Chat

Forum

Warkii Radio Xoriyo 

Wararka Radio Xoriyo
April 22, 2005

Ciidammada Xoreynta Ogaadeenya waa xiddigaha xorriyada

Dhegaystayaal in toban sano ka badan ayaa laga joogaa xilligii ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ay dagaalka hubaysan ka billaabeen dhulka Ogaadeenya. Dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya si fiican ayay uga dharagsan yihiin sidii ay xukuumadda Addis Ababa ugu dadaashay in dalka Ogaadeenya uu dagaal hubaysani ka qarxo, markii ay weerarro daandaansi ah ku billowda Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, isla markaana ay xasuuq u gaystay masuuliyiin badan oo rayad ah oo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya u doorteen inay hooggaamiyaan.

Weerarrada daandaansiga ah waxay ciidammada Wayaanuhu billaabeen muddo yar ka dib markii la doortay maamulkii ugu horreeyay, uguna denbeeyay ee si xor ah looga soo doorto dalka Ogaadeenya, kaasoo ay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya horkacaysay. Ciidammada Wayaanuhu waxay isku dayayeen inay fashiliyaan maamulka Ogaadeenya, si ayna suuragal u noqonin in dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya oo muddo dheer u oomanaa maamul ay iyagu leeyihiin, inay la qabitimaan maamul danohooda ka shaqaynaya oo daacad ka qaddiyadooda, kaasoo isu taaga danta ummada Soomaalida Ogaadeenya.

Arrintaasi waxay xukuumadda Itoobiya kaga kululayd wax kasta oo kale, sababtoo ah haddii ay dadwaynuhu dhadhansadaan cadaalada iyo haybada maamul dawaldeedkii waligoodba laga horteegnaa, wuxuu gumaysigi is-tusay inay mustaqbalka ku adkaanayso inuu dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ku sandulleeya maamul ayna rabin oo ka shaqeeya danaha gumaysigeeda.

Xukuumadda Wayaanuhu markii ay kala tuurtay maamulkii ay dadwaynuhu soo doorteen ee ay dalka Ogaadeenya dagaalka ka hurisay sannadkii 1994, waxay ku talajirtay inay muddo yar gudeheed ku aamusiiso codka gobonimo doonka, oo ay markaas dadwaynaha oggolaysiiso siyaasadeeda gumaysi. Waxay sawiratay siyaasad khaldan oo ah inay muddo kooban kaga takhallusi karto ciidammada xoryenta Ogaadeenya ee diidmada cad kala horyimid siyaasadeedii reeryo oggolaysiinta ahayd.

In toban sano ka badan ayaa ka soo wareegtay xilligaas. Ciidammada gumaysiga Itoobiya waxay dalka Ogaadeenya isugu keeneen wixii ay ciidan iyo saanad hayeen. Waxaa dalkeena la keenay kumannaan maxaysato ah oo laga soo xasuuqay gobollada kala duwan ee Itoobiya. Waxay sidoo kale xukuumadda Itoobiya qoratay boqollaal Dabaqoodhi ah oo ka caawiya dagaalka ay gobonimo doonka Ogaadeenya kula jirto. Waxay iskaashi la samaysay maamullo badan oo ka jira gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo ka caawiya marba wixii ay ka codsato ama ay ku amarto. Xukuumadda Itoobiya waxay sidoo kale kala badh ka mid ah lacagaha faraha badan ee deeqda loo siiyo u isticmaashaa dagaalka ka socda dhulka Ogaadeenya.

Hase yeeshee wuxuu qof kasta oo xogta ugu yar ka haya dhulka Ogaadeenya iyo dagaalka ka socda qiri karaa in Itoobiya ay ku fashilantay siyaasadeedii ahayd inay xoog ku muquuniso gobonimo doonka ka dagaallama dalka Ogaadeenya. Dagaalladu intii hore way ka sii badanayaan, khasaaraha cadowga loo gaysto sidii hore wuu ka badan yahay, tirada iyo tayada ciidammada xoreyta Ogaadeenyana intii hore aad ayay uga badan yihiin. Arrintaasi waxay gumaysiga Itoobiya ku keentay mooraal-jab iyo jaha-wareer siyaasadeed, iyadoo ciidammadiisii Ogaadeenya ku sugnaa ay iska wada horyimaadeen oo baxsadka, xidhayga iyo toogashaduba ay aad u sii badanayaan.

Dhegaystayaal ciidammada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogaadeenya waxay abaalkii ka waraabiyeen gumaysiga Itoobiya, waxayna kaadidooda cabsiyeen maxaysatada uu qasabka ku keenay dhulka Ogaadeenya. Ciidamada xoreynta Ogaadeenya waxay gumaysiga Itoobiya FAR waawayn ugu qoreen in ciidda Ogaadeenya ayna ahayn meel uu gumaysiga iyo daba-dhilifkiisu u soo dalxiis tego, balse ay tahay meel ay sharafteeda iyo karaamadeeda u dagaallamayaan oo difaacayaan malaayiinka ku dhaqan ee Soomaalida Ogaadeenya. Ciidammada xoreynta Ogaadeenya waxay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya u soo celiyeen kalsoonidoodii iyo dadnimadoodii, waxayna sii xoojiyeen dareenkoodii gumaysi nacaybka ahaa iyo niyaddoodii mintidka ahayd ee diiddanayd in la oggolaysiiyo reeryada gumaysiga Itoobiya.

