Chat

Forum

Commentary and analysis 

DIIN JACAYL NAGAMA AHA EE WAA HADAL JACAYL
June 16, 2005

UJEEDO: GABADHII REER CUMAAN EE SUURADEEDA LA BADALAY
http://www.patriciapiccinini.net/wearefamily/index.php?sec=ll&pg=01

KA: XISBIGGA DIBU SOO NOOLEYNTA SOOMAALIYA
KU: DADKA BEENTA U NUGUL WAX HA BARTEEN

Waxaa hubaal ah in waayadan dambe ay maalinba maalinta ka dambeyso ay soo shaac baxayaan duleelo faro badan oo lagu arki karo shacab weynaha Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan (DALKA GUDIHIISA AMA DIBADIISA).

Sidaas ay tahayna waxaa ay sii xoojineysaa dareenka loo qabo in la helo maskax shaqeyneysa oo lagu badalo sheekooyinka dhalanteedka ah ee aan ilaa iyo waagii Cigaal Shidaad soo akhrineynay maantana keentay in Qaraniga 21aad aan isla iyadii uun wadno.

Soomaalida waxaa ay sheegayaa MUSLINIMO, sababta aan u leeyahay waa ay sheegataa dib ayaan ka qeexi doonaa balse waa dad jecel inay Diinta Islaamka ku xirnaadaan saas ay tahayna waxa Diinta Islaamka inafareyso ma suubino, inta badan waxaa maqaalada ku soo qornaa ama aan isku daynaa inaan Diinta ku lifaaqno fahanka dhibaatooyinka ina haysta oo lagu soo gaabiyo “haddii hebel uusan wadaad ahayn” waxba xal ma soo wado ama maba wadi karo, wadaadnimo ayaan horta khalad weyn ka fahanney.

Hada arinka la xiriira gabadhaas “quraankii ama kitaabkii dhulka ku tuurtay” ka dibna cadho ALLE (SW) ku dhacday taasoo suuradeedii badashay ayaa noqotay mid shaqsi weyn iyo mid yariba ay sidii sheekooyinkii ahaa Beri baa waxaa jirey uga sheekeeyaan iyagoon si cilmiyeysan u darsin, dabcan kuwa yar yar ama dhallinta maanta joogtaa eedba malaha oo dadkii ka weynaa ayaaba u fakaraya sidii Ilmihii filimaanta loo jilayay.

Ma wax lala yaabaa ama la isweydiiyo in ALLE (SUBXAANUHU) uu awood u leeyahay in qof castaa siduu doono uu ka yeeli karo, yaa ay awal taasi shaki uga jirtay, haddii wax yar oo calaamata su’aal ahi ay kaa saarneyd, waxba Diin horeyba ugama aadan aqoon.

Ma la isweydiiyey waxa ay istaahilaan in lagu badalo dadka Soomaliya liqay ee Qabiil wax waliba dhaafsaday, dadkan sidee ayaa ay istaahilaan in loo ekeysiiyo, taas ma isweydiiseen waa hadaad wadaad iyo sheydaan tihiin?

Aaway kuwii Kutubta ku dul istaagi jirey si ay u laacan saacad Masaajid ku dhagan, aaway kuwii dadka xaqiisa xalaaleystay, aaway kuwa reer hebel u go’ay ee dhaafsaday sharaftii dadka iyo dalka lahaa, aaway kuwa bada sunta ku shubay ee shalay Sunaamida soo quftay, dadkaas sida ay u ekaan lahaayeen cidi ma isweydiisay, maxaa gabar yar waaba haddii ay jirto oo miskiin ahi Alle (SW) u badali adna uu kuu cafin, jawaab taas ma isweydiisay waa hadaad wadaad iyo shariif tihiin ama aad tihiin dadkii diinta loo xilsaarey inay ilaaliyaan balse ilaawaan waxa ay fareyso.

Shacabka Soomaaliyeed meel waliba uu joogo arintan waxaa ay u tahay layli u baahan inay ka soo fakaraan, waa fursad wanaagsan oo maskaxda looga shaqeysiinayo, waa fursad qaali ah oo loogu yeeri karo Duulaanka Maskaxda.

