War Guud
Cadaadiska dhiiggaaga waxa lagu hubiyaa laba tiro. Tirada sare (systolic) waxay muujinaysaa cadaadiska halbowleyaashaada (arteries) marka wadnahaagu garaac sameeyo. Tirada hoose (diastolic) waxay muujinaysaa cadaadiska halbowleyaashaada marka wadnahaagu nasanayo.
- Cadaadiska dhiigga ee sareeya (high blood pressure) ama dhiig-karka waxa kale oo Ingiriisiga loo yaqaanaa “hypertension.”
- Qaado dawadaada ugu yaraan 30 daqiiqadood ka hor inta aanad cabirin cadaadiska dhiiggaaga.
- Isku day inaad iska ilaalisid cuntada, cabista sigaarka, cabitaanka cabitaanada leh kafeyn, jimicsiga iyo cabista khamriga 30 daqiiqadood ka hor inta aanad cabirin cadaadiska dhiiggaaga.
- Isku day inaad isticmaashid isku cudud wakhti kasta oo aad cabiraysid cadaadiska dhiiggaaga.
- Haddii hal cudud ay kaaga rakiban tahay dhuun kaadi-sifeyn, cududdaa ha u isticmaalin cabirista cadaadiska dhiiggaaga.
- Haddii lagugu sameeyay naas-jarid (mastectomy), ha isticmaalin cududda ku taala isla dhinaca qalitaanka lagu sameeyay.
- Haddii uu kugu dhacay faalig (stroke), ha isticmaalin cududda ku taala isla dhinca uu saameeyay faaliggu.
Garo Inta la Rabo In Cadaadiska Dhiiggaagu Ahaado
- Tirada cadaadiska dhiigga ee caadiga ahi waa 120/80.
- Haddii uu kugu dhacay faalig, aad qabtid sonkor/macaan, cudur wadnaha ah, cudur kalyaha ah ama cudur kale oo ah xididada dhiigga, waa in cadaadiska dhiiggaagu noqdo 130/80 ama wax ka yar. Halista kaaga imanaysa dhibaatooyinka cuduradaa ama xaalado kale waxay hoos u dhacaysaa hadba marka aad si ammaan leh hoos u dhigtid cadaadiska dhiiggaaga.
- La hadal dhakhtarkaaga haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan inta la rabo in cadaadiska dhiiggaagu noqdo.
Goorta la Cabiro Cadaadiska Dhiiggaaga
- Wakhtiga ugu fiican ee la cabiro cadaadiska dhiiggaaga waa marka aan walwal ama giigsanaan ku haynin ama aan xanuun ku haynin.
- Samee cabirka ka dib marka aad fadhidid 5 daqiiqadood iyada oo cagahaagu fu fidsan yihiin dhulka.
- Maalin kasta isku wakhti cabir cadaadiska dhiiggaaga.
Sida Loo Cabiro Cadaadiska Dhiiggaaga
- Saar mishiinkaaga miis yaala meel degan. U hubso inaad dooratid miis aad si raaxo leh u saari kartid cududdaada sare oo la siman wadnahaaga.
- Gasho shaadh/shaati gacmo gaaban ama iska saar. Duubka la buufiyo oo taabanaya maqaarka oo qaawan waxay kaa gargaari kartaa inaad heshid cabir sax ah.
- Ku fadhiiso kursi taageero haboon u leh dhabarkaaga.
- Duubka la buufinayo saar cududdaada oo ah meel 1 inji ka sareysa xusulkaaga ama laabata sida uu kuu sheegayo buugga isticmaalaha ee qalabka. U hubso in duubka la buufinayo aanuu aad u weynayn ama aad u yareyn. Waa inaad awoodid inaad galisid hal far hoosta duubka la buufinayo. Haddii duubka la buufinayo kala fuqo, waxa aad u baahan tahay duub intii hore ka weyn.
- U hubso in cududdaadu si siman u saaran tahay miiska iyada oo baabacadda gacantaadu sare u jeedo. Waa in cududdaada sare la siman yahay heerka wadnahaaga. Haddii cududdaada sare ay ka sareyso ama ka hooseyso heerka wadnahaaga, waxa kuu soo bixi doona cabir khalad ah.
- Labada cagoodba si siman u saar dhulka.
- Naso 5 daqiiqadood.
- Shid mishiinka oo raac fariimaha ku yaala mishiinka (ama ku qoran buugga isticmaalaha).
- Mishiinku waxa uu soo saari doonaa tiradaada sare (systolic) iyo tiradaada hoose (diastolic).
- Haddii uu kuu soo baxo cabir cadaadis dhiig oo ka sareeya intii aad filaysay, naso 5 ilaa 10 daqiiqadood ka dibna ku celi qaadista cabirka cadaadiska dhiiggaaga.
- Haddii cabirka cadaadiska dhiiggaagu wali ka sareeyo intii aad filaysay, raac fariimaha la-sii-socodka ee ku yaala xagga hore ee warqaddan xaqiiqada ee ku saleysan cabirkaaga.
- Qor taariikhda, wakhtiga, cabirka cadaadiska dhiigga, cududdada laga qaaday, tirada garaaca wadnaha iyo haddii aad qaadatay dawadaadii. Warkaa hore u soo qaado marka aad tagaysid ballanta aad la leedahay dhakhtarkaaga.
- Bakhtii ama dami mishiinka.
Daryeelka Mishiinka
- Mishiinka ku hay weelkii am boorsadii uu ku yimi.
- Mishiinka ku kaydi meel ka fog kulayl, qabow iyo qoyaan ama suyuc. Ha ku kaydin musqusha ama meel u dhow baafka dhiqista ee jikada am madbakha.
- Mishiinka ka fogee tiigsiga caruurta.
- Mishiinka ha laguu hubiyo ugu yaraan hal mar sannadkii. Gee xafiiska dhakhtarkaaga ama xarunta dab-damiska ee degmada.
- Raac fariimaha shirkadda sameysay mishiinka ee ku saabsan sida loo isticmaalo, loo nadiifiyo iyo sida loo kaydiyo mishiinka.
- Haddii aanad helin cabir sax ah, la hadal dhakhtarkaaga.
Comments (2)

written by makaheil, December 11, 2009
asc waalayaal salan sare kadib waa ok cashirkan aad na siiseen lakin maxan dhiig cabirnaa dhiiga iyo dhacaankuba wayna kacsan yihiin mana dagayaan ilaa ogadenya xorowdo. waxa ila quman huunoyin aan horta wadankeena xoraysano kadiban waxkasta soo qoraynaaye. qofkasta ka isku dayo inuu meshuu jogo ka xoreeyo wadankii qalin iyo qori af iyo adin naf iyo maal iyo waliba inloo duceeyo gabdhaha iyo wilasha jwxo ogadenya guul guul guul ALLAHU AKBAR ALLAHU AKBAR ALLAHU AKBAR JWXO JWXO JWXO GUUL
Write comment











Waxaan codsan lahaa in hadii ay suura gal tahay la iga caawiyo sida Sokorta loo ogaado, macnaha :-
1- inaan qabo iyo in kale
2- calaamada ugu caansan ee aan ku ogaan karo
3- qofka qaba sida uu sokorta ugu heyn karo meel hoose mar walba
iyo wixii aad iiga qibrad roon tihiin ee Sokorta ku saabsan iyo mgaceeda qalaad.
Mahadsanidiin
Axmed Salaad