|
Su'aalaha 21ka ah ee
Cabdullaahi Axmed Gaas yey ku socdaan?
Jan 04, 2006
Arrinta meel kasta
iyo mar kasta u aadamuhu isku raacsanayahy ayaa waxay tahay,
inuu qofka insaanka ahi difaaco xoriyadiisa iyo karaamadiisa.
Haddii lagu soo xad gudbona u ka dhiidhiyo oo u dagaalamo
siduu u soo dhacsan lahaa xoriyadiisa, wakhtigay dooni ha ku
qaadato sidoo kalana waxay dooni ha ku kaliftee. Ileen wax
xoriyad ka qaalisan ma jire!
Haddaba ma haboona ineynu wakhtiga ku dilno ka hadalka in
dhulka Soomaaliyeed ee Ethiopia (Ogaden) haysato in la
guumeysto. Sidoo kalena ma haboona ineynu wakhtiga ku
dhumino sharaxaada ururadii u soo halgamay hadda ka hor iyo
ururka haatan u halgama ee ONLF. Ururadan oo dhan sababta ay
u halgamayeen iyo waxa ku kalifey inaad fahantona runtii uma
baahna in Jaamacado iyo Macaahid ad uga soo baxdee, waxay ku
caddahay gabaygan u abwaan Soomaaliyeed waa hore tiriyeye oo
an qoraa kale ka soo xigtey :
Bahal horor ah maalkaaga waa laga horseexdaaye
Waa inaad habeen iyo dharaar hoy kaleedahaye
Waa inaad hangool iyo sidataa laba halgaadoode
Haddaba tan iyo gardaradii Menilik dhulka Soomaaliyeed ee
Ethiopia ku hoos jira (Ogaden) maxaa is ka badalay maxaase
an is badalin?
Waxaana haba yaraate is badalin:
1) In wadanka wali la guumeysto.
Waxaase is badalay:
1) qowmiyada wax guumeysata oo ah hadda Tigre.
2) iyo tafkiirka dadka wadankaas ku nool.
Qodabadan waxaan jeclahay kan mawduucan la xiriria oo ah kan
ku saabsan tafkiirka dadka wadanka ee is badalay inaan ka
hadlo. Haddab isbadalka ku dhacay tafkiirka dadka waxaa kuu
caddeeyn kara, iney soo baxeen dad soomaaliyeed oo si dhab
ah u aaminsan iney Ethiopian yihiin oo ay taasi gaadhsiisey
iney dagaal u aadaan jiida dagaalka ee
Badme-Tsorona-Zalambessa-Bure, iyagoo is leh waa difaac
qaran. Haddaba waxay dadkan filayeen iyo waxay la kulmeen
waxaa ka daran darsiga u dadku ka qaatey masiirkoodii. Waxay
filayeen in xeel-dagaal la adeegsanayo khariidadna la
dajinayo, waxayse la kulmeen inaan midna la isku hawleyne in
dadka loo kaxeystey uun in lagu miino baaro iyadoo la
leeyahy orda oo dhex jiira (Human Waves) beertaas miinada
(Minefield) ah oo baneeya. Waxayna dadkani la baxeen magac
axmaarii ah oo la yiraahdo FANJI-RAGAAJ (i.e. kuwii
miinada ku istaagayey). Sida kaaga cadna hawshooda laga
rabay waxay ahayd iney MIINOOYINKA-KU-ISTAAGAAN
sidaasna ku baneeyaan jid!!!! Haddaba waa maxay darsiga ay
dadaku ka qaateen masiirkooda? Waa iyadoo la waayeye qof
dambe oo soomaali ah oo raba inuu dagaal dambe oo Tigree
tago. Haddaba qolyahan fikradan Ethiopianimada ah qaba
inkastoo ay ku khasaareen taladoodii haddana waxay
mudanyihiin ixtiraam ku aadan sidey daacada ugu noqdeen
mab'da'ooda oo ay u gaareen iney miino-qaraxda ugu istaagaan
isaga daraadiis!!
Qoomkan waxaa caksigooda ah, qolyaha raacay jidka
Insaan-iyo-Xayawaanba ay ka simenyihiin ee ah in marka
nafleyda (oo dhan) xoriyadooda laga qaado in ay ka
dhii-dhiyaan una dagaalamaan soo dhicinteeda. Waxaana
qolyahan hadda ka hor soo matalay Geeshkii iyo WSLF oo ay
lagarab taagnaayeen dawladii hore iyo shacabka Soomaaliyeed
dhamaantiis hiil iyo hoo hagar la'aan ah. Waxaana hadda
qolyahaas matala ururka ONLF. Arrintooduna ma aha mid
fahankedu adag ayhay, oo meel kasta oo ad aduunka tagto iyo
qoom kasta oo ad u tagto haddii ad tiraahdo waxaa jira dhul
la yiraahdo Ogaden oo la gumeysto, su'aasha u horeeysa ee
qofkaas ad u sheegtay ku soo dhacaysa waxay tahay, oo
miyeyna jirin cid ka dhiidhidey? Jawaabta su'aashaas ayaa
waxay tahay haa wey jiraan oo waxaa hada jira ONLF.
