Chat

Forum

Commentary and analysis 

DHUUMASHADA DHABARKU MUUQDO

Akhristoow waayahan dambe waxaa soo baxayay rag utafaxaydan u adeegida cadawga, kuwaas oo jooga magaalada Johannesburg iyo meelo kale oo kamid ah wadanka K/Afrika.

Raggaasi waxay maalin iyo layl ukalah guuraan horumarinta talaabooyinkooda dabaqoodhinimo ee ay ugu adeegayaan cadawga,muhiimadooda ugu waynina waxay tahay in ay raali galiyaan sayidkooda Wayaanaha, si ay uhelaan abaal gud ah raalibaan kaa ahay.

Ruuxii isaga waxa uu samaynayo oo muuqda,ismooda in ay wax uqarsoon yihiin ayay Soomaalidu u adeegsataa Dhuumashada dhabarku muuqdo.

Hadaad daqiiqado lasheekaysato nimankaas,waxay taliska Itoobiya kaaga sheegi wax ayna waligeed noqonin,hadana ahayn,ruuxii aad u ooman, daleed banaana ka arka biyo xareed ah oo fadhiya,isla markaana kolkuu soo gaadho uu wax biyo ah waayo,waxa uu dareemaa in wixii uu arkayay uu ahaa Dhaan dabangaale, amaba wax aan run ahayn, waxay sheegaan in barwaaqo ay Itoobiyada iscunaysa gaadhay aynu gaadhi lahayn hadii ayna xabbadi dhacaynin,markay nimankaasi ka hadlayaan shacabka Ogaadeenya, waxay balaqaan albaabbo badan oo mid walba ay kasoo galinayaan wiswis,walaahoow iyo waxaan waxbna kajirin.

Runta hadalku kama raysto, bulshadani way kasoo gudubtay xiligii danayste uu ambin jiray.

Dadka Soomaalida ahi dagaalada iyo xungurufaha dhexdooda lama dhex yimaadaan, kumana dhex dagaalamaan maasaajidka, waayo waa meel alle lagu caabudo,dadkana lagu kala saaro,hadaba marka meeshii ugu saraysay ee xalka loo aadi lahaa ay murugto ayaa soomaalidu waxay u adeegsataa Qayladu masaajidkay ka yeedhay.

Raga shacabka ugu gacan haadinaya janada kasoo burqanaysa Adisababa, miyayna arkin kuwii Itoobiyaanka isla ahaa in ay iyagiiba is raamsanayaan,oo oo caasimadii ay kadhacday Mindi-dhoob ay beebeega iyo kaaruhu kala meel waayeen?waxaanse taas loogu daalaynin guuxa Adisababa ka yeedhaya dibusocodka waxaa kala wayn,guuxa laabtiisa kayeedhaya.

Maskaxda dhimatay waxaa uun lagu dawayn karaa in ladilo viruskii rabaystay, kadibna loo sheego in ay caafimaad qabto.

Khuburada darista gumaysiga iyo raadadka uu kureebo dadka uu gumaysto, ayaa waxay sheegaan in shakhsiga unuglaada falsafadaha gumaysiga,isla markaana danaha gumaysiga unoqda rukuub,hadii gumaysigii uu urarnaa laga adkaado, oo sida qoraxa uu usoo baxo xaqiiqiisii duudsisanaa,uusan marna aaminin in gumaysigii awooda lahaa laga takhalusay, waayo inkasta oo gumaysigii laga adkaaday, hadana maskaxdiisa awoodii uu gumaysigu kulahaa waa sideedii, oo waxaa maskaxdiisa kunool viruskii gumaysiga.

Dadkii lagumaysan jiray ee ee Koonfur Afrika ayaa markay ka xoroobeen gumaysigii midab-takoorka,waxaa mudo badan dadkii qaar kamid ah maskaxdooda baaqi kusii ahaa gumaysigii laga xoroobay,waxaa uun in mudo ah la arkayay dad safaf ugu jira daaqadihii goonida u ahaa dadka lagumaysanayay ee madoobaa, markay wax iibsanayaan,oo meel kale in ay wax ka gataan oo ay saf la galaan dad caddaan ah ka baqaya, markaasaa loo sheegi jiray oo la odhan jiray Waa laga xoroobay midab-takoorkii, ee meeshaad rabtaan wax ka gata

Sidaas oo kale waxaa cad in cadduur ayna dhaw-dhawdu udhacsanayn,oo meel lagu kala qaxayo ay rag rabaan in geediga hayaan ah ku furaan.

Hadaba nimankaas oo caqabad ku ah himilada dadka Ogaadeenya oo bulshadu ay ku wareersanayd in mudo ahba ayaa waxaa muhiim noqotay in aan shacabka uga digno, hadii ay falalka ay wadaan ka tanaasuli waayaana waxaan bulshada u higaadin doonaa magacyadooda.


Ciilane Gundiid
birmade@yahoo.com
June 24, 2005

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.
This site is created by Ogaden Online.  Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.