Chat

Forum

Commentary and analysis

 OGADENYA Vs HARGAYSA IYO HADALKI DIRIDHABA EE SANADO HORE (Dec 5, 2003)

Maqaalkani waxa uu jawaab u ayahay warar kusoo baxay shabakada haatuf iyo qoraalkii diridhaba ku qoray shabakada somalitalk Dec 5, 2003dii ee cinwaankeedu ahaa "Somaliland xaq ayay u leedahay in ay argagixisada dhulkeedka ka difaacdo"

Sida ay qortay shabakada Haatuf ee ku hadaasha afka xukuumada somaliland waxaa si wayn looga dareemay magaalooyinka Burco iyo Hargaysa saamaynta dhaqaale ee ay keentay xidhiidhkii ganacsi ee shacabka Ogadenya iyo deegaanada Waqooyi ka dhaxayn jiray kadib markii dalka Ogaadeenya gebi ahaanba joojiyey xidhiidhkii ganacsi ee uu la lahaa reer waqooyi.

Hadaba xaalada dhaqaale ee ku cakirantay ayaan ka faaloon waxyaabaha dhaliyey in lagu kaco talaabadaasi calool adayga leh iyo sidii loo furdaamin lahaa mar hadii ay maanta dareemeen dhibka jira.

Maamulka Hargaysa wax yar kadib markii ay ku dhawaaqeen in ay ka madax banaanyihiin Soomaaliya inteeda kale waxa ay bilaabeen gadaafayn jooogta ah oo ay ku hayaan shacabka reer Ogaadeenya ee deriskkooda ah iyaga oo u samaynhaya oo kali ah weji ay kaga dalbanhayaan Itoobiya,isla markaana ku garab galeen dagaalka khadhaadh ee ay ku la jirto itoobiya shacabka Ogadenya iyo ONLF.

Maamulka Hargaysa iyaga oo kaashan haya shacabkooda ayaa waxay ay xidheen Itoobiyana u dhiibeen dad reer Ogadenya ah oo dano gaaban kusoo galay Hargaysa.

Sidoo kale waxa ay inta uruuriyeen iskarogo ku qaadeen xuduuda Ogadenyana ku daadiyeen dad shacab ah oo usoo dukaamaysi tegey magaalada Hargaysa iyo Burco safaro na ah sidoo kale qaar kale ayay inta xabsi u taxaabeen iyaga oo ku eedayn haya in ay yihiin ONLF!

Maamulka Hargaysa waxa ay ka dhamaan waayeen fulinta siyaasada Itoobiya ee ka dhanka ah dadk iyo dalka Ogaadeenya waxa ay na joogteeyeen u gacan yaraynta Itoobiya iyaga oo geed dheer ku laalay danihii walaaltinimo ee labada shacab waxayna u qaateen in danta dalkooda lagu gaadhi karo dhibaataynta dadka Ogaadeenya iyo ugar gaarka Itoobiya balse waxaa ku lumay danihii dhaqaale ee ay ku qabeen Ogaadeenya.

Waxaa hada u xaqiiqoowday hadalkii gudoomiyaha ONLF uu BBC da ka sheegay dabayaaqadii 2003 ee ahaa in dadka iyo dalka Ogaadeenya ay iyagu xukumaan socona amarkoodu waxbana aysan ku helayn Itoobiya oo ay gacan yare u noqdaan, saamaynta arintan ay hada dareensantihiin waxaan ka dignay sanadkii 1994 sidoo kale waxaan kusoo celinay 1997 waxaanan go;aanka cad qaadanay 2003 ninkii xasuustoow.

Dadka Ogadenya waxaa ku teedsan xuduuda Soomaaliya oo dhan1600KM ee marka hadii ba aad garanhaysaan dantiina sidee ayay idiinka hoostay massalo xisaabeedani markaad aad xidhataan 400KM ee aad la wadaagtaan Dhagaxbuur iyo Jigjiga saw nooma soo hadhin 1200KM oo kale oo xuduudii Soomaaliya ahi.

Maanta uun ayaa waxaa u cadaatay in isha dhaqaale ee lagu maamulo Hargeysa ay ku xidhnayd xoolaha nool ee laga keeno wadanka Ogaadeenya isla markaana laga dhoofiyo dekada Berbera iyo badeecada dadka Ogadenya kasoo gadan jireen Burco iyo Hargeysa.

Waxa ay la anoqotay in xaqdhowrka iyo walaalnimada aan leenahay ku ymaadeen dooniska Itoobiya balse sida maanta cadaatay waxaa ay ku timid dooniska shacabka Ogaadeenya, midna maanta ayaad ogaateen in Itooobiya anaga naga haysato oo kali ah dalka balse aysan dadnimadayada qaabayn.

MAXAA XAL AH

Kadib markii ay shacabka Ogaadeenya gadodeen una dulqaadan waayeen gefafka joogtada ah ee maamulka Hargaysa ku hayaan dadka Ogadenya ayaa waxa ay goaansadeen in gebi ahaanba la joojiyo xidhiidhkii ganacsi ee ay goboladaasi la leeyihiin lana mamnuuco isla markaana gebi ahaanba dadkaasi laga horistaago soo gelitaanka, ka ganacsig, badeeco keenka iyo dhamaan xarakaadka dadkasi ku yeelan karaan gudaha Ogadenya arintan oo dhalisay in dhawr gaadhi dab la qabadsiiyo.

Halkaasi waxaa ku burburay guud ahaanba dantii dhaqaale ee ay reer waqooyi ku qabeen dadka iyo dalka Ogaadeenya oo ahayd in xoolaha nool ee Ogaadeenya laga dhoofiyo dakada Berbera isla markaana reer waqooyi ka helaan dhaqaale kooban, sidoo kale waxay ay dadka Ogaadeenya kasoo gadan jireen badeecado magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.