Waxaa kale oo jira qolyo dhalinyaro ah oo go'aansaday iney
baaritaan ku sameeyaan dhibaato ka mid ah dhibaatooyinka
faraha badan ee haysta dadka. Iskuna dayaan iney midaas
xooga saaraan oo ay wax ka qabtaan. Sida qurbojoogta dagan
San Diego ee dadka oo dhan u ifiitmiyeye dhibaatada xaga
waxbarashada ee ka taagan gobolka Qoraxey, markii ay soo ban
dhigeen caruur dhagaxaan ku fadhida dugsiyada magaalada.
Hawsha ay dhalintani qabteen ayaa ah mid aad muhiim u ah.
Waxayna furtey waji cusub oo noqday iney degmo kasta dadkii
ka soo jeeday ay isku dayaan bal iney wax ka qabtaan ugu
yaraan waxbarashadeeda. Dhalintaas reer San Diego runtii
meel wacan ayeye taariikhda ka galeen waxayna qabteen arrin
ammaan iyo ku dayasho mudan.
Waxaa jira oo kale dad dalkooda aaminay oo shaqo ama
waxbarasho ka wada. Dadkani run ahaantii waxay buuxiyeen
meel ka banaaneyd dalka. Meeshan dalka ka banaaneyd ayaa
waxay tahay 'TECHNOCRATS'. Dadkan oo ah kuwa wada ilaa xad
maamulka deegaanka ee ilaa horaantii sagaashameeyada soo
jirey. Sideynu la wada soconaba hadda ka hor dowaladihii
Ethiopia ka jiri jirey shacabka Soomaalida iskadaa iney u
ogolaadaan shaqooyin wax ku oolahe, waxay u arkayeen cadow
ku dhaqan qeyb kamid ah dhulweynaha Ethiopia. Dowladahaas
waxa kaliya oo ay arki jireen ayaa waxay ahayd Dhulka
iyagoona dan iyo muraad kalahayn dadka ku dhaqan. Balse sida
la ogsoonyahay dowlada hadda ka jirta Ethiopia inyar wey ka
fikrad duwanaatay kuwii hore waxayna ogolaatay bal iney
Soomaalidu ilaa xad ay yeeshaan ismaamul. Haddaba haba iska
liite waxaa halkaas ka dhashey iney dad badan oo Soomali ahi
ay wadanka goobihiisa waxbarashada wax ku bartaan sidoo
kalena deegaanka xafiisyadiisa ku tababartaan habka maamulka,
sidaasna u wadanku maanta ku yeeshey, marka loo fiiriyo
barigii hore, TECHNOCRATS. Inkastoo eedeymo iyo
boogaadimo laga soo sheego qeybaha kala duwan ee maamulka
deegaanka Soomaalida, haddana waxa farxad leh inuu maanta
deegaanku leeyahay TECHNOCRATS. Dadkaasina waxay mudanyihiin
in lagu dhiiri galiyo waxqabadkooda, iyaguna ay ogaadaan
inkastoo wax yar horey looga dhaqaaqey meeshii hadda ka hor
la taagnaa, haddana iney fogtahay himiilada iyo meesha in
lagaaro la rabo oo ah xoriyad. Hawshan ay hayaan iyo
isbedelad ay arkaana yeeyna u qaadan in lagaaray "THE
TERMINAL POINT" e ha u arkaan "A TRANIST SPOT ALONG THE WAY
AHEAD".
Waxaa kaloo soo baxdey koox ah "WANTON INTERNET WARRIORS".
Kooxdan ayaa iyagu u dhar dhigtey iney iska caayaan iskana
eedeeyaan ONLF. Dadkan waligood xal ma sheegaan umana eka
iney hayaan, waxayse soo taxaan eedeymo iyo saluug ay
saluugayaan ONLF gaar ahaan hogaankeeda iyo madaxdeeda.
Nimankan qoraaladooda waxaa ka maqan EDITING iyo ETHICS.
