Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Mar 10th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Spotlight Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.

Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.

E-mail Print PDF
Wargeyska lagu magacaqabo Africa International oo ka soo baxa dalka Fransiiska bishiiba mar ayaa cadadkiisi bishan May 2009 qoray maqaalka uu cinwaankiisu sare ku xusan yahay.
Ogaadeenya waxaa ka taagan dagaal xornimo raadin ah oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo mucaarad soomaali ah. Sida Daarfuur oo kale, dowlada Itoobiya gabood fal iyo danbiyo dagaal oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah ayeey Ogaadeenya ka geeysatay.

Wariye madax banaan laguna magacaabo Yannick Demoustier ayaa Ogaadeenya ka soo laabtay qoraalkana kaga sheekeenaya wixii uu indhihiisu ku soo arkay.

Marka ciidamada mucaaradka soo galaan tuulooyinka iyo meelaha la dagan yahay si farxadi ku jirto ayaa loo soo dhaweeyaa. Waxaan arkay qoys sideed ruux ka kooban oo waxa ay heeystaan oo kaliya tahay waxoogaa ari ah kuna hoyda labo aqal mudul ah. Saboolnimo hoose ayaa gobalkan la hartay. Waa goob uu dagaal ka socdo in ka badan shan iyo toban sano. Is la markiiba hal arin ayaa indhahaada ku soo dhacaya oo ah in wax rag ah aysan agagaarka magaalooyinka joogin. Ciidamada Itoobiya ayaa caruurtan aabahood laayay bishii desember ee sanadkii tagay ayeey igu tidhi haween haweenka ka mid ah. Arintani waa mid aan in badan ka maqlay dadka Ogaden degan oo aan meelo kala duwan kula kulmay, haweenka iyo caruurta meel cidla ah ayaa looga tagay. Ciidamada Itoobiya waxey Gobalka ka abuureen xaalad argagax ah iyaga oo laaya raga. Arintani labadii sano ee ugu danbeeyay ayeey ciidamadu kor u qaadeen leeynta raga.

Wariyayaalka, heeyadaha aan dowliga ahayn iyo kuwa caalamiga ahba looma ogola in ay Gobalka Ogaden cagta dhigaan. Itoobiya Ogaadeenya way ka jartay dunida inteeda kale. sida kaliya ee lagu gali karo waa in aan habeeno iyo habeeno badan guureeysaa, wadooyinka oo dhan in la maro ayeey Itoobiya mamnuucday. Ma heysano raashin ciidamada doowlada ayaa xoolihii naga laayay, Xasan oo ah Oday da’ah ayaa hadalkiisa intaa ku soo koobay isagoo ku daray waxaa inoo haray waxoogaa geel ah, beerihii ayeey naga gubeen dawano ma heeysano.

Dagmadan dad sodomeeyo ka yar ayaa ku nool intii kale dhamaan naftooda ayeey ula carareen dhulka buuraleeyda ah ama meel ka baxsan Ogaadeenya sida Kenya, Jabouti ama meelo ka mid ah Soomaaliya. Bishii Janaayo ee sanadkan boqolaal askarta Itoobiya ayaa dagmadan timid waxeey dileen dad kor u dhaafaya 250 ruux. 150 ka mid waxeey ahaayeen haween iyo caruur. Meeydadka qaar lama aasin iyagoo wada dhan sababtoo ah xubnaha qaar ayaa maqnaa, waxeey ciidanka Itoobiya dadka u jarjareen sida dhurwaa hilib kala boobaya oo kale. Iridaha qaar ee xaafada quful ayeey ku xidheen si shacabka ugu muujiyaan in goobta ka qaxaan, Odeygan da’da ah ee goobjooga ahaa ayaa isagoo ilmeenaya hadalkiisa intaa ku soo gabagabeeyay.

Umad aan Itoobiyaan ahayn.

