|
Hargeisa
vs Ogadenia
Sidaan wada ogsoonnahay waxaa
ka dhaxeeya labada shacbi ee soomaali , ehelnimo, derisnimo,
iyo wax alle wixii ka dhaxayn kara laba dad oo jaara. Ha
yeeshee in dhawaydba waxaa dhacday in madmadaw soo kala
dhexgalo labadii shacab.
Maxaa sababay is-afgaranwaagan?
Ummadda reer ogadenia waxay dagaal kula jirtaa maamulka
Ethiopia. Sidaas awgeed cadawga Ethiopia isagoo doonaya inuu
xabbadda isaga ku jeedda iska leexiyo ayuu wuxuu bilaabay
inuu adeegsado, aakhirkiina helay dad soomaaliyeed(W.Galbeed)
oo isaga u dhaga waddan, danihiisana fulinaya. 96-dii ayay
ahayd markii ay dabinka si dhaba ugu dhaceen maamulka
waqooyi galbeed ka dib markii ay habeen madaw guryahooda
kala baxeen masuuliyiin ka tirsan JWXO, oo xilligaas isaga
ah qaraabo-salaan ku joogay magaalada hargeisa una dhiibeen
Gumaysiga Abyssinia. Dhacdadan oo ahayd mid ugub ah waxay si
wayn uga argagixisay ummadda soomaaliyeed. Dhab ahaantii
shacabka reer Hargeisa maysan jeclaysan arrintan foosha xun
ee uu ku kacay maamulkii ina Cigaal (give credit where it is
due). Shacabka reer ogadenia wuu ka jawaabi karay dulmigaas
laakiinse wanaag ayuu ka doorbiday.
Waxay ahayd 2002-dii markii xigtay ee si cad amarka looga
soo siiyay magaalada Addis oo uu markaas booqasho ku joogay
inuu safarrada, ganacsatada iyo wixii qaraabadooda la
joogaba ee ka soo jeeda Ogadenia iyagana xidhxidho
hantidoodana dhaco. Cigaal galab ayuu hargeisa ka soo degay
aroortiina wuxuu ku waabariistay shacabkii reer Ogadenia ee
ku sugnaa W.Galbeed oo uu ka dhigay mid uu jeel galiyo iyo
mid uu Tigreega u dhiibo. Ina cigaal ma sii noolayn oo
maalmo guduheed geeriyoo. Shacabka reer Ogadenia way heli
kareen inay jawaab lama illoobaana ka bixiyaan, laakiin
(thanks to ONLF) waxay doorteen inaysan ku dagmin dabinnada
uu u maleegayo Tigreegu isagoo adeegsanaya kuwa u ah
midiidinka.
Waxaa xigtay kolkii maamulka W.Galbeed isagoo fulinaya amar
ka soobaxay saraakiisha ciidammada Ethiopia ee ku sugan
magaalada hargeisa uu dad aad u farabadan oo isugu jira
carruur , haween, iyo duqay uu xabsiga intuu dhigay yidhi
waa dad ONLF. Dambigoodu dadkaasi wuxuu ahaa inay ka soo
jeedeen Ogadenia. Ceebtii ugu waynayd waxay ahayd kolkii ay
ciyaal qaarkood 10 jirro ah iyo duqay 80 kii ku dhaw
yidhaahdeen waxaa lagu soo tababaray Eretria. Ilaa haddana
qaarkood xabsiga Hargeisa ku jiraan qaarna ciidammada
Ethiopia ku wareejiyeen.
Shacabka reer Ogadenia arrintan go’aan cad ayay ka gaadheen
sida uu
Hereri ku xusay maqaalkiisa, kaas oo ah inaysan u
dulqaadan doonin gefefka faraha badan ee uu maamulka
W.Galbeed kula kacayo shacabwaynaha reer Ogadenia ee u soo
safar tegay degaankooda.
Wixii eegga ka dambeeyana ay jarayaan xidhiidhkii ay la
lahaayeen Goboladaas, mid ganacsi iyo mid is dhex socodba.
Sida uu Hereri u sheegayna waxaa rumowday hadalkii JWXO oo
ahaa inay kolka shakhsi reer Ogadenia laga soo saaro
hargeisa in mid reer Woqooyi ah laga soo eryi doono Ogadenia.
Maxaa saamayn ah oo uu keenay ficilkii shacabka reer
Ogadenia?
Ganacsiga: mar aan fogayn warsaxaafadeed uu soo saaray
golaha ganacsatada W.G waxay ku xuseen in 70% ganacsigii ay
la lahaayeen Ethiopia uu u wareegay Puntland .
Waxa iswaydiin leh yay tahay Ethiopia-yadani? Ma Addis iy
Axum baa? ma Gondar iyo Gojam baa? Maya e waa Ogadenia.
Isla ayaamaha waxaa maamulka hargeisa waydiisanayay mag
dhaqaale kuna mudaharaadayey baabuuraydii u kula gooshi
jirtay Ogadenia iyo W.G oo wax ay qabtaan garan la
baabuurtoodiina iska hoganayso geerashyada kuna eedaynaya
maamulkooda inay iyagu ka dambeeyaan shaqa li’ida iyo
dhaqaale xumada soo foodsaartay.
