|
Wargayska
Jamhuuriya oo ka indha dadbaya xaqiiqda
Jaamac dharkayn
Hordhac:
Waxaa maalmahan soo kordhayay Qoraalo Beenbuur ah, oo ka
fog Runta. Shacabka Somaliyeed meelkaystoo ay joogaanba waa
dad walaalo ah oo isku dan ah. Hasa yeeshee waxaa jira dad
yar oo danaysta yaal ah, oo raba inay ka faa’idaystaan
Khilaafaadka ka jira maanta Shacabweynaha Somaliyeed,
kuwaasoo ku dadaalaya siday u heli lahaayeen danahooda
gaarka ah.
Halkan waxaa tusaale ahaan ugu soo qaadanaynaa, Maqaal lagu
soo qoray Jaraa’id ay ugu yeedhaan „ Jamhuuriya Online“ oo
lagu tilmaamay inuu ka soo baxo Hargaysa, Maqaalkaas oo uu
qoray nin ay ku magacaabeen Ibrahim Hassan Gaagaale,
taariikdu markay ahayd 26.08.2005.
Ibrahim wuxuu halkaa ka muujiyay colaad aad u qoto dheer oo
uu u qabo qabiil guud oo ka mid ah qabaa'ilka Somaliyeed,
gaar ahaanna Shacabka ay jaarka yihiin ee Ogadeenya. Ninkaas
isaga ah wuxuu ka been abuuray dhacdooyinka soo socda:
1) Ibrahim wuxuu Maqaalkiisii Cinwaan uga dhigay „
Ogaadeenkii shalay na gumaaday, yaa maantana Baaburtanadana
gubaya“
Cinwaankan sidiisaba ma aha mid la qaadan karo, waayo ma
jirin Shacab Ogaadeen la yiraahdo oo gumaaday Beesha Isaaqa.
Balse waxaa jirtay Dawlad la dagaalantay Shacabkeeda,
kuwaasoy ka mid ahaayeen Gobolada dhexe, Koonfurta iyo
Waqooyiga Somalia intaba.
Wuxuu u kala qaybiyay qoraalkiisa 3ex qaybood. Qayb ku
wajahan Riyaale iyo Maamulkiisii, qabiilka Daarood oo uu
laba u kala qaybiyay, Buntland iyo Ogaadeeniya.
Maamulka Riyaale wuxuu ku diidan yahay (marka la dhuuxo
qoraalkiisa waa) Qabiil, ee wax kale ma aha. Meesha uu
leeyahay Majeerteeniya ayaa Dal naga haysta, Daandaansina
wada, waa wax runta ka fog, (marka la eego xaaladda ka jirta
Soomaliya maanta) waayo, mar hadayna jirin Dawladdii dhexe
ee Soomaaliyeed, oo qoys waliba uu ootay meeshuu dagi jiray
muxuu u diidayaa inuu qoyskan deegaankiisa qabsado, illaa ay
ka soo noqonayso dawlad loo dhan yahay.
2) Inuu Jabhadda ONLF Argagixiso ku tilmaamo, ma aha mid la
yaab leh. Sababtoo ah, wuxuu turjumayaa cadaawadda dheer ee
uu u qabo Shacabka reer Ogaadeeniya. Arintan waxay daba
socotaa Koox yar oo Soomaali diid ah, sida Mohamed Ibrahim
Cigaal, oo muddo dheer ku soo dadaalayay sidii uu shacabkaa
xaqiisa uu ku duudsiyi lahaa, eeg Shirkii Caruusha ee
midowga Afrika oo uu rabay inuu Xayle Salase ka gato
Dhulkaas, illaa uu ka dhintayna wuxuu ku dadaalayay Arintaas.
Abdilmajiid Hussein isagoo ka tala qaadanaya Hargaysa ayuu)
wuxuu la saftay Gumaysigii wakhtiga dheer cadaadiska daran
ku hayay Shacabka Somalida Ogaadeeniya wuxuu si toos ah ula
diriray Gobanimo doonka (wuxuuna ku dadaalay siduu u wiiqi
lahaa Xoreynta Ogaadeeniya. Waa markii Taariikhda dadweynaha
Somaliyeed ee Ogadenya ugu horaysay uu Qof Somalinimo
sheeganaya la soo safto Cadawga Somalida, si uu u gumaado
Shacabkiisa.
