Chat

Forum

Commentary and analysis

Itoobiya oo xeeladdeedii la rogmatay

Tan iyo intii dagaalada sokeeye ka qarxeen Somaliya, Itoobiya waxay ka mid ahayd dawladaha ugu cad-cad ee ku dhex jiray arrimaha Somaliya. Itoobiya waxay marti-galisay shirar dhawr ah oo dib-u-heshiineed oo loo qabtay Somaliya. Sidoo kale, waxay marti-galisay shirar ay lahaayeen kooxo gaar ah oo ay iyadu taageerto.

Bilowgii,  Somalidu waxay u arkayeen Itoobiya dal u nasteexaynaya iyaga oo nabad ka dhex abuuraya Somalida. Waxaa billaabatay in dad badan xitaa ay su’aal ka keenaan cadaawaddii soo dhex martay Somali iyo Itoobiya oo ay ku tilmaamaan mid khalad ahayd.

Dhinaca kale, waxaa jiray dad ka shikisnaa danaha Itoobiya, una arkayay in Itoobiya ay dano gaar ah ka wadato nabad-raadinta ay sheeganayso iyo kooxaha ay taageeraysaba.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa badnaa dadka u arkayey in wixii Itoobiya iyo Somaliya soo dhex maray ay ahayd arrin laga gudbay. Wax dhibaato ahna aynan ka dhex dhici doonin labada dal maadaama Itoobiya danaynayso nabad iyo dawladnimo ka dhalata Somaliya.

Itoobiya nafteedu dadaal xoog leh ayay u gashay inay muujiso waji cusub oo ka duwan kii lagu yaqaanay Itoobiyadii hore, iskana dhigto mid ka gubanaysa dhibaatada Somaliya. Waxay maal, waqti iyo maskax badan galisay inay sawir aan jirin tusto Somalida iyo adduunkaba oo aan ka turjumaynin dhaqanka runta ah ee Itoobiya.

Itoobiya waxay bilowday in kooxaha Somaliya ay qaar hubayso si ay uga hor keento koox kale. Waxay dhawr mar faragalin toos ah ku soo samaysay Somaliya. Illaa hadda waxaa jira meelo ay si toos ama si dadban u maamusho. Waxay jabisay cunaqabatayntii xagga hubka ee la saaray Somaliya, iaydoo hubka ugu badan ee Somaliya soo gala uu ka yimaado Itoobiya.

Fashilkii dawladdii Carta iyo kaalintii Itoobiya

Hase yeeshee, qorshaha qarsoon ee Itoobiya wuxuu soo baxay markii ay noqotay dawladdii ugu horaysay  ee si siyaasadeed iyo si militariba uga  hor imaata dawladdii lagu dhisay shirkii Carta ka dib markii ay shir ugu qabatay kooxo dawladda ka soo horjeeda oo ay dhistay ururkii SRRC oo ay Itoobiya soo hubaysay si ay u dumiyaan dawladdii Carta.

Guul-daradii dawladdii Carta lagu soo dhisay waxaa sabab u ahaa Itoobiya iyo kooxihii ay soo hubaysay.

Waqtigaas ayay bilaabatay shakiga ugu wayn ee laga qabo Itoobiya, iyadoo marba marka ka sii dambaysa dadka Somaliyeed u arkayeen Itoobiya inay cadaw ku tahay dawlad Somaliyeed oo dhalata.

Shirkii Nayroobi iyo Saamayntii Itoobiya.

Saamayntii iyo faragalintii ay Itoobiya ku lahayd shirkii Nayroobi waxay ahayd mid aan ruuxna ka qarsoonayn. Shakhsiyaadkii ay Itoobiya wadatay ayaa sida ay rabaan loo yeelay marar badan iyadoo Somalidii kale aan codkooda la tixgalaynin. Dhawr mar ayuu shirku ku sigtay inuu bur-buro ka dib markii loo maara waayay faragalintii Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya iyo siday rabtay ayay arrin kasta ku dhamaanaysay sida qodobada dastuurka, ergooyinka shirka, awoodda shakhsiyaadka shirka, xubnaha ka mid noqonaya guddiyadii shirka iyo ugu damabayntii sidii loo qaybsaday xubnihii baarlamaanka.