Dhegaystayaal sidaad warkaba ku maqlayseen waxay maalmahan ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku jiraan hawlgal ciidan oo loogu wan-qalay Hawgalkii Mandad, kaasoo ujeeddada ka denbaysa ahayd in la dardar geliyo halganka hubaysan ee lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya, isla markaana la kor loo qaado tayada ciidammada xoreynta Ogaadeenya, lana kordhiyo hawlgalladiisa, iyadoo la isticmaalayo tabo cusub iyo qorshayaal ugub.

Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee ku sugan dalka Ogaadeenya oo dhan ayaa ka qayb qaadanaya Hawlgalka Mandad, hase yeeshee waxaa qaybta ugu wayn qaadanayay ciidammo si gaar ah u tababaran oo ku kala sugan gobollada Qorraxey iyo Doollo. Ciidammadaasi waxay hawlgalkan jab iyo halaag ugu gaysteen ciidammada cadowga Itoobiya, kuwaasoo ay la soo gaadhsiiyay khasaare ayna hadda ka hor la kulmin.

Gumaysiga Itoobiya waxaa dagaal dhawaan ka dhacay tuulada Caleen lagaga gubay labo baabuur oo Ural ah iyo wixii saarnaa oo dhan, waxaa sidoo kale lagaga furtay saanad ciidan oo aad u fara badan, oo isugu jira hub iyo qalab isgaadhsiineed.

Markii dagaalkaas lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya waxay gurmad ka dalbadeen magaalada Qabridaharre, hase yeeshee gurmadkii cadowga waxaa jidka ku helay cutubyo ka kala tirsan qaybaha Qorraxey iyo Doollo ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya, oo iyaguna ka qayb galayay Hawlgalka Mandad, waxaana halkaas cadowga loogu geystay jab aad u wayn. Ciidammada gumaysiga ee dagaalkaas lagu wiiqay waxay ku gadoodeen dadwaynihii rayadka ah ee deegaannadaas ku noolaa, waxayna soo qaqabteen dad badan oo ay ku eedeeyeen inay taageero u fidiyeen ciidammada xoreynta Ogaadeenya, isla markaana ay wax ka bililiqaysteen qalabkii iyaga laga furtay.

Cadowga Itoobiya wuxuu aad uga argagaxay awoodda iyo kartida dagaal ee ciidammadii xoreynta Ogaadeenya ee ka qayb qaatay Hawlgalkii Mandad, sidaas darteed wuxuu qaylo-dhaan u dirsaday dhinaca Galbeedka, isagoo dalbaday in ciidammo gurmad ah lala soo gaadho.

Hawlgalka Mandada wuxuu ciidammada gumaysiga Itoobiya, oo markii horaba si wayn u niyad jabsanaa, ku riday cabsi iyo argagax aan la qiyaasi karin, waxayna billaabeen inay wax kastoo dhaqaaqa ka ka shakiyaan, sidaas darteed waxay Bandow ku soo rogay magaalooyin badan oo Ogaadeenya ka mid ah.

Arrimaha kale ee gumayisga Itoobiya khalkhalka ku sii riday waxaa ka mid ah iyadoo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ay maalinba maalinta ka denbaysa ka soo dhiirranayaan, isla markaana muujinayaan kalsoonida iyo niyad samida ay u hayaan ciidammada xoreynta Ogaadeenya. Gumaysiga Itoobiya wuxuu in badan isku dayay inuu cadaadiyo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, si uu reeryada gumaysigiisa ugu qasbo, isla markaana uga durkiyo gobonimo doonka oo uga hortego inay taageeraan xoogagga gobonimo doonka ah ee dagaalka kula jira.

Wuxuu ciidammadiisa Ogaadeenya ku sugan u fasaxay inay dadwaynaha kula kacaan fal kastoo iyaga cajab geliya. Waxaa ciidammada Wayaanaha ee Ogaadeenya ku sugan loo fasaxay inay dilaan qofka ay la qumanaato in la dilo, inay xidhaan qof kastoo ay xidhaygiisa u bogaan, inay haweenka fara xumeeyaan, inay hantida dawaynaha dhacaan iyo inay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya xayiraad dhaqaale saaraan, si ay dadku u jilcaan.

Ciidammada gumaysigu iyagoo dhibaatooyinkaas iyo kuwo kalaba dadwaynaha ku haya, haddana waxay ku guul darraysteen inay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya qabadsiiyaan keenidii ay doonayeen inay geliyaan. Dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ee shaarafta leh wuxuu diiday inuu haybaddiisa iyo sharaftiisa gato oo gumaysi u rukuuco. Wuxuu doortay inuu xaqiisa ku raadsado dariiq kasta oo suuragal ah, isla markaana uuna xorriyadiisa uga waabanin dhibaatooyinka iyo caqabadaha faraha badan ee ka sokeeya, sidaas darteed waxay taageero dhinac walba ah siiyaan ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee isugu taagay xoreynta dalkooda hooyo iyo siyaasadda Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ee ku salaysan in gunnimada la diido oo gobonimo loo dagaallamo.

Dhegaystayaal ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa iyaguna iyagoo maanka ku haya kalsoonida uu shacabku ku qabo iyo masuuliyada ay ummada u xanbaareen, waxay halganka Ogaadeenya u jiheeyeen waddadii xorriyada, waxayna u geeddi geliyeen si geesinimo iyo daacadnimo ku dheehan tahay.

Dhegaystayaal Hawlgalka Mandad wuxuu u dhacay sidii loogu talagalay. Qaybtiisii horana si fiican ayay u hirgeshay, waxaana lagu talajiraa in qaybaha kalana ay sidaas iyo ka sii fiican u dhacaan, iyadoo la kaashanayo awoodda Eebe iyo kartida dagaal iyo mintidnimada ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee u dhaartay inay ciiddooda ka dahiraan gumaysiga Itoobiya.


Radio Xoriyo
Radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.