Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Shir kadhacay magaalada korsten ee koonfur Afrika
May 03, 2008 Waxaa magalaada Korsten ee dalka Koonfur Afrika ka dhacay maalintii 29.4.2008 shir ballaadhan ooy soo qaban qaabsiay Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeeniya ee Koonfurta Afrika.

Shir kaas oo dadwayne badani kasoo qayb galay ayaa uugu horaynba lagu furay wacdi diini ah
sheekhii wacdiga soo jeediyay ayaa aad uuga hadlay siday lagama maarmaan utahay inay adadku wanaaga is amarto xumaantana iska reebto.

Wacdiga kadib ayaa waxaa khudbado wax ku ool ah kasoo jeediyay halkaas Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeeniya ee Koonfurta Afrika Halgame Xassan Aw-cabdi, Shariif maxamuud Mahdi oo ku hadlayay magaca Odayaasha Ogaadeeniya, guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Axmed Haaruun.

Sheekh Cabdullaahi sheekh Aadan oo kamid ah Culima-udiinka Ogaadeeniya. Dhammaan masuuliyiintii kahadashay madasha shirka ayaa waxay iskaga daba noqnoqdeen siday lagama maarmaan utahay inay ummadu umidowdo sidii la isaga dulqaadi lahaa cadowga soojireenka ah ee itoobiyaanka ah.

Gabagabadii ayaa lagu ballamay in lasii laban laabod adaalka lawado markaas kadib ayuuna shir guddoonku mahad celin usoo jeediyay kasooqayb galayaashii kuna dhawaaqay inuu shirku xidhanyahay

Ogaden Online News
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.