Shacabka Ogaadeenya waa dad Soomaali ah diintooduna Islaam tahay. Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya (JWXO) waxaa la aasaasay 1984, una halgameeysay kolkii ugu horeeysay xukun daaqila sax ah ka dibna u weecatay xornimo raadin taam ah. Shakiga ah in aad JWXO taageersan tahay waxey si toos ah ku galineeysaa xabsi halkaa oo uu jidh dilku ka yahay sheey caadi ah joogtana ah. Waa wixii ku dhacay Axmed kaasoo ku soo biiray ciidamada JWXO sanadkii 2001 ka dib markuu ku soo qaatay afar sano  oo xadhig ah xabsiyada Itoobiya.

Anigoo qarka u saran dhameeystirka waxbarasho magaalada Direrdhawe, ayey i qabteen iguna eedeeyeen in aan JWXO ahay wey I garaaceen ina jir dileen mararka qaarkood koronto igu qabanayeen. Sababtan darted ayeey dhalinyaro aad u tiro badan ugu soo biiraan jabhada. Itoobiya waxeey isticmaashaa wax walbo oo dunida ka mamnuuc ah.

Geeska ugu shisheeya magaalada Galaalshe, waxaad ku arkeeysaa dhagaxyo is dul saaran muujineeysana xabaalo wadareedyo kana marqaati kaceysa xasuuqa Itoobiya ka geeysato Ogaadeenya. Qabri walba halkan ugu yaraan 50 qof ayaa ku xabaalan  ayuu ii sheegay ruux deegaanka ah. In ka badan 1500 qof ayey halkan ku dileen labadii bilood ee ugu danbeeysay. Bal eeg iskuulkii waxeey ka soo reebeen gidaarkii kaliya, farmashigiina dhulka ayeey dhigeen ayuu ruuxani hadalkiisa sii raaciyay isagoo xaafada biyo u soo doontay cabsina u dheer tahay, sidoo kale dhacdooyinkan oo kale ayaa inta aan Ogaadeenya ku guda jiray la ii la soo dhawaanayay.

Shan askarta Itoobiya ah ayaa i kufsatay ayeey ii sheegtay Farxiyo oo 19 jir ah, wiil yar oo lix bil jir ah oo aan dhabarka ku sitay feer ayuu dhabarka kaga soo tuuray ka dibna dhagax maskaxda banaanka kaga keenay. Galaalshe sida dagmooyin kale oo tiro badan waa cidla qaarkood waa la gubay danbaskii ayaa weli ka qoyan.

Itoobiya Mareykanka ayaa saaxiib dhow ka dhigtay si waxa argagixisada loogu yeero ula dagaalamaan siiba Soomaaliya. weerarkii Itoobiya ku qaaday Soomaaliya waxey uga gol lahayd niyad jabinta JWXO. Dagaalka hubeysan ee Ogaadeenya wuxuu biloowday 1994 kolkaa oo ay JWXO ahayd urur siyaasadeed maankana ku hayay xornimo u raadinta Gobolkooda, Itoobiyana dil iyo qaarijin ku biloowday siyaasiyiin reer Ogaadeenya ah. Wuxuuse cirka is ku shareeray weerarkii jabhadu ku qaaday ceelkii shidaalka halkaasoo 74 lagu dilay 9 shiinees yihiin inta kalana Itoobiyaan. Itoobiya JWXO waxeey ku sheegtaa in ay argagixiso yihiin. Midowga Yurub iyo Mareykanka fikradaa ma qabaan.

Dagaalkayagu wuxuu ku wajahan yahay Ogaadeenya oo kaliya sidaa waxaa yiri Faarax oo ah taliyaha ciidan 2500 ka kooban aaga Jigjiga isagoo ciidii dhulkiisa hooyo cantoobsaday. 2007dii John Holmes oo Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ayaa xaqiijiyay in hal qof afartiiba dacdari ku heysato Ogaadeenya, xaaladu wey ka sii dartay. Waa in dunidu ogaataa waxa Melez halkan ka sameeynayo, waa in xasuuqa uu ninkani dadkayaga ku hayo ogaataa Qaramada Midoobay kana hadashaa, waa in John Holmes soo noqdaa ayuu Faaarax yiri.








Qoraalkii Yannick Demoustier
Africa International
430 April 2009
............