Waxaa kaloo in la xuso mudan, Jawaabtii uu Buubaa ka bixiyay
Waraysigii Sharqul Awsad, ee ku saabsanayd Ogaadeniya, taas
oo ku jawaabay inay dalka Ogaadeeniya Itoobiya leedahay,
Soomaaliduna degto (oo ay marti ku yihiin).
Waxaa Caalamka oo dhan ka yaabisay, anagana fajac nagu
noqotay, inay jirto Koox yar oo Soomaali diid ah oon diin
iyo dhaqan toona aan xeerinayn oo cadawgii umadda Somaliyeed
ee soo jireenka ahaa u dhiibaya kolba dhalinyaro u soo shaqa
tagay ama safaro ku yimid waqooyiga Somaliya si ay ugu
muujiyaan Itobiya inay saaxiib la yihiin.
Waxaa la ogsoonyahay in Gumaysigii reer Galbeedka ee
dalkeena soo galay uu wuxuu adeegsaday Koox budhcad ah oo
loogu magac daray waagaa rayad, una badnaa qabiilka
waqooyiga daga, kuwaasoo dhibaato laxaad leh oon la qiyaasi
karin u gaystay Shacabkii ku noolaa dalka Ogaadeeniya.
Dhibaatooyinkaa waxaa ka mid ahaa inuu Ingriisku yidhi,
ninkii ree Ogaadeenya ah ee Qori sita hala tookto, wuxuuna u
adeegsaday fulinta arintaa Isaaqa. Xoolihii Shacabku ku
noolaa oo uu Geelu u badnaana, waa la ooday oo halkoodii
ayay ku baaba’een. Dhibaatada Shacabka arintaas ka soo
gaadhay ma aha wax laqiyaasi karo.
Qofkii ku dooda inuu Halganka lagu raadinayo gobanimada
dalka Ogadenya inuu yahay Argagaxiso, wuxuuna garaadkeeda
lahayn inuu fahmo ujeedada iyo hadafka la hiigsanayo ee
muddada dheer ay umadda Somaliyeed u soo halgamaysay taasoo
ah in la gaarsiiyo xornimo taam ah Somalida Ogadenya. Waxaa
mudnayd inuu Argagaxiso ku tilmaamo kuwa Walaalahood sida
sharci darrada ah, ugu dhiiba marwalba Gumaysiga soo
jireenka ah.
3) Waa Illahay mahadii inuu gartay qoraaga maqaalka inaan
Gumaysi dalkaygii Qaaliga ahaa uga soo cararay, wuxuuse been
ka sheegay inay Beesha Isaaqa Kaalmo u fidin jireen
Qaxootigii soo galay Waqooyiga Somalia. Qaxootiga wuxuu ku
tiirsanaa Mucaawinadda UN-ta iyo tan dawladda Somaliyeed.
Waxaase la yaab leh inuu iloobay dagaalkii SNM ay ku qaaday
qarankii Somaliyeed inay sabab uga dhigeen dhulkii aan
lahayn ayaa la dajiyey qaxooti laga keenay Ogadenya.
Waxaa kaloo la yaab leh inuusan isweydiin Sharciga ay ku
joogaan Ogaadeenia? Sida Gashaamo, Goosayga, Harta-Sheekh,
Kaam Abokor, Quus iyo Rabaso, iwm. Ma ogtahay inaad dalka ku
timid Seero goys iyo Daaqsin si sharci darra ah uu kugu
siiyay gumaysigii Ingriiska? Waxaad kalood illowday oo iyana
jirta, in Qaxooti aad u farabadan ay ku soo qulqulayeen laga
soo bilaabo 1980kii illaa maanta dalka Ogaadeniya. Soo wax
la yaable ma aha, inay iyaguna saddex magaalo oon waxba
oolin ka waardiyeeyaan Shacabweynaha Somaliyeed, isla mar
ahaantaana ay ka faa’idaystaan dhamaan dhulka Somaliyeed?