Waxaan maqli jirey ama aan dad badan isku maan dhaafnay Soomaalida waa “ORAL SOCIETY”, war maxaa u diiday dadkan inay wax qoraan, wuxuu doonayaa inuu mar marsiinyo u helo dambigiisa, ma awoodo inuu dhaho haa waa dhab inaan u baahan nahay inaan noqono dad wax akhriya waxna qora, taas awood uma laha iyo geesinimo uu qirto, laakiin waa inuu la soo boodaa Somalis Are Oral Society, taloo dhan intaas ayuu ka yaqaan.

Sideedaba xadaarad jiri kartaa inay ka maaranto qoraal ma jirto run ahaana ma jiri karto, kuwa ugu xun ayaa darbiyada wax ku qori jiray ama buuraha si ay u kaydiyaan wixii ay Aabayaashood ka soo dhaxleen, anaga oo Geeska Afrika u talin jirney in maanta been raqiis ah nalagu gato ama lagu iibsado maankeena waa waxa masuulka ka ah dhibaatooyinka ina haysta saacadan aan taagan nahay.

Si looga baxo jahligan waxaa masuuliyad adagi ay saaran tahay dadka wax qora ama wax soo tabiya oo ay ugu horeeyaan shabagadaha wararka Soomaaliyeed ee waayadan dambe soo badanaya.

Waan la soconnaa inta badan waxaa loo furaa shabagadaha ma’aha in lagu difaaco qaran iyo qaranimo ee balse waa qabiil. Reer hebel ayaa sidaas been u akhriya adigana waa inaad la mid tahay oo aad kula tartantaa arinkaas.

Waxaa loo baahan yahay in si ka duwan sida hada wax u jiraan in loo furdaamiyo, waa in la bedelaa qasdiga wararka loo faafinayo ayna noqotaa mid qaranimo lagu dhisayo, dad jahli ah in been lagu sii hurgufaa waxaa ay sii xalaaleyneysaa arimo badan oo fool xun.

Somaaliya iyo Somaali waxaa sugeysa su’aasha ah sidee Qaranimo loo dhan yahay loo dhisaa, sidee ayaan jahliga u awdnaa una furnaa baal cusub oo cad, taas ayaa sugeysa shaqsi waliba oo maanta sheeganaya inuu yahay SOOMAALI.

Waxaan idinku adkeyneynaa inaad ka fakartaan waxa ay idiinka macno dhigan tahay ama qiimaha ay ku fadhiyaan 26 JUUN iyo 1da LUULYO oo inagu soo food leh, waa inaad maskaxiyan isu diyaarisaan bilahan soo socda oo aad jawaabo Sharaf leh soo bandhigtaan haddii kale oo aydan wax cusub oo maanka qaadan karo aydan hayn waxa la idiin sheegayo qaata.


Ciwaanka aad kala soo xiriiri karto Golaha Shacabka:

GolahaShacabka@hotmail.com

Qore: Liibaan Cabdi Daahir, LiibaanGeeddoon

Gudoomiyaha Xisbiga Ahna Xoghayaha Afkaarta Xisbigga

(Party Leader and Secretary of Party Ideology)

Saxaafadda: Maxamed Shiikh Nuur, Xoghayaha Sare ee Saxaafadda Xisbiga
(Chief Party Press Secretary)


Qoraaladii hore hoos ka akhriso:

Duulaanka Maskaxda: Xisbigga Dib u soo Nooleynta Soomaaliya
Dastuurka Fadaraaliga Soomaaliya Waxaa Laga Soo Xaday Buugii Animal Farm
PART 1 – THE RECKONING Resurrection Party of Somalia
Ma ogolaan karnaa Dowlad shisheeye iyo Ciidan shisheeye Liiban Abdi Daahir
Resurrection Party of Somalia Liiban Abdi Daahir
The super-intelligence of Somalis Liiban Abdi Daahir  
The Path towards a Political Party  Liiban Abdi Daahir
 
 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.
This site is created by Ogaden Online.  Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.