Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Friday
Mar 12th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Jaaliyda UK Ururka OSF oo kulan balaadhan ku qabtey Birmingham

Ururka OSF oo kulan balaadhan ku qabtey Birmingham

E-mail Print PDF
Jaaliyada Magaalada Birmingham ayaa waxa ay soo qaban qaabisay Kulan balaaran oo ay u sameysay Dhalinta Ardeyda Ogadeniya iyo da yarta wax kabarata Jaamacadaha Nawaaxiga iyo magalada Birmingham. Kulankan ayaa ahaa kii ugu weynaa oo Public ah oo Ururka Dhalinta OSF ku qabto Magaalada Birmingham.

Ujeedada munasabadan ayaa ahayed in dugsiyada iyo Jaamacadaha Magaalada Birmingham ardeyda wax ka barata loo soo bandhigo qadiyada Somalida Ogadeniya.

Horey waxa Ururka OSF kulamo goos goos ah ula yeeshay Ardeyda Jaamacadaha iyo College-yada magaalada Birmingham iyaga oo sameystay xidhiidho wada shaqeyn iyo iskaashi.

Shirkan oo ay daa dihinayen Ururka OSF qeybta Magalada birmingham ayaa ugu horeyntii waxa furay gudoomiyaha Jaaliyada magaalada Birmingham Mudane Cali Xeydar kadib aayado qur'ana iyo Heesta calanka.

Gudoomiyuhu waxa uu aad uga hadlay baahida loo qabo dhalinta inay ahaadan dad wacyigoda bulsho iyo kan siyaasiba kor ahaado. Waxa uu dhiiri galiyay in kulamo noocan oo kale ah oo dhalinta ku aadan ay jaaliyadu horkici doonto diyaarna u yihiin sidii loo kobcin laha tayada dhalinta.

Mudane Sheikh Maxamed Maxamud oo marti sharafta shirka kamid aha ahna Masuul la shaqeeya Communitiyada ayaa ku tilmaamay dhaqdhaqaaqa dhalinta mid loo baahanyahay oo wax ku ool ah kana gadisan fikirada laga qabo da'yarta qurba Joogta ah.

Mudane Axmed oo ah gudomiyaha hayad curyamaninta magalada Birmingham ayaa isna aad ula dhacay barnaamijyadi ay soo bandhigeen dhalintu isaga oo carabka ku dhuftay in wacyiga maanta magalada Birmingham wax badan iska badali doono uguna baaqay shacabweynaha magalada in lala shaqeyo dhalinta dadaalka ay ku jirto.

Barnaamijyada ayaa isugu jiray bandhig Hido iyo dhaqameed, Gabayo, majaajuloyin iyo Heeso halgan. sidoo kale waxa laso bandhigay Ruwayado goos goos ah oo ku adan Nolosha Qurba Joogta iyo halganka kasocda Ogadeniya iyada oo la daawaday Filimo ka hadlaya xaalada dhulka Somalida Ogadeniya.

Halgame Maxamud Jaango ayaa gabay dhiiri galineed u jeediayay da'yarta halka fanaanka da'da yar ee caanka ah Cabdi Khaliq iyo halyeydada Xaawa luul, Khadar yare iyo Ikran  carale ay heeso iyo madadaaleyn halgan ku guubaabinayen da'yarta.

Munasabdan oo lagu qabtay Hotel birmingham oo aad u quruxbadan baaxadna weyn ayaa si habsami ah kusoo dhamaaday iyada dadki kaso qeybgalay ay codsaden in isla bisha soo socota xaflad kale loo sameyo ama sida ugu dhaqsaha badan.

Maamulka OSF ayaa u mahad celinaya Qabanqaabiyashi shirka, Xafiiska Jaaliyada Ogadeniya ee Birmingham, Ururada dhalinta Jaamacada iyo College yada iyo xubnaha Firfircoon ee OSF ee suurto galiyay munasabadan. sidoo kale dhamaan dadki kasoo qeybgalay.


Ururka Dhalinta OSF
Qeybta Magalada Birmingham
20 June 2009
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 
 

Studio Xoriyo: Music and Interviews

Please update your Flash Player to view content.
Please update your Flash Player to view content.
Banner






 


Spotlight

 

Ogaden Crisis in Ethiopia: Forgotten crises to watch in 2010

The humanitarian crisis in Ethiopia's Ogaden region is worsening, yet the Ethiopian govern...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.

Wargeyska lagu magacaqabo Africa International oo ka soo baxa dalka Fransiiska bishiiba ma...

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 65 guests online