|
Duniya Dilkeeda Waa
Inaan Weriye Kale Ka Dambeyn!
W.Q.
Cabdullaahi Abuukar
aabukar@yahoo.com
June 07, 2005
Geerida
weriye Duniya Muxiyaddiin oo shalay lagu dilay waddada isku xirta
Muqdisho iyo Afgooye waxa ay ina xusuusinaysaa dammiir la'aanta
shuftooyinka hubaysini ku laayaan dadweyne aan waxba ka galabsan
waddooyinka Muqdisho. Sidoo kale waxa ay tusaale u tahay khatarta ay mar
walba ku sugan yihiin suxufiyiinta Soomaaliya
ka howlgala.
Sida uu ku warramay Faarax Beerrey oo ka mid ah weriyeyaasha Horn Afrik,
Duniya Muxiyaddiin waxa shaqadan loo qaatay markii ay kaalinta koowaad
ka gashay tababar saxaafadda ku saabsan oo ay Shirkadda Horn Afrik
bixisay. Waxay ahayd weriye ku caan ah arrimaha bulshada si weyna looga
qaddariyo idaacadda iyo talefishanka, loona hanweynaa. Kama gabban jirin
Duniya in ay ka soo warranto xaaladda dadka lagu afduubo Muqdisho iyo
weliba dadka xadgudubka lagu sameeyo, taasoo lagu xusuusto
warbixinnadeeda ay ka soo gudbin jirtay warbaahinta, gaar ahaan
barnaamijka
Muqdisho iyo Maanta.
Muqdisho iyo burcaddeeda
Weriye Faarax Beerray waxa uu sheegay in Duniya Muxiyaddiin ay ahayd
weriyihii afraad ee ku geeriyooda iyagoo gudanaya howsha warbaahinta ee
Horn Afrik. Dhanka kale, Waxa dhowaan dabley hubaysani ay ku dhaawaceen
Muqdisho weriyaha ruugcaddaaga ah Cabdalla Nuuradiin oo haatan ka mid ah
Horn Afrik. Waxa ka sii horreysay weriye BBC-da ka socotay oo ajnabi ah,
taasoo si ula kac ah loogu xabbadeeyey Muqdisho.
Waxa Muqdisho ka socda dedaal aanay waxba ka soo naasa caddayn oo lagu
wado in jidgooyooyinka looga qaado waddooyinka Muqdisho iyo kuwa soo
gala magaalamadaxda.
Jidgooyooyinkan waxa dhigtay oo dadka safarka ah baad iyo dhac uga qaada
burcad ay ka mid yihiin maleeshiyooyinka qaar badan oo haatan DFKG ka
mid ah.
Guddiga DFKG ay u saartay xasilinta Muqdisho waxba ma qaban karaan
haddii aanay kasoo shaqaynin dagaal-oogayaasha siyaasiyiinta isu
beddelay oo bilaabay inay ka meeraystaan xilka kaga aaddan xasilinta
Muqdisho. Waa in ay ogaysiiyaan in nimankan
aanan loo soo dooran xirfad iyo maskax ay dadka kale dheer yihiin ee ay
tahay in derajooyinkan loogu maasuusay inay dhibka joojiyaan.
Sidoo kale, Maxkamadaha Islaamiga ah, ganacsatada iyo beelaha Muqdisho
iyo agagaarkeeda dega ayay la gudboon tahay in ay ummadda ka qaadaan
jidgooyooyinka
sharci-darrada ah.
Dadweynaha Muqdisho ayaa laga rabaa in ay ka gilgishaan dhibaatada dhaca
iyo dhimashada joogtada iska noqotay ee ay xabaddu sababtay. Ma ahan "Iska
caadi" in macne la'aan loo dilo qof aan waxba galabsan. Waa inaad Duniya
Muxiddiin ugu dambeysiisaan Soomaalida gardarrada lagu dilo ee Muqdisho.
Adduunka kale dadku mar buu yiraahdaa, "Dhib intaan ayaa iigu filan"
(enough is enough). Reer Muqdishow, miyeydan dad damqada ahayn?
Waxan innagoo ka tiiraanyeysan tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii iyo
asxaabtii ay ka geeriyootay Duniyo Muxiyaddiin Nuur iyo weliba bahda
Horn Afrik. Ilaahay naxariistiisa janno ha ka waraabiyo, dalkeennana
nabad ka ku soo simo.
|