Sidoo kale bishan horaanteedii ayaa war ku soo baxay
Jamhuuriya wuxuu qoray maqaal uu ku sheegayo inay ganacsato
iyo baabuurray ku doodaya in Baabuurtoodii lagu gubay
Ogadenia ay ka doonayaan maamulka W.G mag dhaw iyagoo intaas
raaciyay inuu dhibkani u soo gaadhay xasarad uu maamulka W.G
abuuray aawadeed. Waxaa aad looga dareemay W.G fashilka
dhaqaale ee ku habsaday.
Isu-socodka: maalin dhawayd ayaa waraysi uu siiyay
Waagacusub.net mid ka mida isimada W.G waxuu ku sheegay in
isusocodkii labada shacbi burburay, ganacsigii burburay
waxaas oo dhanna ay ka dambayso taliska hayinka u ah
Tigreega ee hargeisa ka taliya isagoo sheegay inay bilaash
safarradii Ogadenia isaga xidhxidheen.
Waxaa waa dhawayd dhacday in niman odayaal ah oo reer W.G
ahi tageen Ethiopia iyagoo dawladda ka doonaya in ay ka
qabtaan nimankan ONLF ah magna doonaya oo leh baabuurtii
nalaga gubay hanalaga xaal mariyo. Waxayse odayadii
amakaageen markay dowladdii ku tidhi baabuurta in la gubo
way bannaanayd maxaa yeelay sharci darro ayay ahaayeen,
midda kale dee dadka iyo wixii degaanka ka taliya ordaya oo
kala xaajooda.
Xalku muxuu yahay?
Maamulka W.G waxay ka tallaabsadeen walaaltinimadii,
darisnimadii, iyo dantii ka dhexaysay labada shacbi. Waxay
abuureen is-afgaranwaa, kala irdhayn labad shacab iyagoo ka
doorbiday inay u heellanaadaan, hayina u noqdaan Tigreega.
Waxaan xasuustaa muddo woxoogaa laga joogo suaal ay bbc-du
waydiisay Cigaal oo ku saabsanayd horumarka W.G oo sidii
looga filayay wax kale la soo booday “idinku Kililka 5aad
waxaad u taqaanaan Ogadenia” oo dadkii meesha joogay iyo
wariyihiiba fajac ku riday. Sidoo kale waa dhexdaa ah mar
ciidamada W.G ay ku jabeen weerar ay ku qaadeen kuwa
Puntland ayaa wisiirka warfaafinta u qaabilsan W.G waxa uu
jabka ciidamadooda soo gaadhay u aaneeyay inay dagaalka soo
galeen ciidamada ONLF.
Waxa ay gaadhay heer hadday waxaryari hargeisa dhexdeeda ka
cido la yidhaahdo waxay ku lug leedahay Ogadenia.
Xalku wuxuu la jiraa iyada oo maamulka W.G u soo daadego
runta garwaaqsadana inaysan dan ugu jirin kala irdhaynta
labada shacab. Inay dulmiga ka dayso dadka reer ogaadeeniya
ee goboladooda yimaadda sida aan kuw reer W.G ee Ogadenia
yimaadaba loo dhibaatayn.
Inay garawsadaan in Ethiopia iyo iyaga ay Ogadenia u
dhaxayso. Inay ogaadaan inaysan dibindaabyaynta shacabka
reer Ogadeeniya meel ku gaadhaynin. In cadaalad lagu wada
noolaado. Haddaan sinnaantaas lagu wada noolaanaynin annagu
raalli baan kanahay inaynu kala joogno. Ka billow Buuhoodle
ilaa Raaskambooni ayuu shacabkayagu haybad iyo wanaag ku
mari kolka idinku bal go’aan inoo sameeya.
Axmed Ismail maqaalka uu qoray waxaan ku tilmaami
lahaa “cheap talk” ONLF iyo iyada ruux u adeegaya midna uuma
baahna inuu Hargeisa Axmaar ku waxyeeleeyo. Humaaggaagaan u
maleeyay inaad wax soo waddo. Riyaale muxuu aljazeera u
caddeeyay “wax ONLF ku lug leh oo dhulkayaga ka hawl galay
ma jirto” waxaa halkaa ka cad oo maamulkiinu qirayaa inaad
dad masaakiin ah oo safarra ah iska –xidhxidhateen maadaama
Ethiopia idinku amartay.
Kolka sxb waxaan ku odhan lahaa “odhaahdaada lama dheehan
karo saa waxbaaba kuu dhiman”
By: A Omar
bulaale77@yahoo.com
May 31, 2005
Qoraaladii hore ee la xiriira doodan:
Jawaab: Ogadenia Vs Hargeysa
OGADENYA Vs HARGAYSA IYO
HADALKI DIRIDHABA EE SANADO HORE (Dec 5, 2003)
SOMALILAND XAQ AYEY U LEEDAHAY IN AY ARGAGIXISADA DHULKEEDA
KA DIFAACDO
DABAQOODHI
MA NAFTIISAA LOOGU DAW GALAY MISE DANA KA MAQAN BAA JIRA!
Copyright © 1998-2002 OGADEN
ONLINE All Rights
Reserved.This site is created by Ogaden Online.
Reproduction of any material
on this site is prohibited without express permission of the site owner
and the webmaster.
|