Chat

Forum

Commentary and analysis

Maskax Calawsani way iska Cadar da’daa. Qaybtii 2aad

Xaliimo Ibraahim
kamaydho@yahoo.com

Waa qaybtii 2aad ee maqaalka magiciisu kor ku xusan yahay Maanta waxaan kaga hadli doonaa hadii eebe idmo 3 qodob Waxyna noqondoonaan
  • Sifaynta magacan laftiisa (Maxkac Calowsani way iska cadar da'daa)
  • Sida ay xumaanta ugu dhan yihiin dadka ku dhaqan gobolaada Waqooyi Galbeed.
  • Ka fogaanta xaqiiqada iyo aaminsanaanta khayaaliga

Sifaynta magacan laftiisa

Sida lawada Ogyahay ama lawada yaqaano maskaxdu waa xubinta ugu muhiimsan bani Aadamka la aanteedna majirto nolol iyo dadnimo toona hadaba hadii ay xubinta ruuxa ugu saraysa Ciladi gasho dhamaan xubnaha kale wax tayo ah ma yeelan karaaan waana Naafo ama maba jiraan baynu odhan kara Waxaanan magacan ku doortay waxaan mudo baadhitaan ku samaynhayey bulshada ka Soo jeeda Gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliyaa intooda badan waa isku fikir Isku. Damac iyo isku dood waana dad iskula quman khaladaadka ay galaan kana galaan dadka. Kale ee Soomaaliyeed.

Hadaba dadkan aan hadal hayo Maxaa maskaxda ka Calwiyay? waxay anigaa iila muuqtaa. 2 ArimoodTa koobaad waa nacaybka jinsi gooda Soomaaliga ah iyo Cadiifada qabiilka. Oo ku karaar dhaaftay kuna milantay.

Ta labaad waxay iila muuqataa ku hamiga dawlad nimada iyo gooni isu taaga aan. Meela Ku salaysnayn ee Samada ka dhawaaqaysa Hadaba haday maskaxdii Shacabka iyo Maamulka Waqooyi Galbeed Sidaan sheegi u Calawday Aad loola yaabimahayo in ay galaan khaladaad aad u tiro badan waxaanse. Marnaba la qaadan Karin wax yaalaha Shaareecada islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed toona aan ku banaanayn caqliga saliimka ihina uu diidi ee baryahan. dambe caadaada u noqday kuna kaceen Maamulka Hargaysa.

Waxaaana wax lala yaabo ah in ay dad walaalahood ah ka iibiyaan caadawgii umada Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa qaarna ay ku jiraan xabsiyada iyagoo ku eedeyay Waxaad tihiin ururka ONLF taas oonan moodaynin in uu ruux Soomaaliyeed dambi uga dhigi karo cida ah waxaase taas ka sii yaab badan in maxkamad lasoo taagay dhalin Yaradaas xaqdarada mudada dheer ku la ayd Xoriyadoodii oy maxkamadu cadaysay in. loo waayay wax dambi ah hadana xabsiga ay wali ku jiraan.

Maamulka Hargaysa oo aan qarsanin in ay nooga hiilinayaan gumaysiag aanu halganka kula jiro ayaa waxaa hadaladooda aadka u khaldan ka mid ah dawlada itoobiyo waxaa Naga dhexeeya daris wanaag mana yeelano in cid wax yeelaysaayi Wadankanaga Timaado
Hadalakas oo ah hadalada sida aadka ah ii yaab galiyay iguna kalifay in aan magacan u Bixiyay Maqaalkan waxaan jawaab tiisa ka dhigahayaa tuduc kamid ah Gabay ay Arimahan Ka tirisay Abwaanada la yidhaahdo Rooda Afjano wuxuuna tuducani ka mid Yahay Gabayga layidhaahdo Maxaa sababaay?

  • Sumbadaa wayaanuhu haday idin sabaalaysay.
  • Amay sixir idiin gunuday waa saan koleey qabo e.
  • Soohdin lama wadaagtaane waad sahal dhaqaaqdeene.
  • Saqsaqdiyo intaad Aayartaan siigsadiyo boodhka.
  • Sakaarkiyo hamiga naga lalee samada dhawraaya.
  • Indhaha saabka loo yeelay iyo suusad lagu jiiday.
  • Ee suursan kala qaada waa laga sokeeyaaye

Sida ay xumaanta ugu dhan yihiin dadka ku dhaqan Gobolada Waqooyi Galbeed.

Bulsha kasta oo meel ku dhaqan waxay ka koobantahay dhawr nooc ku waas oo. Noocwaliba leeyahay dhaqan gaar ah waxayna bulshadu u kala baxdaa.
Dawlad iyo Shacab.

Dawladu waa maamul loogu talagalay in uu u adeego danaha shacabka.
Ilaaliyana sharafta iyo sumcada dadka la maamula hayo Shacabka ayaa isna ka kooban dhawr qaybood hadaan qaar ka xuso.

