Chat

Forum

Ogaden Online News

Waftigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha J.W.X.O oo booqasho ku tagey Magaalada Mineapolis ee Gobolka Minesota.

Jan 02,2005 Waftigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha JWXO Admiral Mohamed Omar Osman oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Cilmi Baarista iyo Qorsheyta ee JWXO Dr Mohamed Siraad Doolaal ayaa shalay galab oo ahayd January 01, 2005 shir ku qabtey Magaalada Mineapolis ee Gobolka Minesota.

Shirkaaas oo ku bilowdey soo dhaweyn iyo sacab ayaa waxaa furay Wakiilka JWXO ee Gobolada Galbeedka dhexe (Mid West) ee wadanka Maraykanka Mudane Moxamuud Nuur oo ku soo dhaweeyey  codbaahiyaha Gudoomiyaha JWXO Admiral Mohamed Omar Osman oo ka war bixiyey halganka soo jireenka ah ee shacabka Ogadeeniya iyo kaalintii ay dawladihii Soomaaliyeed ee hore ka qaadan jireen iyo kaalinta haatan looga baahan yahay dawlad kasta oo Soomaaliyeed in ay ka qaadato.

Admiral Mohamed Omar Osman, wuxuu warbixin dheer ka bixiyey siyaasada Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya iyo guud ahaan xaalada Geeska Afrika, isagoo tilmaamey in Itoobiya ka go’antahay sidii ay u fashilin lahayd nabad kasta oo Soomaaliya ka soo iftiinta.

Gudoomiyaha, JWXO, wuxuu kaloo intaas raaciyey in dadweynaha Soomaaliyeed looga baahan yahay sidii ay u taageeri lahaayeen halganka shacabka Ogadeeniya, isagoo xusay in aysan jirin qoys Soomaaliyeed oo aaney dhibaatada ama dagaaladii hore ee Ogadeeniya saameyn ku yeelan, isla markaana halganka socda maanta ee JWXO hormuudka ka tahay uu la midayahy halganadii hore.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Cilmi Baarista iyo Qorsheyta ee JWXO Dr Mohamed Siraad Doolaal ayaa dadweyniihii goobta isagu yimid warbixin ka siiyey halganka JWXO ee ka socda gudaha Ogadeeniya.

Dr Mohaned Siraad Doolaal, oo dadweyniihii goobta fadhiyey aad ula dhaceen qaabka cilmiyeysan iyo ereyada ama weedhaha Af Soomaaliga ah ee uu u adeegsadey warbixintiisa ayaa aad ugu dheeraadey heerka uu marayo halganka shacabka Ogadeeniya ugu jiro aayo katalintiisa. Dr Doolaal, wuxuu tilmaamey in halganka Ogadeeniya maanta gaarey heer aad u sareeya, marka laga eego dhinac kasta, isagoo sheegay in JWXO xiriir iskaashi la leedahay Jabhadaha hubeysan ee ka soo horjeeda xukumada Itoobiya. Mar uu ka hadlayey siyaasada Itoobiya ee ku aaden Soomaaliya, Dr Doolaal  wuxuu sheegay in Itoobiya maanta soo taabatey xeebaha Soomaliya oo ay soo dhaaftey Ogadeeniya.

Dadweynihii Soomaaliyeed ee goobtaas isagu yimid oo aad wajiyadooda ka akhrisanayso baahida ay u qabaan warbixinta madaxda ayaa kadib iyagu halkaasi ka soo jeediyey su’aalo iyo tala bixino. Kadibna waxaa halkaas ka hadlay aqoonyahaniin  iyo Odey dhaqameedyo badan oo Soomaaliyeed.

Dadkii goobtaas ka hadley waxaa ka mid ahaa Cusmaan Ducaale oo ka mid ah Odey dhaqameedyada Soomaaliyeed ee Magaalada Mineapolis, wuxuuna halkaas ka soo jeediyey Gabay Guubaabo iyo Taageero isagu jira oo dadweyniihii shirka fadhiyey jirkooda jiriirico ku abuuray.

