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee ay cadowga Itoobiya u
gaysteen dadka reer Ogaadeeniya, iyada oo aan la soo koobi
karin dhibaatooyinka uu cadowga ma naxaha ahi uu ku hayo
bulshada rayidka ah oo uu dhinac walba kala dagaalamo ayaa
waxaa kamid ah xasuuqyadii dhawaantan ka dhacay Q/dahare,
Fool-jeex, Farmadow iyo Shilaabo. Sida aan lawada socono
gumeysiga Itoobiya waxaa uu si dadban iyo si qaawan oo aan
cidna ka qarsooneyn uu u gumaadaa bulshada reer Ogaadeeniya
oo aan loo aabo yeelin caruur, ciroole, haween iyo caamoba,
sida aan la wada socono waxaa uu ummada kala dagaalamaa
dhinac kasta, dhaqaalaha, aqoonta iyo nolosha maalin laha
ah, si aanay marnaba dad kani u noqon dad fikira oo
xisaabtama si aanay waligood uga hoos bixin gumeysiga.
Markaad si fiican ugu dhabba-gasho siyaasada ay Itoobiya
kula dhaqanto dadkeeda iyo dadyowga kale ee ay gumaysato ama
deriskaba la ah waxaa kuu muuqanaysa heerka ay dhaqan xumada
iyo aamin darrada ka joogto. Waxaa taariikhda lagu hayaa in
qof kasta oo guumeysiga Abasiiniya la shaqaysta ama
gacan-saar la yeesha uu marka ugu denbaysa gacanteeda ku
dhinto. Waxaa lagama maarmaan ah in aaynan marnaba iloobin
siyaasada ay Itoobiya Soomaalida Ogaadeeniya kula dhaqanto
oo ah mid ma-guurto ah, waxaanan ognahay sida ay dadka reer
Ogaadeeniya laga soo wariyey in ciidanka Itoobiyaanku markuu
tirinayo inta qof ee uu ka dilay Soomaalida Ogaadeeniya ee
ka soo horjeedda uu ku tiriyo xataa kuwii isaga la socday,
arrintaasina waxay si fudud kuu tusaysaa in colaadda
Itoobiya tahay mid isir tir ah oo aan cafiyayn qofkasta oo
Soomaalida Ogaadeenya ah.
Sideedaba waxaa gumaystaha Abasiiniya caado u ah inay
cadaadiyaan bulshooyinka ay gumaystaan oo ayna u kala
aaba-yeelin kuwooda rayadka ah iyo kuwooda hubaysan ee la
halgamaya, sababtoo ah wuxuu gumaystuhu ogyahay dakanada uu
galay inay tahay mid shacbiga oo dhami ay tirsanayaan oo
kala xisaabtamayaan maalinka ay u soo marto. Arinkan isaga
ah waxaa ka markhaati furaya sidii ay ula dhaqantay madaxdii
maamulka kilil ku sheega. Waxaan ka warhaynaa in qaar ka mid
ah raggii la shaqeyn jiray ee loo adeegsan jirey cadddiska
shacbiga Ogaadeeniya ee dan-yarta ah ay xidhxidhay qaarna ay
jagooyinkii ay markii hore ugu dhiibtey cabudhinta shacabka
masaakiinta ah ay ka qaadey. Nin walba oo ka mid ah raggan
la xidhxidhay wuxuu kaalin mucayin ah ka qaadan jiray
cadaadiska iyo cabidhiska lagu hayo ummaad reer Ogaadeenya.
Gabo gabadii dhibka Geeska Afrika waligii ma noqon karo mid
xal loo helo ilaa ay aayohooda ay xor u noqdaan shacabka
reer Ogaadeeniya oo ay gumeysiga Itoobiya gabood ka dhigtaan
si ay Itoobiya marnaba cadaalad iyo sinaani uga dhicin, isla
markaasna Axmaarada iyo Tigreega xaqdarada ku haystaa ay ugu
cimri dheereystaan xukunkooda.
Qore: Ahmed Ali
oca@ogaden.fi
Copyright © 1998-2002
OGADEN ONLINE
All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.
Reproduction of any material on this site is prohibited
without express permission of the site owner and the
webmaster.
|