|
Qaab
Nololeedka Soomaalida
Rajada soo nooleynta
waddan Horumarsan
Awes A.Osman
thenewsomaliagroup@hotmail.com
June 09, 2005
Waxa jirta in
Ilaah inagu beeray qab iyo qumanaan aadane kasta luqunta u
suran. Waxa lagu kala geddisan yahay waa keliya in dadka
qaarkii ay qarsadaan isla weynida iyo naf jecleysiga ,
qaarkiina ay xadidadaan xajmiga qabkaa , qaarkiina waxey ku
cabbiraaan waaqiciga nolosha , qaarna nasiib darro qabkooda
bey ka horeysiiyaan afcaashooda oo asagaa hogaamiya.
waxa ugu wanaagsan in shakhsiga fekerkiisu mar walba ku
saleeyo wadciga nololeed ee lagu jiro iyo meesha la joogo ee
aaney sida uu nolosha isu arko shakhsi ahaan u horseedin
xiriirka uu la leeyahay dunida inteeda kale . Qaab
nololeedka somalida waxyaabo badanoo lagu faano iyo waxyaabo
caado jaahilnimo ah abuurtay labadaba wey leedahay qaab
nololeedkaa ayaa ah tan na hogaamisa , saameyn weyna ku leh
wadciga siyaasadeed bahdalan ee lagu jiro. Haddaba waxaa
wanaagsan inaan tooj ifaya ku fiirino qaab noloeedkeena iyo
waxyaabaha loo baahan yahay inaan ka saxno.
-
Qabiil iyo Qabyaalad:
In qabaail kala kala gedisan somaliya leedahay waa
xaqiiqo dabiici ah Baniaadanka wuxuuu ka soo
farcamay Abuuna aadan iyo ay xaawa, ilaa iyo maalintii
la abuuray, aadanuhu wuu tarmayey, wuxuuna isku
baheystay waddan waddan ayadoo ay raaceen afka ,
juqraafi ahaan iyo dhaqan, waddan walbaa wuxuu haddana
isu baheystay koox koox loo yaqaan qabiil ka soo jeeda
ku abtirsiga hal awoowe ama heshiis taariikhi ah oo dhex
maray kooxo is baheystay. haddii bani aaan walbaa uu dib
u raaco asalkiisii hore oo si mucjisad ah awood u yeesho
inuu ilaa aakhirkii baaro wuxuu tegayaa Abuuna aadam.
Kan shiineeska , hindiga , afrikanka ,carabka iyo yurub
dhamaan wey wada tagayaan faracaa abuuna aadam . Waa
ictiqaad mala awaal ah oo hadba sida la rabo laga dhigi
karo . Ummadaha reer galbeedka baa nolosha ku soo koobay
Nin iyo Familkii oo ah xaas iy caruur oo xiriirka ay la
leeyhiiin dadyowga kaloo dhan waa uu xadidan yahay . Ku
tiirsanaanta shakhsi uu ku tiirsan yahay naftiisa baa
waxey ku dhalisay bulshadweynta reer galbeedka iney ku
dadaalaan sidii ay isku dabiri lahaayeen . Shakhsiga
markuu subaxdii hurdada ka tooso , aamin san yahay
inaanu isku haleyn karin ina adeer iyo qaraabo midna ,
markaa uu soo saartaa muufadiisa. Marka shakhsi kastoo
somaliyeed uu ku tiirsanaado ilaah iyo naftiisa , waxa
dhaceysa in ay yaraato baahida loo qabo qabiil iyo
qaraabo aan aheyn aqoonsi sida uu ilaah quraankiisa
kariimka ah ku sheegay.
-
Shaxaad: Ficilka
shaxaad waa sunta marin habaabisay dhallinyaro
iyoodayaal badanoo somali ah . waana midda nagu
dhiiragelisay inaan noqono mashaqeysteyaal. Marka
shakhsiga og yahay inuu ina adeerkii ka heli karo
lacagta uu ku noolaan lahaa todobaad asagoo keliya u
sheekeynayaa , ma ku fekerayo inuu dhididkii wax ku helo.
Kan wax bixinayana ma ka fekerayo sida uu ina adeerkii
dib u dhac ugu sameeyey . Waa mid aan lagu arag waddan
kale siiba kuwa horumaray. (F.G : Wax isa siismada waxey
ka mid tahay caadooyinka wanaagsan ee dadkeenu ku
faanaan laakiinse waxa wanaagsan in ay noqoto mid
natiijo fiican keenta . Waxaa haddaba fiican in la
fuliyo shaxaadka haddii ay shuruudahan jiraan :
a) Ina adeerka / Qaraabáda uu yahay qof aan awoodin inuu
soo saarto lacagta uu u baahan yahay . b) MArka
Inadeerka / Qaraabada uu yahay qof karti badan oo
shaqeysta laakiinse ay soo food saartay xaalad adag kuna
kaliftay inuu ina adeerkii u soo shaxaad tago.
c) Marka Ina adeerka/ Qaraabada oo shaqeysta laakiinse
aan ku filneyn macaashaka uu helo.
