| |||||||||||||||
|
Halkan
ka daawo Sawiradii : London:
Toronto Agoosto 30, 2003 JWXO waxaa la aasaasay Agoosto 15, 1984 taas oo ka dhigan in ay JWXO 19toban jirsatay. Ururku intii u jiray wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo ku wajahan Halganka lagu Xoraynayo Ogaadeenya. Hase yeeshee waxaan warbixinteena maanta ku soo koobaynaa tobanki sano oo ah inta uu Ururka ku jiray Halganka Hubaysan kaas oo bilowday sanadki 1994. Halgankan Hubaysan oo ah mid ay Jabhadu bilowday markii ay dariiq kale oo u furan wayday ayaa ah mid Xaq u dirir ah si Xoriyad loo gaadhsiiyo Shacabka dulman ee Soomalida Ogaadeenya loogana hoos bixiyo Xukumadda Abasiiniya oo dhibaato mooyee aan haba yaraatee wax dheefa siin Shucuubta ay guumaysato. Xaqiiqdi Xukumada ay hormuudka u tahay Hogaanka TPLF ayaa damaaci ka galay inay xoog ku muquuniso cid kasta oo xaqeeda iyo aayaheeda ka hadasha ka dib markii ay isku hubsatay Xukunka ay ka boobtay Dawladii Militariga ahayd ee Mingiste Xayle Maryam. Sidaas darteed Taliska EPRDF ee ay Hogaamiso TPLF ayaa qaaday olole dhan ka ah Shacabka Ogaadeenya si ay gabi ahaanba u tirtirto JWXO si loo waayo urur xisaabtan dhaba la xisaabtama xukumada macangaga ah ee EPRDF madaxdan u yahay Melze Zenawi si looga hortago fikirka madaxbanaanida ee Shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya oo goorwalba ku taamo intay dooni ha qaadatee inuu gaadhi doono aaya ka tashi buuxa. In kastoo uu Shacabka Ogaadeenya soo galay Halgano kala wakhti ahaa, Xukumada dulmi abuurayaal Abasiiniyiin iyo European ahna ay isku dul badaleen ilaa Qarnigi 18aad iyo Qarnigan 21aad hadana marna ma dhicin in dhalan iyo dhaqan rog lagu sameeyo, ama is dhiibaan, ama dhulkooda macdanta ku jirta la dhaco. In Guumaysigu ku guulaysto arimahaas oo uu in badan isku dayey meel marin tooda waxaa suurta galin waayey Shacabka Ogaadeenya oo dagaal joogta ah kula jira Guumaysiga Dalkooda duulaanka iyo dulmiga ku yimid. Waxaa hubaal ah in aan ku jiro Qarni u dhamaaday dulqaadki ay in badan oo bulshada caalamka ka mida ay u hayn jirtay kuwa wax guumaysta iyo kuwa cadaadiya shucuubta ay xukumaan. Xukumada Cadaadinta iyo Guumaysiga shucuubta aysan dhaqan, iyo dhalasho wadaagin ku caanbaxday ee ay Abasiiniyiintu Hogaamiyaan ee Itoobiyana waxay ka mid tahay kuwa wakhtigoodi dhamaaday isla markaana fashilan in badan oo ka mida dadka xuquuqda aadamaha u doodana ay indhaha ku hayaan. Si kastaba ha ahaatee, khayaamooyin badan oo isugu jira dil, dhac, kufsi, xabis, cagajuglayn, iska horkeen, cunaqabatayn, iyo beenabuur intaba waxaa marnaba u suurta geli waayey Xukumada Xaqdarada ku haysata Dadka iyo Dalka Ogaadeenya inay soo afjarto Halganka Hubaysan iyo kan siyaasadeed ee JWXO ay Hogaaminayso. Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya oo garab iyo gaashaan ka helaysa Shacbiga aan marna qaadan heeryada Guumaysiga Abasiiniya iyo Shucuubta naceb cadaadinta aadamaha ayaa ku guulaysatay inay jiif iyo joog u diido Xukumada EPRDF oo ah mid aan Tariikhda dib u eegin kana faa’iidaysan waayaha iyo wakhtiga sida berri waxa dhici doona, iyo waxa maanta taagan, balse dhalanteed khayaali ah iyo khayaamo ku nool. Haddii aan guda galo mawduuca warbixintan: mudadii tobanka sano ahayd ee u dambaysay oo ah intii ay JWXO qaaday Halganka Hubaysan ayaan si kooban uga warbixinaynaa Guulahii laga gaadhay Halganka, iyo wax qabadka dhabaha toosan ee Xoriyad doon oo ah midka kaliya ee qanciya Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya. Waxaan wada ogsoonahay in Halganka ay JWXO majaraha u hayso uu hal arin oo kaliya kaga duwan yahay Halgamadi ka horeeyey oo ay ururo kala duwan Hogaaminayeen. Halkaasna waa Halganka JWXO wado oo ah mid ka dhex qarxay Shacbiga iyo Deegamada Dalkooda Ogaadeenya dhexdiisa haddii aan Afka Qalaad ku fasirana waxaa loo yaqaan (Grass Root Struggle). Haddii aan sii macnaynana Halgamadi hore waxaa gacan laga siin jiray Jamhuuriyadi Soomaaliya oo iyadu xil iska saari jirtay baadi goobka Dadka iyo Dhulalka Soomaaliyeed ee maqan. JWXO waxay Halganka bilowday iyadoo Jamhuuriyadi ama Qaranki Soomaaliyeed ee Xorta ahaa uu Dagaalo sokeeye dartood la burburay ilaa maantana weli ku jira. Sidaas darteed ayey Shacbiga Soomalida Ogaadeenya iyo Ururkooda JWXO ay qaateen go’aan ku salaysan Halku dhegayada ah, “Halgan, Iksu tashi, Adkaysi ama mintid, iyo Midnimo.” Haddaba maxaa ka soo baxay halkudhegyadan macnaha wayn xambaarsan? Waxaa ka soo baxay in Shacbiga Ogaadeenya dadka u dhashay intooda kalsoonida nafsiga ah leh ee ku nool guda iyo dibadba inay u babac dhigaan dagaal af iyo adin ahna la galaan fashilyaana khayaamooyinki ay u maleegaysay Shacbiga Ogaadeenya Xukamada Guumaysiga Xal-mooday ee EPRDF. In kastoo aan Guushi kama dambaysta ahayd la gaadhin, hadana waxaa marag ma doonta ah in ay tahay qayb ka mida guulaha JWXO dhibaatooyinka aan kala go’a lahayn ee Haysta Xukumada ay Hogaamiso TPLF ee Addis Ababa sida; khalkhalka siyaasadeed, khilaafka aan dhamaan, dhaqaale burburka, baxsadka ciidamada iyo madaxda dawlada, gadoodka ciidamada ee is dilka dhexdooda ah, dhimashada iyo dhawaaca joogtada ah ee ciidamada, iyo is aamin la’aanta ka taagan waxa ay ula baxday Xukumada Addis Ababa Maamulka Kililka 5aad oo noqotay goob lagu ciyaaro maskaxda iyo maanka kuwa aan weli quusan ee Qaran u haysta Itoobiya.
JWXO waxay abaabushay oo ay si buuxda u hawl galisay 31 Jaaliyadood oo ka jira Wadamada ama Qaaradaha kala duwan ee Aduunka. Waxaan soo qaadanaynaa meelaha ay Jaaliyadahu ka dhisan yihiin si firfircoona uga qayb qaata hawlaha Halganka Xornimadoon:
JWXO waxay si buuxda cagaha ugu taagtay Wakaalada Wararka Ogaadeenya oo hoos timaada Hogaanka Warfaafinta taas oo keentay in si buuxda looga baxo baahidi loo qabay saxaafad soo bandhigta Qadiyada Ogaadeenya, dhibaatada Guumaysigana shaaca ka qaada. WWO (ONA), waxay ka hawlgashaa Borogaraamadan soo socda:
JWXO waxay dhistay Ciidan tiro, tayo, iyo tababar intaba ka dheeli tiran. Ciidanka Xoraynta Ogaadeenya wuxuu ka tababar fiican yahay kuwa Cadawga oo goobti ay isku helaanba ka hela kacanta sare. Waxaa dhici karta in Saanadi faraha badnayd ee Midowgi Soofiyeeti uu siiyey Mingiste Dagaalki 1977kii Dagaalki dhacay inay weli bakhaarada u dhoobantahat Ciidamada Guumaysiga, balse in badan oo ka mida hubkaas ayey furtaan Ciidanka Xoraynta Ogaadeenya kadibna ay dib ugu hawl galaan. Ciidanka JWXO wuxuu