Chat

Forum

Commentary and analysis

 Hargeisa vs Ogadenia

Waxaa baryahan danbe arkaysaa markaad firisid saxaafada Soomaaliyeed & aragtiyaha dadweynaha ee ku qoran bogga Soomaaliyeed hadba wax cusub, mar waxaad arkaysaa wax kaa qosliya, marna waxaad layaabto, waxaad arki oo kale qoraalo aad garanayso in ay fitno abuurayaan taas ooy marwalba shaqsiyaad gaar ah ku qoraan bogga ayaga oo marna adeegsanaya qabiil marna qaran.

Waxaan u daadagayaa dulucda qoraalkaygan oo cinwaan kiisu kor kuxusan yahay (Ogadenya Vs Hargeysa) cinwaankan oo u sameeyay qoraaga lagu magacaabo Herari. Waxaan akhriyay qoraal dheer oo uu Herari qoray kaas oo xaqiiqada taabanayay waxaanan jeclaystay in aan rayigayga ku darsado maadaama ay jawaabo kabixiyeen qolada uu qoraalku khuseeyo ee (W/Galbeed) mana aha hadii wax laiska sheego in ladagaalamayo ee waxa jira unbaa fiican qofku in uu kajawaabo.

Hadii aan fiirino dhaqankeena saliimka ah ee ku salaysan diinteena macaan, waxaa jira umad markay mudo dheer daris yihiin way is bartaan dhaqan ahaan. Isna dhalaan oo ay iska guursadaan si ay u noqdaan dad is dhexgalay oo walaalo ah, ilaaliyaana xeerka ay kuwada noolyihiin.

Waxaa dhici jirtay in qofkii xumaan wada labada dhanba si cad looga hortagi jiray si uu fitnada uu qofkaasu wado ay san u hulaaqin (Hulaaq waa dabku markuu meel coows ah qabsado ee uu si dhaqso ah u socdo ayaa la dhahaa Hulaaq) in la is qadariyo oo qolaba qolada kale u hayso ixtiraam in marba marka kadanbaysa la isa siidhexgalo oo lanoqdo wiil & abtigiis oo reero dhan lagu ixtiraami jiray waa reerkii guursaday hebla iyaguna ay dhihi jireen waa reerkii hebla aan kaguursanay.

Markii ay colaad abuuranto waxaa lafiirin jiray arimo badan sida cadaawadu in ay fido oo uu dagaalku meel xungaadho, qolada markaas dagaalka abuurtay way garqaadan jireen waliba waxay dhihi jireen raali galin buuxda ayaan keenaynaa ee dagaalka damiya waa dadka wax garadka ah ayaa sidaas ku talin jiray.

Hadaba Soomaalida kunool Ogaadeenya & kuwa W/Galbeed waxay mudo dheer ahaayeen dad daris ah oo dhib & dheefba wadaaga biyo iyo baadba kuwada nool way isdhaleen oo way kala guursadeen, waxay noqdeen ul & diirkeed waxayna mudo dheer kuwada noolaayeen dhulkaas, waxaa soo kala dhex maray dagaalo dhaadheer oo soo jireen ah kuna dhinteen dad aad u tiro badan iskana qaadi jireen maal aad u badan reebi jirayna utun soo noqnoqota oo marwalba joogto ahaan jitay, hadana waxay marwalba ku guulaysan jireen in ay xaliyaan.

Dhaqankii noocaas ahaa ee soo jireenka ahaa waxaad modaa waa lagu xad gudbay waxaana hada biloowday dhaqan aan horaan loona arag loona maqal, oo reebi doona cawaaqibxumo aan waligeed hadhi doonin waxaana abuuray oo xeerkii ay beeluhu ku noolaan jireen ku xadgudbay qolada W/Galbeed ayaga oon fiirinin meesha ay ku danbayndoonaan falalka xun-xun ee ay ku kaceen walina aynan miyirsanin kuna taamayaan in ay kuwo kasii xun-xun sameeyaan.

  • Aafada colaadiyo haday baladu uu gaanto

  • Waxa aayatiinkeedu yahay waa umula doox e,

  • In lays eedo mooyee majiro qoom aflaxayaaye,

  • Amnigu waa inoo wada dan iyo nabad aslaaxdaaye,

  • Awood qolo isbida baad macnaha uga ekaateene,

  • Isha saan u beelee wakhtigu noogu qoday iilka

  • Alle uma li ine waa dulqaad waxaad arkaysaane,

  • Aqoon dheerna waa kala qabnoon cidi iloobayne,

  • Istareexi maysaan intaad naga adkaatane,

  • Adyadiyo dhibkaad nagu wadan aayar nagadaaya.

