|
March 14,
2008
Maalintii
Taladadadii bishan March 11, 2008 ayaa
muhiimad wayn u lahayd shacbiga dagan geeska
Afrika gaar ahaan shacbiga dulman ee ree
Ogadenya, kadib markay gudi hoosaadka guriga
Senate ka Maraykanka u qaabilsan arimaha
Africa ay miiska soosaareen qodob doodeed ku
wajahnaa qiimaynta siyaasada Maraykanka ee
xaalada qalafsan ee geeska Africa, kulankan
oo uu daadihinayay Mudane Russell
Feingold oo laga soo doorto
gobolka Wisconsin isla markaana ah
gudoomiyaha gudi hoosaadka arimaha Africa ee
Senate ka Maraykanka.
Kulankan oo
lahaa dhowr qaybood ayaa waxaa lagu marti
qaaday haayado dowli ah, haayado u dooda
xuquuqul insaanka, aqoonyahamiin iyo
siyaasiyiin rugcadaa ah.
Hayadihii
qaybtii koobaad (Panel 1) ee kulankan ka
qaybqaatay ayaa waxay kala ahaayeen:-
-
Wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka
oo ay matalaysay Jendayi Frazer
oo ah xoghayaha arimaha Africa ee
wasarada arimaha dibada.
-
Wasaarada
gaashaandhiga maraykanka
oo ay matalaysay gabadh layidhaahdo
Teresa Whelan oo ah ku xigeenka
xoghayaha wasaarada gaashaandhiga qaybta
Africa.
-
Haayada horumarka caalamiga ah ee
Maraykanka oo
marka la soo gaabiyo afka qalaad lagu
yidhahdo U.S.AID. Haayadan ayaa
waxaa matalaysay gabadha la yidhaahdo
Katherine Almquist oo ah madaxa
maamulka Africa ee haayadan.
Dhamaan
masuuliyiintan ka kala socday wassaradaha
iyo haayadaha dowliga ah ee kala duwan ayaa
waxay warbixinnadoodii ku cadeeyeen mar ay
ka hadlayeen xaalada qalafsan ay shacabka
Ogadenya manta ku jiraan, ayaga oo aad uga
dayriyay dhibaatada uu gumaystuhu ku hayo
shacabka Ogadenya, dhibaatadan oo taabanaysa
dhinacya badan, tussale ahaan waxaan xusi
karnaa mar ay gabadha la yidhaahdo
Kathrine oo u shaqaysa haayada U.S AID
ay tidhi “gargarkii binii adamnimo waan
gaadhsiin la nahay Ogadenya sababtuna waxay
tidhi waa maamulka Ethiopia oo aan si
madaxbanan hayadaha ugu ogolaanaynin inay
waajibkooda gutaan” waxa kaloy Kathrine
ku dartay “dowladu waxay naga curyaamisay
isu socodkii ayaga oo nagu qasbaya inaan
warqad fasax ah maamulka kililka ka qaadano
hadaan rabno inaan meel u socdaalo si aan
shacabka tabalaysan wax gargaar u gaadhsiino,
wqaxaase naxdinlen, warqada fasaxa ihi ma
aha mid si sahlan lagu heli karo” ayadoo
hadaleedii siiwadata erayadii Kathrine
waxaa kamid ahaa “gargaarku ma gaadho dadkii
loogu tala galay ee mudnaa in lasiiyo, ayada
oo ay Ethiopia ku andacoonayso dadka anagaa
kala naqaana sidaa darted anaga nagu soo
wareejiya cuntada, kadibna cuntada waxaa
lagu dajiyaa xeryaha ciidamada ayagoo
kadibna gargaarka cuntada qaybna suuqa
gaysta qaybna u adeegsada hub shacabka lagu
gumaado ayagoon u aaba yeelaynin yar iyo
wayn”
Qaybtii labaad
(Panel 2) ee kulankan ayaa ahayd mid ay
wacdaro ka dheceen, kadib markii ay hadalka
la wareegeen masuuliyiin u dodo xuquuqul
insaanka, aqoonyahano iyo siyaasiyiin
rugcadaa ah, masuliyiintan ayaa waxay kala
ahaayeen;-
-
Dr. David Shin,
oo ah siyaasi rugcadaa ah inbadana ka
soo shaqeeyay geeska Africa isagoo ahaa
Safiir Maraykanka dalal kala duwan oo
Africa ah uga soo shageeyay, hadana ah
Professor wax ka dhiga Jaamacada la
yidhaahdo George Washington
University oo ku taala gobolka
Washington, DC.
