|
RUUG CADAAYADII SOO ROGAAL CELIYAY
MAXAA LOO DHALAN ROGAY?
Markuu ruux kahadlayo mawduuc in lagahadlo mudan ama uu
qodob qarsoon inuu cadeeyo uu damco Waxaa haboon inuu
ruuxaasi kahadlo dhabta iyo xaqiiqada jirta,dhacdo dhacday
haduu sooqaatana waa inuu siday udhacday usoo qaataa,waana
inuu isagu fikirkiisa kahadlaa oo uuna fikirkiisa kadhigin
kii dadwaynaha sikhaldan uuna wax uturjumin.
Intaas kadib sidaan lasocono wadanka Ogadenya wuxuu in badan
kusoo jiray jab iyo jahawareer,dil iyo dagaal,qax iyo
qaxooti iyo qas iyo lab,waxaana loosoomaray halgamo adadag
waxaana loo huray nafaf iyo maal badan, waxaana loo dilay
qadiyada Ogadenya rag farabadan oo cad cad ninba qaab loogu
dilay.
Hadaba dhibka soo kala dhex maray dad-waynaha reer Ogadenya
iyo gumaystaha Ethiopia waa mid lama iloobaan ah ,oo
innaguna aynaan iloobi Karin iyaguna ayna iloobi Karin,waayo
inaguna waxaynu nahay dad ladulmiyay, waliba dabar-goyn lala
maagan yahay, gumaysiguna waxuu xusuustaa ragoodii badnaa ee
ay kuwaayeen iyo khasaarihii laxaadka lahaa ee kasoogaadhay
wadanka ogadenya, laga soo bilaabo markii ugu horaysay ee
dagaal hubaysan lagala hortagay oo aad ufogayd ilaa
maalinkaa maanta,intaas oo dhan waxay isu nabayeena waa dan
wayn oo ay wadankeena kaleeyihiin, hase yee shee nin walba
oo ogadenya lagudilay oo Ethiopian ah waxaan iloobaynin
waalidkii iyo walaaladii, taliyihiisii iyo saaxiibadiisii ay
ciidanka wada ahaayeen.
Dagaalada hubaysan ee wadankan loo soo maray mayna yarayn,
waxaana kamid ahaa kii O.L.F kii W.S.LF iyo kan maanta ay
daadihinayso O.N.L.F, waxaa intaasoo dhan mar walba garab
socon jiray dadaalo kale oo gumaystaha lagu warsanayo inuu
sidhib yar oo nabad-galyo ah xal kukeeno, dadkan iyo dalkana
uu sidian udhaamo dadyow arintaas ka`odayeeyayna way jiraan,
balse nasiib darro wax midha ah mayna dhalinin,hadaan usoo
laabano odayaashii reer ogadenya ee ugu dambeeyay dadka xal
nabad galyo wax kuraadinayay, waxay ahaayeen odayaal
wadaniyiin ah, kana qiiraysnaa dhibka dadka lagu hayo
waxayna tageen magaalada Addis ababa cid kastaaba hasoo
abaabusho ama haka dambayso abaabulkoodee waxayna wada
xaajood lagaleen dowlada Ethiopia una bandhigeen waxyaabihii
ay ka tabanayeen ciidaanka dowlada iyo nolol la`aanta
kajirta wadankooda balse odayaashu mayna u`oolin qaab dowlad
loola xaajoon karo, waayo waxay yaqaaneen laba beelood oo
isku dhacday oo khilaafkoofa laxaliyo iyadoo loofiiriyo
Xeerarka uyaala dadka Soomaaliyeed,ama waxa uu ka qabo
kitaabka quraanka ahi. laakiin ayna arinta ah in dowlad
lagala xaajoodo dal iyo dad garyaqaano xeel dheer ku`ah,
khayaanada iyo jilaafooyinka caadada u ah gumaystaha,taasoo
ayna odayaashu durba iska dareemin, hadii ay dareemeena ayna
fasax uhaysanin inay aragtidooda ku cabiraan dhabta jirta
dhiiranaan aad ah inay muujiyaana ku`adagtahay, waxay ugu
dambaystii arkeen dhabta meesha taala ee ayna
kafursanaynin.dabinkii iyo jilaafadii loo dhigayna way
qooraansadeen wayna arkeen inuu saldheer yahay, kadib markii
ay daowladi kaga baxday balankii lagalay ee ahaa in wafti
loo soo diri doono doorashada Ethiooia kadib,.