Waxaa isaguna goobtaas ka hadley Cabdulahi Guuleed oo ah Madaxa African Community Services oo ku hadley Magaca Jaaliyada Soomaaliyeed. Mudane Cabdulahi Guuleed, wuxuu sheegay in uu ka midyahay xubnihii aas-aasey Ururka JWXO (ONLF) mudo haatan laga joogo 20 sano, wuxuuna dadweynaha xasuusiyey sida loogu baahan yahay sidii loo garab istaagi lahaa JWXO.

Kadib, waxaa isaguna hadlay Abwaanka Weyn ee Maxamuud Cabdulaahi Ciise (Singub) oo ka mid ah hal abuurayaasha ugu horeeya Soomaalida oo ka mid ahaan jirey Abwaanadii Hobolada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi. Singub, wuxuu goobta shirka ka soo jeediyey hadalo guubaabo ah iyo suugaan aad u badan, wuxuna goobtii shirka ka tiriyey Gabay aad u soo jiitey dhagaha dadweynihii goobta fadhiyey.

Dhinaca kale, waxaa shirka yimid koox u socotey sidii ay shirka qalalaaso u gelin lahayd, kuwaas oo bilaabey qas iyo in ay waraaqo ku qaybiyaan markuu shirku furmay, balse waxaa si habsami leh uga hortagey ilaalada shirka iyo Ciidamada Nabadgelyada oo  goobta shirku ka dhacay ku sugnaa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dadweynihii shirka ka soo qayb galay dhakafaar ku noqdey ujeedada kooxdan yar ee qaska shirka u timid iyo sababta ay waxa ay qabaan si nabdelyo iyo asluubleh ugu soo bandhigi waayeen, waayo ilaa hada ma cada waxa ay dadkaasi diidanaayeen.!!

Dadk qaar ayaa ku sifeeyey arinta kooxdan in ay ka danbeeyaan Dabaqoodhiga ay dawlada Itoobiya dibadaha u soo dhoofiso si ay u qasaan Jaaliyadaha Ogadeeniya ee dibada. Dad badan oo kale ayaa iyaguna waxay garwaaqsadeen in JWXO tahay urur gaamuray oo aan la loodin karin, yeelana kara mucaarad.

Kadib markii shirkii dhamaadey waxay Madaxda JWXO ka qayb gashey Barnaamijyo wareysiy ah oo ay la yeesheen Raadiyayaal iyo Idaacadaha Maqalka iyo Muuqaalka ah.  Hadaba, Gudoomiyaha JWXO Admiral Mohamed Omar Osman ayaa waxaa Wareysi toos ah la yeeshay Idaacada STN (Somali Television Network) oo ah Radio iyo Telefeshin, wareysigaas oo uu qaadey wariye Colombo, waxaa la soo deyn doonaa bishan January 15, 2005. Su’aalaha la weydiiyey Gudoomiyaha JWXO waxaa ka mid ahaa, fikirka JWXO ee ku aaden Dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya iyo Safarka uu waftiga JWXO ku marayo Waqooyi Amerika iyo waxay kala kulmeen.

Sidoo kale Dr Mohamed Siraad Doolaal ayaa waxaa wareysi la yeeshay Telefeshinka iyo Raadiyaha Rogester (Rogester Radio and TV), kaas oo wax ka weydiiyey siyaasada Itoobiya ee ku aaden Soomaaliya.

Gabagabadii, shirkan waxaa dadka caalamku si toos ah ugala socdey aalada Internetka, taas oo dad badan oo dunida dacaladooda ku nool u suurtp gelisya in ay shirka si maqal ah uga qayb galaan

Daawo sawirada Shirka:

Ogaden Online
staff@ogaden.com
 

 

 

Copyright © 1998-2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.
This site is created by Ogaden Online.  Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.