Chat

Forum

Commentary and analysis

Dhibka geeska africa yaa sabab u ah

Jan 10, 2006


Dhibka Geeska Afrika waxaa aabo u ah gumeysiga Abasiiniya oo jiritaankiisu ku xidhan yahay colaada iyo degaanaansho la'aanta Geeska Afrika, deganaan iyo nabad galyo waarta oo ka hirgasha gayiga Geeska Afrika waxay gacantiisa ka saaraysaa xukunka xaaranta ah ee uu xaqdarada ku haysto, isaga oo ku gabanaya siyaasad ku salaysan diin, taas oo uu taageero kaga helo quwadaha aduunka ee maanta dunida ka taliya, reer galbeedka ama reer bariga. Markii la'eego dhinaca tirada waxaa lagu qiyaasaa in ay aad u yar yihiin, sidaa daraadeed anay marnaba raali ka noqoneyn in ay ogaalaadaan in dimuqraadiyad dhab ahi ay ka hirgasho Geeska Afrika, si taasi aaney markaa marnaba u suurto galin waa in ay ku dadaalaan in markasta ay xaalad deganaasho la'aan ahi ay ka jirto gayiga Geeska Afrika.

Waxaa xaqiiqo ah xulufada galbeedka ama bariga mid ay noqotaba la'aantood iyagoo ku gabanaya mabda diineed, laga soo bilaabo kacaankii Axmed Guray oo ahaa shan qarni ka hor in anay Tigrey iyo Axmaaro midna u suuro geli karin in ay Itoobiya ka taliyaan, Ogaadeeniyana gumeystaan. Markii aad taariikhda dib u raacdo waxaa ay xaalada degaansho la’aantu ka jirtay Eritariya iyo Ogaadeeniaya, Eritariya waxay heshay xornimadeedii, waxaa markaa soo hadhay oo ilaa hada taagan waa Ogaadeeniya, halkii Eritariayana waxaa lagaliyey Jamuuriyadii Soomaaliya.

Si ay Abasiiniya taageero shisheeyo ugu hesho ka hortaga kaacaankii Axmed Guray oo dhinac xadaarad iyo ciidanba uga heer sareeyey ayey u qaylo dirsatay dalalka Yurub. Waxay Abasiiniya dagaalkii u beddeshay mid diineed oo laysaga soo horjeedo masiixi iyo muslim, iyada oo caadifadda diiniga ah adeegsanaysa ayaan la soconaa in dawladdii Bortoqiiska oo markaa awoodda ugu weyn xagga badda Yurub ahayd u soo gurmatay halkaasna lagu jabiyay kacaankii Axmed Guray hogaaminayey.

Waxaan xusuusa nahay wareegtadii caanka ahayd ee uu Minilikh u qoray gumeysta yaashii Yurub markii ay qaybsanayeen Afrika isaga oo ugu cabanaya inay Abasiiniya tahay gasiirad ku taala badweyn islam ah. Waxaa kale oo jirta markii uu qabsaday Harar 1887 waraaqo uu u qoray dalalka Yurub, sida Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska uguna bishaareeyey qabsashadii Harar iyo inayna mar dambe noqonaynin meel wax lagu yeeleeyo walaalihiisa ay isku diinta yihiin. Sidaa awgeed qayb weyn ayey ka qaadatay jebintii kacaankii Sayid Maxamed ee Daraawiishta, mar kastana waxay ka soo horjeeday maslaxada Afrika, waxayna u soo horseedi jirtay soo faragelinta shisheeyaha arrimaha daakhilaga ee qaaradda Afrika.

Waxaa kale oo aan lawada soconaa in markii dagaalkii 1977 laga guuleystey guumeysiga Abasiiniya lagana xoreeyey dhamaan gayiga Ogaadeeniya in ay quwadii Ruushku ee markaa u talineysay reer bariga ay si aan gabasho lahayn ay ula soo faro gashay, xoogna ugu sheegatey jabhadii WSLF iyo ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed, sidaasna mar labaad sidii caadada u hayd Abasiiniya ay dib ugu qabsatey dalka Ogaadeeniya. Itoobiya in kasta oo ay qaaradda Afrika ku taalo haddana xaqiiqo ahaan waxay ka soo horjeedi jirtay welina ka soo horjeedaa maslaxada Afrika iyo Afrikaanimada waxanay ka qayb qaadatey qabsigii qaarada Afrika ee shirkii baarliin 1884. Tusaale ahaan waxaan lawada socotaan dadaalkay sameysay si ay isu hor istaagto gobonimada shacbiga Djibouti. Taasi waxay cadaynaysaa oo taariikhduna markhaati ka tahay in marnabada Axmaaro iyo Tigrey aanay suuro gal ahayn in dimuqraadiyad sax ah ay raali ka noqdaan, in ay ka hirgashso gayiga ay ula baxeen Itoobiya iyo guud ahaanba gayiga Geeska Afrika. Iyadoo wax Itoobiya layidhaahdaa aanay jirin.