Tobankii sano ee u danbeeyay waxa dhacayay waa wax ugub ah oo inagu cusub ooy samaynayaan qolada W/galbeed, waxaan laarag oon lamaqal in dad Soomaaliyeed oo kula nool kuladaris ah kudhalay ood dhashay in aad intaad xadhig ku xidhid cadow shisheeye ah faraha kagalisid, oo waliba aad hadana markale ku celisid, oo hadana marsadexaad ku celisid ood cadwga umada soomaaliyeed ee soojireenka ah loo dhiibo, waxaa kale oo iyana wax lalayaabo ah dad safaro ah oo kayimid Gobalada Ogaadeenya intii baabuur lagu guray in xabsiyada Hargeysa laga buuxiyay laguna tala galay in cadawga loo gacan galiyo lakiin uu cadawgii diiday oo uu yidhi dadkani waa caruur & Odayaal ee kuwaan doonaynay ma aha, waxaa yaableh oo kale markii ciyaalka & Odayga maxkamad kusheegta lakeenay ee xaakimkii & kii Booliiska ahaa ay suaalo is dhaafsadeen, wuxuuna xaakimku waydiiyay Booliiska. Maxaad dadkan cadayn ku haysaan? Ee uu ku jawaabay waxay wada qabeen funaanado isu eg ee uu xaakimkii yidhi miyaan funaanadaha laga helaynin suuqa Hargeysa? ee uu Booliskii ku jawaabay haa, xaakimkii halkii laga filayay in uu khaladkooda saxo oo uu xaqiiqada taabto ayuu halkii wiilashii ku xukumay oo qarna 5 sano ku xukumay qaarna 3 sano, waa xadgudub aad u balaadhan taas marka waxay ku tusaysaa in shacab & Maamulkusheegba arintaas laga midaysan yahay oo hadii aynan shacabku raali ka ahayn aynan waxyaalo badan dhaceen.

  • Arimahaad saysaan hortii lama aqoonayne,

  • Is dilkiyo dhibaatada kaleen aragnay waa muushe,

  • Soomaalidoo is iibini madhicin waana abidkeede,

  • Albaab iyo dariiq baad furteen horay u awdnaaye,

  • Ugaadhsiga martidu waa ku ceeb xeerka aadmiga e,

  • Hadii aad islaam tahayna waa la istixyoodaaye,

  • Afka lagama sheegtee xaqaa lagu ekaadaaye,

  • Ixtiraam shareecadii mudnayad kuma istaagtaane

  • Laga iilayoo diinta waad ka idhabeesheene,

Culimo & caamaba waa arin ay isku raaceen taana waxaa daliil u ah majiro cid u dhalatay Gobaladaas oo arintaas ka hadashay ama garatay dhibka ay keeni karto waxaadna modaa in xumaanta ay wadaan loogu sacabaynayo qolada xumaanta horkacaysa.

Hadaba shacabka Ogaadeenya madoonayaan in dhibaato loogaysto dad masaakiin ah oo masaafur ku ah dhulkooda hadii ay qaar sameeyaana kuwa kale waxay ogyihiin in ay iyagana saamayn ku yeelan oo hadii aynan xumaha ka hortagin ay noqon arin labada shacab u horseeda dagaal daba dheeraada oo cadaawad abuura sidaas daraadeed majirto arin wali gaadhay aar goosi oo lagu sameeyay dadkaas wayna cadahay in ay shacabka Ogaadeenya is qabanyaan oo kafiirsi & dhaqankii ooynan wali katagin ayaa hortaagan marka nin walaalkii lagu jidhdilo Hargeysa qaarna laga gatay Wayaanaha waan garan karnaa jawaabta uu bixinkaro, waxaanse shaki ku jirin in uu jiro is badal weyn oo guux ah oo shacabka Ogaadeenya ku abuurmay sanadihii ugu danbeeyay maadaama ay horaan filayeen in ay dadkaasu is waansan donaan.

Lagana dhex heli karo dad dadka xumaha ka qabta balse waa lawaayay markii dadka loo dhiibayay cadawga waxaan ognahay saylada Hargeysa markii lagu xasuuqayay dadkii safarka ahaa ee kayimid Ogaadeenya loona taxaabay xabsiysada xoolohoodiina laboobay iska daa in ay ka danqadaane reer Hargeysa waxay u aheed maalin ciid ah oo kale.

