| |||||||||||||||
|
Hobollada
Waaberi Iyo Halganka Ogadeeniya Habeennimadii
Sabtidii ay taariikhdu ahyd November/2/2002 ayaa waxaa
magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota e waddanka
Mareykanka lagu
qabtey Waxaa
xaflada lagu furay qoraal ka hadlaya xaalada ka jirta
waddanka Ogaadeenya oo ay soo jeedisey Hodan
Ducaale,(Riix
Magaca Waxaa
hadal
kooban ka jeediyey Qareenka sida aadka ah looga yaqaanno
magaalada Minneapolis Attorney P G
Robbichuad oo u muujiyey shacabkii soomaaliyeed ee
halkaasi isugu yimid inuu aad uga xunyaay dhibaatada lagu
hayo shacabka Ogaadeeniya. Attorney PG
oo labbisnaa funaanad ay ka muuqato Maapka iyo
calanka Ogaadeniya wuxuu gobtaas mas’uuliyiinta jaaliyada
Ogaadeeniya ku guddonsiiyey deeq dhaqaale oo ugu deeqay
qaddiyada shacabka Ogaadeeniya. Waxaa iyana xaflada ka soo
qayb galay deeq dhaqalena halganka ugu deeqay qareemada kala
ah Ronald J Theiler iyo Dr.Ronald
S.Msh oo dadka ka caawiya dhibaatada ka soo gaadha
shilalka baabuurta. Waxaa
billabantey qaybtii aadka loo sugayey ee xaflada oo ahayd
hoboolada waaberi. Waxaa ay xaflada ku furen
Waxaa
goobtaas ay fanaaniitu ku so bandhigeen riwaayad aad loogu
bogey oo ay ka soo qayb galeen
tiro laba jeer ka badan dadkii loogu tala galey.
Heesaha goobta ku cusbaa ee aadka dadku uga heleen waxaa
kamid ahaa Hees uu sameeyey erayadeeda
Maxamed Qamaan laxakeedana
Mustafa kiiko oo la yidhaahdo Qaybta
xigta ee dadku sida aadka
ah ugu riyaaqeen waxay ahayd dhaanto ay soo bandhigeen
dhalinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira oo uu hor kacayey
abwaanka da’da yar ee Yuusuf-Raan Cabdi Xaaji.
Dhinaca kalena waxaa gabayo aad dadku ugu bogeen soojeediyey
Abwaan Maxameed C/laahi Singub. Xaflada
waxaa ka soo qayb galey dhamaan bulsha weynta Soomaaliyeed
ee gobolka Minnesota oo aan habeenkaas ka hor goob isugu
iman tiro intaas la ‘eg . Waxaa goobta xafladau ka
dhacayso lagu gadayey funaanado, musawiro, Koobab ,
Calanderka taariikhda laga eegto iyo farshaxanno kale oo
dhamaantood ay ka muuqdaan astaamaha waddanka Ogaadeeniya.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota waxay habeenkaas
muujiyeen taageerada ay u hayaan halganka shacabka
Ogadeeniya uu ugu jiro xorriyaddiisa. Waxaa masraxa
fannaaniintu taagnaayeen hadheeyey dad qiireysan oo sitaey
calanka shacabka Ogaadeeniya iyo astaamaha Jabhada Wadaniga
Xoreynta Ogaadeeniya. Jawiga
xafladu wuxuu ku billawdey si nabad galyo ah wuxuuna ku
dhamaadey si asluub leh.Waxaa dadka caawinayey oo goobta ka
adeegayey xubnaha Ururka Dahalinyarada Ogaadeeniya ee Waqooyiga
America. Waxay
masuuliyiinta jaaliyada Ogaadeeniya dadka Soomaaliyeed ee
qaatey jinsiyada Mareykanka kula taliyeen inay doorashada
dhacaysa November/5/2002 codkooda siiyaan musharaxa xisbiga
Dimoqraadiga ; Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka
Mareykanka Walter Mondale oo u tartamaya kursigii uu dhawaan
ka geeriyodey Senator Paul Wolestone. Shariif
Dheere
| |||||||||||||||
|
Copyright © 1998-2002 OGADEN
ONLINE All Rights
Reserved. |