Chat

Forum

Ogaden Online News
Kulanka Odayaasha Ogaadenya iyo Itoobiya: Rajo mise Jaha-wareer Cusub!

Shir balaadhan oo dhex maraya dawladda Itoobiya iyo oday dhaqameedka Ogaadenya ayaa laga qaban-qaabinayaa magaalada Godey ee dalka Ogaadenya. Shirkan wuxuu sii dabo socdaa kulamo badan oo ay isla odayaashu kula yeesheen dawladda Itoobiya magaalada Adis Ababa dhawrkii billod ee la soo dhaafay.

Labo qoraal oo midna warbixin yahay (link), midna faallo (link) ayaan hore uga qoray socdaalka odayadu ku tageen magaalada Adis Ababa iyo meeshii uu ku dambeeyey. Bilowgii bishan June 2005, odayadu bayaan ayay ka soo saareen magaalada Jig-jiga ay ku cambaareynayaan dawladda Itoobiya. Qoraalka Odayadu waxay ku muujiyeen in shacbiga Somalida Ogaadenya xuquuqdoodii aasaasiga ahayd ay maqan tahay. Odayadu waxay ka eed sheegteen in ruuxii ay dawladdu wadato oo kaliya madax laga dhigo oo aan la tixgalinin doonista dadwaynaha.

Shirka lagaga dhawaaqay Godey, waxaa lagu sheegay in lagaga wada hadlayo dhibaatooyinka ka jira Ogadenya oo sida odayadu ay baaqooda ku caddeeyeen ay sabab u tahay dawladda uu madaxda ka yahay Melez.

Marka koowaad, waxay dawladda iyo odayadu iyo waliba maamulka kililka isla qireen inay jirto dhibaato u baahan in wax laga qabto. Laakiin inta aan dhibaatada wax laga qaban, waxay u baahan tahay in la ogaado waxa markii horeba dhibaatada dhaliyey ama asalka dhibaatada meesha ka jirta ee ay odayadu kaga hadleen baaqooda.

Ugu horrayn, dhibaatada meesha taalla ma aha dhibaato iska dhalatay ee waxaa sabab u ah dawladda. Haddaba, dawladdu intee in le’eg ayay daacad ka tahay inay dhibaatadii ay iyadu abuurtay haatan haliso ? Su’aasha kale ee u baahan in lays weydiiyo waa awoodda wax fulineed ama wax qabasho ee ay leeyihiin odayadu.

Su’aasha hore, haddii aan ku hor maro, ma muuqato wax iska badalay dhinaca Itoobiya oo muujin kara in dhaqan cusub oo ka duwan kii looga bartay ay la soo bixi doonto. Xagga awooda wax fulineed ee odayada, inkastoo ay daacad ka yihiin hawsha ay wadaan, haddana wax xil ah kama hayaan maamulka Itoobiya, Melez-na diyaar uma ah inuu odayada aamino oo uu hawsha ka qaybgaliyo. Sidaa darteed, dadaalkoodu ma dhaafi doono hadal iyo talooyin aan dhaafin goobta shirka.

Waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ah in odayadu ka codsadeen dawladda in la badalo xisbiga talada kililka hadda haya oo ah xisbi ay xukumadda Itoobiya dhistay, xulufana la ah, isla markaana ay dawladdu u diyaarinayso inay ugu shubaan doorasho ku sheegga la qaban doono Agoosto 2005. Ma dhici kartaa in Melez uu ka tago xisbigiisii oo uu taageero dad uu u arko inay cadawgiisa yihiin, waa Somalida Ogaadenya ‘e ?

Haddaba, maxay tahay ujeedada dawladdu ka leedahay shirka la qabanayo iyo soo dhawaynta ay u fidinayso odayada ree Ogaadenya ee eedaynta iyo dhaliisha u soo jeediyey markii ay Jig-jiga joogeen?

Itoobiya culays siyaasadeed ayaa ka soo wajahay adduunwaynaha. Jaalliyadaha Ogaadenya ee dibadaha ayaa iyaguna adduunka iyo ururada xuquuqul insaanka u gudbiyey eedaymo iyo xad-gudubyo ay dawladda Itoobiya kula kacdo shacbiga Ogaadenya. Waxaa shirarkaas ka mid ahaa shir ay Jaalliyadda Ogaadenya ee Atlanta, USA qabatay May 30 keeda 2005 oo ay ka soo qayb galeen ururo caalami ah oo u ololeeya xuquuqda aadamaha.

Dawladda Itoobiya waxaa lagu cadaadiyey inay u oggolaato goob-joogayaal shisheeye ah inay tagaan magaalooyinka Ogaadenya si ay u kormeeraan doorashooyinka ay sheegtay inay qabanayso agoosto 2005. Itoobiya arrintaa ma aha codsi ay ka soo bixi karto maadaama doorasho qumanba aynan ka dhici doonin Ogaadenya ee dadka ay dawladdu wadato la iska soo qor-qori doono.

Shirka Godey waa mid ay Itoobiya uga dan leedahay inay ku jaha wareeriso shacbiga Ogaadenya oo ay rajo aan jirin u muujiso. Shirarka noocan ah waxay keenaan in shacbiga maalmo ku mashquulo oo loo arko wax ay wax ka soo bixi karaan. Marka lagu fashilmana waxay keentaa dhibaato kale oo ah niyad jab ku timaadda intii waqtiga iyo dadaalka galisay, intii taageertay iyo intii rajada ka lahayd. Niyad jabkaas wuxuu sababaa in dad badan ay ku timaaddo quus ama ay nacayb u qaadaan odayada oo ay u arkaan inay hoosaasiyeen. Waxay kaloo keenaysaa qiimo dhac iyo sharaf xumo ku timaadda odayada Ogaadenya.

Ujeedada kale ee Itoobiya waa inay khilaaf iyo tashuush dhexgaliso shacbiga Ogaadenya oo lagu mashquulo waxyaabaha dhacaya ee aan rajo keeni doonin. Rajada Itoobiya ayaa ah inay hesho dad ay kasbato oo ku taagera danaha siyaasadeed ee ay ka leedahay ogaadenya.

Inkastoo dadka intiisa badan ay u bisil yihiin arrimahan oo kale, saamayn badana aynan keeni doonin, haddana waxaa jiri doona, dad u dhego nuglaan doona oo iyagoo is leh wax hagaajiya si dadban ugu adeegi doona Itoobiya.

Shirka Godey ee odayada iyo dawladda Itoobiya dhex maraya wax aan jaha wareerin ahayn oo uu keenayo ma jirto. Ma laga yaabaa in laga qaato waayo-aragnimo oo aan mustaqbalka lagu khaldamin, mise sidii caadiga ahayd, kolba koox cusub ayaa wadadii lagu hungoobay dib u qaadi doonta ?

Abdullahi Muxumed
Abdullahi_mahamed@yahoo.com

Hoos ka akhriso qoraaladii hore ee Abdulahi Muxumed.

100 Sano oo Halgan ah ka dib, Maxaa la Faa’iiday?
Odayaashii Adis Ababa joogay xagee lu dambeeyeen?
Is-bar-bardhig Odayaashii la shiray Melez 1994 iyo kuwa maanta Jooga Adis
 


 


 

Copyright © 1998-2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.  
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.