| |||||||||||||||
|
ITOOBIYA MAXAY ISUGU DHARIIJIN IN CIIDAMADEEDUU SOO GALAAN SOOMAALIYA Dhacdoonkii shalay ka maanta dhacaya u ekaa , waxaa haboon in la xusuusto had iyo jeer dhacdoonkii taarikheed ee soo dhax mary itooboya iyo soomaali si aan u qiimayno una qiyaasno damaca maanta ay itoobiya ku mitidayso si ay cidamadeeda uu soo galaan soomaaliya si rasmi ah oo aduun waynaha ka sharciyaysan . Waxaan xasuusanahay in dhamaadkii qarnigii 19aad boqortooyada ingriisku wafdi ka socda u soo dirtay itoobiya kadib marka ay ka soo yeedhay cabasha farban qabaa'ilka soomaaliyeed oo la saxiixday ingriiska in ay ka mid noqdaan raciyada boqortooyada ingriiska .Xiligaas uu wafdigu soo gaadhay waxaa ka talinayay itoobiya boqorkii mililk , waxaana lagula dardaaranaty wafdiga in uu qiyaaso damaca milik iyo in uu xeerinayo iyo in kale danaha ingriisku ka leeyahay geeska afrika , sidaas darteed waxaa lagu amray haduu mililk ilaalinayo danaha ingriiska waa in aad dhulka soomaali dagantahay oo idil gacanta aad ka galisaa, haday taa noqonwaydo waa in aad ku dadaashaa in uusan soo gaadhin xeebaha dhulka soomaaliyeed .Kkulankii ay wafdiga dawladda ingriiska iyo mililk wuxuu ka dhacay adis ababa , xaga itoobiya waxaa ka qayb galay wada hadalka mililk iyo la taliyahiisii oo u dhashay waddanka iswisarland kaliya, marka habkee ayuu u dhacay kulankaasi ? .Si kooban wafdiga ingriisku wuxuu soo hor dhigay mililk in uu ku xad gudbay racidda ku hoos nool boqortooyada ingriska ee soomaaliyeed, si habsami ah dawladda ingriisku waxay jeceshahay in jawaab laga siiyo waxay ku dhacday arintaas. Mililk wuxuu ku jawaabay:- boqortooyada itoobiya dal aan dalkeeda ahayn lug ma ayna galin . Wafdiga ingriis:- Harar miyaadan qabsan?, miyaadan soo dhaafin oo barbara in yar u ma jirtid in aad qabsatid ?. Mililk:- Dhulkaad sheegi waa dhul ka mid ah dalka itoobiya ayuu ku jawaabay . Ingriis :- Mo markaan heshiiska la galayay qabaa'lka soomaaliyeed ee ku dhaqan xageebaad jirtay? Mililk:- Miyaad la socotaa taarikhda itoobiya ? ayuu ku jawaabay . Ingriis:- Maya ee ii sheeg . Mililk:- Soomaalidu waa itoobiyaan xoolaha noo raaca mana aha dad ku noolaan kara sidaa darteed xoolaha ayay noo dhaqdaa . Ingriis:- Ma ii sheegi kartaa boqortooyadaaduu halka xad u ah ay ku egtahay ? . Mililk:- Waa tan iyo karuum waqooyi , baliyada taana ee ku yaala badhtamaha aafrica , bari ilaa xeebaha bad waynta indiya . Halkaa waxaa uga cadaatay wafdigii ingriiska in mililk yahay nin han wayn laguna aamini karin danaha boqortooyada ingriiska . Boqortooyada ingriisku waxay go'aansatay in loo ogolaanin mililk in uu usoo talaabo xeebaha bad waynta india , wuxuna jeexay in uusan ka soo gubin 40tan km galbeed magaalada hargaysa si uu u difaaco magaalada barbara oo u ah goob istiratiiji uuna ka maarmin . Sidoo kale waad ka warqabtiin halkuu ka istaagay xayle salaase xiligii gobanimada u diriraysay soomaali waa tuu quruumaha midoobay ka yidhi soomaali waa qayb ka tirsan dalka itoobiya . sidoo kale mangisto xayle maryam qudbaduu kaga tagayay xukunka waa tuu tilmaamay guulaha uu ka soo hoyiyay cadawgeeda koowaad ee itoobiya oo ah soomaali . ama malsa zanaawi oo canshuurta shacabka soomaaliyeed laga qaaday wax ku soo bartay , soomaalina magan u ahaa waad la socotiin markii idaacada bbc la waydiiyay 1992kii maxaad dagaalka sokeeye ee soomaali qayb uga tahay sow abaal kuguma laha ? wuxuu ku