|
|
|
|
|
Ragga la
iibsaday maxaa loo inkiray, ma amaah baa lagu bixiyay |
W/Q Xaliimo Ibrahim
kamaydho@yahoo.com
29 April, 2008
Waxaa Geeska Afrika ka jirta dhibaato xoog
leh oo si aad ah looga dheehanayo
dhibaatadaas waxa sababta u ah dadyawga
Geeska Afrika ku nooli way ogyihiin cida aan
qirsanaynina way is diidsiinaysaa ama waysan
ku baraarugin wayse aragtaa.
Waxa dhibka jira lagu xalin karo waa
qadiyada Ogaadeenya hadaba si aan taas
ahmiyad loo siinin shucuubta Geeska &
indhaha caalamkana loo marin habaabiyo
gumaysiga Itoobiya oo ku can baxay dhul
badhaadhsi iyo dagaal joogto ah wuxuu ku
faafay gayiga Soomaaliyeed isagoo u sii
maray wadooyin dhawr ah oo ka dhashay
burburkii qarankii Soomaaliyeed.
Taliska Adis ababa wuxuu gacanta ku dhigay
in badan oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka
mid ah quluubtooda wuxuuna u carbiyay dhaqan
xumada, maamuus, la’aanta & xishood yaraanta
oo intuba isaga agtiisa tayo kaleh. Wuxuu
tartansiiyay ficil kooda isagoo colaado
dadban ka dhex huriyay si ay isugu
mashquulaan isagana ay ugu sii dheeraato
mudada uu shacabka Ogaadeenya ee keenadiidka
ah sii gumaysan. Waxay ardaydiisu u
baraatmeen Itoobiyaanimadii waagii hore
laysku caayi jiray ee ay Soomaalidu isku
odhan jirtay ruuxa la fogaynayo waa Amxaar
Nin waliba wuxuu ku dhaqaaqay wixii loo
diray si uu ugu raali noqdo Malas oo ah
ninka ay talada maroorta ee Itoobiya &
xasilooni daraduba gacantiisa ka soo fusho.
Arintaasi waxay Soomaalidii dhaxal siisay
cawaaqib xumada maanta gacanta lagu hayo &
mid wali lagu sii socdo Hadaan u dago
ujeedada qoraalkan oo ku foorara dadka
Ogaadeenya ee dhulkooda ku dulman iyo sida
ay Soomaalida kale ula dhaqanto.
Kolka ay umadi geedi tahay waxaa jira
dhibaatooyin & dhama badan oo hayaanku keeno
sidaas darted dadka Ogaadeenya inay dadyawga
dariskooda ah hagardaamo kala kulmaan waxaa
sabab u ah raadinta gobanimada qaaliga ah oo
ka shishaysa hirig faraabdan qasabna ay
tahay in loo jiidho.
12 sano ayaa laga joogaa xiligii ay
bilaabatay iibinta dadka Ogaadeenya arintani
wagaas ay shacbka Ogaadeenya ku bilaabatay
ka hor Soomaalida dhexdeeda kama jirijirin
waxayse noqotay xiligaas wixii kadambeeyay
wado furan oo loo maro dhogorta dadka
Ogaadeenya sidii loo heli lahaa. Arinta
waxaa jideeyay Maamulka W/Galbeed Soomaaliya
oon ku hakanin kol & laba toona waxaana
xaqiiqo ah inay dunuubta kadhalatay & ta
kadhalan doontaba iyagu mas’uul ka yihiin
aduun & aakhirba.
Waxaa 22 April 2008 wadadii loo jideeyay
maray Maamulka W/Bari Soomaaliya oo cadawga
macangaga ah Tigreega gacanta u galiyay
mas;uuliyiin ka tirsan Jabhada Wadaniga
Xoreynta Ogaadeenya Arintan oo ahayd mid aan
laqabsaday oon igu cusbayn kolkaan maqlay
waxay ila ahyad dhacdo caadi ah oon filayay
waxayna qalbigayga ku abuurtay inaan ku sii
karaar qaato kuna dhiirado kaqayb qaadashada
xoreynta Ogaadeenya si loo dadajiyo
dhamaystirka guulaha aan la qarin karin ee
halganka xaqa ah uu ku talaabsaday.