Dowladu wafti xafiiska federaalka kasocda oo aan ahayn ka ya
sugayeen oadayaashu, islamarkaana uu waftigaasi galay
abaabul iyo qabanqaabo odayaal aan iyaga ahayna ay bilaabeen
inay uruuriyaan oo ay gobolada isaga keenaan, kuway
islahaayeen ciidanka dowlad ayay isugu dhadhaw yihiin
magaalo aan tii la`isku ogaa ahayna lagu iclaamiyay in shir
lagu qaban doono, halkaas oo ay odayaashu geedka madaxa
kudhufteen cambarayn aad udheera ay usoo jeediyeen
gumaystaha jidhka xun, iyagoo kutala galay cambaarayntaa
inaan kolana lagaga hadhaynin sidaad garan, dhabtii jirtayna
ay kaga warameen, waxayna baaq usoo jeediyeen,bulsho waynta
reer Ogadenya, inay ka digtoonaadaan dadka loo soo magcaabi
waxaa kaloy kamuujiyeen rajo la`aan dadaalkoodii ay kujireen
waxayna sheegeen inay dowladu khayaamaysay waxaanad moodaa
inay hada salkii sootaabteen kolkii horana waxay kutala
gashanaa yeen inay umadan wax uqabtaan ama aysabir kala
yimaadaan haday doonaan iyaguba lafahooda wax ha`unoqdeene
oo haloo xidhxidhee Ilaahaymahadiise waxaan rajaynhayaa
inaan maalin dambe lasiridoonin oy xaaladoodu tahay (CEEL
NIN GALAYBAA SALKIISA LAGAWARAYSTAA)waxaase aad iyo aad
uqalbi xun maanta qolyihii iyagu odayaasha kudaba gaban
hayay ee islahaa odayaashu waxay ka soohorjeedaan halganka
hubaysane taako uuga dhiga dagaalka socda hase yeeshee siday
rabeenway noqon wayday oo odayaashu mayna huursan Karin
waxay lakulmeen iyo wuxuu damiirkooduu usheegay inay dhuuni
qaatayaal noqdaana mayna yeeli karin .
Waxaanse aad uugaxumahay walaalkayga isku magacaabay c/laahi
m`xed Amiin ee webka somalitribune maqaalka kusooban dhigay
inuu yidhaahdo odayaashu waxay hada kahor cambaareeyeen J W
X O waxaana uqumanayd inuu hadalkaas kafiirsado wax ayna
odayaashu dhihina uuna isagu u`odhanin si`ayna qadaf uugu
noqonin majirto inay odayaashu hadakahor jabhada gobanimo
doonka ah ay cambaarayn usoo jeediyeen saan lawada socono
marrar badan bay waraysteen odayaasha isla webkan
somalitribune hase ahaatee hal oday ah umbaa jira wax
jabhada kuleexday oo wax ka sheegay xaqlayaasha marka ma aha
inuu hal shakhsi fikirkiisa guurtida dhan dusha kasaaro
sababtoo ah haday kuraacsan yihiin iyaguba carabkay kudhufan
lahaayeen markay waraysan hayeen,waxaa kaloo mudan inlaka
saaro dhaliil uu ruuxu soojeediyay iyo cambaarayn..
Midakale walaalkay c/laahi m. Amiin yuuna dadka uugu sheegin
arinta odayaasha mid ay wali kufaraxsanyihiin oy kuraja wayn
yihiin siiwadida howshaas ay qanaacada kamuujiyeen
cambaarayntana ay kasoojeediyeen.
Waxaan hadalkayga kusoo uruurinhayaa inay dadka udhasha
wadanka Ogadenya baraarugaan oy indhahooda furaan lana
qabsadaan xaalada wadanku meesha aymarayso taageeraana
halganka xaq udirirka ah ey JWXO hogaaminay, ogadaana inaan
xoriyada sadaqo lagu helin gaalna uuna lahayn somaalidu
waxay dhahaan (RAG IDAA KUGUMA DAAYEE WUXUU
KUGUDAAYAALATUSAA)
Dibna umilicsada erayadii xikmada badnaa ee uu kayidhi
Abwaanka wayn ee reer ogadenya abwaan Nuur:
GUDDI YAHAY HORTAYDIYO FADHIDA ANIGA GEESTAYDA
GUMAADKUU SHACBIGU SOOMAREE XABASHI GAADHSIIYAY
GOOBJOOGA YAAL BAAN AHYAN GUGA DHEXDIISIIYE
INTEEBAA NIN GEESI AH LADILAY OO GODLAGUTUURAY?
MEEQAA GANBOOLAYDA DUMAR GUUDKA LAGA LAACAY?
IDINKOON KAGUBAN XAAJADAA GUUDKA NAGASAARAN
OO AAN ETHIOPIA KA GU`IN GABI AHAANTIINBA
GOBANIMO INTAAD HOOH DHAHDAAN GOCOSHAN MAYSAANE
ISKUGUDAAAAAAAAA GO`AANKAANRABNIYO GUUSHU WAY DHALANE
Waana inay xusuusnaadaana fursadihii hore ee ina dhaafay oo
ay u dambaysay fursadii dahabiga ahayd ee goortii uu
Mingiste dhacay oo inadhaheena oo shan ah ina dhaaftay
Gabagabadii waxaan leeyahay awooda maanta inoojirta ha`inaga
kala tuurina ee inoodaaya walibana taageera hadaynu
dhabarjabino waxaa inagu dhici uun markay fursadi ina
dhaafto ALLA HASHU MARKAY MEESHAAS MARAYSAY YAA YAX
YIDHAAHDA ?
Guul iyo gobanimo
Hubiye maxamed
Hubiye1@yahoo.com
June 18, 2005
Odayaashii
Adis Ababa joogay xagee ku dambeeyeen ?
Is-bar-bardhig Odayaashii la shiray Melez 1994 iyo kuwa
maanta Jooga Adis Ababa
|