Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Jaaliyada Ogadeniya ee West Midland(Birmingham).
Jaaliyada Ogadenya ee West Midland (BIRMINGHAM) waxay si wayn u canbaaraynaysaa falkii cadowtinimada ahaa ee loo gaystay labo xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee

ONLF oo laga afduubay magaalada Garowe markii ay taariikhdu ahayd 22 April 2008, isla markaana lagu wareejiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.Waxaanu ogsoonahay xubnahan in ay ugu sugnaayeen magaalda Garoowe howlo gaarahaaneed oo aan shaqo ku lahayn wax siyaasad ah ama wax u dhimi kara nabadgalyada Puntland.

Waxay kaloo jaaliyayadan camraaneysysaa ninkii sida waxshinimada ah xabsiga Boosaaso ugu dilleen sirdoon maamulka goboleedka Puntland ayna ku dhaawaceen xaaskiisa oo aan waxba galabsan, dadlaas oo dhamaantood ahaa dad shacab ah oo reer Ogadenya ah kuma noolaa Xubnahani kuma aanay jirin arrimo wax u dhimi kara ammaanka Maamulka Puntland, siyaasada

Tallaabadani ma aanay xeerinin Walaalnimada iyo Islaanimada ay wadaagaan labada dadwayne ee Ogaadeenya iyo Puntland, Ma aanay xeerinin darisnimada iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee dhaqan iyo dhaqaalee ka dhexeeya labadan dadwayne, Ma aanay xeerinin dhaqanka Soomaaliyeed ee diida in
dhibaato loo gaysto cid aan cadow kugu ahayn oo gurigaaga kugu soo martiday iyo waliba xeerarka
ilaalinta xuquuqda aadanaha, Mana aanay xeerinin guud ahaanba danaha labada dadwayne, waxayna si cad ugub adeegaysaa gumaysiga Itoobiya oo cadow u ah labada dadwayne ee Ogaadeenya iyo Puntland.


Puntland ku qaaday dadwaynaha Ogaadeenya, isla markaana ay dadwaynaha Ogaadeenya xaq u leeyihiin inay iska difaacaan dagaalkaas gardarrada ah ee lagu soo qaaday, waxayna aaminsan tahay in dhibaato kasta oo falkan ka dhalata ay masuul ka yihiin Maamulka Puntland.


Magaalda Bosaaso sanadihii la doo dhaafey.

Tallaabadani ma aanay xeerinin walaalnimada iyo islaanimada ay wadaagaan labada dadwayne ee Ogaadeenya iyo Puntland, ma aanay xeerinin darisnimada iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee dhaqan iyo dhaqaalee ee ka dhexeeya labadan dadwayne, ma aanay xeerinin dhaqanka Soomaaliyeed ee diida in dhibaato loo gaysto cid aan cadow kugu ahayn oo gurigaaga kugu soo martiday iyo waliba xeerarka ilaalinta xuquuqda aadanaha, Mana aanay xeerinin guud ahaanba danaha labada dadwayne, waxayna si cad ugu adeegaysaa gumaysiga Itoobiya oo cadow u ah labada dadwayne ee Ogaadeenya iyo Puntland.


MAHADSANIDIIN
JAALIYADA WEST MIDLAND(BIRMINGHAM).
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.