Dimuqraadiyadii laga filayey inay ka hirgalayso Itoobiya waxaa god dheer ku riday xukunka talada haya ee uu hogaamiyo Meleze Zenawi. In kastoo shacbigu uu baahi wayn u qabay welina u qabo in la helo dawlad cadaalad ah iyo nidaam hogaamineed oo cadaali ah. Laakiin dimuqraadiyad ay dadku doortaan cidda danteeda wada ayaa noqotay mid aan dani ugu jirin TPLF, sababtoo ah hadii shacabku si xor ah uu u doorto hogaamiyayaasha uu rabo, waxaa imanaysa in tirada yar ay u hogaansanto rabitaanka tirada badan. Qowmiyada Tigreega oo ururkooda TPLF uu talada hayo ayaa ah mid laga tira badan yahay shacab ahaan, haddii si xaqa laysu doorto ama dimuqraadiyad wax lagu maamulana ka cabsi qaba in talada wadanku ay ka wareegto ama gacmahooda ay ka baxdo. Si aysan taa u dhicin ayey ciidamada nabadgalyada ee xukumada Tigreegu madaxda ka yahay ay ku kacaan falal argagixiso, dil, dhac, kufsi, iyo xadhig dhan ka ah shacbiga qowmiyadaha kale iyo in ay degaansho la’aan ka abuuraan wadamada darsika la ah, sida Soomaaliya, Djabuuti, Kenya iyo Eriteriya. Dadka sida goonida ah ay ciidamada Itoobiya u ugaadh sadaan waxaa ka mid ah dadka Soomaalida Ogaadeeniya, Oromada iyo taageerayaasha xisbiyada mucaarid ku sheega ah ee Itoobiya. Sidaan lasoconana waxaa caddeynaya in siyaasada dhabta ahi ay tahay sidaas doorosho ku sheegtii bishii May ee sanadkan 2005 ka dhacdey Itoobiya, oo ilaa hadda aan wax xal ah loo helin, dhibaatadii ka dhalateyna ay ku faaftey meelo badan oo wadanka kamid ah. Dhibkan oo ahaa wax joogto ka ah wadanka Ogaadeeniya, oo wax doorosha sax ahi aanay waligeed ka dhicin.

Hadaan intaas uuga gudbo siyaasada ku salaysan dhibaatada ay Itoobiya ku hayso dadyowga ku hoos nool ama deriska la ah ee Geeska Afrika, oo aan eegno xaalada maanta Ogaadeeniya ka jirta, waxaan filayaa in aanay cidna ka qarsooneyn dhibaatada ka taagan gayiga Ogaadeeniya iyo sida aadaminimada ka baxsan ee ay gumeysiga Tigreegu ula dhaqmaan dadka aan waxba galabsan ee reer Ogaadeeniya. Hadii aan xad gudubyada xuquuqal iinsaanka ka baxsan ee loo gaysto Soomaalida Ogaadeenya aan qaar ka soo qaadano, waxaa caadi ah oo joogto ka noqotay, shacabka oo la kulma falal argagixiso oo joogto ah isuguna jira dil, kufsi, dhac, xadhig dadka inta badan la waayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, iyo jidh-dil. Ciidamada falalkaa foosha xun gaysta ee shacbiga lagu sii dhex-daayey ayaa ah kuwa aan kala saari karin waxa sharciga ah iyo waxaan sharciga ahayn. Waxaa dhulka Ogaadeeniya loo diraa askarta cudurka aydhiska ah qaba si ay ugu faafiyaan shacabka Ogaadeeniya oo nadiif ka ah cudurkan. Waxaanay si gaar aha askartani ay ugu dadaalaan in ay maalin walba kufsadaan gabadh reer Ogaadeeniya iyaga oo fulinaya qorhsihii loo soo dajiyey ee ku salaysnaa in shacabka Soomaalida Ogaadeeniya laga dabar gooyo gayiga Ogaadeeniya.

Dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee ay cadowga Itoobiya u gaysteen dadka reer Ogaadeeniya, iyada oo aan la soo koobi karin dhibaatooyinka uu cadowga ma naxaha ahi uu ku hayo bulshada rayidka ah oo uu dhinac walba kala dagaalamo ayaa waxaa kamid ah xasuuqyadii dhawaantan ka dhacay Q/dahare, Fool-jeex, Farmadow iyo Shilaabo. Sida aan lawada socono gumeysiga Itoobiya waxaa uu si dadban iyo si qaawan oo aan cidna ka qarsooneyn uu u gumaadaa bulshada reer Ogaadeeniya oo aan loo aabo yeelin caruur, ciroole, haween iyo caamoba, sida aan la wada socono waxaa uu ummada kala dagaalamaa dhinac kasta, dhaqaalaha, aqoonta iyo nolosha maalin laha ah, si aanay marnaba dad kani u noqon dad fikira oo xisaabtama si aanay waligood uga hoos bixin gumeysiga.

Markaad si fiican ugu dhabba-gasho siyaasada ay Itoobiya kula dhaqanto dadkeeda iyo dadyowga kale ee ay gumaysato ama deriskaba la ah waxaa kuu muuqanaysa heerka ay dhaqan xumada iyo aamin darrada ka joogto. Waxaa taariikhda lagu hayaa in qof kasta oo guumeysiga Abasiiniya la shaqaysta ama gacan-saar la yeesha uu marka ugu denbaysa gacanteeda ku dhinto. Waxaa lagama maarmaan ah in aaynan marnaba iloobin siyaasada ay Itoobiya Soomaalida Ogaadeeniya kula dhaqanto oo ah mid ma-guurto ah, waxaanan ognahay sida ay dadka reer Ogaadeeniya laga soo wariyey in ciidanka Itoobiyaanku markuu tirinayo inta qof ee uu ka dilay Soomaalida Ogaadeeniya ee ka soo horjeedda uu ku tiriyo xataa kuwii isaga la socday, arrintaasina waxay si fudud kuu tusaysaa in colaadda Itoobiya tahay mid isir tir ah oo aan cafiyayn qofkasta oo Soomaalida Ogaadeenya ah.

Sideedaba waxaa gumaystaha Abasiiniya caado u ah inay cadaadiyaan bulshooyinka ay gumaystaan oo ayna u kala aaba-yeelin kuwooda rayadka ah iyo kuwooda hubaysan ee la halgamaya, sababtoo ah wuxuu gumaystuhu ogyahay dakanada uu galay inay tahay mid shacbiga oo dhami ay tirsanayaan oo kala xisaabtamayaan maalinka ay u soo marto. Arinkan isaga ah waxaa ka markhaati furaya sidii ay ula dhaqantay madaxdii maamulka kilil ku sheega. Waxaan ka warhaynaa in qaar ka mid ah raggii la shaqeyn jiray ee loo adeegsan jirey cadddiska shacbiga Ogaadeeniya ee dan-yarta ah ay xidhxidhay qaarna ay jagooyinkii ay markii hore ugu dhiibtey cabudhinta shacabka masaakiinta ah ay ka qaadey. Nin walba oo ka mid ah raggan la xidhxidhay wuxuu kaalin mucayin ah ka qaadan jiray cadaadiska iyo cabidhiska lagu hayo ummaad reer Ogaadeenya.

Gabo gabadii dhibka Geeska Afrika waligii ma noqon karo mid xal loo helo ilaa ay aayohooda ay xor u noqdaan shacabka reer Ogaadeeniya oo ay gumeysiga Itoobiya gabood ka dhigtaan si ay Itoobiya marnaba cadaalad iyo sinaani uga dhicin, isla markaasna Axmaarada iyo Tigreega xaqdarada ku haystaa ay ugu cimri dheereystaan xukunkooda.

Qore: Ahmed Ali
oca@ogaden.fi
 

 


 

Copyright © 1998-2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.  
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.