|
MA OGOLAAN KARNAA DOWLAD
SHISHEEYE, XUKUUMAD SHISHEEYE IYO CIIDAN SHISHEEYE!!!
-
Waa Kuma Xisbigga
Dibu Soo Nooleynta Soomaaliya/Ressurection Party?
Xisbiggan
(Ressurection Party of Somalia) waxaa la aas aasay muddo
hada laga joogo shan bilood, waxaana uu yahay Xisbi wadani
ah oo ku dhisan falsafada Soomaali Weyn
(PAN-SOMALISM),
kaas oo ka jawaab bixinaya Siyaasada Habeensiga ku dhisan ee
ku habsatay maanka dadkeena Soomaaliyeed.
Intaas
waxaa u dheer inuu saxayo saddex qodob oo ilaa maanta masuul
ka ah in aanu heli wayno qaranimo buuxda, sixitaanka
saddexdaas qodob ayaa ah mid looga shidaal qaadanayo
halgankii iyo gobonimadoonkii soo jireenka ahaa, kaas oo
hakad la galiyay si dadka loo kala xakameeyo, waxaana ay
kala yihiin:
Ø
In
heshiiskii la ansixiyay 1dii Luulyo, 1960kii la tix raaco
kaas oo qorayay in NFD, SoomaaliGalbeed iyo Jibuuti lagu soo
darayo Waqooyi iyo Koonfur Soomaaliya.
Ø
Asturida
sharafta calankeena oo ay astaantiisu tahay xidig shan gees
wadata taas oo aan ku sharfeeno in waxa calanka u taagan
yahay la fuliyo.
Ø
Tirtirida
xuduudaha dalka gudihiisa laga furay oo waa in aan isaga
gooshnaa Muqdisho ilaa Hargeysa, Hargeysa ilaa Jibuuti,
Jibuuti ilaa Iimeey, Iimeey ilaa
Gaarisa
2.
Waa Maxay Afkaarta/Falsafada Xisbigga
Xisbigga Dibu Soo Nooleynta Soomaaliya waa mid ku dhisan labo maado oo
la is qaabilsiiyey si xal waara loogu soo dabaalo
dhibaatooyinka ku saleysan Qabiilka, Jahliga,
Mooryaanimada, Gunnimada, Gumeysiga iyo
Goboleysiga. Si looga gudbo tiirarka ay ku dhisan
yihiin maadooyinka sababa inta jecel in lagu dul noolaado,
ayaan waxaan soo bandhigaynaa Xalka Saddex Geeslaha oo ka
kooban:

3.
Afkaarta Xisbigu Xagee Ayay Kaga Aadan Tahay Xiligan Kala
Guurka
Tafaraaruqa
qabiilka inoo geystay ayaa noqday mid lagu saleeyo nidaam
qabiil ayidsan oo hada la casriyeeyey, kaas oo danta laga
leeyahay ay tahay in la kala dheereeyo lana isku dilo
walibana la kala dilo shacabka Soomaaliyeed oo horeyba la
quudsiiyey dalagii qabiilka.
Aqiidooyinka
ay ka mid yihiin 4.5 iyo Nidaamka Fadaraaliga (Shirkii
Mbagathi) ayaa ka astaan bixinaya kala dheereynta dadka
iyo dalka loo jiheeyey, taas oo la doonayo in naloo
karbaasho cadow gumeysi u soo tafaxaytay.
Shirarka
dalka dibadiisa lagu qabtay ee afduubey himilooyinka nabad
raadinta, qaxootiga soo baro kacay dib u celintiisa, dhisida
qaran loo dhan yahay oo xataa aan ka tagin dhulka
Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan isla cadowga noo soo
naash naashay shir nabadeed ayaa ah kuwo loo baahan yahay in
il gaar ah loo yeesho.
Nabad
dhab ah oo waarta waxaa ay hir galeysaa marka shacabka
Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan aayatiinka jiritaankooda,
waa in dadka Soomaaliyeed noqdaan furaha keena heshiis ina
dhex mara, isla mar ahaantaas, shir kastaa oo ku abtirsada
magaca Soomaali waa inuu dalka gudihiisa ka hir galaa, taas
weeye mida hada ka maqan shirarkii la qabanayey 14kii sano
ee la soo dhaafay haba u dheeraado kuwii ugu dambeeyey ee
labada sano ahaa.
Marka
Xisbiggan wadaniga ah waxaa uu xooga saarayaa labo arin oo
ku aadan dibu heshiisiin iyo dhalinta nabad waarta kuwaas oo
ka maqan ilaa maanta shir ku abtirsada inuu u taagan yahay
soo celinta qaranimada Soomaaliyeed, waana:
Ø
In
shacabka lagu daro talada dalka iyo dibu dhiska qaranimo
buuxda
Ø
In
shirarka xambaarsan magaca Soomaali ay noqdaan kuwo
Soomaaliya lagu qabto oo aan dalal shisheeye loo dhoofin si
shacabka loo khiyaano
4.
Yaa Ka mid Noqon Kara Xisbiggan
Waxaad
ka mid noqon kartaa Xisbiggan hadii aad fulin karto
shuruudahan:
Ø
Soomaali wadani ah
Ø
Aamin ah
Ø
Aan labo qalbiile ahayn
Ø
Gumeysiga neceb
Ø
Dadiisu tahay 15 – 40 sano
Ø
Aan caylsaneyn (men with fat bellies don’t make a
revolution)
Shuruudahaas
waa muhiim, waxaana laga doonayaa dadka xiiseynaya inay ku
soo biiraan Xisbiggan inay iska hubiyaan inay ka soo bixi
karaan shantaas qodob inta aaneysan nagu soo biirin. Waxaa
dooneynaa oo kaliya 8 qof oo kale kuwaas oo la xoog iyo tayo
ah 8 million oo qof, marnaba looma baahna shaqsiyaad
adeegayaal ah oo u adeega calooshooda.
Ciwaanka arjiyada: xdss239@hotmail.com
Arimaha
Khuseeya Falsafada/Afkaarta Xisbigga:
Liibaan Cabdi Daahir
|
Barnamijka Xisbigga |
Fatxi Hassan Ibraahim |
|
Saxaafada: |
Maxamed Sh Nuur |
|
Laamaha Xisbigga |
Naasir |
|
Kaalinta haweenka |
Tamad |
<WAA XISBI DHALLINYARO SOOMAALIYEED HORMUUD KA YIHIIN>.
Qoraaladii
hore hoos ka akhriso:
Resurrection
Party of Somalia
Liiban Abdi Daahir
The
super-intelligence of Somalis
Liiban Abdi Daahir
The
Path towards a Political Party
Liiban
Abdi Daahir
|
Copyright © 1998- 2002 OGADEN
ONLINE All Rights
Reserved.
This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material
on this site is prohibited without express permission of the site owner
and the webmaster.
|
|