  • Hadii aan Ogaadeenya nahay eelka nagu ragay,

  • Isticmaarka baas ee waxbadan nagu amookaysan,

  • Itoobiya dhibkeediyo kufriga adhxdu noo liicday,

  • Umuur nooga daran baa jirtoo nooga iin kulule,

  • Olog iyo dadaan jaar nohoon ooda wada naalo,

  • Islaamkana aan wada sheeganiyo diinta udubkeeda,

  • Afkuna naga dhexeeyiyo waliba araga muuqaalku,

  • Arqab iyo xigaalnimo jirtana la isku aanaysto,

  • In ay nugu istaagan haday ula ekoonaatay,

  • Inkastoon itaal daranahoon unugyo naafownay,

  • Oy nagu arooreen miciyo cadow afkiisii ah,

  • Aa duga Hargeysee dulmiga nala abaaraya,

  • Owood looma waayine waxaan eegaynaa jire,

  • Indheer garad haday leeyihiin nimanku iimaan leh,

  • Odayaal salaadiinahoo talada loo aado,

  • Aqoon yahan haduu jiro fayoow oon indhaha beelin,

  • Ashkatiyo digniin wada socdaan ku abhinaynaaye,

  • Aqbalaanu leenahy dacwadan hays adkaynina e,

  • Ilmaadeerayaaloow hadaan aano kala waynay,

  • Adoonsi baa nahaystee hadaydaan noo arxami haynin,

  • Hadaydaan Ilaahay dartii noogu imanaynin,

  • Oydaan af iyo xoog midnaba nugu itaalaynin,

  • Adydiyo dhibkaad nagu wadaan aayar naga daaya,

Sidaas daraadeed markay soo kartay arintii iskuna raaceen shacabkii reer Waqooyi in ay arintaas ka midaysan yihiin ayay shacabka Ogaadeenya adkaysan waayeen, kuna noqotay arin ugub ah ooynan horaan arag, waxayna goaan ku gaadheen in aynan arintaas intaas ka badan ka aamusnaanin oy talaabo kaqaadaan.

Waxaan wada ognahay arintaasi iinta ay keentay iyo caloolxumada ay soo siyaadisay, waxaa kale oon la soconaa kala fogaanshaha soo kala dhexgalay dadkii ooda wada yaalay ee dariska ahaa, waxaana xumaaday isu socodkii iyo xidhiidhkii ka dhexeeyay labada shacab, waxaana socota cadaawada ay wadaan kuwa sida indha laaanta ah u hagaya maamulka Riyaale iyo shacabka aan wali fahmin gabiga uu katuurayo isga oo raali galinaya cadowgii Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa, mana aha dhibka uu maamulkaasu wada mid ku kooban Ogaadeenya oo kali ah ee waa mid taabanaya dhamaan umada Soomaaliyed meel ay joogtaba.

Talaabooyinka uu maamulkaasu ku kacay waa mid ay kudoonayaan in ay Itoobiya aqoonsi iyo gooni isutaag ay ku riyoodeen kaga helaan, waxayna istuseen in ay wax weyn kaga badashaan riyadoodii taas oo noqotay in ay uloogaan wayaanaha dugaaga ah safarka ka imanaya Ogaadeenya iyo cidii ay u arkaan in aysan ka soo jeedin Gobalada W/Galbeed.

  • Indheer gadar horiyo sheeka aan Oday ka soo gaadhanay,

  • Oo lama iloobaan ah baan uurka ku hayaa,

  • Amxaariyo dameeraa layidhi daris ma eegane,

  • Labaduba afkay ula tagaan reer akagtooda ahe,

  • Axdi maleh kufrigu oo waxaa nacay Ilaahaye,

  • Ixsaankiyo wanaagoo dhanbay waliba eedaane,

  • Waxa uu abaalkoodu yahay olol rasaaseede,

  • Idilkeedba Soomaaliweyn cadawgan aasaaye,

  • Ee maalintuu helo awood alam kasiinaya,

  • Idinkaa og sababtaad koleey ugu aroorteene,

  • Laydin igadh salaaxyoo sidhabaad u ogalaateene,

  • Arin idinka guuxaysa oo uunku wad diiday,

  • Yaad uurka galiseen malaha way idiin odhane,

  • Ma ansixinkaraan oo Tigrey maleh owoodaase,

  • Hayeeshee inaad aaminteen waanu aragnaaye,

  • Idinkoon utumo beerinoon cudur abuuraynin,

  • Adiistaa Barbara lagu tolaad aadi karaysaane,

  • Adiyadiyo dhibkaad nagu wadaan aayar naga daaya.



    Maax Ibrahim
    maaxbadan@yahoo.com
    June 08, 2005


    Qoraaladii hore ee la xiriira doodan:

    Jawaab: Ogaden VS Hargeys
    Jawaab: Ogadenia Vs Hargeysa
    OGADENYA Vs HARGAYSA IYO HADALKI DIRIDHABA EE SANADO HORE (Dec 5, 2003)
    SOMALILAND XAQ AYEY U LEEDAHAY IN AY ARGAGIXISADA DHULKEEDA KA DIFAACDO


DABAQOODHI MA NAFTIISAA LOOGU DAW GALAY MISE DANA KA MAQAN BAA JIRA!
 

 

Copyright © 1998-2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.  
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.