Chat

Forum

Commentary and analysis
Xaalufinta Degaanka Soomaaliya iyo Kooxaha u Badheedhay Ka Ganacsiga Dhuxusha

 

Waxa ah mid aad looga murugoodo xaalufinta joogtada ah ee lagu hayo dhinaca dhirta. Waagii hore, dhibtu badanaa waxay ahayd dad ganacsadayaal ah oo si waalli ah hunguri u qaaday kuwaasoo dhuxusha u iib geyn jiray dalalka khaliijka. Haddaba hadda way kasii daran tahay--waxa jira kooxo siyaasadeed oo ay hoggaanka u hayaan caammo iyo askar aan aqoon weyn u lahayn dhibaatootinka degaanka, kuwaasoo iyagu si caddaan ah ugu tafa xaytay xaalufinta degaanka, siiba Gobolka Jubbada Hoose. Tusaale ahaan, Kooxda Isbahaysiga Dooxada Jubba qoraal laga soo saaray Gedonet: http://www.gedonet.com/modules.php?name=News&file=article&sid=1192 waxad ka garanaysaa in ay tahay badheedh in la xaalufiyo degaannadaas. Sida ku cad qoraalkan,

”walaac badan iyo isqabqabsiga soo kordhaya ayaa waxaa ugu wacan dhuxusha geedaha laga jaro oo sii nabaad guuraya waxaana sii fogaanaya dhulka laga soo gubo geedaha ee hawdka koonfureed J/hoose iyadoo dhinaca kale ay soo badanayaan dadka ka ganacsanaya dhuxusha iyo maqaasiinada loo furayo in dhuxusha lagu guro ka hor inta aan loo daad gurayn dhinaca dekada oo ay ku soo xirtaan maraakiib u soo xambaarata dhanka gobolka khlaiijka ee ay carabtu degto.” (Gedonet, 2005 March 15.)

Xaalufinta dhirtu waa mid horseedda inuu baaba’o deggaankoo dhammi. Dhirtu waa difaaca ugu weyn ee ka hotagga degaanka. Waxay caabbidaa daadadka iyo dabaylaha carrada qaada. Lama degaanku wuxu ku bilowdaa tallaabo tallaabo. Marka dhirtu dhulka ka dhammaato, waxa sahal noqota in dabaylaha iyo daadku qaadaan ciidda siiba oogada sare oo iyadu ah inta ugu nafaqada badan ciidda afka qalaadna lagu yidhaahdo “first layer.”

Haddaan ku horreeyo dabaysha. Dabayshu waxay qaaddaa ugu horrayn ciidda nafaqaysan oo ay ku jiraan waxyaalaha noolaha nafaqeeya sida,  maaddyinka organikada iyo kuwa aan orgaanikada ahaynba. Ka dib ciidda sare markay qaaddo ama first layer-ka, waxay qoddaa layer-ka labaad ama “sub soil,” kaasoo aan nafaqo lahayn. Waxay kor kaga awdaa ciiddii nafaqaysnayd. Intaa wixii ka dambeeya haddii aan la daba qaban oo aan la carro geddiyin, waxay ka dhigtaa buuro bacaad ah oo aan loo taag heli karin. Tusaale kuugu filan, bacaadka Shalanbood fadhiya. Bacaadkan waxay dabayshu qarniyo ka soo raraysay lamadeggaannada ku hareeraysan dalka sida, kan Khaliijka iyo NFD.

Daadku isaguna waa ka sii daran yahay dabaysha. Marka biyuhu dhulka jibaaxaan ayni dhir caabbidaa jirin. Waxu tartiib tartiib u qaadaa ciidda wax tarka leh. Habkan waxa loo yaqaan “reel erosion,” ama “surface erosion.” Haddii aan la daaweyn dhibtan, waxa ku xiga wejiga labaad oo la yiraahdo “gully erosion,” waa marka ay godad iyo boholo samaysmaan. Masiibada “gully erosion-ka” waa mid aan waxba laga qabin karin siiba marka uu gaadho heer boholo ah.

Waxa kale oo iyana ka qayb qaata lama degaan samaysanka, xoolaha iyo dadka. Xoolaha sida geela oo meesha uu cag dhigo noqoto waxa la yiraahdo “surface crust.” Waa oogada sare ee ciidda oo ku samaysanto qolof-ciida oo adag. Marka sidani dhacdo, geedku masoo bixi karo waayo waa itaal daran yahay sida ilmo murjuc ah, mana soo baxayo karo geedku. Wadiiqooyinka ay sameeyaan xoolaha kale iyo dadku waxay sahlaan in daadku ka soo rogmado oo si sahala u aafeeyo degaanka. Waa sababta meelaha aan dadka iyo xooluhu ku noolayn uga dhir badan tahay degaannada kale.

Si kastaba ha ahaatee, dadku waa halista ugu weyn ee degaanka haysata. Waxay gooyaan dhirta ama, wayba gubaan. Waxay degaan meelo aan ku habboonayn degaanka oo ka baabi’yaan dhirta. Waxay qodaan ceelal meel aan munaasab hayn laga qodo kuwaasoo marka dambe keena inay ka dillaacaan laago waawey oo dhibka sii kordhiya. Habka lama degaanku waa mid si heer heer ah u baaha. Haddii aan laga digtoonaan xaalufinta, waxa xigi doonta in dhirtu dhaammaato. Ka dib deris-ku noosha, duunyada, iyo dadkuna ay iyana ka daba xijaabtaan. Waxan rumaysnahay haddaan wax laga qaban degaankeenna sii baaba’aya iyo kooxaha indhaha la’ ee ka baayac mushtara dhuxusha, in cawaaqib xuma weyni ka soo socoto.

 

W.Q. Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiin)
Soil Scientis and Environmental Expert
Columbus, OH
United States
Email: mahmudabdalla@sbcglobal.net

La soco qormada 2aad



 

Copyright © 1998-2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.  
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.