|
DHUUMASHADA DHABARKU MUUQDO
Akhristoow waayahan dambe waxaa soo baxayay rag utafaxaydan
u adeegida cadawga, kuwaas oo jooga magaalada Johannesburg
iyo meelo kale oo kamid ah wadanka K/Afrika.
Raggaasi waxay maalin iyo layl ukalah guuraan horumarinta
talaabooyinkooda dabaqoodhinimo ee ay ugu adeegayaan
cadawga,muhiimadooda ugu waynina waxay tahay in ay raali
galiyaan sayidkooda Wayaanaha, si ay uhelaan abaal gud ah
raalibaan kaa ahay.
Ruuxii isaga waxa uu samaynayo oo muuqda,ismooda in ay wax
uqarsoon yihiin ayay Soomaalidu u adeegsataa
Dhuumashada dhabarku muuqdo.
Hadaad daqiiqado lasheekaysato nimankaas,waxay taliska
Itoobiya kaaga sheegi wax ayna waligeed noqonin,hadana
ahayn,ruuxii aad u ooman, daleed banaana ka arka biyo xareed
ah oo fadhiya,isla markaana kolkuu soo gaadho uu wax biyo ah
waayo,waxa uu dareemaa in wixii uu arkayay uu ahaa Dhaan
dabangaale, amaba wax aan run ahayn, waxay sheegaan in
barwaaqo ay Itoobiyada iscunaysa gaadhay aynu gaadhi lahayn
hadii ayna xabbadi dhacaynin,markay nimankaasi ka hadlayaan
shacabka Ogaadeenya, waxay balaqaan albaabbo badan oo mid
walba ay kasoo galinayaan wiswis,walaahoow iyo waxaan waxbna
kajirin.
Runta hadalku kama raysto, bulshadani way kasoo gudubtay
xiligii danayste uu ambin jiray.
Dadka Soomaalida ahi dagaalada iyo xungurufaha dhexdooda
lama dhex yimaadaan, kumana dhex dagaalamaan maasaajidka,
waayo waa meel alle lagu caabudo,dadkana lagu kala
saaro,hadaba marka meeshii ugu saraysay ee xalka loo aadi
lahaa ay murugto ayaa soomaalidu waxay u adeegsataa
Qayladu masaajidkay ka yeedhay.
Raga shacabka ugu gacan haadinaya janada kasoo burqanaysa
Adisababa, miyayna arkin kuwii Itoobiyaanka isla ahaa in ay
iyagiiba is raamsanayaan,oo oo caasimadii ay kadhacday
Mindi-dhoob ay beebeega iyo kaaruhu kala meel
waayeen?waxaanse taas loogu daalaynin guuxa Adisababa ka
yeedhaya dibusocodka waxaa kala wayn,guuxa laabtiisa
kayeedhaya.
Maskaxda dhimatay waxaa uun lagu dawayn karaa in ladilo
viruskii rabaystay, kadibna loo sheego in ay caafimaad qabto.
Khuburada darista gumaysiga iyo raadadka uu kureebo dadka uu
gumaysto, ayaa waxay sheegaan in shakhsiga unuglaada
falsafadaha gumaysiga,isla markaana danaha gumaysiga unoqda
rukuub,hadii gumaysigii uu urarnaa laga adkaado, oo sida
qoraxa uu usoo baxo xaqiiqiisii duudsisanaa,uusan marna
aaminin in gumaysigii awooda lahaa laga takhalusay, waayo
inkasta oo gumaysigii laga adkaaday, hadana maskaxdiisa
awoodii uu gumaysigu kulahaa waa sideedii, oo waxaa
maskaxdiisa kunool viruskii gumaysiga.
Dadkii lagumaysan jiray ee ee Koonfur Afrika ayaa markay ka
xoroobeen gumaysigii midab-takoorka,waxaa mudo badan dadkii
qaar kamid ah maskaxdooda baaqi kusii ahaa gumaysigii laga
xoroobay,waxaa uun in mudo ah la arkayay dad safaf ugu jira
daaqadihii goonida u ahaa dadka lagumaysanayay ee madoobaa,
markay wax iibsanayaan,oo meel kale in ay wax ka gataan oo
ay saf la galaan dad caddaan ah ka baqaya, markaasaa loo
sheegi jiray oo la odhan jiray Waa
laga xoroobay midab-takoorkii, ee meeshaad rabtaan wax ka
gata
Sidaas oo kale waxaa cad in cadduur ayna dhaw-dhawdu
udhacsanayn,oo meel lagu kala qaxayo ay rag rabaan in
geediga hayaan ah ku furaan.
Hadaba nimankaas oo caqabad ku ah himilada dadka Ogaadeenya
oo bulshadu ay ku wareersanayd in mudo ahba ayaa waxaa
muhiim noqotay in aan shacabka uga digno, hadii ay falalka
ay wadaan ka tanaasuli waayaana waxaan bulshada u higaadin
doonaa magacyadooda.
Ciilane
Gundiid
birmade@yahoo.com
June 24, 2005
|
Copyright © 1998- 2002 OGADEN
ONLINE All Rights
Reserved.
This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material
on this site is prohibited without express permission of the site owner
and the webmaster.
|
|