Chat

Forum

Commentary and analysis

Jabhadu Jwxo,Weeye Jabiya Gumeysiga Itoobiya Weeye

Saaxiibayaal/Akhristayaal,waxay ujeedada Maqaalkani tahay bal in aan u iftiimiyo intii aan la soconin ama ayna u cadayn Ujeedada Halganka Xaq u Dirirka ah ee uu Shacabka Ogaadeenya oogu jiro aaya ka talintiisa ayna Majaraha Siyaasadda iyo Midka Milatariba u hayso Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-Jwxo.

Waxaan maalmahan dambe ku arkaa Fagaarayaasha Saxaafadda Soomaaliyeed Shabakadaha Wararka ee Internedyada,qaar ka mida Maqaalo iyo Aragtiyo ka dhan ah Halganka uu Shacabka Ogaadeenya ugu jiro in uu kaga hoos baxo Itoobiyada Gumeysata, kuwaas oo si  doqon ma garato ah loo galinayo Maskaxda Shacabka Soomaaliyeed iyo Midka Ogaadeenya,iyada oo la dhinac marayo Xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Ogaadeenya.

Si hadaba aan horta dhabta uga Waraabiyo akhristayaasha Maqaaladaas iyo midkanba,waxaan haddii uu Allaha Awooda leh ogolaado jeclahay in aan idiin soo gudbiyo Maqaal ka kooban dhawr qaybtood, oon midba kagaga hadli doono arin ka jirta Ogaadeenya, iyadoon Qormada ama qaybta 1aad, ee maanta  ku bayaamin doono sida dhabta ah ee Ogaadeenya wax uga jiraan iyo xaaladihii la soo maray iyo  meesha la marayo ee xabada ah wixii keenay.

Jwxo, waxay si rasmi ah uga hawl gashay Milatariyan iyo Siyaasiyanba Fagaarayaasha Siyaasadda ee Geeska Afrika siiba Ogaadeenya, horaantii Sanadkii 1991-kii, burburkii Xukumadii hore ee Soomaaliyeed iyo Midii Dhergiga ee Gumeysiga Itoobiya kuwaas oo si siman ula wada dagaalamayey Jwxo.

Markii ay burburtay Dawladdii Dhergiga ee uu hogaaminayey Mengistu Haile Maryiam oo waxoogaa uun ka danbaysay tii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed,ayey Jabhaddu fursad u heshay in ay Shirkii ugu horeeyey ku qabato Ogaadeenya kaas oo daaha ka qaaday qarsoodigii ay mudada dheer ku soo jirtay,bishii June-1991-dii Magaaladda Geri-Go?n,ee Degmada Shaygoosh oo ka mida Gobalka Qoraxey, si ay Shacabkeeda ugala tashato wixii laga yeeli lahaa burburkaas iyo Dhalashada Dawlada Cusub ee Itoobiya ee Tigreegu hogaaminayo, waxayna Shirkaas isugu yeedhay dhamaan dadka Soomaaliyeed ee  ku nool. 9-ka Gobol ee Ogaadeenya ka kooban tahay.

Hadaba dood dheer iyo talo is  dhaafsi kadib,waxay Shacabkii garteen in ay Jwxo, la shaqayso Dawlada cusub ee Itoobiya ka dhalatay, ayna ka qayb gasho Shirka Adis.Ababa ka dhacaya,si loogu wax qaybsado,waxayna Jabhadu ku shaqaysay Rabitaanka Shacabkeeda iyadoo ka qayb gashay Shirkii Charterka waxa loogu yeedho Itoobiya ee Bishii June 1991-dii ka dhacay Adis-Ababa, iyadoon laga tanaasulaynin Mabdi'ii Xoriyo Gaadhsiinta Shacabka

Waxay sidoo kale Jwxo, iyadoo ka duulaysa rabitaanka Shacabkeeda ka qayb gashay Doorashooyinkii Itoobiya ka dhacay sanadkii 1992-dii iyadoo Baarlamaankii Doorashooyinkaas ku soo baxay yeelatay 80%, isla markiibana dhistay, Maamulkii ugu horeeyey ee Ogaadeenya si xor ah ooga soo dhex baxa Shacabkeeda.Waxaa sidoo kale uu Baarlamaankaasi hoosta ka xariiqay Madaxweynaha Kililka waxa loo yaqaan, Ku Xigeenkiisa,Xoghayn,Gudi Fulin oo ka kooban 19 Xubnood,Caasimada Ogaadeena, oo Godey loo doortay,Calanka oo ah kan haatan Maamulku leeyahay iyo Luuqada Rasmiga ah ee uu Maamulkaasi ku Maamuli doono Ogaadeenya oo markii ugu horaysay laga dhigay Taariikhda Dhulkaas Luuqada Af-Soomaaliga oo ah mida rasmiga ah ee dadkaasi leeyahay.