Turjume: Cabdulahi Yare
Comments (23)Add Comment
0
...
written by C/QADIR, May 21, 2009
what the job???????????
waxaa ku mahadsan cidii meesh gaysay wariyaha ka soo waramay ogadenia cidaas oo runtii qabatay shaqo aad muhiim u ah waxaana loo bahanyahay inaan warka wadankeena banaanka innagu keenno cidkale oon ka sugno majirto markale yaan u mahad celinayaa geeyaha,ilaaliyaha,keenaha iyo turjumahaba dhamaan.
ALLAW DALKU UU XOROOBO.
0
Congratulation to Africa international media
written by Eng.hassan, May 21, 2009

we congratulate every coming trying to bring out the reality that happening inthe dark land of ogadenia that Ethiopia closed to torture my people and kill to reach their goal of colonizing my land ogadenia the(dhulki jarafta ) Africa international and other industry of media or journals that emphasis show situation in ogadenia will be the one who will get the answer when the independence comes to the picture and brave ogaden national iberation fort (jwxo) win insha allah and we are the side of you if we are ogaden diaspra or exiled or forced to leave our land ogadenian land we will be one. and work as one
0
Guul iyo Gobanimo
written by Axmad, May 21, 2009
Xaq u dirirka jwxo way guuleysan goor dhaw insha Allah.
0
wa xaqiiqdu say tahay
written by shanka roon, May 22, 2009
soo shaac bixinta xalaada dalkeena inaga ayay nagu xidhantahay hadaan nahay umada rer ogadenia ee dibada soo jirta. marka hadaynaan hadlin cidi inoo ma hadlayso. ee shacbigeena tashada...waynu oganahay waxaa ka jira iyo dhibka ahaysta dadkeeni....cirooliyo,caruur, rag iyo dumar; gabdh iyo wiil yaynaan ukala hadhin oo ragaa iyo gabdhahaa hubka qaaday garabkooda cidlaynin...