Waxay ahayd wax aad ii cadho galisay
waxaanse isku qanciyay oon dib u xusuustay
inay tahay wax horay noo soo martay dibana
lagayaabo inay noo soo marto iyadoon ku
saleeyay oo kaliya mid kamid ah falalka
gumaysiga Itoobiya & gacanayrihiisa oon
ogahay sida ay maanta u galayaan caruurta &
hooyooyinkii Soomaaliyeed ee ku naafoobay
colaadii sokeeye.
Intaas kolkaan anigu isku qanciyay waxaa soo
baxday oo aan qaadan waayay in ay Maamulkii
Garoowe ee ragga iibsaday dafiraan oo ay ku
tilmaameen been aan waxba ka jirin arintan
dafiraada ah ayaa iiga xanuun kulul
dhiibistii hore.
Hadaba waa mucjiso aan hubo in ay igla
midaysan yihiin dadka Ogaadeenya ee xalaasha
ah ayna la reemayaan waa arin aan kabaxaynin
maskaxda wadaniga Ogaadeenya taariikhina ah
waa arin reer Garoowe book cusub oo madaw u
furtay.
Soomaalidu way is dili jirtay waligeed
maamulka Hargaysa ayaa soo kordhiyay is
iibin
Maantana Maamulka Garoowe waxay iibintii ku
soo kodhiyeen inkiraad hadaba waxaan qaadan
la’ahay cid iga qancisana aanan wali helin
sababta loo dafiray ragga cadawga loo dabray
miyay qarsoomi karaan Ragga waawayn ee
duhurka la iibiyay waxar ayaaba hadad qalato
habeen gudcur ah aan raqdeeda laqarin karine
sidee loo dadi karaa rag qoodh & xeraale ah.
Mise maamulka Garoowe waxaan la siinin
kharashkii lagula heshiiyay oo amaah ayay
Mas’uuliyiintanadii ku bixiyeen oo sidaas
darted ayaa loo dafiray? mise maamulka
Garoowe wuxuu rabaa inuu ONLF & Tigreega
labadaba kanabad galo?
Waxaan aad uga xumahay dhacdadan foosha xun
ee naloo caadaystay ee maalinba maalinta
kadambaysa lakobcinyo waxaana lawada ogyahay
maamulada kajira gobolada soomaaliya in
aysan anaga & Itoobiya dhexdhexaad noo ahayn
oo ay door bideen in naloo mijin qabto
gumaysiga waana laxisaabtami sikastaba ha
ahaatee reer W/Bari kol haday nadileen na
iibsadeen hadana nadafireen wax u hadhay
majiro Ogaadeenya ayay talo u taalaa.
Waxaan ka codsanyaa dadka Soomaaliyeed een
iygu damiirkoodii dhiibin inay ka fikiraan
waxa naloo gaysanayo & waxa aanu raadinayno
waana muhiim in aad loo darso falalka dadka
Ogaadeenya loo gayasnayo waxa kadambeeya &
cida mas’uulka ka ah. Ninkii moodaya in
halgankanaga loo leexin karo meelkale
waxaanu u sheegaynaa in hadafaknagu yahay in
aanu ka madax banaanaano gumaysiga aanaan
waxba wadaagin ee doolka noogu yimid cidii
xabada dhamacad ah ee wiilasha tigeega ah ku
dhacaysa isaga dhigaysa waxaanu leenahay
kajoog hadii ay maqli weyadna waxa laga hor
joogaayi waa taraysada ay u adkaysan
layihiin Aabsiiniyiintii ku riyoon jiray
inay awood leeyihiin.
Waa wax cad oo taariikhda laga bartay in ay
guushu kudambayso gacanta halgamaaga
sharafta umadiisa difaaca guul darada &
hooguna ay ku dambayso gumaysiga & dabo
dhilifkiisa hadaba shacabka Ogaadeenya ee
geesiga ah & Jabhada Wadaniga Xoreynta
Ogaadeenya ee hormuudka u ah waxaan kula
dardaarmayaa in loo adkaysto maalmaha adadag
ee imtaxaanka ah lana dardar galiyo halganka
lagu xoreynayo ciida Ogaadeenya ee daahirka
ah.
Cidkasta oo dhibaataysa shaacbka Ogaadeenya
& halgankiisa xaqa ah way kadharagsantahay
wayna filaysaa jawaabta loo soo wado.
Garoowe & Nasiibkeed
Xaliimo Ibrahim
kamaydho@yahoo.com |
|
|
|
|