Waxyaabahay qoraan ayaadna si dhib yar uga daalacan kartaa
shakhsiyadooda. Runtii markaan arko waxyaabahay ku qoraan
mawqicyo (website) ay u sameysteen iney madaxda ONLF ku
eedeeyaan waan yax-yaxaa. Qoomkan far-xumadoodii iyo farsamo
daridoodii intey iyaga waa hore soo dhaaftey ayaa dadkii
deegaanka oo dhami ay suuqyada ceeb la mari la'yihiin oo ay
hoos u hoganayaan. Dadkaas sidey wax u qorayaan iyo fikradey
soo bandhigayaan markaad akhrido, waxaad ka arkeysaa 'HOW
BADLY THEY NEED SOME SCHOOLING'. Waxaan is iri malaha
qolyahan qaarkood waxay rabeen in madaxda ONLF tu ay
bixiyaan "SPESA POLITICO" dii ay bixin jirtey
dowladii Soomaaliya. Balse kuligood waxay u baahanaayeen in
la lataliyo oo lagu dhiiri galiyo iney qalinka iyo buuga
qaadaan oo ay Dugsigooda iyo Darsigooda ka adkaadaan.
Ugu dambeyntii waxaa jira dad daacad ah oo la jecel dadkooda
iyo dalkoodaba wanaag iyo horumar. Balse ad moodo iney u
baahanyihiin inteyna INTERNET ka wax ku soo ban
dhigin iney aad iyo aad uga fiirsadaan fikradahooda. Waxaana
haddiiba ay ka fursanweydo iney wax qoraan laga rabaa,
ineyna soo bandhigin dhaliilo qalalan oo kaliye bal iney
sidoo kalena soo raaciyaan waxay u arkaan xalka. Haddaba
dadkan daacada ah ee dadkooda wax la raba waxaa ka mid ah
nin dhawaanahan dhowr maqaal ku soo qoray mawqicyo
(websites) kala duduwan magaciisan la yiraahdo Cabdullaahi
Axmed Gaas. Waxaana qoraaladiisa ka mid ah mid u ugu
magacdaray
" Ku qariyay oo ku qariyay ee (ONLF) 21 ku jir".
Cabdullaahi isagoo mudan xushmad iyo ixtiraam ayuu wuxuu soo
bandhigay isagoo kala dhig-dhigaya wuxuu u maleeyay 21
su'aalood (xujo). Balse aniga arrinta Cabdullaahi waxay i
xusuusisey sheeko kamid ah sheekooyinka u Mr. Dale
Carnegie ku qoray buugiisii xiisaha badnaa ee luuqadaha
kala duduwan loo tarjumay oo xitaa ay ku jirto luuqadeen af
soomaaligu. Iyadoo u tarjumay xeer-ilaaliyhii hore ee
gobalka Shabeelaha Hoose isagoo u bixiyey buugaas "Saaxiibo
Kasbo". Sheekadan an rabo inaan buuga ka soo qaato ayaa
wuxuu Mr. Carnegie ku soo qaatay arrin dhex martey nin
shaqaale ah iyo ninkii madaxiisa ahaa. Waxayna u dhacday
sidan:
"Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin madax ah ayaa wuxuu
arkey nin ka mid ah shaqalahiisa oo isku buuqsan islana
hadlaya. Intuu u soo dhawaaday ayuu weydiiyey waxa haysta.
Ninkii ayaa wuxuu taxay wuxuu u arkayeye dhibaatooyin badan
oo isugu jira waxay xaaskiisu u baahantahay, waxay
caruurtiisu u baahanyihiin, wuxuu isagu u baahanyahay, wuxuu
gaarigu u baahanyahay.......iwm. Ninkii madaxda ahaa ayaa
intuu buug iyo qalin soo qaatey wuxuu marba ninka weydiiyaa
dhibaatadiisa iyo xalkeeda. Ninkii dhibaatadiisii oo wada
ahayd qaar dhaqaale, ayuu intuu ninkii madaxda ahaa qiimihii
oo dhan isku dardary ku yiri war niyahow arimahaaga oo dhan
waxay kalifayaan $100, sidaa darteed dhibaatadaadu waa hal
wax oo ah inaad raadiso sidaad ku helilahayd $100 e ha isku
badinin oo ha is wareerin."
Cabdullaahi iyo ninkan waxay iskaga mid yihiin iyagoo hal
shey sariftey oo isku badiyey. Waxayna ku kala duwan yihiin,
ninku wuxuu sariftey oo u isku badiyeye dhibaato
(PROBLEM) halka u cabdullaahi garabmaray dhibaatada
jirta (The Real Problem) oo u soo bandhigay qeyb kamid ah
raadka (Consequence) dhibaatada. Dhibaatada (Problem)
haddaba jirta ee keentay raadkaas (Consequences) u ka soo
qaadatay 21 xabo kaliya ee haddii la taxo buuxin lahaa
buugaag (Volumes) badan, waa GUMEYSIGA wadanka ka
jira. Horumarka u leeyahay waa la gaari lahaana wuxuu
insaanka oo dhami isku raacay in horumar la'aan ka weyn in
qof la gumeeysto ayna jirin.