dadkii wariyahan meesha geeyay iyo kii tarjumayna waad mahadsantahay arintaasina halganka ayay ka mid tahay.
0
Rajo
written by qawdhan, May 23, 2009
waxaa muuqata rajo wanaagsan waxaadna moodaa in ay soo dhawaatay wakhtigii xoriyaddu e halganka halkaas ka sii wada walaalayaalsmilies/smiley.gifsmilies/smiley.gifsmilies/wink.gifsmilies/wink.gifsmilies/wink.gifsmilies/wink.gifsmilies/wink.gifsmilies/cheesy.gifsmilies/cheesy.gifsmilies/cheesy.gifsmilies/cheesy.gifsmilies/cheesy.gifsmilies/grin.gifsmilies/grin.gifsmilies/grin.gifsmilies/grin.gif
0
Our Goal Is clear
written by Abdullahi Sijuwi, May 28, 2009
first and foremost i would to pass my greetings and congratulations to Our beloved Military in which they stand day and night to serve their People .the fact is not only for the journalist but everything they do for the sake of Ogadenia....Onlf is everything to us no matter what others say about it . Onlf For ever
thankx all.
0
ha xorowdo ogadenia
written by muwadinka ogadenia c/raxman sugule, May 28, 2009
jabhada wadaniga xoraynta ogadenia waa iftiinka umada reer ogadenia ee kaliya waxay matalaan aayo katalina dadka dalka iyo diinta ilahay ee umada reer ogadenia waxaa uqadisa in noqdo la raaco lataa geero lana jeclaado waxna lataro waxna loodhiibto waxna lagu aamino waxna lala ahaado waxna lala wadago waxna laga ahaado waxna ay kanoqdaan onlf jwxo hanoo laato hajirto hajoogto hadhisnaato guusheeda ha hanato waxan utac siyaynayaa qofaka aan ahayn onlf waxaan ka fogaanayaa qofaka aan ahayn onlf ee wadanka ogadenia matala onlf oo uu hada madax kayahay maxamed cumar cismaan waa jabhad haysa dariiqii saxda ahaa ee mujaahiyadeed kana dhisan maslaxa siyaasadeed ee dunida xaga magaca ogadenia xaga istaratijiyadeed iyo waliba dariiq kasta oy ku gaadh siin karaan aayo katalinta umada reer ogadenia ee nacabka gumaysiga itoobiya curyaamiyay digniin dadaw hagalin hana miiq miiqan meel aan kula ekayn waxaan uga jeedaa itoobiyaanu colownaye kuna wajahanahaye hanoo soo raacin hana soo garab galin cid kas tood tahay ama matasho hadii kale hadal la aanbaan hortaada kaa tusi wax umada reer ogadenia haw midowdo cadaw geeda guulaysta walaalayaal
0
zxcvbnm,adfgshjklwertyuiop
written by amran, June 12, 2009
zxcvbnmasdghjklwertyuiop
0
dont know
written by amran, June 12, 2009
i dont know what there saying but they said y namesmilies/grin.gifsmilies/angry.gifsmilies/sad.gifsmilies/shocked.gifsmilies/tongue.gif
0
124
written by abdi rahman mohamed ahmed, July 02, 2009
waxaan ahay wiil u dhashay soomali galbeed waxaan marakasta ka dhiidhiyaa gumays taha tigreege ee wadankayaga gumaysiga xad dhaafka ah kuhaya inshaa alaah ilaahay waxaan karajyanayaa inaan xornimo kuwaarno dhamaana walaalhayga gumaystihu dhakadakaga tagan yahay waxaan u udirayaa hambalyo iyo bogaadin byeeeeeeeeeee
0
waan idin salaamay walaal yaal owshu wax yar baa dhimane halganka haguulaysto ayaan leeyahay
written by luqmaan cabdi, July 03, 2009
waxaan halkan kasheegayaa in uu hal ganka wax yar kahadhay oo mar dhow gobanimo laheli
0
guul
written by adoon ilahay, July 04, 2009
waryaa noo soo gurmada ilahay dhibatada iyo xasuuqa dadkayga kaqaad adigaa na uun tee
0
...
written by Baaja max,ed, July 24, 2009
waxaan halkan kasalamayaa dhamaan omada reer ogadenyaa
waxaan halkan oga mahad calinayaa cidii gaysay wariyahay faransiiska
waxaan leyahay ku dadaala sidii dhibkeena loo ga ogaan lahaa aduun weynaha
ilahayna ha inala garabqabto ilaah isgaa caasaa wajala ah ee xornimo hanasiiyo
aamiin aamiim aamiin walalayaal isku duubnaada isku mowqaf ahaada
0
JWxo
written by hibo halgan, August 19, 2009
ogaadeniya cidii ahee dhibaatada na haysataa arkee ayaaheena jecel in´aan nabad iyo dhulkeeni oo xora ku waarno yeysan maanta waxba kala hagran
0
Waa waajib
written by yaa, September 02, 2009
Nin kas dhulkiisa waxaa wanaagsan in tuu uu dhulkiisa kaga noolaan laha si gumaysiya waxaa dhaanta in uu ku jooga dagaal,
taas micnaheedu waxa weeye halganka adag ee ay ku jirtu ogadeniya, mid dhamaanaya ilaa inta laga gaarayo waxa ay tiigsanayaan. aduunka kama dhicin dad udagaalama dhul iyo diin oo ka tanaasulay, maxaa yeelay haday katanasulan xagay qaban, kunoolaan dadkaas.

waxaan ku soo gabagabayn Ethopiaya ayada un baa ku lu go'e ee mahan umada lagumaysan, waxaana dhici doonta maalin maalmaha ka mid ee oo ay soo bax do waxa ay duurka ugaleen umadaas oo calankooduna meelkast oo dalka kamid ah ka baban,.

