Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Friday
Mar 12th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Community Events Aas aaska Ciidanka Xoreynta Oromiya OLF

Aas aaska Ciidanka Xoreynta Oromiya OLF

E-mail Print PDF
Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxaa ku nool qoxooti  Oroma ah oo ka soo  qaxay dhibaatooyinka Gumaysiga Quumiyada Tigreega  ay ku hayso Quumiyada kale. Hadaba  Jaaliyada Oromada ayaa todobaadkan waxay xusayeen Maalintii la aas aasay Ciidanka Xoreynta Oromia.  Xaflada oo ay Jaaliyada Oromadu si wayn u soo agaagsimeen ayaa dhamaan dadkii ka soo qayb galay waxa ka muuqday faraxada iyo damaashaad iyo isu maraxbayn maalintan faraxad u leh Shacabka Oromiya. Jaaliyada Afrikada Bari ee Ogaadeeniya ayaa marti sharaf u ahayd Jaliyada Oromada, waxaaan si diiran loogu soo dhaweeyey Hoolka Shirka iyagoo ay mas uuliyiinta jaaliyada Oromia ku dhawaaqayeen hal ku dhagayo ay ka mid ahaayeen "Ogaaadeeniya waxaa iska leh dadka Reer Ogadeeniya, Oromia waxaa is ka  leh  dadka Oromiya".  Soo dhawayntaas kadib waxaa la gudo galay furtaankii xaflada oo ay mas uuliyiinta Jaaliyada Oromiya ka soo jeediyeen taas oo ay inta badan kaga hadlayeen muhiimada ay maalintan u leedahay dadka Oromiya iyo si loogu baahanay midnimada  in la xoojiyo.
 
Waxaa kaloo ay ka hadleen in ay muhiimada wayn u leedahay  labada Shacab ee gumaysiga lagu hayo ee Ogaadeeniya iyo Oromiya. Wxaan madasha shrika si wayn looga arkayey muuqaalo muujinya  sida ay labada Shacab ooga go antahay midnimada quumiyadaha walaalahaa ah in la xoojiyo.
 
Mas'uuliiyinta Jaaliyada Afrikada bari ee Ogaadeeniya ayaa gaadhsiiyey Maamulka Jaaliyada Oromiya qoraalka ka hadalyey Midnimada labada qoomiyadood, qoraalkaas oo dhiirigalinyaa halganka ay ku  doonyaa aayo katashigooda. Sidoo kale qoeraalku wuxuu ku baaqay in ay ka digtoonaadaa marin habaaninta iyo shirqoolada uu Guumaysigu ku hayo Shacabka Oromiya, wax uuna qoraalku xusay dagaaldii ka dhacay dabayaaqadii sanadkii 2009 deegaanka Salaxaad. Dagaalkaas oo khasaaro naf iyo maalba ah soo kala gaarsiiyey labada shacab. Dagaaladan oo soo noqoda aya waxaa sabab u ah  Guumaysiga Itoobiya oo doonya in uu dhimo awooda iyo isku duubnida labada shacab.

Intaas kadib waxaa Bilawday Ciyaaro kala duwan oo ay ku muujinayeen dhaqanka Oromiya iyo Ogaadeeniya iyadoo ay dhalinyarad Ogaadeeniya ku muujiyeen Ciyaaro ka turjumayey ku dhaganaashaha dhaqan kooda wanaagsan iyadoo sidoo kalena dhalinyarda Oromiya ay ku soo bandhigeen Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ay u leeyihiin,
 
Xaflada ayaa ku dhamaatay guul iyo is afrgarad waxayna dhalinyardii iyo maamulkii Jaaliyada Oromiya ay ka codsadeen Mas'uuliyiinta Jaaliyada Ogaadeeniya ee Afrikada Bari in mMunaabadaha noocan oo kale ay wada  jir u soo bandhigaan.
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Tuesday, 05 January 2010 05:52 )  
 

Studio Xoriyo: Music and Interviews

Please update your Flash Player to view content.
Please update your Flash Player to view content.
Banner






 


Spotlight

 

Ogaden Crisis in Ethiopia: Forgotten crises to watch in 2010

The humanitarian crisis in Ethiopia's Ogaden region is worsening, yet the Ethiopian govern...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.

Wargeyska lagu magacaqabo Africa International oo ka soo baxa dalka Fransiiska bishiiba ma...

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 64 guests online