Waxaa dhamaan arimahan aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo la dhisay ama lagu Heshiiyey cagta mariyey oo ka baxay Balamihii laysku ogaa iyo waliba Charterkii ay dhigteen Qoomiyadaha waxay ku magacaabaan,Itoobiya kadib markii ay tabaraysteen ,Ururka Talada Itoobiya haya ee TPLF/EPRDF,kuwaas oo is biday in ay xoog markaas ku muquunin karayeen Halganka  Shacabka Ogaadeenya,kalifayna in Halganka Hubaysan ay Jwxo, ku dhaqaado.

Ogaadeenya waxaa haatan ka socda Halgan adag oo dhex maraya Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-Jwxo oo Xoriyo doon ah iyo Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya iyo wixii la hal maala oo Xoriyo Diid  ah.Jabhada oo Xubnaheeda,Taageerayaasheeda iyo Shacabkeeda adeegsanaysa iyo Gumeysiga Itoobiya oo Ciidankiisa,Taageerayaashiisa iyo Daba Dhilifyadiisa adeegsanaya.


Dagaaladan Xoriyad Doonka iyo kuwa Xoriyo Diidka ah oo si rasmi ah u  bilowday

 

1. Sanadkii 1994-tii kadib,markii ay  Itoobiya ka baxday Dhamaan Heshiisyaddii u yiilay iyada iyo Jwxo,eey burburisay,Baarlmaankii Ogaadeenya ee uu Shacabku soo doortay eey Jwxo,Xubnahooda lahayd 80%.

 

2. Markii ay Caasimaddii Ogaadeenya ee Godey Itoobiya si Sharci daro ah Magaalo Madaxnimaddii uga soo Wareejisay ugana dhigtay Jig-Jiga ,si aan rabitaanka Shacabka ku dhisnayn.

 

3.Markii ay Itoobiya laysay Xubnihii Maamulka Ogaadeenya Gobalada loo doortay sidii ka dhacday Qoraxey,Wardheer,Godey;Dh/buur iyo meelo kale.

 

4.Markii Itoobiya ay Weerarka Badheedhka ah ku soo qaaday Xaruntii Dhexe eeJabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya,Geri Go?n,iyadoo rabta in ay Gacanta ku dhigto madaxda Jwxo.

 

5.Markii ay Itoobiya Weerarka ku qaaday Gud.Hore ee Jwxo,Sh.Ibrahin Abdalla,isagoo Magaalda Wardheer hawl Halgameed ugu joogay.

 

6.Iyo Markii ay Itoobiya sida rasmiga ah ugu dhawaaqday Dagaal in  ay ku qaadayso Jwxo,ayna kala dirtay dhamaan wixii Maamul ahaa ee Jwxo,ka samaysay Ogaadeenya,Min Boolis ilaa Shaqaale noocuu doonoba ha ahaadee iyo kuwo kale.

 

Saaxiibayaal haddii aad ila socotaan Jwxo,waxay dani baday in ay is Difaacdo,iyadoo dariiqa u furaa xiligaas ilaa manta uu  yahay kan  Difaaca ah eey ugu jirto in ay ku Difaacdo,Mabd? iyo Shacabkaba kaas oo ah kan ay hayso ee Xoriyad Gaadhsiinta Shacabka ilaa heer Gu?taan ah.Kuwa moodaya in ay Jwxo,iyadu dooratay dariiqan xabada ah eey ku Halgamaysoow bal ogaada in ay dani baday.

Haddii aan intaas uga gudbo Milicsigii Taariikhda Halganka Shacabka Ogaadeenya ee Jwxo,haatan wado,si akhristayaasha aan aragtida buuxda ka haysanin soo Jireenkii Halgankan aynu haatan ugu jiro Xoriyada ee ugu danbeeya Halgamaddii kala duwanaa ee inta   Boqol iyo Tobaneeyada Sanadood ka badan ka socday Ogaadeenya kalana watay Magacyada kala duwan,hasa yeeshee isku midka ahaa ayna midkan ugu danbeeya ee hada socda uHogaaminayso Jwxo,waxaan halkan ku koobi qaybtii 1aad  ee Maqaalkayga,kaas oo ahaa Hor u Dhac.