Haddaba an u gudbo 21ka raad (Consequences of Colonialism)
ee u Cabdullaahi weydiiyey wuxuu ugu yeerey dadka taageera
ururka ONLF. Markaan akhiyey 21 ka su'aalood runtii waxaan
garan waayeye cida ay sida tooska ah ugu socdaan. Qaar
waxaan is iri kuwan waxay ku socdaan TPLF ta u diiday inuu
gobolka xitaa maamuladiisa maqaarsaarka ah ee ka jira ay
waxogaa yar oo daganaansho ah yeeshaan. Qaar kale waxaan is
iri malaha kuwan wuxuu ugu talagalay dowlada Ingriiska iyo
khalad ay sameysey waa hore. Qaar kale waxaan is iri malaha
kuwan waxa loo baahnaa inu u gudbiyo ardeyda oo u usheego
iney dadaalaan sidey uga badsan lahaayeen 22 kursi sanadka
dambe Jaamacadaha. Qaar kale waxaan is iri malaha wuxuu
lahadlayaa maamulka deegaanka ee kalifey in Qabridaharre
caruurtu dugsiyada dhagaxaan ku fariistaan .
Anigu ma ahi qof ku hadlaya magaca ONLF, waxayna ONLF
leedahay hogaan haddii u rabo Cabdullaahi u ku aadin karo
su'aalihiisa, balse waxaan ahay qof caadi ah oo halkan ka
dhiibanaya aragtida dadka caadiga ah iyo sidey u arkaan
su'aalihiisa. Haddaba waxaa iga yaabiyey markaan akhriyey
su'aalaha oo dhan inaan ka dhex waayey wax si toos ah ONLF
ugu socda. Sidaa daraadeed waxay u egyihiin qaar dadka oo
dhan u furan maadaama an la granayn cida ay sida tooska ah
ugu socdaan. Arrintanina waxay igu dhiirigalisey bal inaan
maqaalkan qoro.
Bal haddaba an fiirsho su'aalaha anigoo mid mid u soo
qaadanaya sidaan u arko:
1) Waa maxay sababta raadkii ama gudoonkii gumaystaha
qaarna muqadas u yahay, qaarna baadhil u yahay? Waxaan u
jeedaa, magaca Ogaden waxaa bixiyay Ingiriiska, gobolkana
Ingiriiska ayaa Ethiopia ku daray, maxaa midna xaaraan ka
dhigay, midna xalaal?
Arrintan waxaan filayaa ineyna ONLF keenin oo siduu u
sheegay Cabdullaahiba u magacan bixiyey Ingiriis una sii
xoojiyeye Xeyle Selaase. Mana aha arrin ay ONLF u qaadatay
ku faanid ama isku kali yeelid dhulkaas ay Soomali oo dhami
dagtee, waa arrin laga badin waayeye. Nasiib daro magacan
xambaarsan qabiilka ayaa ah ka u aduunku u yaqaan dhulkaas.
Si kasta oo ad istiraahdo dadka caalamka magac kale ugu
sheegna, waxay ku kalifi fasiraad dheer iyo natiijo ku
dhamaata isfahami daro. Balse markaad tiraahdo "Ogaden
Region" arrimaha ad ka hadlayso iyo meesha ad ka hadlasyo si
dhib yar ayaa loo fahmayaa. Su'aal gaaban an Cabdullaahi
weydiiye, muxuu arrintan u weydiinwaayey qoraayaasha aduunka
ee dagaaldaii 1977 lagu qaaday magaca WSLF meel kasta ku
qora "The Ogaden War"? Arrintaas eedeeda ma waxaa leh ONLF?
Haddiise ay daacad ka tahay Cabdullaahi badalida magacu,
hawshaas ha qaato oo aduunka ha ka dhaadhiciyo, anaga hadda
joogna iyo tafiirteenuba Insha Alaahu waanu ku tixgalin
doonaaye. Balse muran u soo qoro magacan badali maaye, intuu
ficil la yimaado aduunka ha ka dhaadhiciyo oo dadka ha ka
soo furto dhibaatada magac bixinta wadanka ka haysata!
2) Waa maxay sababta uusan Ogaadeen u wada diriraynin ee
uu uga wada jiro dakanada dawlada Ethiopia?
