Sida aan ognahay aduun galinba waacayn.haday
umadi dhibaato kuraagto, waxaa hubaal ah
inay mar uun kabixi-doono, hadheeraato ama
hadhawaatee.
waxaan halkan ku soo bandhigayaa, qormo ku
saabsan hadimooyinka gumaysiga, gaar ayaan
midkan la'duldhigay shacabka Soomaalida
Ogaadeeniya ee madaalaha ama maquustaha ah,
iyo sida ay hada inoogu muuqato rajo ah inuu
xaqiisii helidoono.
Waxaa shacabkan siggaar ah uladiriray
gumaysigii reer Yurub,si uu u wiiqo umada
soomaaliyeed iyo guud ahaanba muslimiinta
geeska afrika, kadibna kuwareejiyay xilkii
isaga-ahaa, gumaysi madaw oo manaxaan ah.
waxay quwadaha shisheeye wali adeegsanayaan
noocyo dagaal oy kamidyihiin, iska
dhago-tirid dhibaatada shacabkan haysata,
meelkasta oy fursad kaheli lahaayeen oy
dhoobeeyaan, cadawga afrikaanka ah oy
xoojiyaan had iyo jeer,iwm.
Waxay culimada qawaaniinta umadaha iyo
cilmiga bulshada baadhaa, isku waafaqsan
yihiin inuu "gumaysigu"kamid yahay
waxyaabaha shucuubta badala,wuxuuna
kadhigayaa mid [gumaysiga] danihiisa u
adeega,wuxuu burburin gumaysigu wixii isku
xidhnaan ahaa ee uu lahaanjiray
mujtamacaasi,wixii caadooyin wanaagsan ahaa
iyo dareenkii qiimaha insaaniyada, waxaakale
oo uu caankuyahay gumaysigu inuu
kala-dagaalamo umadaha, dhinaca
tacliinta,dhaqaalaha iyo fikradaha
caafimaadka-qaba. kadibna wuxuu isubadali
mujtamaca lagumaystaa, mid aan isu-dheeli
tiray, oon isku habaysnayn,ileen waxyaabihii
isku xidhijiray waala-burburiyaye. Wuxuu
sheegay qoraagii caanka ahaa ee"Maalik ibn
Nabi" in uu gumaysigu qof-kasta oo kamid ah
shacabka lagumaysto doonayo inuu kadhigo mid
khaa'ima umadiisa, sitoosa ah ama si'aan
toos ahayn!!
Iska-dhaaf taase, waxay culimada
baadhitaanka kusamaysay bulshooyinka
inta-badan lagumaysanayay sheegeen, in
gumaysigu uu umadaha ubadalo waxkale, oon
aadane ahayn, oo qofkii oo sawricii basharka
leh, ayaa hadana wuxuu xaga hab-dhaqanka
kanoqonayaa xayawaanka oo kale. Macnihii
hab-dhaqankii duur-joogta ayuu yeelanayaa.
Wuxuu sheegay taariikhyahankii waynaa ee "IBN
KHALDUUN" in hadii uu gumaysigu kuraago
shacab, uuba iska-baa-ba'ayo, oo meel uu
galayba lawaayayo.
Waxaana hubaal ah in umadaha cida xukuntaa
ay gacanta ku hayso nooca ay noqonayso,
sidaa-awgeed, dadkeena mudo kabadan 100sano
ayaa lagu barbaarinayay wax aan dantooda
ahayn, si looga dhigo "mujtamac adoon ah" oo
lagu shaqaysto ama xataa haduu diido
kuxamaalashada, aan kollayba dantiisa
garan-karaynin, haduu gartana aan
qabsankarin wixii udan ah.
waxaakale oo ay cadeeysay cilmi baadhista
casriga ahi, in umaduhu ay ku'hormaraan
badanaa dhibaatooyinka. taas oo rajo aad
uwayn inagalinaysa.iyo iyada ooy inoo
muuqato, ifafaale shacabkeena kusaabsan, oo
midaas cadaynaya. arimahan ayaan
kufaah-faahindoonaa, qaybta 2aad ee qormadan,
hadii Alle yidhaahdo.
Siyaad Hereri
saabir95@hotmail.com
Dec 16, 2006
Qoralada hore ee Siyaad Hereri:
Badbaadada
halganka Ogadenia
|