Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Thursday
Mar 11th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Switzerland Jos iyo OYL oo ka qeyb galay xuska maalinta Qaxootiga aduunka

Jos iyo OYL oo ka qeyb galay xuska maalinta Qaxootiga aduunka

E-mail Print PDF
Ururka dhalinyarada (OYL) iyo jaaliyada Ogaadeenye ee Switzerland (JOS) ayaa ka qeeyb galay xuska maalinta qaxootiga aduunka. Xafladan oo ka dhacday magaalada la Chaux-de-Fonds ee wadanka Switzerland ayaa waxaa ka soo qeeyb galay jaaliyado badan oo ka soo kala jeeda afarta qaarad ee aduunka. Ujeedka ka qeeyb galka xafladan ayaa ahayd in goobta lagu soo bandhigo in umada Ogaadeenya biloowday in eey qaxdo ka dib markii itoobiya si sharci daro ah ku xeenydaabatay Ogaadeenya dhamaadkii 1955 iyadoo halkaa ka biloowday xasuuq iyo barakicin si shicibka ugu qasabto in eey gumeeysiga ogalaadaan.

Sanadkii 1977 ayaa umad ku dhow laba malyan ka qaxeen Ogaadeenya iyagoo magangalay jamhuuriyadii Soomaaliya. Ka dib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dilaacay dhamaadkii 1990 tiro qaxootigan ka mid ah ayaa dib ugu laabtay Ogaadeenya halka in kaloo badana door bideen xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Xusuuqa gumeeystada Itoobiya ka wado Ogaadeenya darteed ayaa dad aad u tiro badan weli ka soo qaxayaan gobalka Ogaden iyadoo la iloobeen in ka badan todobaatan kun oo qof itoobiya ku bara kicisay gudaha Ogaadeenya, dadkan oo aay gumeeysatada itoobiya ka gubtay deegaanadii eey daganaayeen is la markaana isugu keentay goobo cayiman si dhaqdhaqaaqooda u koontoroosho. Intii uu bandhigani socday ayeey JOS iyo OYL halkaa ku soo bandhigeen buugaag iyo qoraalo ka turjumaya dhibaatada itoobiya ku heeyso umada Ogaadeenya ee aay gumeeysato.

Qoraalo JOS iyo OYL halkaa ku qeeybiyeen ayeey ku xuseen in dunidu waajib ku tahay soo fara galinta dhibaatada ka taagan Ogaadeenya si markaa umadu iyadoo xor ah dalkooda ugu noolaadaan. midan ayaa doorweeyn ka ciyaari lahayd xakameeynta xaqootiyada ku soo qulqulaya wadamada reer galbeedka


Email : This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Sunday, 21 June 2009 14:58 )  
 

Studio Xoriyo: Music and Interviews

Please update your Flash Player to view content.
Please update your Flash Player to view content.
Banner






 


Spotlight

 

Ogaden Crisis in Ethiopia: Forgotten crises to watch in 2010

The humanitarian crisis in Ethiopia's Ogaden region is worsening, yet the Ethiopian govern...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.

Wargeyska lagu magacaqabo Africa International oo ka soo baxa dalka Fransiiska bishiiba ma...

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 61 guests online