Ogadenku ma aha Malaa'ig sidoo kalena ma aha Robot meel
kaliya isuwada raacaya. Waa insaan sida insaanka kale,
wuxuuna ku kala duwanaan karaa tafkiirka. Xitaa TPLF ta qaar
Tigre ah ayaa ka soo horjeeda oo kamid ah madaxda CUD. Bal
ha weydiiyo Cabdullaahi Tigreega sababta ay dhinac isugu
wada raaciwaayeen?
3) Waa maxay sababta sagaalka gobol ee Kililka, 3da ay u
badan yihiin qabaa’ilka kale ee Soomaalidu ay u yihiin nabad,
u tiigsanayaan horumar, 6 gobol ee Ogaadeenku u badan
yahayna u yihiin qallalaase, dibna ugu socdaan?
Su'aashan u isweydiiyey mid la mid ah balse ka duwan kana
qoto dheer ayaa bari dhexdaas ah waxaa isweydiiyey nin u
dhashay qabaa'ilka u ku tilmaamay iney deegaanadoodu
hiigsanayaan horumarka. Waxaana la yiri wuxuu ninkaasi arkey
iyadoo meel 'CONTROL' ah oo ay joogaan ciidamo Tigree ah u
eey (Dog) leefleefayo ul ay ku baarayeen oo ay ku
walwalaaqayeen dadka reer miyiga ah ee meesha soo mara
dhiilaha iyo ubooyinka ay caanaha ku wataan. Ninkaasi wuxuu
is weydiiyey su'aashan isagoo leh "haddii an sida Ogaadeenka
u dagaalami lahayn taasi naguma dhacdeen?!".
4) Waa maxay sababta 3 gobol ee Soomaalida kale u badan
tahay uusan hal qof ugu xidhnayn siyaasad, hal qof uga
haajirin cabsi uu ka qabo dawlada, hal qofna aan loogu dilin
siyaasad? Maxayse gobolada Ogaadeenku u yihiin sidaa
caksigeeda?
Bal waxaan ka codsanayaa inuu Cabdullaahi iyaga weydiiyo
su'aasha ah dadow anaga hadaan nahay Ogadeen waa lana
xirxiraaye idinka maxaa la idinku sameeyaa? Waxaa kale oo u
weydiiyaa bal waxa qabiilka Ciisaha loo cunaqabteeyey
dhaqaale ahaan? Waxa kale oo u weydiiyaa waxa dhul ka mid ah
goboladan u ku tilmaamey iney horumareen Oromad loo raaciyey,
sida Jinacsani o Jigjiga duleedkeeda ah? Wuxuuna kudaraa
maxaa idinku dhacay oo dhulkiina Oromad loo siinaya oo
dhulka gobolada Ogaadeenka anan loo bixinin?
5) Maxay idinku diideen qabaa’ilka kale ee Soomaalida ahi,
ma xoriyad iyo xuquuq baan ka maqnayn?
Waxyaabaha ay dadka Soomaaliyeed ka xumaadaan ayaa waxay
tahay marka qof sida Cabdullaahi oo kale ah u ka gubto
guusha ay gaareen dhalinyaro yaryar oo wadanka u dhalatay
isagoo sabab ka dhiganaya ineyna Ogaadeen ahayn. Sida
dhalinta yaryar ee Gadabuursiga ee Jamacadaha heshey.
Arrintan dhalinyarada Gadabuursiga oo ah mid lagu farxo
laguna deydo, balse anan sida Cabdullaahi oo kale la oran
Gadabuursi oo tiro yar........iyo wax la mid ah oo ah afxumo
inteeda la eg!
6) Waxaad ku doodaan inaad matashaan Soomaalida gobolka
oo dhan, maxaa sababay inaydaan tagi Karin gobolada Liibaan,
Shiniile iyo Jigjiga?
Tan si u jawaab ugu helo bal taariikhaha dadkii soo halgami
jirey dib ha u fiiriyo hana raadiyo bal inuu jiro urur wada
gaadhey dhulku u dagaalamayeye oo dhan. Haddii u helana bal
ha noo soo sheego.
7) Haddii dadka kale idin diiday maxaad u samaysan
waydeen soohdin gaar ah oo soohdin Ogaadeen ah?
