|
HORTA GEEDI WAA KUMA?
Waxaan
la wada soconaa inuu Ggeedi yahay ninka ugu sareeya xilka
dawlada Soomaaliya maanta uuna iska dhigaayo inuu u
shaqeynayo ummaddiisa, laakiin wali miyaan la isweydiiyay
wuxuu yahay iyo ujeedadiisa hoos ahaaneed ee uu wato waxay
tahay. Geedi waa nin Soomaali ah sidaan ognahay, wuxuuna wax
ku bartay dalka gudihiisa, mudadii uu waxbarashada ku jirey
wuxuu gacantiisa ku jirey aabahii oo ka shaqeyn jirey
nabadsugidii Soomaaliya isagoo waliba taasi ay u dheereyd
inuu ahaa waardiyaha Meles Senaawi waagii uu Soomaaliya
joogay. Dadka qaarkiina waxay yidhaahdaan ujeedada loogu
doortay waxay aheyd isagoo odaygu kasoo jeeday Nageyle oo ku
taal gobalka Afdheer ee Itoobiya gumeysato.
Hadaba markii dalka uu ka dhacay dagaalkii sokeeye, ayay
reerkii oo dhan waxay isku shubeen gurigii Meles ee xaruta
Adis Ababa halkaas oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay guri
weyna markiiba loo galbiyay. Arintu markay halkaas mareyso
ayuu Meles ka fikirey inuu geedi u isticmaalo Soomaaliya,
ama uu uga noqdo wakiil ileen waa tii maah maahdii ahayd
“Gudinyahay imaad goyseene gobalkaybaa kugu jira” wuxuuna
geedi ogalaaday jagadaas raqiiska ah ee gumeysiga Itoobiya
siiyay isagoo waliba u xusul duubtay inuu noqdo adeegaha
Meles. Waxaa kaluu bilaabay inuu colaad u qaado Soomaalida
dhamaan xitaa xaaskiisii koleykutahay waayo hadii uunan
necbayn muunan waydiisteen Meles inuu uguuriyo adeegtadiisa
aan kaadida iska maydhin kama doorteen gabadhii Soomaaliyeed
uu qabay ee sharaf badan, Soomaalidana uma uusan dalbadeen
ciidamo laaya oo Amxaaro ah.
Waxaa taas kasii daran isagoo markii hore uu Meles la
doonayay jagada Madxweynenimada ee C/laahi maanta hayo,
laakiin siyaasiyiin Itoobiyaan ahi u sheegeen inaanu Geedi
ka mid aheyn ragii wadanka isku haystay sidaa darteed uunan
qaban karin jagadaas. Wuxuuse u diyaariyay jagada uu maanta
hayo oo ka muhiimsan tan Madaxweynenimada waana tii aan
ogeyn ee C/laahi loogu soo dhiibay boorso xidhan oo aanu
ogeyn wax alaale wax ku jira kuna dhex furay Barlamaaanka
dhexdiisa.
Arinta kale ee uu Geedi ummadda Soomaaliyeed u gestay waa
isgoo xoolihii Soomaaliyeed ku sheegay inay cudur qabaan
sidaasna ay Carabtii gadanaysay ku nacday arintaasna waxaa
ka danbeysay Itoobiya oo soo dirsatay ninkaas aan moodayno
inuu yahay Soomaali laakiin asal ahaan u ah Tikree aan la
ogayn iyadoo rabtay in xoolaha iyada laga gato oo ay
Soomaalida ku baaraan xoolahu
Soomaaliyeey hadaba Geedi ma u qalmaa inuu wadanka wax xil
ah ka qabto isagoo ah ninka caynkaas ah? Jawaabtuna waxay u
taalaa Soomaalida oo dhan iyo waliba dadka u magacaabay inuu
qabto xilkaas uunan u qalmin.
Saxarla Geedi.
Saxarla@gmail.com
Apr 07, 2005
Copyright © 1998-2002 OGADEN
ONLINE All Rights
Reserved.This site is created by Ogaden Online.
Reproduction of any material
on this site is prohibited without express permission of the site owner
and the webmaster.
|