-
Siyaasad: Somalidu
waxaa lagu tiriyaa iney ka mid yihiin dadyowga dunida ee
aad u xiiseeya siyaasada dabiici ahaan. Xirfad walboo uu
ka soo baxo , shakhsiga somaliga waa u caado joogto ah
ka hadalka iyo xiiseynta siyaasadda gudaha iyo
caalamkaba. Waxa dhacda in nin aan weligii wax akhrin ee
xamaasaha , haddana galabtii shanta iyo barka raadidye
yar garabka u saaran tahay oo BBCda afsomaliga
dhegeysanaya. caalamka intiisa kale waxaa caado ah in
shakhsi walba uu kala socdo dhacdooyinkadunida
warbaahinta maalin walba laakiinse uu ku mashquulo
hawlhihiisa gaarka ah . Waxa keliya waqti dheer ku
bixiya siyaasaddda iyo falanqeynteeda waa dadka u dadka
u kuur gala siyaasadda ama hawshoodu tahay waxyaabaha
siyaasadda qusaya sida Diblomaasiyiinta , Siyaasiyiinta
, Suxufiyiinta , Qoreyaasha IWM.
Waxa nasiib darrose ah in
ayadoo aan si xoog leh ihtimaam u siino siyaasadda haddana
badankeenfahmin mecnaha Qaran , hawlaha madaxweynaha iyo
waajibaadkiisa, xoogga isku haya qaranka iyo siyaasadda (
mowduucan oo ah baab weyn oo aan la soo koobi karin halkan ,waxaan
ku soo qaadan doonaa maqaal gaar ah inshalah)
Qabyaaladda waa mowduuc nafsaani ah ( psychological issue)
kaasoo bulshadeena gaarsiiyey dib u dhac weyn oo dhinac
walba ah . wuxuuna ka unkamaa jaceylka dheeraadka ah ee uu
shakhsi u qabayo qabiilkiisa kaasoo ku qasbi kara inuu ka
sooco dadka kale dhinac bani'aadminimo iyo waxqabadba. Wuxuu
markaa shakhsiga ku jiraa dembi diini ah iyo mid dunyaawi
labadaba oo kala soociddaa ah in shakhsi wuxuu muteystay la
dafirro , mid aan muteysneyna loo hibeeyo baa ah dembi weyn.
waxaa waajib ah in qaab nololeedkeena wax ka bedelno oo
dhaqanka toosan la harno , kan xunna tuurno oo aan ku
bedelno caadooyinka wanaagsan ee horumar gaarsiiyey dadyow
badanoo dunida ka tirsan. Caadooyinkaa aan dhulkeen lagu
arag , reer galbeedkana ka dhigteen caado muqaddas ah
qaarkood waxaa ka mid ah:
Shakhsiyadda : Shakhsiyadda fiican wax ay dhisantaa marka
carruurta yar yihiin oo maskaxdoodu furan tahay; caadooyin
wanaagsan waa lagu abuuri karaa.
shakhsiyadda wanaagsan ee mudan in lagu daydo waa tan
diinteena ina fartay laakiinse aanaan dheg u dhigin
badankeen, waxaana aasaas u ah waxyaabo badan . Waxaan ka
soo qaadaneynaa keliya qaar ka aan ka tagnay somali ahaan
Isla weynida : waxaan ka faanaa kan aan ka cilmi badanahay ,
carruurta aan ka weynahay , kan aan ka lacag badanahay, kan
aan ka xoog weynahay ... intaaba waa akhlaaq ay ku yar tahay
reer galbeedka haddana hoos u dhigeysa mujtamaca .. Waa in
qof walbaa la siiyaa ixtiraamka ay xaq u leedahay.
Dhowrista balanta iyo waqtiga , ka fogaanshalah beenta ,
gardareysasha shakhsi kale intabana waa akhlaaq wanaaga loo
baahan yahay inaan isku guubaabino. IWM.
Waxaa xaqiiqa ah in mecnaha xukuumad , dawlad ama qaran ee
maankeena ku jiraa ay ka timid khibradii xukunkii 21ka sano
ee xukumadii hore (1969 -1990) . Hogaamiye kooxeed iyo
siyaasi kastoo fadhiya Kenya wuxuu niyadda ku hayaa qaabka
kursigii uu ku fadhiyey madaxweynihii hore MAxamed Siyaad
BArre alaha u naxriistee , xukunkaasoo lahaa xumaan iyo
sammaan intaba .Taana qaladkeena ma ahee khibradda nolosha
aan ka heysanay baa intaa ku ekaa, xajmiga tacliin ee aan ka
baranay dawlad baa nasiib darro ku soo koobmay 21 ka sano
iyo dhacdooyinkii la xiriiray .
Waxaan rajeynayaa in isdhexgalka ay dad badan oo
indheergarato somaliyeed la yeesheen nolosha yurub iyo
mareykan ay keeni doonto in uu ballaarto waayoaragnimada
dhinaca siyaasadda iyo ijtimaaciga , ka reebi karno
caadooyinka qaldan ee ay dadyowga horumaray wataan , si'aan
ugu dabaqno qaab nololeedkeena.
Awes A.Osman
thenewsomaliagroup@hotmail.com
The New Somalia Group
waa urur ka shaqeynaya midnimada indheergaratada soomaliyeed
ee dunida ku baahsan , kobcinta afkaartooda siyaasadeed,
ijtimaaci iyo caalamiyeynta dunida (Globalisation) . Waa
urur ku hawlan soo sarista ra'yi siyaasadeed mideysan iyo
abuurista xoog siyaasadeed ee awood ku leh waddamada
horumaray oo dhan ( Somali Political Lobbies). Fadlan
ra'yigaaga ka dhiibo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada
dahsoon ee siyaasadeed
Copyright © 1998-2002 OGADEN
ONLINE All Rights
Reserved.This site is created by Ogaden Online.
Reproduction of any material
on this site is prohibited without express permission of the site owner
and the webmaster.
|