Tani Cabdullaahi ha weydiiyo ninkii dhalinyarad ahaa ee ka
midka ahaa booliska magaalada Qabridahare ee markuu u
adkeysanwaayey wixii meesha ka dhacay iska tiiriyeye
shaqadiisi, darajadiisii, direyskiisii, mushaharadiisii......iwm
ee intuu ka furay maxbuuskii u ilaalinayeye katiinada la
baxsadey!!! Waxaan hubaa inuu su'aashan iyo kuwa kaleba u
hayo jawaabo wacan!!!!!! Waxaana loo baahanyahay in u
Cabdullaahi ogaado in isaga iyo wiilkaas dhalinyarada ahi ay
tariikhda ku galeen si kala duwan
8) Maxaad waxa aad Ethiopia ku canbaaraysaan aad idinku
ugu dhaqmaysaan? Oo ah inaad sheegataan dad aan idin
doonaynin. Dagoodi iyo Ciise ma ONLF baa matasha?
Tani waxay muujinaysa wax akhris la'aan?
9) Maxaad ugu andacootaan ninkii kale ee siyaasada
gobolka wax ka taraya urur ha samaysto? Haddii qoys waliba
urur samaysto ma midnimaa la gaadhi karaa?
Waxaan filayaa iney sababtu tahay ONLF oo aaminsan
dimuqraadiyada. Dimuqraadiyaduna waxay dooni ha dhashe,
waxaan filayaa iney ONLF iyada ku dhaqanto. Sidaan filayana
umaa diideyso ONLF tu walaalahooda Soomaaliyeed xaqooda
dimuqraadiga ah ee u Cabdullaahi rabo inuu ka xayuubiyo.
10) Maxay madaxda ururkaasi ugu yihiin masaafuris
dibadaha oo ayna waxba uga qabanin waxa ay aaminsan yihiin
sida ay sheegtaan?
Tanina waxay cadeyneysaa akhris la'aan ka muuqata inuusan
wax badan ka akhriyin taariikhda halgamayaashii aduunka soo
maray. Waxaan jeclaan lahaa inuu bal akhriyo oo u baadho
meelaha ay kala joogeen iyo waxay sameyn jireen dadkii
wadamadooda u soo halgamey hadda ka hor?
11) Maxaad 95% tamartiina iyo waxa aad ugu yeedhaan
“Halganku” ay u tahay dacaayad, jaa’ifo, kala dilid, hoos u
guur iwm?
Tanina waxay tusinaysaa inuuna Cabdullaahi la socon in laga
baxay INDUSTRIAL REVOLUTION oo loo gudbey
INFORMATION AGE. Balse caytan iyo caraatan haddii u rabo
bal ha fiiriyo waxyaabaha ay mawqicyada (Website) qaarkood
soo ban dhigaan. Qaar ayaa madaxda ONLF ta soo bandhiga
sawiradooda iyagoo ku hoos qoraya aflagaado. Dadkan waxayna
aqoon in xeerarka wadamada ay joogaan ay katahay dambi
madani ah inaad dad dacaayadeeyso adigoona haynin cadeymo
cad-cad. Cabdullaahi isagoo xushmad ku mudan siduu u
necebyahay af xumada, muxuu ka oran lahaa WEBSITE yada
aflagaadeeya madaxda ONLF ta? Bal ha soo cadeeyo mawqifkiisa.
12) Dadka ku dhaqan gobolkaas miyay kala xigaan Eritrea
iyo Tigree? Maxaa midna idin hoos galiyay midna idinku diray?
Su'aashani waa "The most baffling question I have ever
seen". Waxayna la mid tahay qof wakhti duhur ah meel bacada
oo qorrax badan inta ka dhaqaaqay hoos tagay geed harkiis;
oo inta ad u timaadid ad ku tiraahdid: "war meeshan ad ka
dhaqaaqday iyo meeshaas geedka hoostiisa ah ee ad tagtey,
labaduba waa dhule miyey ku kala xigaan? Maxaa kana kaa
eryey kaasina ku hoos galiyeye?" Akhristow markaad su'aashan
Cabdullaahi oo kale ad akhridid waxaad isweydiin...........sidey
wax yihiin?
13) Waxaad ku andacootaan inayna Ethiopia horumarinin
gobolka, maxay Soomaaliya oo 31 sano dawlad ahayd intayna
bur-burin ka qabatay Afmadow, Badhaadhe iyo Bilis Qooqaani?
Badhaadhe iyo Bilis Qooqaani waxaa looga qaxay biya la’aan?
Dhooblayse ma Ethiopia gubtay sidii Fooljeex?
Here we go again! Abdullahi is missing a crucial point!
Dadkan waxay haystaan xoriyad oo ah wax qaali ah. Balse
waxaan Cabdullahi weydiinayaa isaga xoriyadu halkeey ugu
jirtaa tartiibka noloshiisa? Isagoo u fiirinaya cuntada,
huga, hoyga........iwm? Waxaa laga yaabaa in si weeyn loogu
kala duwanyahay aragtida oo an loo baahneyn in la isku sii
xabeebte balse lagu xurmeeyo qofkasta wuxuu u arko "THE
TOPMOST IN HIS LIFE".
