|
|
|
|
|
Baaq
Canbaareyn ah oo ku wajahan Maamulka Punland
|
Waxaa arrin
laga murugooda ah dhacdada fooshan xun ee
Garowe ka dhacday 22kii Abriil 2008.
Maamulka Puntland, isaga oo ku raali
gelinaya taliska dhiigya cabka ah ee Addis
Ababa ayaa taariikhda kor ku xusan cadowga
ma naxaanka gacanta u geliyey muwaadiniin
Somalida Ogaadeenya ah.
Waxaa kale oo Maamulkaasi xabsiga Boosaaso
si silic ah ugu dilay muwaadin ka tirsan
jaaliyadda Soomaalida Ogadenya ee ku nool
Bosaaso.
Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay,
xidhiidhka maslaxada dhinacyada badan ee
labada shacab ee walaalaha ah ka dhexeeya oo
ay dhacdadani si weyn u dhaawacayso. Taas oo
markhaati u ah maamulka Garowe inayna
matalin danaha shacabka soo doortay
ee ku nool Puntland.
Maamulka Daba-Qoodhiga ah ee ka Arimiya
Puntland waxey iloobeen wada-dhalashada
ka dhaxeysa labada shacab ee ku nool
Ogadenia iyo Puntland, waxeyna taas ka door-bideen
iney Raali-galiyaan Kaligii taliye Meles
Zanawi oo isaguba ku faraxasha Dhiiga
banii-aadamka cunahana haya boqolaal-kun oo
ah Shucuubta dulman ee hoos-timaada waxa
loogu yeedho itoobiya ee calalka karkaran
ah.
Gen-Cadde Muuse iyo Maamulkiisa
daba-qoodhiga ah ee uu ka midka yahey
Maxamed Cabdi Yusuf(Gaagaab) waxey in mudo
ahba tartan kula jireen Maamulka ka Amar ku
taagleeya Magaalada Hargeysa iyaga oo raba
iney Meles Zanawi u muujiyaan iney iyagu uga
Daacadsan yihiin Gaalo-Raacyada IIDOOR, taas
ayaa maanta ku jiidey Cadde Muuse inuu
Walaalihiisa Reer-Ogaadeeniya u geysto
Quudhsiga intaas leŽeg oo Doolar ku iibsado.
Waxaan u sheegeynaa Gen-Cadde Muuse iyo
maamulkiisa Daba-qoodhiga ah ineysan Riqiis
aheyn Dhiiga Mudane Cabdinuur iyo Mudane
Dhiirre ee loo AARRI doono xiliga munaasabka
ah.
waxaan u sheegeynaa sidoo kale Shacabka
Soomaaliyeed ee ku Nool Gobolka Puntland
ineysan iloobin Walaalnimadii iyo wada
dhalashadii oo aysan maanta ina kala dilin
Cadde Muuse iyo kooxdiisa daba-qoodhiga ah
ee ay ka Gilgishaan Ficilkan Foosha-Xun ee
ka soo Hor-jeeda wada-dhalashada iyo
Islaamnimada intaba oy na tusaan waxaan ku
Rumeysano iney Shacabka Puntland arintan u
arkaan sida ay tahey ee foosha-xun.
isku soo wada duuboo, Jaaliyada Ogadenia ee
dalka Jarmalka waxey Canbaareyn
iyo Nacdalba korka kaga tuureysaa Maamul ku
sheega Gen.Cadde Muuse hogaamiyo ee ka
arimiya Gobolka Puntland oo iibsadey
Mudanayaasha kor ku xusan ee u dhalatey
Soomaalida Ogadenia isaga oo Waji iyo
raali-galin kaga raadsanaya Dhiigyo-Cab
Meles Zanawi.
Waxaana leeanhye Cadden Muuse, wuu socon
Halganka Ogaadeeniya waana la xoreyn
Ogaadeeniya oo ah Hoyga: Hidaha iyo
halgankii Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa,
Maamulka Hargeysa ayaa IIBSADEY illaa iyo
hada in ka badan 500 oo qog oo u dhalatey
Ogaadeeniya iyaga oo raba inuu istaago
Halgankanagu oy Raali-galiyaan saaxiibadooda
Tigreega, taasna kuma aysan guuleysanin oo
wax noo kordha mooyee waxba nagama dhicin
aduguna wadadoodii unbaad-martey oy waliba
Godobi kuu dheertahwey ee taas xusuusnow.
Midnimo Mintid Isku tashi (Ogadenia way
xoroobi ee ninkii Naceb maxaa u yaala ???)
Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeeniya ee
Jarmalka. |
|
|
|
|