Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Beesha Maxamed Cumar ee Cumar Maxamuud oo Cambaareysay falka maamulka Puntland


BAAQ CAMBAARAYN OO KA SOO BAXAY BEESHA MAXAMED CUMAR EE CUMAR MAXAMUUD OO KU SAABSAN RAGGII U DHASHAY BEESHA ABSAME EE LAGA QABQABTAY DEGAANADA PUNTLAND EE LOO GACAN GELIYEY ETHOPIA.

KU: Suldaanada, Ugaasyada iyo nabadoonada Beesha Absame
KU: Aqoonyahada Beesha Absame
KU: Madaxda Ururka ONLF
KU: Culumo’Udiinta Beesha Absame
KU: Shacbi weynaha Beesha Absame
KU: Ehelada ragga loo gacan geliyey Ethopia

KA: BEESHA MAXAMED CUMAR EE CUMAR MAXAMUUD
6-05-2008 Gaalkacyo Somalia.

Waxaa shir aad u ballaaran isugu yimid Nabdoonada iyo wax garadka beesha Maxamed Cumar ee Cumar Maxamuud 5/5/2008, shirkaas oo ka dhacay magaalada Galkacyo ayaa lagu falanqeeyey arrintii foosha xumayd oo ka dhacday dagaanka Puntland Gaar ahaa Gobolka Mudug iyo Nugaal falkaas oo ay beeshu u aragtay inuusan ahayn fal aan laga aamusi karin.

Falanqayn dheer ka dib beeshu waxay soo saartay Go'aanadaan hoos ku qoran.

(1) Waxaan Canbaaraynaynaa Falkii loogu gacan galiyey Ethopia taariikhuhu markeey kala ahaayeen 24/04/008/ - 01/05/008 raggii u dhalashay Beesha Absame oo dagaanada Puntland u yimid isku halayn ay ka qabeen dadka dagaanka laakiin ay hada la kulmeen mid aysan malaysanayn.

(2) Waxaan ugu baaqaynaa walaalaheena Absame in ay san u qaadan in arrintaas foosha xun ay ku dhacday talo beeleed ee ay u qaataan arrin ay ku kaceen damiir laawayaal aan xeerinay Islaamnimada Somaalinimada iyo waliba Ehelnimada. Walaalyaal waxaanu idiin cadaynaynaa hadaanu nahay Beesha Maxamed Cumar in aanu arintaas aad uga xunahay.

(3) Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan Isimada, Nabadoonada iyo waliba shacabka Puntlad inay arintaas u is taagaan sidii cadaalada loo hor keeni lahaa cidii ku kacday iyo waliba cidii soo abaabushay.

(4) Waxaanu ugu Baaqaynaa Maamulka howshiisii Gabay oo dayacay dadkiisii iyo dalkiisii oo waliba hadda ku darsaday ka ganacsida dadka inuu iska casilo xilka ay ummaddu u dhiibatay.

Nadbadoona ka qayb galay iyo saxiixoodii

Nabadoon:Cabdulahi Faarax Bayle (Takarooni)______
Nabadoon:Axmed Muuse Nuur yare (Dabokariix)_____
Nabadoon :Siciid Gaanburi _________
Nabadoon:Cawil Baasawayne ________
Nabadoon :Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi dheere)_____

codkapuntland@yahoo.com
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.