jawaabay danaha itoobiya ayaa ka wayn ta soomaaliya. Dhacdoonadaas aan soo sheegay waxa inooga if bixi in siyaasadda talisyadii kala duwanaa ee soo maray itoobiy ayna marra aaminsanay jiritaan qaran soomaaliyeed ee ay aaminyihiin in soomaaliya ay tahay qayb ka tirsan itoobiya sida uu yidhi mililk. Xaaldda ay marayso guud ahaan soomaali maanta oo ah xiligii ugu adkaa socdaalkeeda taarikhdeed taas oy qarka u saarantahay in ay ka baxdo khariidada aduunka . khatartaas waxaa horboodaya dawladda itoobiya oo u aragta in maanta ay istiratiyadii ay ku taamaysay waligeed itoobiya ay suurta gal tahay in ay sugto , ayadoo u aragta in ay gacanta ku hayso mafaatiix ay ku xaqiijiso himiladaas. Waxaa iswaydiin leh waa maxay qorsha itoobiya ay ka damacsantahay soomaaliya ? . Shaki kuma jiro in (siyaasiin) soomaali u dhashay oo fara badan kuna hardamaya taladda dalka ay u gacan galeen itoobiya kana soo dab qaataan fuliyana danha ay dooni , way u cuntami wayday oo cidankeeda ayaa ka qayb qaata dagaalada ka socda dalka. Xag siyaasadeed itoobiya waxay taakulaysaa in dalka lo kala xayndaabo (maamul ) ku sheeg si ay u wiiqdo midnimada soomaaliyeed kana soo nor jeeda ujeedadeeda istratiji ee foog , sidoo kale waxay kaalin wayn ka qaadatay in ay ka dhaadhacisoo dawladda maraykanka in soomaalidu gacan saar la leedahay argagisada al-qaacida oo maraykanku baadi goobayo kadib markii ay dhacday qaraxii waynaa ee 11/9, sidaasna ay dawladda maraykanku ka indha qarsato una fasaxday fara galinta itoobiya ay ku hayso arimaha soomaaliya . halkaa waxaa ku cad in dawladda itoobiya ay qayb ka tahay xasilooni darada iyo soo afjarka dalka sokeeye. Arimahaas aan soo sheegay waxay ka adeegi in itoobiya ay baadi goobi hab ay ku soo gasho soomaaliya ayadoo aduun wynana ka haysata aqoonsi sharciyaysan, kadibna markay hesho lugaha ku fidsato dalka oo dhan, waxa kale oon ognahay in wadada ay u soo mari manta inoo wada muuqato waxayna tahay surinka (igaad), siiba waxaan ognahay dawladaha (igaad)ku bahoobay in yihiin kuwa aanan hor istaagi karin damaca itoobiya hadayna qarkood la qabin sida keenya oo kale, taarikhduna way inoo tilmaami kaalinta ay itoobiya ka ciyaarto bariga aafrika. La yaab malaha arini markay sidaas tahay in itoobya ay isku dhabar jabiso geed gaaban iyo mid dheer uu fuusho siday u soo galin lahayd ciidankeeda soomaaliya , hasa yeeshe waxaa layaab lehn siyaasiyiinta ku adkaysanaya in ciidama ka socda dawladaha safka hore oy itoobiya hor boodi ogolaadaan , ayagoo awooda in ciidan kale oon lug ku lahayn dagaalka sokeeye dalban kara , waxa halkaa iswaydiin leh yay siyaasiyiintaasi u adeegi ma danaha dalka iyo daminta dagaalka sokeeye mise danaha itoobiya ? . Waxaa hubaal ah in ummadda soomaaliyeed tahay ummad agag oon si sahlan loo loodin karin taa waxaa tilmaami taarikhdeeda soo jireenka ah iyo xaalda haysata maanta oo ummad kale haday qabsan lahayd ay waa hore riiqman lahayd , waxay ku cadahay in soomaalidu tahay ummad adag in ummad 15 sano dawlad la'aan ku jirta oo meel walba warmo lagaga shuqaynayo cadaw sokeeye iyo mid shisheeye walina soo taagan oon diyaar u ahayn in liicdo , waxaana hubaal kale ah qorshaha la maleegayo ee qarankii soomaaliyeed lagu tirtirayo in uusan soomaali maraynin awood kasta hadii la adeegsado .
Dhamaad.
w/q cadulaahi M. Diiriye .
| |||||||||||||||
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster. |