Meesha uu leeyahay waxbaa lays dhaafsan jiray, waa wax kama
jiraan. Xaqiiqadu waxay tahay Xoolaha Ogaadeeniya ayaa lagu
dhici jiray Hargaysa, waxaana loo dhici jiray si farsan, oo
sida soo socota ah:
a) Kaxayntii xoolaha, baadkii iyo biyihii intaba waxay ahayd
lacag, sidoo kale xerada xoolahana waxay ahayd lacag.
b) Xoolaha oo dayn lagaga qaato safarada, marka ay Hargaysa
soo galaan, iyo Dilaal, Malaal, Macalqabad, Saarax-waateeye
iyo Canshuurtii oo u dheer
c) Biilkii Maqaayadda iyo Hoteelkii
Waxaa inta badan dhacda in Xoolaha Hargaysa la keeno, iyadoo
fara madhan laga noqdo.
Xidhiidhkii sokeeye ee u dhaxayn jiray Shacabka reer
Ogaadeeniya iyo kan Isaaqa kama iman xumaantiisu dhinaca
Ogaadeenka sida uu ku andacooday Gaagaale ee ah inay la
safteen dawladii Somaliyeed isagoo ku sheegaya inay dawlad
darood difaacayeen. Wuxuuse ka yimid dhinaca Isaaqa.
Tusaale:
SNM waxay si toos ah ula safatay Itoobiya waxayna dagaal ku
bilowday Shacabkii reer Ogadeeniya intii u dhexaysay 1980
illaa burburkii qaranka Somaliyeed. Nasiibdarada haysata
ree-waqooyiga waxaa ugu mudan taariikhda oo kolba sida ay
jecelyihiin ay u sheegaan, taasoo u keenta in khaladaad
isdaba-joog ah ay ka galaan umadda Somaliyeed gaar ahaan
qabaa'ilka la dariska ah. Waxaa tusaale ahaan looga soo
qaadan karaa arintan, dagaaladii ay jabhadii SNM ka bilawday
gudaha Ogadenya iyagoo fulinaya heshiiskii ay la galeen
Mingisto ee ahaa inay ku duulaan qabiilka Ogadenka si
jabhaddii WSLF ay u joojiso weerarada ay kula jirto
ciidamada Itobiya. Taariikhda aanay jeclayn in la ogaado
waxaa ka mid ah, markii ay SNM go'aansadeen inay dagaal ka
dhex tuuraan qabiilka Isaaqa iyo kuwa Ogadenka, sagaal wiil
oo arday ah ayay kala dageen baabuurkii ay saarnaayeen.
Markay haybsadeen qabiilka ay yihiin ayay goobtii ku saareen
wax ay ugu yeedheen maxkamad. Dambigii lagu soo oogay waxuu
noqday maxaa keenay Hargaysa? Arday fasax ah ayaan nahay
markay wiilashii isku difaaceen, waxaa lagu xukumay in la
dilo oo waliba maydkooda la jarjaro. Natiijadii ka dhalatay
muxuu noqoday? In kumanaan qof ay ku nafwaayaan, hadafkii
SNM ay sheegatay ee ahaa mucaaradka xukuumaddii Siyaad Bare-na
uu isu badalo la dagaalanka qabiilka Ogadeenka. Khaladkii
maalintaa ay gashay SNM inkastoo ay ka soo wareegatay in ka
badan 20 sano, waxaa muuqata in mid la mid ah ay ku sii
ruqaansanayaan nimanka ka taliya Hargaysa, iyagoo ku raali
galinaya xukuumada Itobiya dhibka ay u gaysanayaan safarada
uga imanaya Ogadenya iyo xiridda dhalinyarada u soo meherad
tagga Hargaysa. Waxaa hubaal ah haddii ay taariikhda la
heshiiyaan oo dhacda walba sida ay ahayd uga run sheegaan in
aanay khaladkay shalay galeen ku dheceen maanta.