aamin aamin aamin.
0
...
written by siciido, September 18, 2009
waa runta walaale iyaga ku daali ee ma tirtirikaraan nation dhan si ay u helan dhul aysan lahayn, eega gabagabadii halganka ayaynu joognaa insha allahna waa la isracin inta hadhayna gobanimo saansaanteed ayaa nahaysee yaan loo kala hadhin gidigeen. guul iyo gobanimo.
0
...
written by sayed, September 19, 2009
haahaysmilies/smiley.gifsmilies/wink.gifsmilies/shocked.gifsmilies/shocked.gifsmilies/shocked.gifsmilies/sad.gif
0
...
written by nabil, October 03, 2009
illahay waxan kabaryayna smilies/grin.gif allaha deeqda bexiya guumaisega nadaa shaday alla inu naga dulqado
walal yal bulshada reer ogadenyay waxan ideen rajay naya 2010 toobanka dhagi hiino inay maqlan wankali
aan dhar daaran anfraya daad ka reer ogadenya dhalaqab sadye midnimo iyo ismaqal walal heena guudha kujira dadal koo di way soo bexeen daad
smilies/smiley.gifsmilies/smiley.gifsmilies/smiley.gifsmilies/smiley.gifsmilies/smiley.gifsmilies/smiley.gifsmilies/smiley.gifsmilies/smiley.gifsmilies/smiley.gifsmilies/smiley.gifsmilies/smiley.gif
0
...
written by dahir, October 12, 2009
wlaalayaal ilaahy guul hay din siiyo...shacabka reer ogaadenya o wlaalaheena dhib bay gaalada cadowga ah ku hayaaan ee ilaahy dhibtana haka saaro,,,,,kuwa u halgamayana janatul firdawsa allah haka waraabsho....anigoo ah reer puntlaand ayaan wxaan aad uga xumahay dhibaatooyinka shacabka ogaadeen loogu gaysanayo gudaha iyo dibadaba,,,,,sida wixii ka dhacay gaalkacyo oo kale.........hadana shacabka reer puntland maanta ayay indhahooda ku arkeen wxa lagu hayo wlaalahood,,,,,wxaana leeyahy hiil iyo hooba halala garab istaago,,,o jihaadka halala galo wlaalaheen..........viva ogaadeenya 4ever
0
...
written by ugaas, October 21, 2009
bismilahh waxasaaan leeyahay sokeeye iyo xigalkoow xasuuqiii kadhacay xarumihii ogadenya waaan kaxumahay xinijirtaa ladaadshay iyo dumarkaas laxoogay waa xubin jirkkaygoo xabadi kutaal xalal caleege malado xorimaan tiigsanayaa inshalahuye way iman walalale dadalaka wada waana lagumaaday dadkaygii
0
anigoo dagan danood iyo jarar iyo jiinka wabi shabeele ayaa jini waabay wata ihaleelay
written by ugaas ,dulmane, November 05, 2009
kadhidhiya dadkaygoo gumaystah dhalaan laahaya wayanada dhadig iyo laboodiyo dhalinyaro iyo waayeel mina aanan dhaafaylakiin ilaahey ayaan karajaynayaa xornimo amiin maanata waan qoslayaa waan faraxsanahay waayo waa xorimadii ogadenya inshaa alahuye ALHAYOO DAKAYGII INTA AADAY DIBADAHA DACALADA ADUUNYADA DAADASAN OOQAXOOTIYA MAHELAAN DARYEEL WACAN GUMAYSI NA USII DAWARSIGA SHISHEEYAH WAXAABA IIGASII DARENEEY GUMAYSIG IHASTEE DAKAYGIINA DABAR JARAY DAAIMOOW ALAHYOOW GAALKAN IGA DUQAD writteng ugaas .nig name is dulmane
0
salaan
written by maxamed, December 30, 2009
walalayal wad salamantihiin waxaan uumahad ceelinaya walalaha fahamay halganka iyo xaqooga kamaqaan waa ilahay mahadii inta kalana ilahay haa garan siiyo dalkoda iyo dadkoda iyo diintooda amiin amiin
0
mr
written by thomas, January 16, 2010
Ethiopia Govenment must come down from his authority.why european commissioner look quit?

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Thursday, 21 May 2009 02:54 )  
 

Studio Xoriyo: Music and Interviews

Please update your Flash Player to view content.
Please update your Flash Player to view content.
Banner