|
Qabridahare waa in
laguu aara. Waadna leedahay Awood kuu aarta
Waxaan
marka hore salaamayaa dhamaan saxaafada Soomaaliyeed waxaa
kale oon si gaar ah u salaamayaa inta jecel Soomaalinimada,
kana diiraysa walaalahooda lagu bahdilayo Ogaadeenya ee uu
gumaysiga dhiigyacaba halkaas ku bahdilayo.
Waxaan doonayaa in aan qormadan idiin soo gudbiyo kaas oo
igu reebtay xasuus. 15, Nov 2005 waa maalin anan iloobi
Karin oo kamida maalmaha marwalba markaan xasuuto qalbigaygu
si noqonayo. Waxaa Magaala Q/Dahare ee xarunta gobalka
Qorahay lagu laayay dad shacad ah oon waxba galabsanin &
kuwo uu Gumaysiga Itoobiya ku jidhdilayay xerada Mulatariga
ee loo yaqaano Dhuuma-Dhuumaadka.
Akhristoow waagii cusuba war leh aniga oo aad u
tiiraanyaysay oo ka xun dhacdada bahalnimad leh ee uu
gumaysigu u gaysatay dad weynaha aan waxba galbsanin, ayaan
booqday webka Qorahay Online, waxaana ugu tahay qoraal cod
ah oo markay ishaydu ku dhacday oo markiiba furay
cinwaankuna wuxuu ahaa sidan Anu waaban mayee, Wacad waxaan
ku marayaa ama aniga laywaa ama waasan kuu bari. Markaan
furay waxaa ka soo baxay cod aad qalbigaygu u lulay oo ka
turjumayaa dhacdad dhacaday waxaan markiiba garwaaqsaday in
aan khiyaali ku noolahay waajibna ay tahay in aan u guntado
sidii aan dulmiga uga qaadi lahaa dadkayga. Waxaan horaan
ahaa qof dantiisa iska raaca waa 3 sano kahor oon waxna
diidin xilna isa saarin waxaanse ogaaday in ay tahay waxaan
ku noolahay oodhan wax aan ii cuntamaynin ilaa aan gar-gaar
siiyo dhamaan inta u dagaalamaysa in ay dulmiga lagu hayo
iska kiciyaan.
Akhristoow waxaad Ogaataa Aduunkan aan maanta ku noolahay
wuxuu soo maray gumaysi & isku dul noolaadho, waxaadna
arkaysa ama ay taariikhdu ina bartay in Gumaysiga shayga
kali ah ee lagaga bixi karo in uu yahay dadka la gumaysan
haya oo arin meel isla dhiga taas oo ah in ay muujiyaan
Midnimadooda & In ay isku tashadaan taas markii la helo
waxaan shaki ku jirin inta doonaysa in ay wax gumaysato in
aynan helaynin qaab ay wax ku gumaytaan.
Hadii aan wax yar Jaleeco Taariikhda Ogaadeenya, waa
waddanka kali ah een xabadiisu joogsanin dadkiisuna aan wali
isdhiibin, Qowmiyadda gumaysata Ogaadeenya ee Abasiinya
waxay caan ku tahay in ay wax gumaysato gumaysiguna wuxuu ka
soo bilowday ayaga dhexdooda, Boqor tootooyinkii iska dhaxli
jiray xukuumadda Itoobiya midwalba midkii ka horeeyay isaga
ayaa dilay, Xayle Salaase xoog ayuu ku qabsaday, Xayle
Maryan sidoo kale Meles xoog ayuu ku qabsaday, Hadaba ma
waxaad filaysaa in ay adigi kuu naxayaan dadka dadkodii
sidaas u galaya. Dagaalkii ay ururadii ladagaalamayay
Mingiste waxay aheed ama ay u adkaysan wayee sida uu
Mingiste u gumaadayo qowmiyadihii kale ee Itoobiya ku
dhaqnaa sida Ururkii TPLF oo Tigree ahaa madaxna uu u ahaa
Meles Zenawi waxaan arki jiray Diyaaradaha Garaaci jiray
baadiyaha caasimadda Tigree ee Maqala ayaga oo soo duqeeya
reeraha baadiyaha yaala ee Tigree, waxaana maanta arkaynaa
kuwii sidaa loo gali jiran in ay maantana Q/Dahare ku
qawracayaan shacabka Ogaadeenya ee u ooman Xoriyadda siday
iyaguba u rabeen.
