Waa qaybtii 2aad ee
maqaalka magiciisu kor ku xusan yahay Maanta waxaan
kaga hadli doonaa hadii eebe idmo 3 qodob Waxyna
noqondoonaan
-
Sifaynta magacan laftiisa (Maxkac Calowsani way
iska cadar da'daa)
-
Sida ay xumaanta ugu dhan yihiin dadka ku dhaqan
gobolaada Waqooyi Galbeed.
- Ka
fogaanta xaqiiqada iyo aaminsanaanta khayaaliga
Sifaynta magacan
laftiisa
Sida lawada Ogyahay
ama lawada yaqaano maskaxdu waa xubinta ugu
muhiimsan bani Aadamka la aanteedna majirto nolol
iyo dadnimo toona hadaba hadii ay xubinta ruuxa ugu
saraysa Ciladi gasho dhamaan xubnaha kale wax tayo
ah ma yeelan karaaan waana Naafo ama maba jiraan
baynu odhan kara Waxaanan magacan ku doortay waxaan
mudo baadhitaan ku samaynhayey bulshada ka Soo jeeda
Gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliyaa intooda
badan waa isku fikir Isku. Damac iyo isku dood waana
dad iskula quman khaladaadka ay galaan kana galaan
dadka. Kale ee Soomaaliyeed.
Hadaba dadkan aan
hadal hayo Maxaa maskaxda ka Calwiyay?
waxay anigaa iila muuqtaa. 2 ArimoodTa koobaad waa
nacaybka jinsi gooda Soomaaliga ah iyo Cadiifada
qabiilka. Oo ku karaar dhaaftay kuna milantay.
Ta labaad waxay
iila muuqataa ku hamiga dawlad nimada iyo gooni isu
taaga aan. Meela Ku salaysnayn ee Samada ka
dhawaaqaysa Hadaba haday maskaxdii
Shacabka iyo Maamulka Waqooyi Galbeed Sidaan sheegi
u Calawday Aad loola yaabimahayo in ay galaan
khaladaad aad u tiro badan waxaanse. Marnaba la
qaadan Karin wax yaalaha Shaareecada islaamka iyo
dhaqanka Soomaaliyeed toona aan ku banaanayn caqliga
saliimka ihina uu diidi ee baryahan. dambe caadaada
u noqday kuna kaceen Maamulka Hargaysa.
Waxaaana wax lala
yaabo ah in ay dad walaalahood ah ka iibiyaan
caadawgii umada Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa
qaarna ay ku jiraan xabsiyada iyagoo ku eedeyay
Waxaad tihiin ururka ONLF taas oonan moodaynin in uu
ruux Soomaaliyeed dambi uga dhigi karo cida ah
waxaase taas ka sii yaab badan in maxkamad lasoo
taagay dhalin Yaradaas xaqdarada mudada dheer ku la
ayd Xoriyadoodii oy maxkamadu cadaysay in. loo
waayay wax dambi ah hadana xabsiga ay wali ku
jiraan.
Maamulka Hargaysa
oo aan qarsanin in ay nooga hiilinayaan gumaysiag
aanu halganka kula jiro ayaa waxaa hadaladooda aadka
u khaldan ka mid ah dawlada itoobiyo waxaa Naga
dhexeeya daris wanaag mana yeelano in cid wax
yeelaysaayi Wadankanaga Timaado
Hadalakas oo ah hadalada sida aadka ah ii yaab
galiyay iguna kalifay in aan magacan u Bixiyay
Maqaalkan waxaan jawaab tiisa ka dhigahayaa tuduc
kamid ah Gabay ay Arimahan Ka tirisay Abwaanada la
yidhaahdo Rooda Afjano wuxuuna tuducani ka mid Yahay
Gabayga layidhaahdo Maxaa sababaay?
- Sumbadaa
wayaanuhu haday idin sabaalaysay.
- Amay sixir
idiin gunuday waa saan koleey qabo e.
- Soohdin lama
wadaagtaane waad sahal dhaqaaqdeene.
- Saqsaqdiyo
intaad Aayartaan siigsadiyo boodhka.
- Sakaarkiyo
hamiga naga lalee samada dhawraaya.
- Indhaha saabka
loo yeelay iyo suusad lagu jiiday.
- Ee suursan
kala qaada waa laga sokeeyaaye
Sida ay
xumaanta ugu dhan yihiin dadka ku dhaqan Gobolada
Waqooyi Galbeed.
Bulsha kasta oo
meel ku dhaqan waxay ka koobantahay dhawr nooc ku
waas oo. Noocwaliba leeyahay dhaqan gaar ah waxayna
bulshadu u kala baxdaa.
Dawlad iyo Shacab.
Dawladu waa maamul
loogu talagalay in uu u adeego danaha shacabka.
Ilaaliyana sharafta iyo sumcada dadka la maamula
hayo Shacabka ayaa isna ka kooban dhawr qaybood
hadaan qaar ka xuso.
