|
|
|
|
|
Jaaliyada
Ogaadeenya ee Alberta, Canada oo Cambaaraysay
Maamulka Puntland |
Waxaa arrin
laga murugooda ah dhacdada foosha xun ee
Garowe ka dhacday 22kii Abriil 2008.
Maamulka Puntland, isaga oo raacay dariiqii
xumaa ee maamulka Hargaysa uu bilaabay, In
uu ku raaligaliyo taliska dhiigya cabka ah
ee Addis Ababa ayuu taariikhda kor ku xusan
cadowga ma naxaanka ah gacanta u geliyey
muwaadiniin Somalida Ogaadeenya ah. Waxaa
kale oo Maamulkaasi xabsiga Boosaaso si
silic ah ugu dilay muwaadin ka mid ahaa
jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee ku nool
Bosaaso. Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay,
xidhiidhka maslaxada dhinacyada badan ee ka
dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah ka in
ay si weyn u dhaawacayso.
Taliska Manaxaanka ah ee caadaysatay in uu
si naxariisdaro ah u gumaado shacbiga aan
difaaca haysan ee Soomalida Ogaadeenya.
Waxaa xabsiyada gumeysiga ka buuxa kumanaan
Soomaalida Ogaadeenya ah.Waxaa wax lala
yaaba ah in manta shacbiwaynihii caalamku uu
ka dhiiraday oo meelwalba ay ka qaylinayaan
oo ay diidanyihiin dhibka lagu hayo shacbiga
Somaalida Ogadeeniya in manta uu maamulka
Puntlaand uu uga darnaado gumaystaha ku
gaamuray Dhulkoodii.
Maamulka Garowe ujeedada Itoobiya inay
darsaan ama fahmaan iyo natijada ka iman
karta wax xil ah iskama saarin. Waana arrin
nasiib darro ah oo naxdin leh. Maamulka
Puntland waxaad moodaa inayna ku baraarugin
xaqiiqada ah inay Itoobiya tahay cadowga
koowaad ee shacabka Soomaaliyeed oo dadka
Puntland ka mid yahay. Waxaa kale ooyna
fahmin in Taliska Addis Ababa waqtigiisii
maalmo la tiriyo ka hadhay oo aysan ahayn
kii maanta loo duloobi lahaa. Waxaan u
aragnaa in Maamulka Putland khaatumada iska
xumeeyey, talaabadaa uu qaadayna ayna marna
hakinaynin halganka Gobonimadoonka ah ee
shacabka Ogaadenya. Waxaan aad uga xunahay
shacabka aan walaalaha nahay ee ku nool
Puntland oo innaba aan ka diirin ganacsiga
iyo dilka uu maamulkoodu kula kacay dadka
soo magan galay ee cadowga naxdinta daran ka
soo cararay.
Cambaarayn
Annaga oo ah Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku
nool Gobalka Albertaee Canada waxaan aad u
cambaareynaynaa
1. Falkan foosha xun ee maamulka Puntland uu
gacamaha dhiiga leh ee gumeysiga Itoobiya ku
geliyey mawaadiniinta Ogaadeenya.
2. Waxaan aad u cambaaraynaynaa Mohamed
Yuusuf (Gaagaab) oo ah ninka u badheedhay
dhacdadan foosha xun hadana isku dayay in uu
dafiro wax sida dharaarta loo arko waxaanan
leenahay gojoxo geel wax gunti la galiyo
kaweyn waana taariikh adiga kuu gooni ah.
Waxaa layaab iyo fool xumo weyn ah bulshada
ku dhaqan magaalada Garoowe ee culimo,boqoro,
cuqaal,iyo aqoonyahan leh in ay ka dhiidhiyi
waayaan xadgudubka loo gaystay dad
walaalohood ah oo marti u ah isla markaasna
uu Maamulkii dhiibayi dafiray iyaguna ay
goob jog yihiin.
Hadaba hadii ay reer Garoowe sidaas xaajada
ku daayaan waxaanu u qaadanyaa in ay ku
raali yihiin dhacdadan taariikhida madaw
galisay magaalada garoowe.Waana dhacdo
Soomaalida Ogaadeenya meel ay joogtaba ku
reebtay uur kutaalo iyo tiiraanyo in badan
al xusuusnaan doono lagana xisaabatmi doona.
Waxaanu xusuusinaynaa Shacabka Puntland
hadii faa’iido lagu helayo kaganacsiga dadka
Ogaadeenya ama ay Itoobiya abaal ka celin
waxaa faa’iido ka heli lahaa maamulkii
jidkan suneeyay ee W/Galbeed waana laga
dharagasnyahay cawaaqib xumaday ay reebtay.
Talo
Waxaanu ognahay xidhiidhka soo jireenka ah
ee ka dhexeeya labada shacab oo ah mid lagu
soo caana maalay, waxaadna modaa dad dano
gaar ah leh in ay wataan raali galinta
Itoobiya oo ay iska indho tireen waxa ka
dhexeeya labada shacab. Hadaba waxaan ku
talinaynaa in ay iska qabtaan shaqsiyaadka
sida hoose Itoobiya wax ugu sheegtay,.
Ugu damabyntii Shacbiga geesiga ah ee
Ogaadeenya wuxuu hayaan ugu jira
gobanimadiisa wuxuuna balan qaaday in uusan
cidna uga weecanaynin hadafkiisa.
Waxaan u sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo
kuwa garab taaganba in guusha kama dambaynta
ah uu leeyahay xaq u diririka Ogaadenya.
Waxaan calaamka ugu baaqaynaa inay
cambaareeyaan falka xuquuqul insaanka ka
dhanka ah ee Maamulka Puntland ku kacay ee
dad aan dambi iyaga ka gelin cadowgooda u
dhiibay.
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Gobalka Alberta
Canada. |
|
|
|
|