Sir doonka Itoobiya ayaa shirka si cad iyo si qarsoodi ahba u joogay iyagoo handadaad ku hayey ergooyinka shirka ee loo arkay inay ka soo horjeedaan siyaasadda Itoobiya. Guushii Itoobiya waxay mar labaad si cad u soo shaac baxday ka dib markii ay shakhsiyaadkii ay wateen ku guulaysatay inay ka mid noqdaan Baarlamaanka iyo doorashadii Madaxwaynaha oo ahaa ninka ay Itoobiya wadatay. Farxad ayaa laga dareemayey wakiiladii Itoobiya u joogay shirka markii la doortay madaxwaynaha.

Itoobiya halkaa kuma ekaan

Itoobiya waxay u aragtay inay waxay ka damacsan tahay Somaliya ay si fudud ugu meel mari karo iyadoo ka shidaal qaadanaysa waxyaabihii ay hore ugu soo guulaysatay. Waxay Itoobiya haddana bilowday inay cadaadis xoog leh ku saarto Madaxwaynaha iyo ra’iisal wasaaraha ciddii ka mid noqon lahayd dawladda la dhisayo. Waxaa si xoogan laysula dhex marayey in dawladdii uu soo dhsiay Ra’iisal wasaraha Somaliya, ay Itoobiya diiday, ka dibna ay u dhiibtay liis kale oo ay ku qoran yihiin magacyo ay iyadu wadatay. Shakhsiyaad waxaa jira loo sheegay in xil wasiir loo magacaabi doona, haddana iska waayey liiskii markii lagu dhawaaqay. Si kastaba ha ahaatee, faragalinta Itoobiya ma ahayn mid qarsoon.

Inkastoo dawladda la dhisay ay u badan yihiin raggii gacan saarka la lahaa Itoobiya, haddana Itoobiya waxay u aragtay in xaalku yahay “Biyo sacabadaadaa lagaga dhargaa”.

Waxay dadaal kale saartay in ciidamdeedii awalba Somaliya ku soo gali jiray sida sharci darada ah loo ansixiyo oo ay u fuliyaan danaha ay ka leedahay Somaliya. Iyadoo taas ka duulaysa ayey Itoobiya shaaca ka qaaday inay ciidamo nabad ilaalin ah u diri doonto Somaliya. Malaha danaha Itoobiya waxayba u fuli lahaayeen hadday halkaas ku ekaato!

Baraaruggii shacbiga

Su’aalo badan ayaa soo baxay oo ku saabsan sababta ay Itoobiya u doonayso inay ciidamo keento Somaliya. Waxaana muuqatay inay arrintu ka wayn tahay “Nabad Ilaalin”. Markaas ayuu shacbigu indhaha kala qaaday. Waxaa bilowday dareen xoog leh oo lagaga soo horjeedo Itoobiya. Waxaa yaraatay amaba meesha ka baxaday aragtidii ahayd in Itoobiya ka shaqaynayso in nabad ka dhalato Somaliya. Bannaanbaxyo iyo siyaabo kala duwan ayay shacbigu u muujiyeen aragtidooda. Hase yeeshee, Itoobiya arrintaa kuma quus qaadanin, waxayna isku dayday inay baarlamaanka ku meel gaadhka ah ka ansixiso in ciidamadeedu dalka imaadaan iyadoo adeegsanaysa xeeladihii ay awalba ku soo meel martay ee ahaa hanjabaadda iyo laaluushka. Bislaansha iyo baraarugga shacbiga iyo baarlamaanka oo aad u feejignaa darteed, qorshhii Itoobiya wuu fashilmay. Baarlamaanka ku meel gaadhka ah wuxuu u codeeyey in ciidamada nabad ilaalintu aynan ku jiri karin dawladaha Somaliya dariska la ah. Hase yeeshee, waxa loo jeeday waxay ahayd Itoobiya. Go’aankan taariikhiga wuxuu tusayaa in xeeladihii ay Itoobiya la damacsnaayd Somaliya ay la gadoontay, sawirkii dadku ka qabeena uu badalmay loona arko cadaw.

Waa maxay Ujeedadas Itoobiya iyo danta ay ka lahaan karto Somaliya ?

 La soco qormooyinka dambe …

Abdullahi Maxamed
Abdullahi_mahamed@yahoo.com


 

Copyright © 1998-2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.  
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.