|
|
|
|
|
Gabay la
magac baxay Dhamac |
Gabay
Cusub ee Dhamac
& Rooda Ibrahim
>>Dhegayso
30 April 2008
Gabaygan la magac baxay DHAMAC waxaa curisay
Abwaanadda weyn Rooda Ibrahim Abdi Guray (Afjano)
waxayna katirisay weerarkii ay maamulka
Puntland ku qaadeen dadka Ogaadeenya ee ka
dhacay Boosaaso iyo Garoowe 12/04/2008 -
22/04/2008.
Intaa aad dhex joogteen aduun malaggu kaa
dheelmin.
Qoraxdii dhacaysaba waxbay kuula soo dhalane.
Dhaka faar wax keeniyo farxadi waysu
dhawdahaye.
Dhawaaqii Garoowiyo kayimid dhinaca Boosaaso.
Dhimbiil aad u kululbuu ahaa dhibic
rasaaseede.
Dhagahaygu goortay maqleen dhirif i saameeye.
Dhamaan reer Ogaadeenya way wada dhalaaleene.
Dhuuxiyo quluubtaa na huri dhamal sidiisiiye.
Dhuug iyo intay baal cadani dhawda nagu
hayso.
Dhanqaryadu nadayn mayso oo waan
dhutinaynaaye.
Dhagax turun turiyo qoofalbaa dhadka noo
galiye
Boogta dhaymo waydiyo nabraha aan u
dhaadhaco’e.
Illahay ha dhawree raggii cadawga loo
dhoofshay.
Hooyooyinkii dhaawacmee dhaayaq lagu toogtay.
Iyo jeelka kii lagu dhex dilay ma aha
dheeldheele.
Nimankii ku dhiiraday hadana dherebta
saaraaya.
Dhogortii wadanigay tigree ugu dhawaadeene.
Dhabihii Hargaysay mareen barana sii dheere.
Dhooroof la’aanbay tubtii ugu dhaqaaqeene.
Dhudhubtaa qodxaha badan horaa loogu
dhiidhyadaye.
Haday dhayal sadaan reer Puntland taladan
dhooboowday.
Waxa ay dhashiyo waa mid ay yeelan
dhaxalkeede
Hadii maamulkaa dhagarta galay aan la dhagax
tuurin.
Oon dawga ay dhinac mareen lagu dhaleecaynin.
Oo aan dhismaa dumahayee dhiidhi laga muujin.
Xumaatada in loo wada dhanyahay baa dharaar
noqone.
Waxa ay dhashiyo waa mid ay yeelan dhaxal
keede.
Culmida sharciga dheehatiyo dhigaha
diinteena.
Odayada dhasiig lagu hirtiyo samaha
dhawraaya.
Abwaanada dhambala ee murtida loogu shubay
dhiilka.
Dhalintiyo aqoonyahanka aan dhiman
damiirkoodu.
Dhumucdii haweenkiyo bulshada udub
dhaxaadkeeda.
Dhacdadaa xanuunka leh haday dhiilo galin
waydo.
Dhabna aan shacbigu uga gilgilan dhaqanku
iimawye.
Aheey
nimanka uu cunay dhurwaa loona dhigay gawska.
Dhimashadiyo way suga hayeen dhacan
lasaaraaye.
Dhiig duudsiga ani ii gubi dhamac sideediiye.
Wuxuu dhimay nin diidoo indhaha dhoobo
kuumariyay .
Waa ruux dhashiisii dafiray oo ka maray
dhaare.
Ma wax dhuuman kari bay noqdeen nimanka
dhaadheeri
Duulkaa martidaa dhaylyadee dhoosha ka
halgaaday.
Dhag xumada ayaa lala damcoo fure
dharkoodiiye,
Haysisoo dhariijeen xishood waa horuu
dhumaye.
Dhalaan raadad waawayn hadday dhaygag
curiyeene.
Dhoodhoo miyaa lagaga hadhi wayska
dhalanteede.
Dhamaantiinba Soomaaliyeey waad na
dhababteene.
Intii aan dhufays ugu jireen nacabka dheel
maayay
Dhibka aydun noo gaysateen xadadka soo
dhaafye.
Dhasalaalaq iyo talo xumaa saa idiin dhigaye.
Waxba dheelalaw socodku yuu idinla dheeraane.
Dhaayaha bal fura meel sokaad dhawarysaan
wali’e.
Gumaysiga na dhalan dooriyee dhaaxa nagu
raagay.
Hadii uu na dhabanaanin jiray idinka oo
dhaaddan.
Dhankiiniina waakaa tagee idinku dhaantayne.
Dhuubkaynu ugu wada jiraa namana dhaantaane.
Abeesadii na dhaadhyaysaybaad raarta
dhigateene.
Dhunkaal iyo waxaad beerateen geed
dhagmaanyo ehe.
Dhidibkiyo walaalnimadu waa labada dhoomoode.
Mid haduu dhan taalana kan kale way
ladheeliyiye.
Dhinacaad jirteenbaa xumuhu nooga soo
dhiciye.
Isticmaarka dhalan dhoolayaad dhabanka
saarteene.
Anaguna waramha dhiiran ee dhabar jab
gaadhsiiyay.
Iyo dhoonbir halisaan wadnaha kala
dhacaynaaye.
Maxaynaga dhaxaynkara Tigree baad u
dhurateene
Nin waliba dhul waa leeyihiyo kobu ku
dhaataaye.
Hadii lays dhex mari waayo oo dhoorka la is
gooyo.
Dhito subag ah lama hela hayiyo dhayda
caanaha’e.
Dhir magooshay iyo nabadu waa dheeha aadmiga
e.
Da ku dhimata mooyee colaad wiil ku dhalan
waaye.
Dhaayaha bal fura meel sokaad dhawraysaan
waliye.
Dhuuryada Itoobiyo ninkii dharaq ka doonaaya
.
Ama dhuuni nagu raadsanoow dhoohanaad tahaye.
Waligeedba dheef maysan helin ay ku
dharagtaaye.
Dhafoor xumada kama guurto iyo dhuubni tag
darane.
Dhiishii fakhriga loogu shubay dhalada loo
saarye.
Dhandhamana ka heli maysid iyo dharab
qoyaankiiye.
Dharigeeda gaajada aday kugu dhardhaarayne.
Dhar galkiyo wayaanaha xiligu wuu
kadhacayaye.
Dhulkanagana waa laga xoreyn
dhuudhigaayimide.
Dhaaraan ninkii noqonhayo kuu dhamays tiraye.
Madhex maro wayaanuhu habeen suuqa
Dhagaxbuure.
Way soo dhawdahay guusha aan
dherersanaayaaye.
Dhirbaaxiyo ushaba waan karraa dhubuqle
waashoowe.
Dhawrsanaada Soomaaliyey wax idin
dhaadhaanye.
Rooda Ibrahim (Afjano)
Afjano2004@yahoo.com |
|
|
|
|