neefta ku dhajiyey Ciidanka niyada jabsan ee la keenay ciida Ogaadeenya si ay u cabudhiyaan una cadaadiyaan Shacbiga Xaq u dirirka Ogaadeenya. Markay gaadiidkoodi isku aamini waayeen ayey qafaashaan baabuurta Shacabka taas oo looga yaqaan Ogaadeenya (Gidhaash). Intiina aan xog badan ka hayn awooda uu lee yahay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya, waxaan idiin sheegayaa inay go’doon geliyeen Ciidanka Maxaysatada EPRDF oo aan garanayn waxa ay u dhimanayaan, u gaajoonayaan, ama ay ka qabanayaan Dhulka Ogaadeenya oo Cimilo ahaan, iyo degaan ahaan ka duwan Dhulka Buuralayda qabow ah ee ay ka yimaadeen. Intooda badana waa ciidan laga soo uruuriyey Qawmiyadaha kala duwan ee Itoobiya gaar ahaan kuwa aan Tigreega ahayn oo been lagu soo hawl galiyey, iyagoo afduuban ayaa lagu soo daadiyaa Ogaadeenya ka dibna waxaa ku dhacda dhul kaa dheer cir kaa dheer. Ka dib marki ay ku hoobteen dagaaladi ay la galeen Ciidanka Xoraynta Ogaadeenya ciidanki Jabhadi TPLF sanadihii 1994-1996 oo ay Saraakiil iyo ciidan badan ku waayeen ayey Saraakiil kaliya oo Tigree ah ku reebeen Dhulka Soomaalida Ogaadeenya. Malaysiyada la soo afduubay ee Qawmiyadaha kale in badan oo ka midana way baxsadaan iyagoo hubkooda gata si ay sahay uga dhigtaan, qaar kalena waxaa laaya Saraakiisha Tigreega, Qaar kale oo badana waxaa koox koox u ugaadhsada Naftood Hurayaasha JWXO oo Ciida iyo Dhirtuba u hiiliso. Iyadoon halkan lagu soo wada koobi karin Guulaha Halganka ay JWXO ka soo hoyisay, sida Tirada badan ee Ciidanka Guumaysiga ee ay Jabhaddu ka dhigtay wax dhintay wax dhaawacmay amah awl gab laga dhigay, wax la qabtay, wax baxsaday, hubka laga furtay, iyo bururka Ciidanka cadowga ayaan intaas ku soo koobaynaa qaybti Ciidanka Qalabka Sida ee JWXO.
JWXO waxay abuurtay laamo ururo bulsho oo ka jira deegamo badan oo ay Jaaliyadaha Ogaadeenya ay ku nool yihiin. Laamaha ururo bulsho ee la hirgaliyey waxaa ka mida Ururka Dhalinyarada, Ururka Haweenka, iyo Kan Odayaasha. Dhamaan ururada bulshada waxay door la taaban karo ka ciyaaraan hawlaha Halganka sare loogu qaadayo, haddii ay tahay xag abaabul, wacyi galin, dhaqaale, iyo aqoonba.
JWXO waxay abuurtay Saaxiibo taageera Qadiyada Ogaadeenya oo heer dalal , iyo mid shaqsi shaqsi ah. Taageerada Saaxiibada ayaa isugu jirta mid dhaqaale, niyad, af, iyo siyaasiyanba. Tusaale ahaan waxaa wax lagu faano ah in ay JWXO Aqoonsi buuxa ay ka haysato Dawlada Maraykanka una ogolaatay in ay Xafiis ka furato Magaalo madaxda Washington. JWXO waxay abuurtay xidhiidh fiican oo wada shaqayn iyo iskaashi ka dhexeeya Ururada Xaq u dirirka ee Shucuubtooda ay Xukumada EPRDF cadaadiso sida OLF, SLF, iyo qaar kale oo badan. Gaba Gabdii, Halganka JWXO iyo Shacabiga Ogaadeenya ay Guumaysiga kaga Xoraynayaa Geyigooda ayaa maanta maraya meel aan laga soo laabanayn ilaa Guusha kama dambaysta ah la gaadho. Soo dedejinta Xornimadanu waxay ku xidhantahay hadba inta dadka ay qadiyadu qusayso ay maalgelin naf iyo maal leh u geliyaan. Guusha dhabta ahna sidaas ayaa lagu gaadhi karaa. Ogaadeenya way Xoroobi Inshaa Allaah!! Mamaamulka Xafiiska G/Dhexe USA ee JWXO
| |||||||||||||||
|
Copyright © 1998-2002 OGADEN
ONLINE All Rights
Reserved. |