|
Waxaa arrin
laga murugooda ah dhacdada foosha xun ee
Garowe ka dhacday 22kii Abriil
2008. Maamulka Puntland, isaga oo ku raali
gelinaya taliska dhiigya cabka ah ee Addis
Ababa ee ku xusan taariikhda in uu yahay
cadow manaxaan ah gacanta u geliyey
muwaadiniin Somalida Ogaadeenya ah. Waxaa
kale oo Maamulkaasi xabsiga Boosaaso si
silic ah ugu dilay muwaadin ka tirsan
jaaliyadda Soomaalida Ogadenya ee ku noolaa
Bosaaso. Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay,
xidhiidhka maslaxada dhinacyada badan ee
labada shacab ee walaalaha ah ka dhexeeya oo
ay dhacdadani si weyn u dhaawacayso. Taas oo
markhaati u ah maamulka Garowe inayna
masilin danaha shacabka soo doortay ee ku
nool Puntland.
Taliska gacan
ku dhiiglaha ah ee itoobiya kama oomana (ma
ka gaajaysna) dhiiga shacabka aan wax
galabsan ee Somalida Ogadenya. Wuxuu si
raxariis darro ah u gumaadaa shacabka aan
difaaca haysan. Waxaa xabsiyada gumeysiga ka
buuxa kumaan-kun Soomaalida Ogaadeenya ah.
Ujeedada ay gumeysatada Itoobiya ka leedahay in
masuul ama muwaadin Reer Ogaadenya ah laga soo
qabto Puntland ama gobol gobolada Soomaaliya
ka mid ah waa:
1. inay colaad
la dhex dhigto labada shacab ee walaalaha ah
sida ay Shacabka Jamhuuriyadda isugu
hubaysay ee colaadda sokeeye u dhexdhigtay.
2. Isku
daygeeda inay la kaashato Soomalida
burburinta halganka xaqa ah ee shacabka aan
la loodin karin ee Soomaalida Ogaadeenya ugu
jiro xaqa aayo ka talintiisa. Taas oo ay
geed dheer iyo geed gaabanba u fuushay,
horeyna ugu dhaqaaqday hase ahaate ku guul
daraysatay.
Maamulka
Garowe ujeedada Itoobiya inay darsaan ama
fahmaan iyo natijada ka iman karta wax xil
ah iskama saarin. Waana arrin nasiib darro
ah oo naxdin leh.
Maamulka
Puntland waxaad moodaa inayna ku baraarugin
xaqiiqada ah inay Itoobiya tahay cadowga
koowaad ee shacabka Soomaali oo dadka
Puntland ka mid yahay. Waxaa kale ooyna
fahmin in Taliska Addis Ababa waqtigiisii
maalmo la tiriyo ka hadhay uu san ahayn kii
maanta loo sujuudi lahaa. Waxaan u aragnaa
in Maamulka Putland khaatumada iska xumeeyey,
talaabadaa uu qaadayna ayna marna
hakinaynin halganka Gobonimadoonka shacabka
Ogaadenya. Waxaan aad uga xunahay
shacabka aan walaalaha nahay ee ku nool
Puntland oo innaba aan ka diirin ganacsiga
iyo dilka uu maamulkoodu ku hayo dadka soo
magan galay ee cadowga naxdinta daran ka soo
cararay.
Sidaa darteed,
anaga oo ah Midowga Jaaliyaddaha Ogaadeenya
ee Yurub (MJOY) waxaan cambaareynaynaa
falkan foosha xun ee maamulka Puntland uu
gacamaha dhiiga leh ee gumeysiga Itoobiya u
geliyey muwaadiniintaa dhulkooda martida ku
ahaa. Waxaan balan qaadaynaa inaanu garab
taagan nahay shacabka geesiga ah ee u
istaagay aayo ka talintooda.
Waxaa u
sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa garab
taaganba in guusha kama dambaynta ah uu
leeyahay xaq u ririka Ogaadenya. Waxaan
calaamka ugu baaqaynaa inay cambaareeyaa
falka xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee
Maamulka Puntland ku kacay ee dad aan dambi
iyaga ka gelin cadowgooda u dhiibay.
Contact :
mijoyurub@gmail.com |