Waxuu Gaagaale Qoraalkiisa ku soo guuriyay magacyo madax
Somaliyeed, wuxuuna ku horqoray midwalba darajadiisa iyo
Qabiilkiisa, isagoo ka dhigaya inayna xaq u lahayn inay
Somaliya madax ka noqdaan. Qofkii wax garad ah, wuxuu ogsoon
yahay inuu qof kasta oo Jinsiyadiisu Somali tahay xaq u
leeyahay inuu ka qabto Jago kasta oo uu u qalmo dalka
Somalia. Siduu Isaaquba xaq ugu yeeshay jagooyinka kala
duwanee uu ka qabtay dalka, sida Mohamed Ibrahim Cigaal,
Cumar Carte Qaalib, Ismaaciil Ali Abokar, Ina Laxwas,
Cabdiraxmaan Tuur, Buubaa, Salaymaan gaal, Abdi Haybe, ilmo
Xawaadle Madar iyo kuwa kale oo jagooyin kala duwan ka soo
qabtay dalka.
Adinkoo dalka Ogaadeeniya seero-qoys iyo qaxooti ku yimid,
soo hadana may dhicin inaad Kilil ku sheega madax ka
noqotaan, sidda Abdimajiid Hussein, Ciid faraax, Axmad
Fayaanbiiro, iwm.
Sideedaba ma wanaagsan in Taariikhda been laga sheego.
Kacaanka Somalia markuu ka dhashay 21.10.1969 waxaa madaxdii
dalka u talinaysay ee guddiga siyaasada ahayd ka mid ahaa
Ismail Ali Aboker , Ina laxwasna wuu kaga dambeeyay. Haddaba
markay SNM ku soo duushay goboladda Waqooyi, dawlada
Somaliyana waxaa waajib ku ahaa inay ka difaacdo cadaw-raaca
qaran dumiska ah. Madaxdii lahayd go’aan qaadashada in laga
hortago isbahaysigii Mingisto iyo SNM, waxaa ka mid ahaa rag
u dhashay beesha Isaaqa, sidda ina Laxwas. Warar xog ogaal
ahna waxay sheegayaan inay jirto qayb gaar ahayd oo
sirdoonka ka tirsanayd oo guddi 15 Qof oo beesha Isaaqa iyo
beelaha la dega u dhashay, maantana Xilal sare ka haya
Gobolka Woqooyi. Guddigaa ayaa ahaa kii kula taliyay Mohamed
Siyaad inuu la dagaalamo kooxdii caadifadda Qabiilka ku soo
weeraraysay laynaysana Yar iyo weyn wixii aan beeshooda
ahayn. Ka hortaga Fallaagadii SNM waxaa qayb libaax ka
qaatay Ciidamadda Daraawiishta oo badannaa beesha Isaaqa u
dhashay
Gabo gabo:
Waxaan la iloobi karin dadweynahii laga ururiyay Goboladda
Woqooyi, oo sidda sharci darrada ah loogu dhiibay cadawga
ummadda Somaliyeed ee Itoobiya. Waxaan umadda Somaliyeed u
soo jeedinanyaa in Siyaasadda guracan ee ay wataan kooxda
Somaali diidka ah ee ku amar ku taagleeya Waqooyiga Somalia,
hal meel looga soo jeesto.
Marnaba suurta gal ma aha inay kooxdaas Somalidiidka ahi ay
Wadanka Somalia, Ogadenia, Kenya iyo Djibouti ay si sharuud
la’aan ah meel kasto ku tagaan, oy degaan kana ganacsadaan,
iyaguna ay diidaan seddexda magaalo ee ay ka degaan dalka
inuu qof Somali ah kula noolaado. Halkaa waxaa tusaale loogu
soo qaadan karaa, diidmadii loodiiday Qanyare inuu ka soo
dego Hargaysa, isagoo waliba leh Shirkadda biyaha galisa
Hargaysa.
Taladda uugu fiican een dadkeenna ka imanaya Ogadenya siin
karno waa inay ka digtoonaadaan falal xumada ay ku
dhaqmayaan kooxdda Somalidiidka ah. Waxaan dadkeena kula
talinaynaa inay Xoolahood u duwaan Goboladda Somaaliyeed een
dan wadaagta nahay, sida Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Sool,
Nugaal, bari iyo mogadisho iwm.
Qore: Jaamac dharkayn
waanhalgamayaa@yahoo.co.uk
Copyright © 1998-2002 OGADEN
ONLINE All Rights
Reserved.This site is created by Ogaden Online.
Reproduction of any material
on this site is prohibited without express permission of the site owner
and the webmaster.
|