14) Maxay ku kala duwan yihiin gobolka NFD ee haatan
Kenya hoos yimaada iyo gobolkaas Ethiopia hoos taga? Miyayna
suura gal ahayn haddii kuwan xabada caatada ah laga daayo in
dadku horumari lahaa?
Waxan u ugu yeeray xabada caatada ah anigu ma fahmin,
waligeyna ma maqal xabad caato ah iyo mid buuran. Basle
waxaan ogahay habka ay ONLF u dagaalanto inuu yahay
Guerrilla Warfare. Haddii u rabo inuu wax ka fahmana waxaa
laga qoray buugaag badane, ha ka raadiyo maktabadaha.
15) Maxaad sababay in 120 arday oo gobolka Soomaalida ka
galay Jaamacadaha Ethiopia ay tahay 22 kaliyahi Ogaadeen,
halka 31 ay tahay Gudabiirsay o la eg jilib yar oo Ogaadeena?
Arrintan muxuu u weydiinwaayey dowlada TPLF iyo maamulka
deegaanka ee sababay iney ardeydu dhagaxaanta ku farisitaan.
Waxaan filayaa inuu khaldey cidii u weydiin lahaa. Waxa kale
oo an uu sheegayaa inaan ku faraxsanahay dadaalka ay la
yimaadeen dhalinta u ku tilmaamay iney ka soo jeedaan
qabiilka sharafta leh ee Gadabuursiga loona baahanyahay in
lagu daydo. Waxaana kula talin lahaa inuu isaga
Cabdullahi-ahaan xoogiisa iyo fikradihiisa isugu geyo sidu u
dhiiri galin lahaa ardeyda kale isagoo qoraaladan u ku
eedeynayo ONLF ta u badala qoraalo u ku tusaaleynayo
(Constructive) dhalintaas si sanadka danbe ay uga bataan 22
ardey, Inasha ALLAAHU. "LET HIM FOCUS ON THIS AREA".
16) Maxaad uga naxdaan wixii khayr ah ee ka soo yeedha
dhulkii sida, Telefoonada iyo is gaadhsiinta, qandaraasyada,
dadka booqda wadankii ee soo nabad noqda iwm?
Ma fiicna in dadka la jamciyo, ilaa hadda wuxuu Cabdullaahi
soo waday jamcin u dadka oo dhan isku wada mid ka dhigayey.
Waa run oo waxaa laga yaabaa inuu la kulmay dad raba inaan
waxba la dhisine waxwalba la dumiyo si xoriyad loo gaaro,
balse dadkaas anigu lama kulmin haddii ay sii jiraana waa
"VERY MINORITY". Dadka badankiisu waxay qabaan iney arrimuhu
wada socdaan. Halganka oo lagu qasbanyahayna u socdo
noloshuna haddba sidey u qabto dadka loo wado. Iyadoo wixii
Ethiopia ka yimaadana marba siduu ku yimaado looga
faa'ideysto loona wajaho. Waxaa fiican inuu Cabdullaahi
baadho dadaalka odaayashu ay ka dhex wadaan Dawlada Ethiopia
iyo ONLF, kaasi oo dad badan ay raacsanyihiin. Balse laga
yaabo inuu Cabdullaahi ka war helo dhowr sano kadib oo u
maqaal dheer oo ay ka buuxaan maxaa sidan loo sameyn waayeey
u soo bandhigo. Waxaana filayaa inuuna Cabdullaahi granayn
iney MAANAT tahay maanta sidoo kalena BARRI ay tahay barri.
17) Ma ogsoon tihiin in Ogaadeen uusan ahayn Soomaalida
kaliya ee dagan Ethiopia, uusan isla markaana ahayn Muslimka
kaliya ee dagan Ethiopia?
Arrintan dadka kale oo dhami waligood wey ogaayeene
Cabdullaahi ma haduu soo ogaaday? Waana wax lagu farxo
haddii u ugu dambeyntii soo iktishaafey wax ka maqnaa!
18) Ma ogsoon tihiin in Magaalada Addis Ababa 1991 ka hor
ay ku taalay 10 masaajid kaliya, maantana ay ku taalo 109
Masaajid?
Tobanka masjid ee u sheegey iney jiri jireen magaacdooda iyo
meesha ay ku yaalaan ha noo soo sheego. Iyo waliba haddii u
ku dari karo kuwa cususb ee u ku sheegey 109 masjid? Waxaad
moodaa in Cabdullaahi u hadda ku soo baraarugey in ay Addis
Ababa dhowr masjid ku yaaleen hadda ka hor. Haddaba ma wax
qumanbaa inuu wakhti kaga khasaariyo dadka waligood ogaa?!