-
Ms. Lynn Fredriksson
oo ah agaasimaha guud ee
hayada xuquuqul insaanka waa Amnesty
International u qaabilsan arimaha
Africa.
-
Col. Thomas Dempsey,
oo ah Kornayl howlgab ka
noqday militariga Maraykanka eegana waxa
ka dhiga Jaamacada ciidamada maraykanka
oo la yidhaahdo, United Sates Army War
College.
Guud ahaanba
ayadoo ay masuuliyiintii kulankan ka
hadashay ay aad gumaysiga Ethiopia u
dhaleeceeyeen ayaa waxaan marna la ilaawi
karin sida gesinimada leh ay gabadha
layidhaqahdo Lynn oo ah agaasimaha
guud ee hayada xuquuqul insaanka waa
Amnesty International ay xaalada
Ogadenya ufalanqaysay banaankana u soo
dhigtay xaqiiqada gaboodfalada ay ciidamada
maxaysatada Ethiopia u gaysanayaan shacabka
dulmanayasha ree Ogadenya. Gabadhan oo ay
khudbadeedu aad u dheerayd ayaa waxaa
hadaladeedii kamid ahaa mar ay sawir ka
bixinaysay xaalada shacabka ree Ogadenya ee
cakiran
“waxaa
xafiiskanaga Amnesty International si
isdaba jog ah u soo gaadhaya xog farabadan
oo cadaynaysa xadhiga bilaa xisaabta ah ee
lagu hayo shacabka Ogadenya oo aan waliba
maxkamadna lasoo joojinaynin edaysanayaasha,
jidhdilka shacabka iyo qaraacida ay
ciidamada Ethiopia u gaysanayaan shacabka
ayaa caadi ka noqotay Ogadenya dhexdeeda,
dilka iyo gumaadka shacabka ay ku
eedaynayaan inay taageeraan ururo
siyaasadeed hadalkoodaba daa, kufsiga aan
loo abaayeelaynin iyo falal badan oo guracan
mamnuucna ka ah xeerarka caalamiga ah ee
banii aadamka ayaa si jogta ah uga dhaca
Ogadenya”.
Khudbadii
ayadoo sii wadata Ms. Lynn waxay
tidhi “Gudidii Xaqiiqa raadinta UN ee
Ogadenya tagtay bishii August sanadkii
2007 waxay xaqiijiyeen xaalad macaluul
oo aad u daran, dhinaca kalase xog badan oo
ay UN tu ka soo arruriyeen xaga huquuqul
insaanka oo lagu tacadiyay gobolka Ogadenya
ayaan ilaa iyo eega aan caalamka loo soo
bandhigin, intaas waxaan ku darayaa ayay
tidhi Ms.Lynn, Suldaan Mohamed
Fowsi oo ah oday dhaqameed bulshada ree
Ogadenya dhexdeeda martaba sare kuleh ahna
waliba dhexdhexaadiye nabadoon ah ayay
ciidamada Ethiopia gurigiisa kalasoobexeen
oo ay xabsiga u taxaabeen bishii August
sanadki 2007 si uunan Suldaan Mohamed
Fowsi u helin fursad uu kula hadlo
gudiga xaqiiqa raadinta UN ayadoy Ethiopia
ka cabsanayso inuu Suldanku runta sheego,
ilaa iyo eegadan aan hadlayana Suldaan
Mohamed Fowsi wuxuu ku jiraa xabsi wax
maxkamad ahna lama horkeenin si loo cadeeyo
danbiga ay Ethiopia uhaysato, anagu hadaan
nahay Amnesty international
Suldaan Mahamed Fowsi waxaan u
ictiqaadsanahay inuu yahay Maxbuus si
charciga caalamka aan waafaqsanayn u xidhan”
Ms. Lynn Khudbadeedii waxay ku soo
gunaanaday “ree Ogadenya waxaa laga cuna
qabteeyay dhuunigii, socdaalkii iyo
beecsharadii arintanina waa falal aad u
foolxun oy Ethiopia kula kacday shacabka
Ogadenya si ay u gumaado, waxaase intaas ka
sii daran oo nasiibdari ah ayay tidhi Ms.