  1. Culimaa u diin
  2. Odayaal dhaaqmeed
  3. Aqoonyahan
  4. Dhalin yaro

Afartaas qaybood waa qaybaha ka dhex muuqda bulsha kasta hadaba intaas nooc. Een Kusoo sheegay bulshada waxay u ka la taagan yihiin haawlo kala duwan mid walibana. Muhiiimadeeda leedahay hadii dawladu ka weecato wadadii loogu talo galay waxaa. Durba bilawda talaabooyin khaldan dhaawacna u gaysta dawlada iyo shacabkeedaba.

Waxayna u baahan tahay in kolkaaba uu dareemo shacabku lana saxo dawlada yaanaan. Ku Sii dheeraanine maamulka ay samaysteen dadka ku dhaqan Goblada Waqooyi Galbeed. Wuxuu si toos ah uga weecdaay wadadii sheegashadooda dawladnimo Waxayna. Noqdeen gacan yare u adeega taliska adis ababa ee dhiigya cabka ah iyagoo u haysta. In aay ka heli karaan ictiraaf ama aqoonsi gooni isu taag hadaba saw mahaboonayn. Kolkuu maamul kii khaladaad waa wayn oo waxish nimo ah ku kacay in bulshadii kale gacanta ka qabato?

Taasan waa lawaayay cid ka mid ah bulshada aan qaybo ka mid ah kobtan ku xusay oo Arintaas kahadashayna majirto Dahmaantoodna way ka gaabsadeen waxaana hubaal ah Hadii aynan ku qanacasnayn bulshadu waxa maamulkoodusamayn hayo in ay ka hadli lahaayeen waana ta keentay in Shacabka Soomaalida. Ogaadeenya ay qaataan go,aan loogu jawaabo hadaba dhibka soo kordhay waxaa dambigiisa dusha saartay dhamaan bulshada Waqooyi Galbeed oo ku.

Sifoobay qaade iyo qariye xalkana waxaa laga doonahayaa cidii dhibka abuurtay. Qodobkana waxaan kaga baxahayaa tuduc ku aadaan shacbka Waqooyi galbeed tuducan Laftiisu wuxuu kamid yahay Gabayga Afjano een kor ku xusay

  • Sarsar orodkiibaa idinku jira wali sunaysnaaye
  • Maamulkaad samayseen haduu suruq idiin raacay.
  • Ama suus dhex galay shacabku waa inay saluugaane
  • .Saqajaanka iyo ceebta waa laga sariigtaaye.
  • Sumcadiinii qaarbaa ka gaday Xabashi suudh leeye.
  • Suniyihii miyaad xiirateen kaama siqaysaaane?

Ka fogaanta xaqiiqada iyo Aaminsanaanta khayaaliga

Soomaalida ka soo jeeda Gobolada W/gaalbeed intooda badan waxaa ka dhaadhacsan. Loona sheegaa caalamka in ay iyagu ka isir iyo afba duwaanyihiin Soomaalida inteeda kale Taasina waa waxba kamajiraan meel ay joogtabana Soomaalidu waa hal farac sheegashada ay leeyhihiin waanu ka duwanahay Soomaalida kale waxay astaan u tahay diidmada iyo ka cararka ehelkooda dhabta ah.

Dhinaca Afka ooy bulshada reer waqooyi sheegaan in ay kaga duwan yihiin Soomaalida Kale Iyana way iska cadahay in aynan waxba ka jirin waana lawada yaqaanaa in luuqada Soomaalidu ku hadasho ay u kala baxdo oo kaliya maay iyo maxaad tidhi ama tiri. Waxaase jirta in labadaas qaybood ee Af Soomaaligu yahay hadana loogu hadlo Siyaalo kala duwan inkastoonan aqoon ulahayn Af ka maymayga waxaan qiyaasahayaa. Inuu sida kan kale uun yahay oo loogu hadlo dhawr nooc maaxad tidhiga ama tiriga oo ah kan aan. ku hadlahayo waaban. Dultaagnahaye waxaan qoray eegadan 2 eray oo isku macne ah Waana Maxaad Tidhi iyo Maxaad tiri taasina waa wax lawada Ogyahay in Soomaalidu. Badankeedu erayo ku kala wada duwantahay kobtaasna waxaa ka cad diidmo qayaxan. Oo labaad oo ay gobolada. Waqooyi. Galbeed ku doodaan in ay kaga duwan yihiin Soomalida kale.
Qodobkan oo ugu dambeeyay qaaybta labaad ee maqaalkan waxaan ku soo gunanadi.
Tuduc kale oo ka mid ah isla Gabaygii hore ee Afjano

  • Ehelkiinii siicdee hadii laga san taagaayo.
  • Amaad saahnasteen qolo kaloo sagal idiin muuqdo.
  • Saantiyo badala hadalku waa baadi kala sooce.
  • Sa daan daaya oo magac la baxa meelo kale saaraan.
  • Calaankaydun sidataanba waa suurad gooni ehe.

Halakan ka akhriso qaybtii 1aad:

Xaliimo Ibraahim
kamaydho@yahoo.com
 

Copyright © 1998-2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.  
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.