| |||||||||||||||
Qorigii iyo qaadkii Soomaaliya oo ka daba yimid Somalida Minnesota
Soomaalida Minnesota oo runtii ahaa kuwa ku dayasho mudan sida ay isu jeclaayeen ama u shaqaystaan ama wax u bartaan weliba ayagoo ahaa kuwa ugu badan oo bixiya biilasha reero badan oo Soomaaliyeed oo dhibaataysan ayaa hadda waxay noqdeen kuwo laga walaaco mustaqbalkooda ka dib markii ay ku soo bateen qaadka iyo qoriga. Soomaalida Minnesota oo runtii aad loogu hanweynaa inay tusaale u noqdaan soomaalida qurbaha xagga horumarka iyo weliba inay supper powerka cadka soomaalida u soo dhacshaan sida qowmiyadaha kale ayaad hadda moodaa inaysan ku socon wadadii laga filyey. Koox aanan ixtiraam u hayn Soomaalinimada iyo walaaltinimada ayaa ka bilaabay MN radio iyo TV ay ugu magacdareen codka soomaaliland ayagoo marna yiraahda Soomaali baan nahay marna ma nihin Taasoo sharaf dhac weyn u keentay guud ahaan Soomaalida Minnesota. Idaacadan oo ay wadaan dhallin yaro ku taqasusay bah-dilka Soomaalida iyo caynta qabiilooyinka kale iyo kobcinta colaada Soomaalida dhexdeeda waxa ay doorbideen hurinta colaada Soomaalida - wayna diideen in wax faa?iido u leh umadda qabtaan. Dhibtii dhallinyaradan waday waxaaba ka daray dhibta cusub ee Soomaalida Minnesota la soo korortay ee qaadka iyo qoriga. Caruurta Soomaaliyeed ee ku barbaaray North America gaar ahaan Minnesota ayaa ku doodi jirey -- ma dhici karto in qof Soomaali ah dilo qof Soomaali ah waxayba ku leeyihiin horena uma dhicin hadda ka dibna ma dhacayso. Caruurtaas waxay kaloo qabaan in qof muslim ah dhiigiisa iyo cirdigiisa iyo maalkiisaba xaaraan ka yahay qof kale oo muslim ah oo markaa makaa yeelayaan oo waxay ku leeyihiin ma dhici karto in qof soomaali ah dilo qof kale oo Soomaali ah amase dhaco maalkiisa. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar is yiraahdaan caruurta war moogsanaa ma waxaanayba maqal in Soomaalida is disho weliba is dhacdo, kuwo kalena waxaaba laga yaabaa inay is yiraahdaan ninku maxuu noogu sheegayaa caruur aan waxba ogayn iyo warkooda. Yaanan ogayn in Soomaali dilo Soomali kale ama dhaco. Aqristow waa wax jira oo dhab ah waana wax lagu farxo xataa intii aanan laga dhigin caruurta Soomaaliya dhex jooga kuwa adduunka ugu badiya rididda iyo qori nadiifinta iyo sharaxa hubka sidan oo kale ayey ahaayeen. Caruurta qurbaha jooga waxaa loogu yeera Soomaali ama muslim mana arkaan muslim isdilaya sida Soomaaliya hadda caadada ka ah. Jabhadaha ka hor ma jirin dhibtan oo dadku sidan ayuu u qalbi fiicnaan jireen oo waa kii la dhihi jirey dhiig islaam qabe dhulka ayaa u dhaqdhaqaaqa. Haddaba caruurtii Sidaas ahayd Minnesota waxaa la soo dersey dhib hor leh. Gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa qori ku toogtay wiil soomaaliyeed saddex usbuuc ka hor. Shalayna wiil soomaaliyeed ayaa waxaa qori si kama ah ugu dhuftay wiil kale oo Soomaaliyeed. Caruurta qoriga ama miinada ku dhimataa Soomaaliya caadi ayey ka tahay laakiin Minnesota dadkii waaweynaa waa fahmi la?yihiin. Meeshu ma Minnesotaa Mise Soomaaliya ayaa ka soo hartay. Waxaa intaas sii dheer ayadoo hadda la ogaaday in caruur badan oo Soomaaliyeed hubaysan yihiin iyo dhibaatada qaadka oo faraha looga sii gubanayo. Qoysaska uu qaadka guri tiray ayaa soo badanaya waayo sharciga Minnesota qaadku waa sida daroogada oo kale oo looma ogola guryaha dadka dan yarta ah ee dawlaadu ka bixiso in lagu dhecx cunaa. Odayaasha waxay ku doodaan in caruur qaadka guriga keentay ayagoon ogayn dadka qaarna waxay aaminsan yihiin in odayaasha naftigood cunaan qaadka markii lagu qabtana ay caruurta eedeeyaan si ay ceebta isaga dhaqaan. Caruurta iskuulada ka taga oo rabshoolayaasha ku biira ayaa Minnesota ku sii bata. Dawlad la?aanta dhibaatooyinka ay u keentay Soomaalida ayey kuwani ka mid yihiin oo kama duwana kuwa badaha ku dhamaada ama dalka dhexdiisa ku dayacan. Soomaalida waa inay kala barataa farqiga u dhaxeeya madaxweyne iyo dawlad qaran oo mardanbe aan la gelin qaladkii hore oo kale. In dawlad la dumiyo waa sahlan tahay laakiin in la dhiso ma sahlana. Qaadka iyo qoriga halaga digtoonaado Soomaaliyey waa kuwii riday dawladdeenii ee ogaada.
Maxamed
Maxamuud
| |||||||||||||||
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster. |