Waxaan Qaybta soo socota ee 2aad kaga hadli doonaa Shirqooladdii ay horay Itoobiya ugu dhigtay Halganka si ay u aamusiiso iyo sidii loo fashiliyey mid walba,Shirqoolada Cusub ee Itoobiya haatan rabto in ay ku minja Xaabiso Halganka iyo Sida eeda rasmiga ah  ee Ogaadeenya ka jirta ay u leedahay Itoobiya,una haboon tahay in iyada farta lagu fiiqo iyo ugu danbayn habka la rabo in Shacabka Ogaadeenya loo adeegsado siday iyagu gacantooda ugu burburin lahaayeen Halgankooda kadib,markii ay Jwxo,talaabooyinkii kale ee Gumeysigu waday oo dhan kaga adkaatay.

Afeef, marka aan arimahaas soo bandhigayo nina anigu uma jeedo, umana magacaabi doono waxaanse Fooda u Faydi doona dhaman Xeeladaha cusub ee la adeegsanayo, anigoo Xuuraansi ugu jiray arimahaas.Waxaan marka akhristoow qormaddii 1aad ee Maqaalka  ku soo  xidhi Tix ka mida Gabaygii Kabuubyo iyo Abwaan Abdi Saahid oo ka mida Abwaanada Halgamayaasha ah, waana inoo qaybta 2aad.Mahadsanidin.
 

Kibistaa Dalkeena iyo Inaan Shaah La Soo Kariyey iyo

Kiilo Jaad ahi Kuleyl Inaka Reebaynin in la Kala

Fogaadiyo Xumaan Korodha Mooyaane

Sonkor aan Ka Dharagnana In aan Lagu Kifaaxaynin

Oo lagu Kufriyo oo Rag Badan Jeelka Lagu Keeni

Oo Koox Islaam Sheegata Raaci Kiristaanka

Haddii aad Kitaab Ii Dhigtaan Kama Cabsoodeene


Karinka iyo Kariib Olalay iyo Karinlihii Awrka

Iyo Qaalmo ay Kuul Dhashay iyo Koranka Waynaaday

Wakhtigoo Kaliil iyo Horweyn aan La Kala Reebin

Kii La Joogay oo Kaba Wata oo Ku Orda Mooyaane

In aan Koorta Xoolihii Qabeen Xerada Keenaynin

Haddii aad Kitaab ii Dhigtaan Kama Cabsoodeene

Anigana Kalmadahaygu Waa Ciil Isoo Karaye

Kalahay Xornimaddii Jirtaa Lagu Kalsoonaaye

Ina Kiciyo Kaysoow Nin Raga Kuudud Baa Dilaye


Konton Goor Ka Badan Maalmahaad Weerar Kiciseene

Kolkaan Cadawga Ka Adkaano ee Layna Kari Waayo

Kibirkiyo Amxaarada Markii Kaydku Ka Idlaado

Ee Ruushkii Kaalmayn Jiray iyo Kuubo Ku Haraado

Kaymaha Intii Laga Baxo oo Soo Karaar Celino

Magaalada Korkeediyo Kolkaan Kaabiga Istaagno

Kornaynka iyo Kolkii Kaarahana Koodka Laga Toogto


Kun Nin oo Qabiil Lagu Korshay oo Qamandi Loo Keenay

Ku go'oyinkaas oo Hunguri Kaarni Lagu Siiyey ama

Kun Nin oo  Qabiil Lagu Korshay iyo Odayo Kuus Kuusan

Kulga?oyinkaas oo Hunguri Kaarni Lagu Siiyey

Kuwaasaa Wadanigii Kabnaa Kaw Ka Kala Siine

Kaliishii Gashaba Niman Kibra Baa Keena Saqajaane

Kolba Koox Islaam Sheegata Baa Raaci Kiristaane

Anigana Kalmadahaygu Waa Ciil Isoo Karaye

Kalahay Xornimaddii Jirtaa Lagu Kalsoonaaye

Ina Kiciyo Kaysoow Nin Raga Kuudud Baa Dilaye

 

Nuur Liibaan
nliibaan@yahoo.com
19 March 2005

 



 

Copyright © 1998-2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.  
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.