Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Friday
Mar 12th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Spotlight Siminaar loo soo xidhey Ururka OYL ee Finland

Siminaar loo soo xidhey Ururka OYL ee Finland

E-mail Print PDF
Maalinimadii Sabtida 06-06-09 ayaa waxaa magaala madaxda wadanka finland ee Helsink lagusoo gabagabeeyay shir dardaaran iyo siminaar ahaa oo ay qaar kamida G/fulinta OYL u qabatay urur hoosaadka wadanka Finland ee dhalinyarada

Shirkaas ayaa waxaa lagu qaadaa dhigay sidii loosii xoojin lahaa midnimada iyo horumarinta dhalinyarada wadanka finland. Shirkan ayaa ahaa mid aad ay ula dhaceen ururka dhalin yaradu halkaas lagu gudoonsiiyay abaal gud guud oo urur ahaan loosiiyay maadama ay si hagar la aan ah ugudteen hawshoodii ururnimo

Waxaa halkas laysku waydaarsaday aqoon iswaydaarsi iyo dood cilmiyaysan oo ay labada dhinac ee finland iyo maamulka guud ee OYL ku qaadaa dhigayeen sidii loosii xoojin lahaa hawlaha dhalinyarada Ogadenia ee kukala baahsan aduunka

Shirkan ayaa waxaa iyana cashiro kabixiyay Eng. Axmed Cali (Axmed Jamaal) oo ah khabiir ku xeeldheer arimaha maamulka & maaraynta.
Comments (5)Add Comment
0
...
written by Rooda Xoriyo, June 15, 2009
walleeeee reeer finland innaba caaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaadi ma nihin
0
dhalinta reer ogadenia waybaraarugeen alloow guulee
written by Yusuf Ahmed, June 15, 2009
ASC dhamaan umada reer ogadenia waan salaamay
salaanta islaamka bacda salaan waxaa ifaysa xoriyadii mar haday kakeceen dhalintii reer ogadenia hurdadii ooy u istaageen in ay xoreeyaann dadkooda dulman,xoriyadii way bidhaamaysaa ee dadaalka siilaban laaba guul midnimo iskutashi allaahu akbar
yusuf finland

0
Dhamaan dhalinyarad reer ogadeeniya hambelyaan idin leeyahay!
written by ebyan ogaden, June 17, 2009
Mansha Allaah dhalinyarada reer ogadeniyo meel kasto oo ey joogen wey ka kacaan hurdadii Allena ha u siyaadiyo diintan hanagu sugu dhamanteen, ilaan iyaad meel lagu gaaraaye aamin. koley wixii ka dhacay finland inem lama oron karo shirbuu ahaa, koley anigau wax aan ku tilmaamo garan waayey mar waxaan is dhehaa maleh riyeeyba aheyd, koley waxaa daraami karo qofkii meesha joogay farxadaas marna oohin leh marna nabad iyo reeyn reyn leh. koley dadkii joogay waxeey oogu magac daraan shirkii xoriyada waa mahad ilaahay oo noo soo hoyadey. dhamaan dhalinyarad reer ogadeniya meelkasto oo ey joogaan hambaye ayaan leeyahay halkeesna ka sii wada shaqada wanagsan ee aad qabateen, ilaahayna waxaan ka rajeyn in aan bishan bishaada aan ku wadda caano dhanno dalkii hooyo xor ah insha Allaah.
0
I love Ogadenia
written by Abdiwahab, June 17, 2009
well done Ogaden youth in finland and also the Ogaden heroes in Minneapolis. keep the hard work and remain strong now and forever. insha allah we will celebrate the victory of our beloved country soon.
0
hamabalyo
written by ogaden boy, July 03, 2009
waxaan uhanbalyaynhayaa dhalin reer ogadenia ee finland samanarka ay sida wacan uqaateen kuna baraarujiyaan dadkooda hor umarka iyo isku duubnida

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Tuesday, 09 June 2009 03:56 )  
 

Studio Xoriyo: Music and Interviews

Please update your Flash Player to view content.
Please update your Flash Player to view content.
Banner