- Culimaa u diin
- Odayaal
dhaaqmeed
- Aqoonyahan
- Dhalin yaro
Afartaas qaybood
waa qaybaha ka dhex muuqda bulsha kasta hadaba
intaas nooc. Een Kusoo sheegay bulshada waxay u ka
la taagan yihiin haawlo kala duwan mid walibana.
Muhiiimadeeda leedahay hadii dawladu ka weecato
wadadii loogu talo galay waxaa. Durba bilawda
talaabooyin khaldan dhaawacna u gaysta dawlada iyo
shacabkeedaba.
Waxayna u baahan
tahay in kolkaaba uu dareemo shacabku lana saxo
dawlada yaanaan. Ku Sii dheeraanine maamulka ay
samaysteen dadka ku dhaqan Goblada Waqooyi Galbeed.
Wuxuu si toos ah uga weecdaay wadadii sheegashadooda
dawladnimo Waxayna. Noqdeen gacan yare u adeega
taliska adis ababa ee dhiigya cabka ah iyagoo u
haysta. In aay ka heli karaan ictiraaf ama aqoonsi
gooni isu taag hadaba saw mahaboonayn. Kolkuu maamul
kii khaladaad waa wayn oo waxish nimo ah ku kacay in
bulshadii kale gacanta ka qabato?
Taasan waa lawaayay cid ka mid ah bulshada aan qaybo
ka mid ah kobtan ku xusay oo Arintaas kahadashayna
majirto Dahmaantoodna way ka gaabsadeen waxaana
hubaal ah Hadii aynan ku qanacasnayn bulshadu waxa
maamulkoodusamayn hayo in ay ka hadli lahaayeen
waana ta keentay in Shacabka Soomaalida. Ogaadeenya
ay qaataan go,aan loogu jawaabo hadaba dhibka soo
kordhay waxaa dambigiisa dusha saartay dhamaan
bulshada Waqooyi Galbeed oo ku.
Sifoobay qaade iyo
qariye xalkana waxaa laga doonahayaa cidii dhibka
abuurtay. Qodobkana waxaan kaga baxahayaa tuduc ku
aadaan shacbka Waqooyi galbeed tuducan Laftiisu
wuxuu kamid yahay Gabayga Afjano een kor ku xusay
- Sarsar
orodkiibaa idinku jira wali sunaysnaaye
- Maamulkaad
samayseen haduu suruq idiin raacay.
- Ama suus dhex
galay shacabku waa inay saluugaane
- .Saqajaanka
iyo ceebta waa laga sariigtaaye.
- Sumcadiinii
qaarbaa ka gaday Xabashi suudh leeye.
- Suniyihii
miyaad xiirateen kaama siqaysaaane?
Ka fogaanta xaqiiqada
iyo Aaminsanaanta khayaaliga
Soomaalida ka soo
jeeda Gobolada W/gaalbeed intooda badan waxaa ka
dhaadhacsan. Loona sheegaa caalamka in ay iyagu
ka isir iyo afba duwaanyihiin Soomaalida
inteeda kale Taasina waa waxba kamajiraan
meel ay joogtabana Soomaalidu waa hal farac
sheegashada ay leeyhihiin waanu ka duwanahay
Soomaalida kale waxay astaan u tahay diidmada iyo ka
cararka ehelkooda dhabta ah.
Dhinaca Afka ooy bulshada reer waqooyi
sheegaan in ay kaga duwan yihiin Soomaalida Kale
Iyana way iska cadahay in aynan waxba ka jirin waana
lawada yaqaanaa in luuqada Soomaalidu ku hadasho ay
u kala baxdo oo kaliya maay iyo maxaad tidhi ama
tiri. Waxaase jirta in labadaas qaybood ee Af
Soomaaligu yahay hadana loogu hadlo Siyaalo kala
duwan inkastoonan aqoon ulahayn Af ka maymayga
waxaan qiyaasahayaa. Inuu sida kan kale uun yahay oo
loogu hadlo dhawr nooc maaxad tidhiga ama tiriga oo
ah kan aan. ku hadlahayo waaban. Dultaagnahaye
waxaan qoray eegadan 2 eray oo isku macne ah Waana
Maxaad Tidhi iyo Maxaad tiri taasina waa wax lawada
Ogyahay in Soomaalidu. Badankeedu erayo ku kala wada
duwantahay kobtaasna waxaa ka cad diidmo qayaxan. Oo
labaad oo ay gobolada. Waqooyi. Galbeed ku doodaan
in ay kaga duwan yihiin Soomalida kale.
Qodobkan oo ugu dambeeyay qaaybta labaad ee
maqaalkan waxaan ku soo gunanadi.
Tuduc kale oo ka mid ah isla Gabaygii hore ee Afjano
- Ehelkiinii
siicdee hadii laga san taagaayo.
- Amaad
saahnasteen qolo kaloo sagal idiin muuqdo.
- Saantiyo
badala hadalku waa baadi kala sooce.
- Sa daan daaya
oo magac la baxa meelo kale saaraan.
- Calaankaydun
sidataanba waa suurad gooni ehe.
|