19) Ma ogsoon tihiin in 65% shacabka Ethiopia ay
Muslimiin yihiin?
Arrintan waa mid Cabdullaahi uun gaar ku ah. Waxaa qoran ee
la sheegaa waa iney tirada Muslimiinta Ethiopia u dhaxeeyso
40-45%. Waxaana ka cad halkan inuusan Cabdullaahi wax badan
soo akhriyin akhris badana u sugayo!
20) Ma ogsoon tihiin inaad ku caan baxdeen; BEEN, BEEN,
BEEN?
Tani waxay cadeynaysaa ineyna u kala saareyn hadalka afka
laga yiraahdo (Oral) iyo hadalka la qoro (Written). Weedhan
maqaaxi lagu fadhi-dirirayo wuu ka oran karaa Cabdullaahi,
balse qoraal ahaan ma ah wax la qoro. Qoraalku maadaama u
yahay wax oolaya wuxuu leeyhay usluub gaar ah oo ka duwan ta
hadalka caadiga ah. Mar kale waxay tani muujinaysaa inuusan
wax badan akhriyin!
21) Ma ogsoon tihiin in Ogaadeen soo jeedsaday oo uu
doonayo inuu danihiisa idinka raacdo wakhtiba ha ku qaadatee?
Waa arrin lagu farxo. Basle wuxuu iloobay inuu Ogaadeen iyo
walaalahooda kaleba ay u soo jeedsadeen iney xaqooda soo
dhacsadaan iyagoo raacaya jid ka duwan kii hore ee ahaa in
inta la rido xabad dadka oo dhan la qixiyo oo la dul dago
qabaa'il kale iyo dhul kale. Waxa hadda la wado ayaa wuxuu
lamid yahay fikradii u ku dabakhay hogaamiyihii hore ee
Shiinaha Mr. Deng Xioping maxmiyadii Ingriiska ee
Hong Kong isagoo sameeyey One Country two Systems.
Tashiga ay Ogadeen iyo dadka kale walaalahood ah tashadeen
siduu Cabdullaahi u fahmay ma aha iney is dhiibeen oo ay
tanaasuleene, waxay qaatey One Aim Two Systems taasi
oo ah in halgan daraasadeysan oo ilaa xad cilmiyeysan lawado
kaasi oo ka duwan ka u raadinayo (ee u malaha ku tilmaami
lahaa XABAD-BUURAN) oo malaha ah in TPLF ta lagu garaaco
sawaariikh iyo diyaarado. Waxaa "By Default" shacabku
isku raacay in halganka xaq u dirirka ah, wadahadalada nabad
raadinta ah iyo nolosha inteedi kale oo dhami ay is garab
socdaan. Waxaa kale oo laga yaabaa inuu Cabdullaahi ku
wareero iney dad badan qaaban in haddii ay CUD xoogeysato la
taageero EPRDF si loo wiiqo Axmaaro soo noqota, waxaana
hubaa inuu Cabdullaahi soo qori doono maqaal dheer oo u ugu
magac daro "Waa idinkii la dagaalamayey hadda ka hore maxaad
maanta ugu hiiliseeeeeen!"
Gabagabadii haddii maanta halganka hubeysan la joojiyo
iyadoo hubkana la dhiibayo oo ay bari CUD (xisbiga Axmaaradu)
xukunka qabsato, ma wuxuu Cabdullaahi soo qori doonaa maqaal
dheer oo eedeyn ah isagoo leh maxay ONLF-tu tala xumadeeda
hubkii ay isaga dhibtay, haddeyna maalintii hubka dhigin
tani maanta ma joogteen!!!!! Waxaan filayaa inuu Cabdullaahi
dareemayo inuusan waxaasi ka suuroobeyn isaga hadda, balse
waxaas waxa ka qosol badan waxa u soo qoray ee u umaleeyay
21 ka xujo.
Waxaan rabay inaan Cabdulaahi u sheego in maqaaladiisa ay ka
muuqdaan niyad sami, wadan jacayl, daacadnimo iyo ugu
dambeyntii WAX AKHRIS LA'AAN FARABADAN. Sidaas
daraadeed wuxuu garan la'yahaye waxa ka maqan ee ay naftiisu
tabayso oo ah akhris fara badan iyo cilmi baaris qoto-dheer,
Eebbena ha u fududeeyo.
Xasaney
fooljeex2005@yahoo.com
Copyright © 1998-2002
OGADEN ONLINE
All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.
Reproduction of any material on this site is prohibited
without express permission of the site owner and the
webmaster.
|