Cambaarayn
falkii lagu iibsaday Halgamayaashii ONLF.
Ku: Shacabka reer Somali Galbeed.
Ku:Isimada Maamul Goboleedka Puntland ee
somaliya
Ku: Shacabka Maamul Goboleedka Puntland
Ka: Isimada, Aqoonyahanada, dhalinyarada-
beelaha Rer bicidyahan ee ku nool caalamka
oo idil.
UJEEDO: BAAQ Cambaarayn falkii foosha xumaa.
Ka dib markii aan muddo dheer ku jirnay xog
aruurin rasmi ah oo ku saabsan qaabkii loo
dhiibay Maxamed Axmed Caafi (Dhiirre) iyo
Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan 04/22/2008 oo
ahaa dad Soomaaliyeed,una dhashay gobolka
Soomaligalbeed, aan ogaanay in ragaasi si
fool xun gacanta ethopia loogu galiyey,
iyadoo ay noqotay waddada loo soo maray
masuuliyiinta ka tirsan kuwa putland.
Markii aan qiimaynay, sida ay u dhacday
dhacdadii foosha xumayd ee Rag u dhashay
dalka Soomali Galbeed loogu Gacan galiyey
Maamulka Dalka Ethopia ee dagaalku kala
dhaxeeyo Jamhada Xoreynta Gobolka ee ONLF,
Markii aan si taxadar leh uga fiirsanay
anagoo ah Beesha Cali Ibraahim ee
REERBICIDYAHAN, aan qiimaynay saamaynta ay
yeelatay iyo sida looga wada xumaaday"
Falaar cirka loo tuuray ninwalbow filo"
Markii xabashi lagu soo hogaamiyey somaliya
in waxaani ay dhacayaan waa la filan karay.
Markii aanu eegnay waxa shareecada islaamku
ay ka qabto in Qof Muslim ah loo gacan
galiyo Gacan Gaalo oo dagaal kala dhexeeyo,
lagana gacansado jirkiisa, iyadoo laga
raadinayo Mansab iyo Mamuusid Gaalo lagu
raali galinayo, markii aanu eegnay shacabka
ay ka dhaxayso wada dhalashada,
soomalinimada, Diinta, afka somaliga,
ganacsiga in la doonayo in laga dhex huriyo
colaado sokeeye.
Waxaan ka soo saarnay Qodobadaan hoos ku
xusan.
-
Waxaanu Cambaaraynaynaa, oo ka xunahay
in Mawaadiniin soomaaliyeed oo u
halgamaya dalkooda, in loo gacan galiyo
Gacan gaalo, iyadoo laga leexday
Soomalinimadii, Muslinimadii,
walaaltinimadii, wadda dhalashadii ay
wadaageen Deegaanka puntland iyo kan
soomaligalbeed.
- Waxaan
Tacsi u diraynaa dhamaan shacabka reer
Soomaligalbeed, gaar ahaan, waxaan si
gaar ah tacsi ugu diraynaa eheladoodii
iyo qaraabadoodiiba, halgamayaashaas
looga gacan galiyey gacanta Taliska
Ethopia.
- Waxaan
maamulka Puntland ku canbaaraynaynaa
ugana digaynaa inay shacabka walaalaha
ah ee ay ka dhaxayso, walaaltinimadu,
darisnimada, ganacsiga, wadda dhalashada,
muslinimada, ee walaalaha aysan ka dhex
abuurin colaad sokeeye.
- Waxaan
ugu baaqaynaa Shacabka reer puntland
inay muujiyaan, iskana qaadaan reeryada
dhushooda saaran ee u horseeday Dulmiga
iyo isku dirka bulshadooda, ayna ka
dhiidhiyaan Halgamayaashii loo gacan
galiyey taliska tigreeka ah, iyadoo ay
ku xigi doonaan walaalahooda kale ee ku
sugan gudaha puntland, gaar ahaan waxaan
si gaar ah ugu diraynaa, Culumida,
Dhalinyarada, Haweenka iyo dhamaan
qaybaha bulshada rayid ka ah ee ku
dhaqan puntland inay muujiyaan siday uga
xunyihiin, ayna xilka ka tuuraan taliska
u adeega taliska tigree.
- Waxaan
shacabka reer soomaali galbeed ugu
baaqaynaa inay is dajiyaan, aysana
walaalahooda reer puntland, ay ogaadaan
inay dhibka la qabaan, ayna tahay wax
fool xun.
- Waxaan
Masuuliyiinta puntland ugu baaqaynaa
inay xilka iska casilaan, oo ay ka
horwareegaan umada nabada jecel ee reer
puntland, madaama ay ku fashilmeen
masuuliyadii loo igmaday, ayna iibsi ku
bilaabeen shacabkooda.
Gabagabodii.
Waxaan umada soomaaliyeed la socodsiinaynaa
in bulshada beelaha reerbicidyahan ay aad
uga xunyihiin falkii foosha xumaa ee
puntland ay ugu gacan galisay ethopia
masuuliyiintii Jamhada Xoraynta ONLF, taas
oo ka bayrsan sharciga diinta islaamka iyo
Qawaaniinta caalamiga ah.
Wabilaahi Towfiiq.
Afhayeenka Beelaha Reer bicidyahan
Eng. Maxamed Axmed Abdalla
Maxamed_nabadoon@hotmail.com
|