Waxaa shacabka Ogaadeenya la gudboon in ay ku dhaqaaqaan
sidii ay uga hoosbixi lahaayeen Gumaysiga taas oo ah in ay u
guntadaan sidii ay shacabkoodo u gaadhsiin lahaayeen in ay
aayahooda ka tashadaan, Umad walbiba Aayaheeda Inay garato
iyadaa leh Umadwalba waxaa dadkooda xoriyadda gaadhsiiya waa
dhalin yarada, kuwaas oo abaabula ama sameeya ururo sida
Ururka Dhalinyarda oo marwalba u horseeda aaya ka talinta
Umadiisa. Waxaan shaki ku jirin in ay maanta waa jibkeedii
Gudatay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ama ONLF,
Ujeedadii loo aas aasan ururkan waa midka uu maanta ku
taagan yahay waana mida maanta meeynaya Umadda Soomaaliyeed
ee mudada ku soo jiray gumaysiga, Akhristoowa Dagaaladii
badnaa ee lagu xoraynaya dhulka Ogaadeenya xagay ku
danbeeyeen yaase burburiyay? Waxaan filayaa in uu jawaabta
qof walba garan karo, waxayna tahay ujeedada uu markaas
huwanaa dagaalkaasu & kan maanta ah aad ayay u kala duwan
yihiin.
Dagaalkii 1977-98 Waxaa waday Dawladii Soomaaliya iyaga
ayaana maamulayay siday rabaana ka yeelanay markii ay
siyaasada Itoobiya ee caalamka ku guulaysatay maalin cad
ayaa dhulkii la xoreeyay laga dareeray ee ay Umaddii
Soomaaliyeed ku burburtay waxaana look ala tagay Xabaal &
Ninkeed. Itoobiya oo cadhaysan & shacabkii Soomaaliyeed ee
Ogaadeenya ayaa look ala tagay waxaana ka dhacay xasuuq kii
ugu xumaa waana mida keentay in ay dadkii qaxootinimo ku
yimaadaan waddaka Soomaaliya.
Hadaba arintaas mayaa markale lagu dayi karaa waa maya
jawaabtu, maxaayeelay cudud looma waayin ay dawladii
Soomaaliya ku kixiso Ciidankii Mingiste ee waxaa ka hiiliyay
isuna kaashaday caalamka oo dhan waana mida ay Itoobiya ku
doodaysay ee ahaa in waddakii Itoobiya soo weerantay
Soomaaliya, waana mida keentay in Soomaaliya ama lagu siiyo
in ay ka baxdo.
Ururka maanta taladda dadka haye ee ONLF wax garadkii
markaas usha u hayay waxay arkeen in aynan marnaba sedan ku
xoroobi Karin mar hadii dadka wadanka xoraynaya loo arko in
ay Jamhuuridda Soomaaliya dad ka yihid, waxayna aas aaseen
1984 Ururka ONLF oo ah ururka maanta dagaalka kulu kula jira
Dawladda Itoobiya hadii ay helaan awooda wadankoodana lama
dhihi kara ka baxa lakiin waxay noqonaysaa in wadda hada la
galo lana waydiiyo waxay doonayaa oo ah in ay ka Goaan
Itoobiya.
Waxaan dhacabka Ogaadeenya kala talin lahaa in ay Taageero
buuxda la garab istaagaan umadooda una guntadaan sidii ay
waddankooda u hanan lahaayeen shaki kuma jiro in ay Itoobiya
goor aan fogayn in ay burburi doonto sidii dhacday 1991 oo
ay ka faaiidaysteen intii xooga Milatari lahaa sida Tigree &
Eretariya, Maxaa inaga inoo diiday in aan ka faaiidaysano.
Maanta waxaan arkaynaa ururka ONLF cududiisa & 6 sano kahor
siduu ahaa markaad siyaasto ayaad garan farqiga u dhexeeya
waa aqood lagu xisaabtami karo laguna tashan karo waa in aan
garab istaagnaa dhanaan umadda Soomaalida Ogaadeenya.
Aniga oo u arki jiray in ay ONLF tahay niman u badan qurbaha
oo dacaayad uun wada oo markaan webka fiiriyo waxaan ku arki
jiran waxaan gubnay 6 gaadhi oo ciidan ah waxbana kama bixin
ayaan dhihi jiray war nimanku been badanaa lakiin waxaan
indhahayga ku soo arkay Awooda ay leeyihiin & sida ay
waddanka u maamulayaan waana mida igu kaliftay in aan
Taageero shuruud laaan ah siiyo waxaana arkay in ay yihiin
cudud lagu faani karo oo maanta hadii ay Itoobiya burburto
qabsan kara waddanka Ogaadeenya.
Waxaan maqaalkayga ku soo gaba gabaynaa Qabri-Dahare way
leedahay awood u aarta wiilashii lagu xasuuqay halkaas umana
ciilqabo oo waxaan hubaa in ay ONLF Jawaab ku filan ka bixin
doonto dhacdadaas.
Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com
Copyright © 1998-2002 OGADEN
ONLINE All Rights
Reserved.This site is created by Ogaden Online.
Reproduction of any material
on this site is prohibited without express permission of the site owner
and the webmaster.
|