Lynn “sida aynan maamulka Ethiopia ugu
ogolayn haayadaha xuquuqul insaanka iyo kuwa
gargaarka biniiaadamka inay cagta dhigaan
Ogadenya si ay u soo baadhaan gaboodfalada
ka dhanka ah binii aadamka ee ka soconaya
Ogadenya”
Markii ay
khudbadhihii dhamaadeen waxay mudanayaahsii
Senate ku bilaabeen inay suaalo waydiiyaan
hayadihii iyo wasaaradihii kulankaas lagu
marti qaaday si ay wax uga waydiiyaan waxa
ay wasaarad kasta ka qabatay qaybta kaga
aadan qulqulatooyinka hadheeyay guud ahaan
geeska Afrika gaar haana Ogadenya.
Ayadoo ay
dhamaan gudi hoosaadka aqalka Senate ka ee
arimaha Africa ay waydiiyeen suaalo aad
muhiim u ah wasaradihii iyo hayadihii
halkaas ka hadlay ayaa waxaa xusid mudan su
aalihii uu Mudane Benjamin Cardin oo
ah mudane laga soo doorto gobolka
Maryland, uu waydiiyay masuulkii
kasocday wasarada arimaha dibada maraykanka
waa Jendayi Frazer, isaga oo uu
mudanuhu ku bilaabay su aashiisii sidatan
“Maanta waxan si aad ah u danaynayaa Xaalada
Ogadenya, hadaba wax ma iiga sheegi kartaan
meesha ay marayso Xaalada Ogadenya? Hadaad
tihiin wasaaradii qusaysay arimaha dibada
maxaad ka qabateen xaalada Ogadenya iyo
shacabka lagu tuntay xuquuqdoodii iyo
sharaftoodii binii adamnimo?
Su aalahan iyo
kuwo badan oo ay mudanayashu waydiiyeen
wasaaradaha kala duwan ee kulankan joogay
ayaynan mudanayashu wax jawaab ah oo qancisa
aynan ka helin, balse kaliya ay wasarada
arimaha dibadu ku andocootay inay wali quud
daraynayaan inay maamulka Ethiopia la
fahmaan inay ixtiraamaan ooy ilaaliyaan
Xuquuqda shacabka Ogadenya, lakiin waxaynan
Jendayi Frazer habayaraatee
soo bandhigin wax ay ka qabteen xaalada
Ogadenya ee guracan amaba waxa cad oo ay
maaganyihiin inay qabtaan, tasina waxay
fadeexad ku noqotay wasaaradii arimaha
dibada ee Maraykanka ee looga fadhiyay inay
xal ka kaeenaan Ogadenya.
Ugu danbaystii
waxay Mudanayashii si adag ula hadleen
wasaradihii iyo haayadihii kala duwanaa ee
ay ku marti qaadeen kulankan, ayaagoo aad
ugu adkeeyay inay qulqulatooyinka geeska
Africa ay wax ka qabtataan dhinaca kalana
xaalada Ogadenya inayna iska indhatirine ay
xal dhab ah ka keenaan, inata kahoraysa
kulano danbe oo ay Gudi hoosaadka Maraykanka
u qaabilsan arimaha Africa ay ku
qorshaynayaan inay wasaaradahan ugu yeedhaan
si loogala xisabtamo waxyaabaha looga
fadhiyo inay soo xaliyaan oo ay xaalada
Ogadenya kamid tahay kuwa ay sida ahmiyada
waynleh diirada ugu hayaan dowlada
Maraykanku.
Mohamed
Darbawayne,
Radio Xoriyo, USA. |