Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Aqoonyahanka iyo Ardayda Beesha Absame ee Malaysia oo cambaaraynaya falka maamulka Puntland uu dadka ugu dhiibayo Itoobiya


Bismilaahi raxmaani raxiim

Annagoo ah waxgaradka, aqoonyahanka iyo ardayda beesha Absame ee ku nool Malaysia waxaan cambarayn kulul usoo jeedinaynaa ficilka xun ee ay ku talaabsadeen maamulka Puntland ee dadka kasoo jeeda degaanka Ogaadeenya loogu gacan galinayo Itoobiya.

Iyadoo arrinkaasu yahay mid ka baxsan Islaamninda, Soomaalinimada, Wadadhalshada iyo Bani’aadinimadaba, mana ahayn mid laga filayay inay falkaas sharaf darada ah ku kacaan. Waxayna keeni kartaa cawaaqib xumo iyo taariikh xumo dhaawaci karta walaaltinimada iyo dariswanaagii ka dhexeeyay labada shacab.
Arrintaan ka bilaabatay degaanada Puntland waa arrin looga gol leeyahay kala fogaynta iyo in cadaawad la dhexdhigo labada shacab ee walaalaha ah ee uu ka dhexeeyo xidhiidhka dhalasho iyo dhaqan ee soojireenka ahaa.

Hadaba, anagoo ka ambaqaadayna maslaxadda labada shacab kan Ogaadeenya iyo kan Puntland waxaan soo jeedinaynaa qodobada soosocda:
  1. Waxaan soo dhaweynaynaa islamarkaana bogaadinaynaa bayaankii Isimada, culimada iyo waxgaradka gobolka Bari ay kasoo saareen dadka sida arxan darada ah loogu gacan galiyay cadawgoodii. Bayaankaas oo ahaa mid wax ku ool ah noqonnna kara mid laga ambaqaado si loo ilaaliyo walaaltinimada iyo xidhiidhka dhaqan iyo xigto oo labada shacab u dhexeeya. Waxaana rajaynaynaa inuu ahaa mid cabiraya aragtida guud ahaan shacabka Puntland.
     
  2. In la ilaaliyo xidhiidhka ku dhisan maslaxadda dhinacyada badan ee ka dhaxaysa labada ummaddood isla markaana shacabka Puntland aysan ogaalinin in dad yar oo danaystayaal ay dhaawacaan danta adag ee u dhaxaysa labada shacab.
     
  3. Waxaan soo jeedinaynaa in si deg deg ah loo abaabulo shirar iyo wadahadal dhexmara waxgaradka iyo odayaasha laba shacab si loo damiyo fitnada uu ka faa’iidaysanayo cadawgu.
     
  4. Waxaan adkaynaynaa inaanay wax dan ah ku jirin in cadaawad laga dhex abuuro maanta laba shacab.
     
  5. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka reer Ogaadeenya inayna ku dhaqaaqin falal sii hurin kara colaad islamarkaana ay is dajiyaan kuna baraarugaan qorshaha cadawga iyo shirqoolkiisa.


    Wa bilaahi Tawfiiq


    Waxgaradka, aqoonyahanka
    iyo ardayda beesha Absame ee Malaysia

    Kuala Lumpur - Malaysia

    May 3, 2008
    Email contact: hawadiye@yahoo.com
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.