Waxaana cadaatay in shilka dhacay xalkiisa lagu heli karo oo keli ah in si fool ka fool ah loola xaalo dadka Ogadenya iyo ONLF waxaana meesha ka baxay hoosiiskii reer Waqooyi u muuqday ee ahaa in Itoobiya ay maamulato dadka iyo dalka Ogaadeenya una gadhwadi hadba meeshi ay doonto,waxaana la waayay moodistoodii ahayd in dadka reer Ogaadeenya yihiin dad aan aar gudan karin.

Hada ma cadda wax xal ah oo laga gaadhi karo isla markaana reer Waqooyi kuso ceshan karaan dantii dhaqaale iyo xidhiidhkii gacansi ee ay lalahaayeen Ogadenya mar hadiiba hada reer Ogadenya la leeyihiin xidhiidh ganacsi oo meel fiican maraya gobolada Puntland.

Xalka ay hada reer waqooyi shacab ugu heli karaan magaalooyinka Hargaysa iyo Burco ee bisaarada looga calaacalahayo ayaa waxa ay tahay in ay gobolada Axmaarada iyo Tigraha u doontaan xoolo nool oo ay ka dhoofiyaan dekada magaalada Berbera, isla markaana ay shacabkaasi bedelaan kaalintii dadka reer Ogaadeenya, mar hadii ba reer waqooyin iyaga hore uga doorbideen dadka Ogadenya.

Hadaba reer waqoyi waxaa aad niyada gelisaan in sidii ay u dhamaatay ku dhamaatay xihiidhkii iyo macaamiladii gacansi ee ay dadka Ogaadeenya idinla lahaan jireen, isla markaana aysan jiraynin waxa gorgortana ama wada hadal ah oo sida aad sheegteen lala geli Boqor Cismaan iyo oday dhaqameed kale toona, jiraynna fadhi arintaasi loo qaban karo haba yaraatee.

Maqaalkayga waxaan kusoo afjari tix gaaban oo aan ugu jawaab celin wiilka la yidhaahdo Diridhaba oo tix uu soo raacshay maqaal uu 2003dii somalitalk ku qoray oo cinwaankeedu ahaa Somaliland xaq ayay u leedahay in ay argagixisada dhulkeedka ka difaacdo

Doqonbaala yidhi jeer hadii
xaalku daba maro usha dacal
kasoo fiiq hadii diir kasaarmo
Garanwaydo duur xulid gogga
xoog dem Ugu sii xanuunkay dareemiye
 
Inagoo degaankiyo dal kaganacsi
waynlaad Doorateen Xumaantoo
Axmaar Rabbi duleeyiyo Doorbideen
Kufaartoo dano aanu leenahay
dalshisheeye siiseen Dabeed aad ku
sheegteen in uu daris aad leediin
Danahooda kala furi ar ma tiinuu daakhilay?
Digniin aan ka bixinoo diideen warcelintana

Mar hadii gamaan iyo geel iyo lo
iyo adhi geyigiin abaaryahay
Dantaad nagu qabteen iyo dabki
idiin shidnaan jiray Saaka dacal
madawyahay dekediina waydeen
duunyo aydun marisaan Madadkaydun iibgayn

Hadii jeer dadkaygii danihiisa iibkiyo
ganacsi idinka diran jiray Dekad aad u
hayseen hada wuxu idinka Doorbiday
dacalada Puntland iyo deked bariku tilee
Xumahaad dareentiyo xaalufka
Hargaysaan waa xeer aydun weriseen raggi
aydun xidhateen Xabashida ka gadateen buu
yahay xaq loo fulin iyo qaar kaloo xidhan
xabsiyada haysaan

******************

Dad walba iyo kalaamkii
Nin waliba siduu doorbiduu dadka
Ula macaamili iyo darajada hankiisee
Diridhaboow hadaad tidhi deeq ilaah
nasiiyaa dad Nagaga masayreen
Dal uun lagu masruufuun duunyo aadan
garan hayn dalka ay ka fooftoo dekeduun ku
aragtaad u digiriday kolkasiye
Haday daacad kaa tahay oo dacalada
Hargaysaad duunyo kuugu dhaqantahay
amaad dalal u gaysan Digirin lagu masaalaa
dalkii hodan idiin yahay
Maxaa dacal Harygasiyo Burco loogu gaajoon
Kolkaan duunyadaydi leexsaday dal kalena u iib tegey?

Cuud magaalo iibsiga carrigii galbeed iyo
wadada Ina guxaa ee gelin hore awaariyo
Dhagaxbuurba Soo gala ama galabba qoraxay
galbeed iyo jigjiga wayn ama Godey
Laba habeen leey kol aad gaalo qoratoo
Axmaar daba gindhiish iyo Tigre
Kuu gadhwado oo jidka nabad kusoo galo
Amaan looba gubin oo Goday nabad yimaadaan
Ama gobolka Ciideed illaa gayiga Fiiqeed
Inaan gadanno cuudkaa gini aad la noqotaan iyo
in aad gurtaayoo Qolo kale u gaysaa ama
Awr gabraar muush geyigiin ku caanbaxay
Gudub ula lugaysaan gobolkiin ku celisaan
Gudbantaasi soo fura


Hereri Haji
hereri01@hotmail.com


Qoraalada la xiriira doodan:
Jawaab: Ogadenia Vs Hargeysa
SOMALILAND XAQ AYEY U LEEDAHAY IN AY ARGAGIXISADA DHULKEEDA KA DIFAACDO


Qoraaladii hore ee Hereri Haji:
DABAQOODHI MA NAFTIISAA LOOGU DAW GALAY MISE DANA KA MAQAN BAA JIRA
 

 

Copyright © 1998-2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.  
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.